Qaran doon

Qaran doon No

25/08/2025

M.a Irro Primary and boarding School barbaariyaha ubadka

21/08/2025
Dugsiga Bursaalax wax ka dhigay
21/08/2025

Dugsiga Bursaalax wax ka dhigay

04/06/2023

Dhulkaaga markaad ku safrsysid isagoo barwaaqaa macaanaa .

04/06/2023

Turkiga oo u magacaabay Ninkii in badan is qarin jiray wasiirka arimaha dibada

04/06/2023

Raiisuul wasaare xamse oo meel cidlaa heehaabaya.

23/09/2022

Roobabkii deyrta oo ka bilaamay geyiga soomaalida.
Xili abaar ba'an ay jirto.

" Waxa aan hadda la xidhiidhay magaalooyinka ay ka mid yihiin Xaaxi, Galoolay, Gatiitalay, Qaloocato, Godwaraabe, Beerat...
01/09/2022

" Waxa aan hadda la xidhiidhay magaalooyinka ay ka mid yihiin Xaaxi, Galoolay, Gatiitalay, Qaloocato, Godwaraabe, Beerato, iyo Ceelsame, waxaanay dhammaantood ii xaqiijiyeen in ay caawa roobab waaweyni heleen. Waxaana ay guddoomiyayaasha tuulooyinku qaarkood ii sheegeen in aan roobabkan oo kale sannadahan ba helin..

Follow and share

24/08/2022

Nin taksiile ah ayaa wuxuu dhahay waxaan soo qaaday Maamo wayn iyo gabadheeda.

Gabadha waxay ka hadlaysay ninkeeda dhibka uu ku hayo, inuu mararka qaar iska xanaaqayo markay sameyso wax uusan u sheegin

Maamadii waxay ku tiri gabadheeda sida uu yahay ninkaaga kula dhaqan.....fiiri aniga iyo abahaa 30 sano ayaan is qabnaa,nolosheena waa caadi dhib k**a jiro waana is fahanaa sababta mataqanaa wax walbo uu yiraahdo waxaan ugu jawaaba waayahay xaaji waan sameynayaa anigoo dareensiinayo inuu asaga i xukumo laakiin waxaan sameyaa waxa aan aniga rabo.

Ma ogtahay ragga waa doqomo markay is xanaajiyaanba hal eray aad tiraahdid ayay ku dagayaan ama ku aamusayaan?

Taksiilihii wuxuu dhahay islaantii way iga xanaajisay dhiig karna way igu riday anigoo is xanaajinayo ayaan fiiriyay meesh ay fadhiyeen

Islaantii markay i aragtay waxay igu tiri adiga kuma jirtid wiilkayga qof aqli badan ayaad tahay Allaha ku dhawro

Anigoo dhoola cadeynayo ayaan sii jeestay mise waxaan maqlay ayadoo cod hoose ku leh ma aragtaa doqonimadiisa hal eray ayuu ku aamusay 😆

23/08/2022

Nin iyo naag is qabay ayaa u dabbaal degaayey 30 guuradii kasoo wareegtay arooskooda.......

Mudadaas 30-ka sano ah hal maalin dhexdooda khilaaf kamuu dhicin, Markii la waydiiyey Sababta iyo sirta meesha ku jirta ninkii wuxuu ku jawaabay.

Maalinkii ugu h**eysay ee todaba baxayaga ayaa waxaan usoo baxnay dalxiis anaga oo wadana laba faras, faraskii ay xaaskaygu saarnayd ayaa kor u boodey oo iska tuuray dhulka ayey ku dhacday, Xaaskaygii inta ay soo kacday boodhkana iska jaftey, ayey faraskii madaxa ka salaaxday waxa ayna ku tiri "Tani waa markii koowaad ee aad dhulka igu tuurtay".

Mar labaad ayey xaaskaygii fuushay faraskii. Isla sidii h**e oo kale faraskii dhulka ayuu ku tuuray xaaskaygii, Xaaskaygii inta ay soo kacday ayey faraskii madaxa ka salaaxday waxa aanay ku tidhi "Tani waa markii labaad ee aad dhulka igu tuurtay".

Mar sadexaad ayey isku dayday inay fuusho faraskii, Sidii caadadiisa ahayd faraskii wuu iska tuuray oo dhulka ayey ku dhacday, inta ay si degan dhulka uga kacday ayey boorsadeedii kala soo baxday baastoolad kadib madaxa ayey ka toogatay oo halkii ayuu ku dhintay faraskii.

Inta aan aad u xanaaqay ayaan ku qayliyey xaaskaygii anigoo ku leh maxaad u dishay faraska? Waxaad tahay qof aan naxariis lahayn oo waalan.

Inta ay iisoo dhawaatay oo ay madaxa ii salaaxday ayaa waxa ay igu tidhi "waad icayday oo waad igu qaylisay, tani waa markii koowaad".

Maalintaa laga bilaabo waxa aanu ku nooleyn jacayl, farxad, nabad iyo xasilooni buuxda.😁😁

Address

Boli Michael
Addis Ababa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qaran doon posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram