Suldan Abdiwali Kurar Hashi

Suldan Abdiwali Kurar Hashi Gedo Region Politician

26/11/2025
Dowladdii Madaxweyne  Mohamed Abdullahi Farmaajo markii ay dalka ka talinaysay, Soomaaliya waxaa ka muuqatay haybad iyoa...
25/11/2025

Dowladdii Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo markii ay dalka ka talinaysay, Soomaaliya waxaa ka muuqatay haybad iyo
astaan dowladeed oo si cad looga dareemi jiray dhammaan xafiisyada qaranka. Xafiisyada dowladdu waxay lahaayeen nidaam, anshax iyo astaan rasmi ah oo muujinaysay dowladnimo. Dalka waqtigaas waxaa ka jirtay marxalad horumar ah, ciidamo ayaa la dhisayay, kuwo kalena dibedda ayaa tababar loogu diraayey si loo xoojiyo difaaca qaranka.

Sidoo kale, dalka waxaa kusoo qulqulayay ajaaniibtii maalgashiga, caasimadda Muqdisho waxay ahayd xarunta talada dalka oo ay ka muuqato amni, nidaam iyo dowladnimo.

Balse maanta, haddii aad fiiriso xafiisyada dalka, waxa halkaas ka socda musuqmaasuq iyo is-daba marin aan xad lahayn. Ma jirto astaan dowladeed oo muuqata, mana jirto heer adeeg dadweyne oo lagu faani karo. Goobaha bulshada loogu adeego waxaa ka muuqda musuqmaasuq baahsan, qof walbana oo mas’uul dowladeed ah wuxuu diyaar u yahay inuu wax boobo ama wax is-daba mariyo.

Musuqmaasuqu wuxuu noqday dhaqan ku baahay dhammaan meelaha dowladdu ka shaqeyso, waxaana maalin walba soo baxaya kooxo ku taajiraya hantida dadweynaha. Dad masaakiin ah ayaa guryahooda laga barakicinayaa, iyagoo dhulkooda lagu iibiyey ganacsato calooshood u shaqeystayaal ah.

W/Q:Abdiwali Kurar Hashi


Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed ayaa maanta bilaabay qorshe ballaaran oo akadee...
24/11/2025

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed ayaa maanta bilaabay qorshe ballaaran oo akadeemiyadaha, kooxaha & iskuulada loogu qeybinayo kubado si loo hormariyo jiilka soo koraaya ee kubadda cagta.

Munaasabad maanta ka dhacday Xarunta Xiriirka Kubadda Cagta ayaa 48 Akadeemiyo loogu qeybiyay ku dhawaad 500 kubadood, taasoo muujineysa sida Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya uu xil isaga saarayo soo saarista jiil wanaagsan oo kubadda cagta ah.

Agaasimaha Waaxda Dhalinyarada Xiriirka Kubadda Cagta Shafici Dirie Naleye & Madaxa Grasroot-ka Abdibasid Ahmed Sheikh ayaa goob joog ahaa munaasabaddaan muhiimka ah.

“Waxaa naga go’an inaan diyaarino jiil wanaagsan oo mustaqbal ku leh kubadda cagta, waana sababta aan u hormarineyno akadeemiyadaha, kooxaha & Iskuulada” Ayuu yiri Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Cali Cabdi Maxamed.

Xiriirka Kubadda Cagta ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay aad ugu hawlanaa inuu xoogga saaro hormarinta da’yarta & qalabeyntooda, taasoo fursad badan siineysa da’yarta mustaqbalka leh ee Soomaaliyeed.

“Qorsheyaal waaweyn ayaan ka leenahay hormarinta da’yarta, waxaana ku dadaaleynaa in da’yarteena ay yeeshaan riyooyin & himilo fog oo ku saabsan kubadda cagta” ayuu mar kale yiri.

Qorshaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ee dufcadaan waa in la gaarsiiyo kubaddaha in ka badan 100 kooxood / akadeemiyo oo dalka gudahiisa ah.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY AGAASIMEYAASHA WARBAAHINTA MADAXA-BANNAANMuqdisho, Nov 24, 2025: Madaxweynihii 9-aad ee...
24/11/2025

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY AGAASIMEYAASHA WARBAAHINTA MADAXA-BANNAAN

Muqdisho, Nov 24, 2025: Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan xogwaraysi ah la qaatay Agaasimeyaasha Warbaahinta Madaxa-bannaan oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo doorka muhiimka ah ee warbaahintu ku leedahay wacyigelinta bulshada.

Madaxweynaha ayaa xusay in warbaahinta madax-bannaan ay door weyn ku leeyihiin xoojinta kalsoonida shacabka ee dowladnimada, ilaalinta isla-xisaabtanka iyo dhiirrigelinta nabadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in ay mudnaan gaar ah leedahay marxaladdan adag in laga shaqeeyo xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka oo ay aasaas u tahay qabsoomidda doorasho loo dhan yahay oo wakhtigeeda ku dhacda iyo ilaalinta shuruucda iyo dastuurka heshiiska lagu yahay.

DHAMMAAD

DEGDEG: Warar la helayo ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, uu wado dadaallo uu kulan kala yeelan...
24/11/2025

DEGDEG: Warar la helayo ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, uu wado dadaallo uu kulan kala yeelanayl Madaxweyne, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ilo ku dhow arrintan ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo diiday inuu kulan la qaato Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ku adkaystay in marka h**e la joojiyo boobka dhulka Muqdisho iyo in lagu noqdo dastuurkii sharciyeynta u lahaa doorashadiisa.

Dhanka kale, mucaaradka Muqdisho ayaa iyaguna wada qorshe ay ku doonayaan inay kula kulmaan Madaxweyne Farmaajo, iyagoo raadinaya inuu ku biiro Madasha Samatabixinta Mucaaradka Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa h**ey u diiday casumaadda madasha, waxaana uu u gudbiyay shuruud ah inay soo bandhigaan ajande cad, mideysan oo la isku raaci karo.

Wararkan oo sii hurinaya xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho ayaa lagu wadaa inay saameyn ku yeeshaan xaalada guud ee dalka iyo isku dhacyada u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo mucaaradka.

Sidee u aragtaa diidmada Farmaajo?

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa khalkhal iyo is barbar yaac laga dareemay 48-kii saacadood ee lasoo dhaafay ...
24/11/2025

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa khalkhal iyo is barbar yaac laga dareemay 48-kii saacadood ee lasoo dhaafay kaddib hadalkii Madaxweyne h**e Farmaajo.

Madaxweyne Xasan, Raysalwasaare Xamse, Wasiiro & Xubno kale oo xukuumadda taageersan ayaa migirifoonka kala hororsanaya si ay ugu jawaabaan Farmaajo.

Ra'iisalwasaare Xamse oo saaka hadlay ayaa isagoo ka cadheysan hadalka Farmaajo, wuxu weerar afka ah ku qaaday dawladdii kacaanka iyo Alle haw naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Dadkii dhegaysanayay hadalka Ra'iisalwasaaraha ayaa la yaabay in Xamse isla goobta ka sheegay in lagu hoogay nidaamkii kacaanka, misana uu hadalkiisa kusoo xidhay an ilaashano wixii yaraa ee dawladda kacaanku inoo dhistay.

Tan waxa loo fasirtay in Xamse la kurbaysan yahay xanuunka khudbaddii sida dab duur galay ugu faaftay baraha bulshada ee uu habeen h**e Farmaajo jeediyay.

Laba isbuuc oo keliya ayuu dalka jooga Farmaajo oo dib u bilaabay olollahiisa dib u doorashada mudadaas koobana kabo ka yaryar ayuu u xidhay Villa Soomaaliya.

Maxay kula tahay.?

ABDIWALI KURAAR

Waxaan garsoore Cumar, bahda isboortiga qaranka, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa guusha garsoore ...
19/11/2025

Waxaan garsoore Cumar, bahda isboortiga qaranka, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa guusha garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan oo caawa lagu abaalmariyay billadda Garsooraha ugu Wanaagsan Afrika ee 2025 ee Xiriirka Kubadda Cagta ee Qaaradda Afrika.

