Royal Medical Training Center.

Royal Medical Training Center. Xarunta Tababarada Caafimaadka ee Royal

20/09/2024

Marka ay cilmiga iyo caqliga kuu kulmaan
Jimco wanaagsan jaalayaal .

27/05/2024

Fariin caafimaad #

Xalka caabuqa Quumanka

Gaarsii Asxaabtaada
Laga yaabe qof aadan ogeyn in ay anfacdo fariintaan.
Welcome Royal Medical Training Center.

09/04/2024

Dhammaan umadda Muslimiinta ah gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed waxaan idinkugu hambalyeynaynaa munaasabadda Ciidul Fidriga.

Nadaafadda afka: Maxaa sababa af urka, sidee ayaadna uga hortagi kartaa?Maxaa sababa af urka?Af urka waxaa sababi kara h...
15/03/2024

Nadaafadda afka: Maxaa sababa af urka, sidee ayaadna uga hortagi kartaa?

Maxaa sababa af urka?

Af urka waxaa sababi kara haddii aan si wanaagsan ilkaha loo cadeynin.

Sidoo kale, waxaa jiro cunnooyinka qaar oo sababi kara af urka.

Arrimo kale oo badan ayaa sidoo kale horseedi kara af urka.

• Waa dhibaato saameysa afartii qofba midkood

• Sababta ugu weyn waa nadaafad darro afka ah

• In afka ay cunto ku harto ayaa sababi karta xaaladdan

• Ilkaha oo daxaleysta

• Af qalleylka

• Cabidda xashiiska ayaa sababi karta af urka

• Waxaa sidoo kale jiri kara daawooyin caafimaad oo sababi kara af urka balse keliya waa inta aad qaadaneyso daawooyinkaas

• Waxaa sidoo kale jira caabuq haleela sanqada, sanka iyo afka kaas oo sababi kara dhibaatadan

• Cunnooyinka sida basasha iyo toonta ayaa gacan ka geysan kara daaweynta af urka

Sidee u xallin kartaa dhibaatadan?

Sida ugu fiican ee aad ula tacaali karto af urka waa in aad afkaaga nadiifisaa adiga oo si joogto ah ilkahaaga u cadeynaya mar walba oo aad wax cunto iyo markaad seexaneyso.

Si joogto ah ula kulan dhaqtarkaaga ilkaha si aad u ogaato in ilkahaaga ay jirran yihiin sidaas darteedna ay keeneyso af urka. In aad dhaqtar aragto sannadkii labo jeer ayaa kugu filan.

Waxaa fiican in aad afkaaga ku meyrto biyo diirran iyo cusbo maaddaama ay dilayaan jeermiska afkaaga ku jira ee sababaya af urka.

Ku dadaal in aad afkaaga ka saarto cuntada ku hartay.

Marka ay cadeysiga tahay, sidoo kale caday carraabkaaga.

Kafogow in afkaagu qalleyl noqdo. In aad cabto biyo badan ayaa xaaladdan yareyn karta xitaa haddii aadan maalintaas oo dhan wax cunin.

Ka fogow cabidda sigaarka amaba aalkolada.

Cun cunnooyinka fudud ee aan sokorta ku jirin.

Haddii uu qofku isku dayo inuu sameeyo waxyaabahaas oo dhan welina ay dhibaatadu heysato waxaa fiican inuu u tago dhaqtar, waxaa laga yaabaa inay jiraan ilko daxalaystay oo u baahan in la bixiyo.

11/03/2024

Soon qaad wanaagsan Bahda reer Royal Medical Training Center.
Kuwii Acmaashooda laga aqbalay alle ha inaga dhigo 🤲🤲

08/03/2024
Waxaan u hambalyaynaynaa dhammaan 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢𝐦𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 meel kasta oo ay joogaan munaasabadda 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨...
21/11/2023

Waxaan u hambalyaynaynaa dhammaan 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢𝐦𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 meel kasta oo ay joogaan munaasabadda 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝟐𝟏𝐤𝐚 𝐍𝐨𝐯𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫.
👉Hambalyo 👉 Hambalyo 👉Hambalyo 👏 🇸🇴🎉🎉🎉

#

بسم الله                                                   الحمد لله عندالبدء وعند الختام              Waxaa farxad inoo...
23/09/2023

بسم الله
الحمد لله عندالبدء وعند الختام

Waxaa farxad inoo ah 22 / 09 / 2023 in aynu soo afmeernay socdaalkii dheeraa ee aynu soo bilaabnay SEPT 2022 , waxaan shahaadooyin gudoon siinay arday dhammeysatay DIPLOMA OF BASIC HEALTH SKILLS , ayagana waxaan alle ugu baryeynaa cilmigii ay kusoo dadaalen inuu ku anfaco,inta ay barteenna bulshadooda ugu adeegaan insha alh.
Dhammaan Howl wadeenada Royal Medical Training and diagnostic center. Afgoye campus waxey la diyaaryihiin ka haqabtirka bulshadooda baahiyaha ay u qawaan barashada caafimaadka.

Bahdeena oo idil wexeynu leenahay Hambalyo 👏 Hambalyo 📚 Hambalyo 👩‍🎓👨‍🎓

أليوم إنها نهايات التعب وبدايات الفرح .

Cilmi-baarisyo badan ayaa daaha ka rogay in cunista/isticmaalka basasha ay faa’iido badan oo caafimaad leedahay.Inkastoo...
11/07/2023

Cilmi-baarisyo badan ayaa daaha ka rogay in cunista/isticmaalka basasha ay faa’iido badan oo caafimaad leedahay.

Inkastoo ay ay sababto ur dhanka afka ah, haddana waxay daraasadahaasi soo jeediyeen in qofku ka cuno in ku filan.

Faa’iidooyinka basasha waxaa ka mid ah:

1: Waxay qeyb ka qaadataa hab-dhiska difaaca jirka

Maadaada ku jirta ee loo yaqaan Phytochemicals ee laga helo basasha waxay jidhka ku badisaa Vitamin C, kaasoo u wanaagsan hab-dhiska difaaca cudurrada ee jirka, qofka basal dheellitiran cunana oo cuntada ku darsada waxa uu si fiican isaga difaacaa xannuunnada ay ka midka yihiin lafa-garaaca iyo hargabka.

2: Calool-xannuunka

Basasha waxa ku jira waxyaabo daawo u ah xannuunka caloosha. Waxay dishaa bakteeriyada taas oo keenta in qofka cuna aannu caabuq calooshiisa ku sameysmin, halka ay sidoo kale ka caawiso in gaastarigga qofka aanu ku dhicin.

3: Dheellitirka sonkorta dhiigga ku jirta

Qofka macaanka qaba waxa inta badan lagula taliyaa inuu cuntada ku darsado basasha, taasina waxay u horseeddaa in dhiiggiisa xaddiga sonkorta ee ku jirtaa dheellitirmo.

4: Qanjirka ragga kaadida

Basasha waxa ay badisaa kaadida, waxa aanay daweysaa caabuqa ku dhaca kaadi-marennada iyo qanjirka ragga ee Prostate oo ay ka ilaaliso bararka.

5: Wadnaha

Basasha waxay u wanaagsan tahay wadnaha. Waxay hagaajinaysaa wareegga dhiigga waxayna xoojisaa muruqyada, waxay hoos u dhigtaa heerka kolestaroolka dhiigga iyada oo cadaadis saareeysa.

28/06/2023

Eid Mubarak

Address

Afgoye

Telephone

+252616389935

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Royal Medical Training Center. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Royal Medical Training Center.:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram