Dollo Addo Hospital Rasmi page

Dollo Addo Hospital Rasmi page Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dollo Addo Hospital Rasmi page, Hospital, Dollo Addo Town, 03 kabele, Addis Ababa.

Dollo ado hospital is among the functional hospitals which are located in somali regional state and it is based in dollo ado woreda ,liban zone with catchment population of 700,000.

17/11/2025

Farriin Muhiim ah !!!
Sida aas maqasheen ama aas lasocotiinba Dalkeena gaarahaan Deegaanka konfureed(Southern Region) magaalada Jinka waxaa ka dilaacay Cudurka Marburg Fayraska. Hadaba waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa Farriin Muhiim ah oo la xiriirta cudurkan.
Waa Maxay Cudurka Marburg?
Cudurka Marburg virus waa xanuun halis ah(88%Dilaa ah) oo uu keeno fayraska Marburg. kaas ooy isku qoysyihin fayraska Ebola.
Sidee ayuu ku Faafaa?
Fayraska Marburg waxaa faafiya:
• Kibilaayda ama Fiidmeerta nooca looyaqaano Fruit bats gaar ahaan nooca looyaqaano Egyptian fruit bats (Rousettus aegyptiacus).
• Qof cudurka qaba oo la taabto:
 Dhiiggiisa
 Mataggiisa
 Candhuuftiisa
 Kaadidiisa
 Dhididkiisa
 Iyoo Dhacaanadiisa kale
Calaamadaha Lagu Garto cudurka Marburg Fayraska
 Qandho daran
 Madax-xanuun xoog leh
 Murqa xanuun
 Matag iyo shuban
 Indhaha oo casaan noqda.
 finan
 Dhiigbax sanka, ciridka, ama maqaarka hoostiisa (haddii uu xanuunku sii darsado)

Maxaa la sameeyaa haddii qof lagu arko calaamadahaas?
• Waa in lawacaa oo loo gudbiyaa xarunta caafimaadka ee udhaw isla markiiba.
• Waa in aan la taabanin dhiiggiisa, dhididkiisa ,Dhacaannada kale ee jiirkiisa, ama waxyaabaha uu isticmaalo.
• Waa in sigooni ah looga ilaaliyo in uu la xiriiro ama taabto carruurta, haweenka uurka leh, ama dadka da’da ah maadaamoy dadka kale ugu nugulyihiin cudurkaan haduu kudhaco.
Sida Looga Hortaggo:
 Waa in laga fogaada godadka ,geedaha ama goobaha ay ku nooshahy Kibilaayda ama Fiidmeerta cudurkaan keenta oo badanaa laga helo deegaanka koonfurta Dalka .
 Waa in aan la taabanin xayawaanaha dhintay gaar ahaan shimbiraha iyo daanyeeraha waxaa dhici karta inaay xanuunkan udhinteen.
 Waa in Gacmaha lagu meeydha saabuun iyo biyo ama jeermis-dilaha (hand sanitizer)
Haddii aad daryeelayso qof cudurkaan qabo:
o Waa inaas xirataa galoofis , af-xirka iyo Qalabka kale ee ah (PPE)
o Waa inaas la wadaagin dhar ama gogol
o Waa inaas Gacmaha ku dhaqato sabun iyoo biyo( ama hand sanitizer) aas isticmaasho mar kasta oo aad taabato
Ogeysiis!!
Wacyigelinta iyo taxaddar ayaa ah difaaca ugu weyn. Haddii aad ka shakiso qof ama aas iska shakiso , wac xarunta caafimaadka kudhaw isla markiiba.

Ogeeysiis!!Ogeeysiis!! Ogeeysiis!!Waxaan Bulshadeena usheegeeynaa in cusbitaalka Qalinki Faruuraha iyoo Dhanxanaga oo la...
08/11/2025

Ogeeysiis!!Ogeeysiis!! Ogeeysiis!!Waxaan Bulshadeena usheegeeynaa in cusbitaalka Qalinki Faruuraha iyoo Dhanxanaga oo lacag la'aan ah in laga bilaabay. Hadaba waxaan Bulshadeena usheegeeynaa inaan Qalinkaan ka faa’iideysano.
Mahadsanidiin!!!

Alxamdulillaah! Taariikh Cusub oo Laga Dhigay Isbitaalka Dollo AddoMaanta, markii ugu horreysay taariikhda Isbitaalka Do...
28/10/2025

Alxamdulillaah! Taariikh Cusub oo Laga Dhigay Isbitaalka Dollo Addo

Maanta, markii ugu horreysay taariikhda Isbitaalka Dollo Addo, waxaa si guul leh loogu sameeyay qalliinka beddelka qayb ka mid ah lafta miskaha ama Sinta (Partial Hip Replacement Surgery).

Qallinkan ayaa loo sameeyay hooyo kaJabtay qaybta h**e ee lafta miskaha, waxaana uu ka mid yahay qalliinnada culus ee lagu daaweeyo dhaawacyada ama jababka ku dhaca lafaha miskaha (sinta), iyadoo qaybaha dhaawacmay lagu beddelo qalab ama maqaar-gale aan dabiici ahayn (artificial implant).

Qallinkan oo caadiyan loogu safro magaalooyin waaweyn sida Addis Ababa ama dalal kale sida Hindiya, ayaa maanta si guul leh loogu sameeyay gudaha Isbitaalka Dollo Addo — taas oo ah horumar weyn oo lagu faano.

Alxamdulillaah, xaaladda caafimaad ee hooyada qalliinka lagu sameeyay waa mid wanaagsan oo Deganwy.

Dollo Ado Hospital Makes History with *First-Ever* Partial Hip Replacement Surgery!Dollo Ado Hospital has achieved a rem...
28/10/2025

Dollo Ado Hospital Makes History with *First-Ever* Partial Hip Replacement Surgery!

Dollo Ado Hospital has achieved a remarkable medical milestone by successfully performing its first partial hip replacement surgery—a historic first for the area. The complex procedure was carried out by the hospital’s skilled orthopedic and surgical team, marking a major leap forward in specialized healthcare delivery for the region. The patient who had femoral neck fracture was managed succesfuly and is in a smooth post-op condition.

This success highlights the hospital’s growing capacity and commitment to providing advanced, patient-centered care close to home. Beyond surgery, Dollo Ado Hospital is home to a strong team of specialists in Internal Medicine (with echocardiography services), Pediatrics, General Surgery, Orthopedics, and Radiology, ensuring comprehensive care across multiple disciplines.

Patients was traveling 700km to 1000km for specialized care previously. But now they are getting the service in their home (we can say).

Looking ahead, the hospital is preparing to launch its Pathology and Hematology services, which will significantly enhance diagnostic accuracy and speed—further improving patient outcomes.

With this achievement, Dollo Ado Hospital proudly stands as a symbol of progress and medical excellence, bringing modern healthcare to the heart of the community.

The leadership lead by Dr. Shide Nur (CEO), Dr. Suleiman Abdullahi (Medical director) and staffs of the hospital remain steadfast in providing world class medical care for the community.

Dollo Ado Hospital — Advancing care, inspiring hope, and making history in healthcare in Dollo.

AscManta waxan ka dhagax dhignay Hospitalka Dolow Addo Dhismaha Qeybta keydka dhiiga o ay bulshada Baahi badan u qabtay ...
26/10/2025

Asc
Manta waxan ka dhagax dhignay Hospitalka Dolow Addo Dhismaha Qeybta keydka dhiiga o ay bulshada Baahi badan u qabtay [ Blood Bank ] Dhismahas o ka kooban 8 Qol.

Waxa kale o an hospitalka an uso iibineyna Qalabka Blood Bank o dhameystiran & Qalabka sheybarka dheecanada & kansarka lagu baaro [ Histopathology laboratory ]

Dhismaha & iibka Mashiinada wxan ku so gaba gabeyn doona 2 bioood hadu alle idmo.

Xisbiga & xukuumada wxay Qorshe u qateen in la tayayeeyo adeega bulshada, si bulshadena uhesho adeeg ay ku qanacdo

& howlbadan #

Maanta waxaa Kulanka Guddiga Maamulka sare ee Isbitaalka(Governing Board)  lagu qabtay xarunta isbitaalka si looga  wada...
23/10/2025

Maanta waxaa Kulanka Guddiga Maamulka sare ee Isbitaalka(Governing Board) lagu qabtay xarunta isbitaalka si looga wada tashta arrimaha muhiimka ah ee maamulka, qorshaha sanadlaha ah, iyo kor u qaadista tayada adeegyada caafimaad.
Inta lagu guda jiray kulanka waxaa la ansixiyey qorshaha isbitaalka ee sanadka 2018 E.C., iyo sidoo kale TOR-ka (Terms of Reference) ee Guddiga Maamulka.
Waxaa kale oo la meel mariyey qorshaha guud ee Board-ka ee 2018 E.C.
Xubnaha cusub ee guddiga maamulka ayaa la siiyey brief orientation ku saabsan shaqada, waajibaadka, iyo mas’uuliyadaha guddiga maamulka isbitaalka.
Maareeyaha isbitaalka ayaa soo bandhigay warbixinta waxqabadka rubacii h**e ee la soo dhaafay.
Warbixintu waxay ka koobnayd adeegyada caafimaad ee la bixiyey, guulihii la gaaray, iyo caqabadihii soo wajahay isbitaalka muddadaas.
Guddigu wuxuu dhiirrigeliyey dadaalka maamulka iyo shaqaalaha, wuxuuna ku taliyey in caqabadaha la aqoonsaday loo sameeyo qorshe wax-ka-qabasho cad.
Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in iskutashi dhaqaale uruurin loosameeyo
Dhismaha Bangiga Keydka dhiiga (blood Bank).
Helitaanka qalabka baaritaanka dhacanka (pathological equipment) ee hospitalka.
Hirgelinta Electronic Medical Record (EMR) ee isbitaalka si loo casriyeeyo kaydinta xogta bukaanka.
Gudiga oo kaashanaayo maamulka degmada ayaa cusbitaalka kuwareejiyay Guriya aay Takhaatirta seexdan.
Ugu dambeyntii gudiga ayaa Site Visit sameeyay.

OGEYSIIS! OGEYSIIS! OGEYSIIS! Dollo Ado Primary Hospital waxuu ogeysiinayaaDhamaan bulshada kudhaqan magaalada Dollo Ado...
10/09/2025

OGEYSIIS! OGEYSIIS! OGEYSIIS!

Dollo Ado Primary Hospital waxuu ogeysiinayaa
Dhamaan bulshada kudhaqan magaalada Dollo Ado iyo Nawaaxigeeda in Hosbitalka Dollo Ado laga bilaabi doono Adeega Qaliinka Cleft lip and palate(Ciyaalka Faruuran) ooy Faruurta(Bishimaha ) iyo Dhanxanaga iisu go'on yihiin oo Bilaash ah.

1. Diwangalintu Waxay bilabaneysaa Khamiis , MESKEREM 1,
ILAA 21,MESKEREM, 2018T.I (September 11,, ilaa October 1, 2025).

Sidaa Darteed Hospitalka Wuxuu Ugu Baqayaa Inay Bulshada Kafaideystan Adeegan Bilaashka

Tel:0967718220
Hormud:0613107248

Hooyo 40 jir ah oo laga keenay Mandera oo muddo 6 bilood ah la Ildarneed calool barar,calool xanuun iyoo caada Furan aya...
19/08/2025

Hooyo 40 jir ah oo laga keenay Mandera oo muddo 6 bilood ah la Ildarneed calool barar,calool xanuun iyoo caada Furan ayaa maanta Qaliin loogu sameey hospitalka Dollo addo. hooyadaan makaankeeda ayaa laga soo saaray buro cabbirkeedu yahay 15×14cm ,culeeyskeeduna yahay 12kg . Alxamdulillahi Xaalada caafimaad ee hooyadan ayaa hada feecan.
Qaliinkaan waxaa Fuliyay
Dr Misgan Taddase(Gynecologist)
Merkin Weso(IESO)
ESHETU THOMAS (MSC ANESTHETIST)
Aman Taddese(MSc Anesthetist)
Nur yusuf(Bsc Anesthetist)
Yusuf Abdullahi(Scrub nurse)
Ibrahim shek Ali(Scrub nurse)
Nur Roble(Scrub Nurse)

Wafti kaa socdaHeer degaan iyo heer Gobal Oo uu hogaaminaya Wasir ku xigenka xafiska daqliga iyo team xafiska madaxweyna...
13/08/2025

Wafti kaa socda
Heer degaan iyo heer Gobal
Oo uu hogaaminaya
Wasir ku xigenka xafiska daqliga iyo team xafiska madaxweyna ka socda kuwaasoo indha indheyn iyo ukuurgalida geedi socodka shaqada kasocota isbitalka dolo ado.

Degmada Dolow Ado Maanta oo ay taariikhdu tahay 2 da bisha Hamle 2017 t.i ama 09/07/2025 waxaa Madasha Kulamada degmada ...
09/07/2025

Degmada Dolow Ado
Maanta oo ay taariikhdu tahay 2 da bisha Hamle 2017 t.i ama 09/07/2025 waxaa Madasha Kulamada degmada ka qabsoomey kulanka WADA TASHIGA SHACABKA IYO HOSPITAL DEGMADA DOLOW. Kulankan ayaa Mareeyaha Hospitalka ku soo bandhigey Howlaha ugu Muhimsanaa ee u qabsoomey iyo baahiyaha kale jira oo u baahan in laga haqab tiro bulshada.
Dhinaca kale bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa bogaadiyey adeeg bixinta hospitalka ee isbedelka wanaagsan oo ay muujiyeen howl wadeenada hospitalka iyagoo talo bixin ka bixiyey meelaha dhaliilaha ka jira in la saxo si Kor loogu qaado QANACA MACAAMIISHA.

Maanta waxaan  Ka-Qeebgalnay  Munaasabadda Qalab Qeybinta iyo Tayeynta Adeegga Sheeybaadhka ee Cusbitaalada Ka Qayb Qaat...
26/06/2025

Maanta waxaan Ka-Qeebgalnay Munaasabadda Qalab Qeybinta iyo Tayeynta Adeegga Sheeybaadhka ee Cusbitaalada Ka Qayb Qaata Barnamijka EQA.
Waxaana Xafiiska Caafimaadka DDS nagu wareejiyay Qalab loogu talagalay horumarinta adeegga shaybaadhka iyo maaraynta xogta, kuwaas oo kala ah:
Desktop, Printer, UPS iyoo triple package.

Qalabkan ayaa fududeeyn doono hawlaha maalinlaha ah ee shaybaadhka iyo hagaajinta nidaamka dhawrsoonanta xogta shaybaadhka.

Address

Dollo Addo Town, 03 Kabele
Addis Ababa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dollo Addo Hospital Rasmi page posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dollo Addo Hospital Rasmi page:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category