Guushan taariikhiga ah ee garsoore Cumar u soo hooyay dalkeenna iyo dadkeenna waxa ay astaan u tahay xirfadda, anshaxa, daacadnimada, iyo dadaalkii miradhalay uu muddada dheer gelinayay horumarinta xirfaddiisa iyo garsoorka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Mar kale hambalyo garsoore Cumar, bahda isboortiga qaranka, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba.

16/11/2025

Welcome mudane madaxweynee maxamed Abdullahi Farmaajo

15/11/2025

GULEESO MADAXWEYNE

DIIWAANKA WAX-QABADKII MW MAXAMED CABDULLAHI FARMAAJO✅ Kobcinta dareenka waddaninimada iyo jacaylka calanka Soomaaliyeed...
14/11/2025

DIIWAANKA WAX-QABADKII MW MAXAMED CABDULLAHI FARMAAJO

✅ Kobcinta dareenka waddaninimada iyo jacaylka calanka Soomaaliyeed ee shacabka.

Horumarka Dhaqaale iyo Maaliyadeed

✅ Waxaa la gaaray heerka Go’aanka (Decision Point) ee barnaamijka Deyn Cafinta, taasoo hoos u dhigtay deynta Soomaaliya ku lahayd caalamka in ka badan 95%.

✅ Waxaa la aas-aasay nidaam maaliyadeed oo mideysan si loo xoojiyo loona xasiliyo dhaqaalaha dalka.

✅ Waxaa la xaqiijiyay bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda, golaha wasiirrada, xildhibaanada, iyo ciidamada amniga waqtigooda.

✅ Waxaa la dhiirrigeliyay ganacsatada gudaha iyo kuwa gobollada si ay u maal-gashaan dalka, una furaan bangiyo maxalli ah.

✅ Waxaa la fududeeyay soo laabashada in ka badan 2 milyan oo Soomaali ah oo qurbaha ku noolaa, si ay u maal-gashaan ganacsiyada gudaha.

Maamul iyo Dib-u-habeyn Hay’adeed

✅ Waxaa la dhisay Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa, si loo xoojiyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka.

✅ Waxaa la diyaariyay lana hirgeliyay nidaamka Aqoonsiga Qaranka (National ID) si loo hagaajiyo diiwaangelinta muwaadiniinta iyo amniga.

✅ Waxaa la bilaabay diyaarinta nidaamka “Hal Qof, Hal Cod”, oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka doorashooyin dimuqraadi ah.

✅ Waxaa la ilaaliyay dhulalka iyo hantida guud ee qaranka si looga hortago isticmaalka qaldan iyo boobka sharci darrada ah.

✅ Waxaa la sii waday dib-u-dhiska xafiisyada dowladda, garoomada ciyaaraha, iyo kaabayaasha muhiimka ah ee isku xira Muqdisho iyo gobollada kale.

Amniga iyo Madaxbannaanida Qaranka

✅ Waxaa la dhisay ciidan qaran oo xooggan si dalka looga xoreeyo Al-Shabaab, qorshahaasna waxaa ka faa’iidaystay dowladda xilligaan jirta.

✅ Waxaa la dhammeystiray ka bixitaanka ATMIS 31 Diseembar 2022, taasoo soo celisay gacanta buuxda ee Soomaaliya ee amniga qaranka.

✅ Waxaa dib loo soo celiyay maamulka hawada Soomaaliya kaddib muddo ka badan 30 sano.

✅ Waxaa laga qaaday xayiraaddii hubka ee QM, taasoo soo celisay xaqii Soomaaliya ee isdifaacidda.

✅ Waxaa la xoojiyay lana dib-u-habeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

✅ Waxaa lagu beddelay AMISOM nidaam amni oo Soomaali hoggaamineyso.

✅ Waxaa laga saaray biyo-xireenkii ciidamada badda shisheeye ee badaha Soomaaliya.

✅ Waxaa ciidanka Soomaaliyeed loo diray inay si buuxda u sugaan xuduudaha dalka.

✅ Waxaa la mamnuucay soo dejinta khaadka Kenya, si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada loona xoojiyo dhaqaalaha gudaha.

✅ Waxaa la xoojiyay xiriirka ka dhexeeya ciidamada amniga iyo shacabka si loo abuuro kalsooni iyo wada shaqeyn.

Midnimada Qaranka iyo Madaxbannaanida

✅ Waxaa lala dagaallamay qabiilaysiga (Qabyaaladda) si loo adkeeyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

✅ Waxaa dib loo soo celiyay sharafta iyo karaamada qaranimada Soomaaliya, iyadoo la xaqiijiyay madax-bannaanida iyo gobannimada dalka.

✅ Waxaa dalka lagu soo celiyay qaxootigii Soomaaliyeed ee ku jiray waddamada Afrika qaarkood.

✅ Waxaa lagu guuleystay sii deynta maxaabiis Soomaaliyeed oo lagu hayay dalal kale, iyadoo loo maray dadaallo diblomaasiyadeed.

Diblomaasiyadda iyo Aqoonsiga Caalamiga ah

✅ Waxaa Soomaaliya ku guuleysatay kursi ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC), taasoo kor u qaaday saameynta caalamiga ah ee dalka.

✅ Waxaa la hirgeliyay Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya (STP) si loo xaqiijiyo nabad, amni, iyo horumar waara.

✅ Waxaa la gaaray guul taariikhi ah Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ), taasoo ilaalisay xuduudda badda Soomaaliyeed.

✅ Waxaa la horumariyay siyaasad arrimo dibadeed oo madax-bannaan kuna dhisan is-ixtiraam iyo qaranimo.

Aqoonsiga Qaran iyo Horumarinta Bulshada

✅ Waxaa dib loo dhisay taallooyin iyo astaamo qaran, si loo ilaaliyo hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

✅ Waxaa la sii xoojiyay waddaninimada iyo jacaylka calanka Soomaaliya ee shacabka.

✅ Waxaa la kordhiyay la falgalka shacabka iyo taageeridda bulshada danyarta iyo kuwa nugul iyada oo loo marayo barnaamijyo qaran oo mideysan.

Wuxuu ahaa Madaxweyne aan dalka ka shaqaysan ee shacabkiisa u shaqeeya, wuxuu ahaa hogaamiye qab leh oo aan shisheeyaha ...
14/11/2025

Wuxuu ahaa Madaxweyne aan dalka ka shaqaysan ee shacabkiisa u shaqeeya, wuxuu ahaa hogaamiye qab leh oo aan shisheeyaha ka qaadan quursi, wuxuu ahaa Aamin aan marna lagu xaman xatooyo xoolo dadweyne.

Mudadii uu xilka hayey wuxuu dhisay ciidan awood leh, wuxuu soo celiyey haybadii dowladnimo, wuxu ku guulaystay in Soomaaliya laga cafiyo dayntii iyo inay xubin joogta ah ka noqoto Golaha Amaanka ee QM.

Markasta wuxuu kalsooni buuxda ku qabay shacabka, isagoo ku hawlanaa in Soomaaliya laga qabto doorashooyin qof iyo cod ah si awooda loogu celiyo dadweynaha, himiladaas oo danleey isbaaro u dhigteen.

Doorashooyinkii 2022ka wuxuu u tanaasulay danta qaranka si aysan Soomaaliya dib ugu noqon dagaaladii sukeeye oo ay markasta u durbaan tumi jireen siyaasiyiintii ka aragtida duwanaa ee kursiga ku haystay.

Madaxweyne Farmaajo oo la tebey maanta ayuu dalka dib u noqonday, waxa la filayaa inuu wacdaro taariikhi ah ka dhigo doorashada Madaxweynaha ee 2026ka

Address

Baardheere

Telephone

+252614015758

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Suldan Abdiwali Kurar Hashi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram