16/11/2024
Guddiga Anshaxa iyo Baadhista Xisbiga Barwaaqo ee dalka ayaa yeeshay kulankii Qiimaynta Warbixinta Waxqabadka Rubacii 1-aad ee SM. 2017-ka T.I.
Guddoomiyaha Guddiga Komishinka Anshaxa iyo Baadhista Xisbiga Barwaaqo ee dalka Marwo selamawit Dawit oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in waxqabadka komishanka ee Rubucii koobaad uu wanagsan yahay marka loo eego qorshihii ay u dajiyeen sanad miisaaniyeedka 2017 T.I si loo guto waajibaadka inaga saaran Xisbiga iyo xeer hoosaadka Xisbiga.
Waxa kale oo ay sheegay in siddii loo gudan lahaa mabda’a Xisbiga loo igmaday, cududda Xisbiga, dhawrista xuquuqda xubnaha, ilaalinta hantida iyo hantida Xisbiga, si loo gaadho dhisida Xisbi Adag kormeerka iyo gacan ku haynta Xisbiga laga bilaabo Xarunta Xisbiga ilaa dhismaha qaab-dhismeedka hoose, maadaama la sameeyay isku xidhka qaab-dhismeedka Xisbiga heer kasta, waxa ay suurto galisay in Natiijo sare laga Gaadho.
Waxa kale oo ay xustay in ay tahay arrin aasaasi ah in hoggaaminta iyo Xubnuhuba ay kaalin mug leh ka qaataan Xaqiijinta horumarka dalkeenna, iyaga oo ka midho-dhalinaya himilooyinka Xisbiga, iyaga oo huwan Qiyam iyo Shakhsiyad horumarsan.
Dhinaca kale, waxa ay sheegtay in iyadoo la xoojinayo Dimuqraadiyadda Axsaabta gudaha, hannaanka lagu dhisayo dawlad la aqbali karo ay u gogol xaadhayso in komishanku doorkooda ka soo baxo.
"Komishinka Adagi Wuxuu Gundhig Adag u Yahay Xisbi Adag".