Dr.Ceyni Maxamed

  • Home
  • Dr.Ceyni Maxamed

Dr.Ceyni Maxamed Dr.Aini Mohamed

11/02/2026

Alle kuwakale oo badan ayuu kuufuraa!

07/02/2026

LAfti qalbiga ugu dhaweyd baa laga abuuray!

02/02/2026

Ilaahey si uu inoogu daro dadka uu caawa udanbi dhaafaayo qofwalba ku xumeyay dar Allah u cafi.

Yaa Allah danbigeen iyo danbiga waalidkeenba inoo Cafi

31/01/2026

Waa daawada kurbo oo dhan lagaga baxo.

Naasnuujintu waa hadiyadda ugu horreysa ee hooyo siiso ilmaheeda 🤱❤️Waa jacayl aan hadal u baahnayn, nafaqo dabiici ah, ...
25/01/2026

Naasnuujintu waa hadiyadda ugu horreysa ee hooyo siiso ilmaheeda 🤱❤️
Waa jacayl aan hadal u baahnayn, nafaqo dabiici ah, iyo difaac uu Alle ugu talagalay ilmaha. Caanaha hooyadu ma aha oo keliya quudin, waa xannaano, xasillooni, iyo xiriir qalbiyeed oo aan marna go’in. Naasnuujintu waxay dhistaa jidh caafimaad qaba iyo qalbi nabad ah-hooyo iyo ilmo labadaba.

:-

1️⃣ Cunto dhammaystiran
Caanaha hooyadu waa cuntada ugu fiican ee ilmaha 6-da bilood ee ugu horreeya.
Waxay ka kooban yihiin:
Borotiin
Dufan
Fiitamiino
Macdano → Dhammaan si fudud ayuu canuggu u dheefshiidi karaa.

2️⃣ Difaac jirka (Immunity)
Waxay leedahay antibodies (IgA) oo ka difaaca:
Shuban
Oof-wareen (pneumonia)
Infekshannada caloosha & neef-mareenka
Waxayna Yareysaa khatarta xanuunnada faafa.

3️⃣ Korriin iyo maskax-furnaan
Waxay ka caawisaa:
Kobaca maskaxda
Garaadka (IQ)
Carruurta naasnuujinta helay waxay badanaa leeyihiin horumar maskaxeed oo fiican.

4️⃣ Yareynta xanuunnada mustaqbalka
Hoos u dhigta halista:
Cayil (obesity)
Sonkorow (Type 1 & 2)
Xasaasiyad (allergy) iyo
Neefta

5️⃣ Xiriir jaceyl (bonding)
Naasnuujintu waxay xoojisaa xiriirka hooyo & canug, taasoo canugga siinaysa kalsooni iyo deggenaansho.

Faaidada uu hooyada uleedahay waxan kaga hadli doona casharadeena xiga insha Allah

Fadlan u garee asxabtada siey ugu faaideystaan, inaad isoo gareysa oo post saarto waa iidhirigelin walal

Dr.Ceyni Maxamed

24/01/2026

Qofka dumarka ah hadii 1ugaxaanside ama 1tubo laga saaro uur maqaadi karaa?

03/01/2026


Fadlan iyo

Dr.Ceyni Maxamed

  waa caabuq ama infakshan ku dhaca tubooyinka makaanka (fallopian tubes), kaas oo inta badan ka yimaada bakteeriyo hoos...
03/01/2026

waa caabuq ama infakshan ku dhaca tubooyinka makaanka (fallopian tubes), kaas oo inta badan ka yimaada bakteeriyo hoos uga gudubta farjiga una sii gudubta tubooyinka makaanka.

MAXAA SABABA

1-Bakteeriyada cudurrada galmada lagu kala qaado sida Chlamydia trachomatis iyo Neisseria gonorrhea.

2-Infakshan ka yimaada farjiga ama makaanka oo kor u sii faafa.

3-Procedures la xiriira makaanka (sida D&C).

4-qalabka mankanka lagaliyo ee loogu hortago uurka .

5-Nadaafad xumo xilliga caadada ama dhalmada ka dib.

CALAAMADAHA LAGU GARTO

●Xanuun caloosha hoose (hal dhinac ama labada dhinac).

●Qoyaan ur leh ama midab beddelan oo ka yimaada farjiga

●Qandho

●Dhiig-bax aan caadi ahayn (inta u dhexeysa caadada)

●Xanuun xiliga galmada ah

●Lalabo ama matag (mararka qaarkood)

SIDEE LOO DAWEEYA

■Antibiyootik (sida ceftriaxone, doxycycline, metronidazole)

■xanuun baabi’iye

■Daaweynta lammaanaha

■Haddii uu daran yahay → isbitaal iyo antibiyootik IV/IM ahaan in qofka looga daaweeyo

DHIBAATOOYINKA KADHASHA

-Dhalmo la’aan.
-Uurka in uu ku beermo meel aan makaanka aheyn (ectopic pregnancy).
-Xanuun caloosha hoose oo joogto ah
-Tubooyinka oo xirmo ama nabaro yeesha
-Pelvic inflammatory disease (PID)

Fadlan page-ka Garee siaad ugu faaideysato macluumaadka caafimaadka kusaabsan ee aan soo gudbino.
U garee asxaabtada si ey ugu faaideystaan.

Dr.Ceyni Maxamed

01/01/2026

Ducada soo degdegta ee aduunyada lagu arko waa...

31/12/2025

Calcium Rich Foods

Dr.Ceyni Maxamed

29/12/2025

Qalbiga haugu beerin xanuun aan lailaabeynin!

CALAAMADAHA LAGU GARTO IN EYJIRKAGA KU YARTAHAY MAADADA  (Kaalshiyam):--Kabaabiyo oo aadka dareentogacmaha,lugaha iyo wa...
29/12/2025

CALAAMADAHA LAGU GARTO IN EY
JIRKAGA KU YARTAHAY MAADADA
(Kaalshiyam):-

-Kabaabiyo oo aadka dareento
gacmaha,lugaha iyo wajiga
-xasuustaada oo yaraato
-Murqo Xanuun
-lafaha oo sifudud kujaba
-dhibaato xaga araga ah
-garaaca wadnaha oo qalal kuyimaado
-Maqaarka oo qalala
-jareyn
-neefta oo ku dhibta
-Daal

Hadii aad calaamadahan isku aragtay booqo
dhaqtarka kugu dhaw sii uu baaritaan kugu
sameeyo kuuna siiyo daawada kugu haboon.
cunooyinka laga helo kala soco casharadeena
danbe insha Allah.

Waxay iitahay farxad iyo dhiiri gelin hadii aad
maalinti wax uun iga faaido haba yaraadaane.

Fadlan Page-ka garee siaad uhesho maclumaad dheeri ah una noqoto qofka ugu horeeyo ee kafaaideysta casharada aansoo gelino
.

Address


00169

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+256706598683

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Ceyni Maxamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your practice to be the top-listed Clinic?

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram