Dheemanka galmudug

Dheemanka galmudug I leave in my live

Xil.Mustaf Mohamud Adam Hampalyo hampalyo waad uqalantay Waqti qurux badan adeer guuleyso
03/02/2024

Xil.Mustaf Mohamud Adam

Hampalyo hampalyo waad uqalantay
Waqti qurux badan adeer guuleyso

23/01/2024

jubaland vs hirshabeele

yaa badindoona galabta

Calaamqdaha lagu garto dhiig yarida (anemia)aniimiya waa xaalad dhacda marka ay yaraato tirada unugyada guduudan am   ca...
06/01/2022

Calaamqdaha lagu garto dhiig yarida (anemia)

aniimiya waa xaalad dhacda marka ay yaraato tirada unugyada guduudan am cascas ee

kujira dhiiga , unugyadaan waa kuwa ku shaqo leh iney jirka oo dhan gaarsiiyaan ogsijiin,

ogsijiinta ayaa ah sheyga ugu muhiimsan ee uu jirku ubaahan yahay si jirka uu u sameysto

tamar uu ku qabto shaqada caadiga ah ee jirka, astaamaha lasoo dersa qofka qabo dhiig yari

ayaa ah kuwa ka yimid ogsijiin yarida soo wajahday jirka.


Galmudug

Dheymanka Galmudug  Si aad uhesho hurdo macaan hadaba fuli arimahaan!HURDO MACAAN:Inaad heshid nasiina kugu filan waxay ...
02/01/2022

Dheymanka Galmudug


Si aad uhesho hurdo macaan hadaba fuli arimahaan!

HURDO MACAAN:

Inaad heshid nasiina kugu filan waxay ubaahan tahay isbedel aaad ku samaysid qaab nololeedkaaga, waxaana loo baahan yahay inaad sameysid wax hormarin kara nolol wanaaga iyo ka takhalusida dabeecadaha xunxun ee kudhfrin kara habeenki.


Samee jadwal joogta ah
Hurdo leh jadwal joogta ah waa qeyb muhiim ah oo ka midah helida nasiino kugu filan jir ahaan iyo maskax ahaanba, isbed bedelida waqtiga hurdada iyo soo kicida waxay khalkhal gelisaa saacadaha dabiiciga ah ee jirka uu lee yahay.

Si aad ugu dhaganaatid jadwalkaaga udiyaari maskaxda iyo jirka hurdada adigoo sameynaya jadwalka sariirta tasoo bilaabata xili mucayin ah habeen kasta, ku qabayso biyo diiran, dhageyso quraanka ama akhriso buug, ama samee waxyaaba kale oo ku xasilin kara. Waxayaabahaan waxay utilmaami doonaan jirka in la joogo xiligi la seexan lahaa.

Xushmad sii sariirta
Ku dadaal inaan kala saarto sariirta iyo waxyaabaha aad qabatid nolol maalmeelkaaga, dadka ku xeel dheer hurdada waxay sheegeen hurdada iney khalkhal ku imaan karto hadii ay yeelaan Mobile-da, computer-da iyo waxyaabaha kale ee electronic ah goobta hurdada loogu talagalay.

Ka fogoo daawasha TV, ku shaqeynta computerka, cunida, ama dooda kulul ee idin dhaxmari karta adiga iyo lamaanahaaga xiliga lajoogo sariirta, sababtoo ah waxay faragelin ku sameeyn karaan hab dhaqanka jirka ee hurdada iyo soo jeedka.

Hagaaji goobta.
Kormeer ku samee goobta aad seexatid iyo sariirtaba, ma waxaa soo toostaa adigoo qoorta ku xanuuneysa, jilib maku dhufataa lamaanahaaga xilliga aad hurudid, sariirta ma yartahay mise wey weyn tahay, qolka iftiin miyaa soo gala? Intaas oo dhan waa wax saameyn kara tayada hurda, waxa lagaaga baahan yahay waa inaad ubadashaa goobta, goob farxad leh oo raaxa leh, waa muhiim goobta aad seexatid iney noqoto goob qalbiga kuu dajin karta, oo aanan leheen waxyaaba badan oo ka fakar siin kara maskada, waxaa jira waxyaaba badan oo maskaxda kafakar siin kara adigoo miyirkaaga ka warqabin, sida hadii ay meeshu tahay meel wasakh leh, ama meel aad ukulul, marka waa muhiim inaad il gaar ah ku haysid goobta aad madaxa dhigtid marka aad seexaneysid. Ugu dambeyn waa muhiim inaad si joogta ah u ilaalisid jjaw iga qolka jiifka

Ka warqab waxa aad cabtid.
Waxa aad cabtid inta aadan seexan kahor waxay fududeyn karaan inaad seexatid ama iney hurdo kaa imaan weydo, saameynta jirka uu kuleeyahay kaafiin (Caffeine) waxay qaadata ku dhawaad sideed saacadood, sidaa darteen waa inaadan cabin wax kafee/bun ah, ama cabitaanada aash*tada leh galbihii ilaa fiidki.

Akhriso: Cuntooyinka u fiican hurdada iyo kuwa u daran

Talo:
Hadii aysan kaa imaan wax hurdo ah 15 daqiiqo kadib, waxaa fiican inaad sariirta ka kacdo oo aad sameysid wax yaabaha kuu fududeyn kara inaad seexato, sida qubeys qandac ah, iyo dhageysiga quraanka ama akhri buug. Waa muhiim inaadan shidin TV, ama computer ama mobile sababtoo ah iftiinka kasoo bixi kara waxay maskaxda ufahmeysaa inuu la mid yahay iftiinka maalinta, sidaa daraadeed maskaxda masoo deeyso dheecaanka

Galmudug

Address

Amman

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dheemanka galmudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dheemanka galmudug:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram