Mohamad Ismail Ahmed

Mohamad Ismail Ahmed waxaad halkan ka heleysaa wax walboo ay dhalintu xiiseeyaan sida shekoyinka jaceylka iyo muuqalada.

👈القيادةُ ليست بالحَجم بل بالعقلِ…! 👉Hoggaannimadu maaha cabbirka ee waa aqoon iyo xikmad. 👉Hogaamintu Macaan Qolof Weyn...
25/11/2024

👈القيادةُ ليست بالحَجم بل بالعقلِ…! 👉Hoggaannimadu maaha cabbirka ee waa aqoon iyo xikmad. 👉Hogaamintu Macaan Qolof Weynida ee Waa Garaadka iyo Aqoonta...!

04/03/2023
Shukaansiga waa sidii caafimaadka oo kale,Marki aad isbitaal tagto waxaad jaraneysaa nambar aad dhaqtarka ku aragto ka d...
28/02/2023

Shukaansiga waa sidii caafimaadka oo kale,

Marki aad isbitaal tagto waxaad jaraneysaa nambar aad dhaqtarka ku aragto ka dibna xanuunkaada u sheegato.

Marki aad gabar shukaansaneysid oo aad maqaayad ku balantaan, waxaad u sheeganeysaa dantaada kadibna waxaa laguu keenaayaa biilki aad wax ku cunteed/aad ku aragtay.

Dhaqtarka marki aad dantaada u sheegato waxuu bilaabaayaa su’aalo ku saabsan xanuunadaada kadiba wuxuu ku diraayaa baaritaanno.

Gabadha markii aad dantaada u sheegato waxeey bilaabeysaa in ay ku weydiiso su’aalo ku saabsan noloshaada kaddib waxeey baaritaan ku sameyneysaa wixii aad u sheegtay waxa ka run ah.

Dhaqtarka markii aad baaritaanka u geyso wuxuu kuu qoraayaa daawooyin aad iibsato marki aad soo dhameysatana balan kale ayaa laguu dhigaayaa si aad mar kale isu aragtaan.

Gabadha marki ay hubsato oo ay ku qanacdo baaritaankeeda wixi uga soo baxay waxeey bilaabeysaa fariimo jaceyl ah iyo wicitaan joogto ah. Marki aad mudo sheekeysataan ballan kale ayey kuu qabaneysaa, si aad mar kale isu aragtaan.

Dhaqtarka marki aad ku laabato oo daawada ay kuu dhammaato oo aad caafimaadka hesho dhaqtarka waad kala dhamaaneysaan, haddii aadan caafimaadina daawooyin hor leh ama dhaqtar cusub ayaad bilaabeysaa.

Gabadha markii aad mar kale kulantaan oo aad is fahantaan oo aad hesho gabadhii aad rabtay waxaad ku heshiineysaan guur, haddii ay kugu qanci weyso ama aad ku qanci weyso waxaad bilaabeysaa shukaansi cusub.

Maxaan ka tagay ama ilaaway?

Wiilka: Maxaa iigu yeertay halkan?Gabadha: Halkeen ka bilaabaa, sideense u bilaabaa?Wiilka: Wax ii sheeg, wakhti baa igu...
27/02/2023

Wiilka: Maxaa iigu yeertay halkan?

Gabadha: Halkeen ka bilaabaa, sideense u bilaabaa?

Wiilka: Wax ii sheeg, wakhti baa igu socdee.

Gabadha: Dabeecaddaada iyo degganaantaada ayaan ka helay ma i guursanaysaa?

Wiilka: ?

19/02/2023

Damac iyo Jaceyl 💍♥️ part:5

(Sheeko jaceyl ah)

Haboon ayaa banaanka fadhida, maankeeda waxaa ka guuxaayo Hadaladiisii Qurxoonaa, Laabteedna waxaa ku sawiran dhoola cadeyntiisii, ilmadu k**a istaageyso, dadkii meesha joogayna, waano ayey la dul taagan yihiin iyo Duco ay u ducaynayaan Hanad.

Muddo ka bacdi, waxaa soo baxay Dhaqtarkii howsha gacanta ku hayay, iyada oo naxsan, ayeyna ka soo hor booday, waxeyna ku tidhi:- Doctor see yahay hadda?. wuxuuna ugu jaawabay:- Wuu iska fiican yahay, balse Jug culus ayaa soo gaartay, Dhiig badanna wuu ka baxay, waxaana loo baahan yahay, qof dhiigiisu 0+ yahay, si loogu Shubo.

Aniga iga Shuba, ayey la soo booday, balse nasiib xumo isku dhiig ma eysan noqon, isla markiiba waxay si Ar-gagax ku jiro, u wacaday, Wiil ay qaraabo dhow ahaayeen, oo ay u sheegtay, in gabar ay Saaxiibo yihiin Walaalkeed uu Shil galay, Wiilkii ayaana dhiigga looga shubay.

Hanad wuu soo ladnaaday, wuxuuna Indhaha kala qaday, Gacalisadiisa Haboon oo dul taagan, oo Wejigeeda Murugo badan ka muuqato, ma uusan ogeyn inuu Shil galay, balse waxaa miyir, iyo wax kala garasho ugu dambeysay, iyada oo Dhoola cadeenaysa oo Gacanta u taageysa oo ku leh, Habeen wanaagsan Xabiibi, hadda wuxuu Indhaha kala qaaday, iyada oo dul-taagan, Murugo fara badana ka muuqdo.

Wuxuu is arkay, isaga oo Sariir saaran, isla markaana uu Xanuun dareemaayo, hadalkuna uu dhibaaayo, waxaana loo sheegay in uu Shil galay, balse uu ka badbaaday.

Haboon oo hadda sidii h**e dhaanto, Naxdintiina ka roonaatay ayaa banaanka u baxday, waxeyna u soo Cabitaano fara badan oo Nafaqada jirka soo celiya.

Habeenkaas oo dhan wey la joogtay, mar inta qoorta qabato ayay Caano Afka u sareysay, marna Dhaqtarka ayay ugu yeeraysay, marba wuxuu u baahdana wey qabaneysay iyadoo aad moodo marka uu Ax, dhaho iney la damqaneyso, sidey ugu turayso. Kursiga agtiisa ah sidey ugu fadhiday, ayuu Waagii baryay, iyadoo aan mar quro Indhaha isku qaban.

Maalin iyo habeen wey Dul taagnayd, weyna u Adeegaysay, ilaa dadka qaar ay u maleeyeen, inay ka mid tahay Kalkaalisayaasha Hosbitaalka ka shaqeeya, maalintii ayay yara Seexata, Habeenkii oo dhana wey la joogtaa si ay Wehel ugu noqoto, Xaafadoodiina waxay ugu sheekaysaa iney caawinayso Gabar saxiibadeed Waalaalkeed oo Shil galay.

Maaalmo ka bacdi wuu soo bogsaday, dakhaatiirtana waxay u sheegeen in Hosbitaalka laga bixiyo, maadaama uu hadda bogsaday, oo hadda daryeel iyo Xanaaneyn uun u baahan yahay, waxaana la isugu xisaabiyay, Daryeelkii iyo Daawooyinkii la siiyay, waxaana lagu dhahay Lacagtaas bixiya oo Wiilka xaafadda geeya.

Hanad wuxuu ka dhashay qoys danyar ah oo aan weligooda helin Lacagtaas laga rabo, waxayna deggan yihin meel ka baxsan Magaalada oo tuulo ah, waxaa hadda la jooga oo ehel u ah waa Haboon oo keliya.

Haboon talaa ku cadaatay, meel ay uga tegi karto ma jirto oo waa Gunimo, Qof aad adiga u tahay Wehel inaad ka tagto, daryeelkiisana wey ku daashay, hadana waxaa laga rabaa Lacag badan, oo aysan iyaduna heynin, qof kale oo bixinayaana aysan jirin.

Ugu dambaytii waxay go'aansatay iney iibiso Dahabkii ay laheyd ee Sanduuqa Hooyadeed ugu jiray. Si ay uga bixiso Lacagta loo hayto jaceylkeeda.

Wey ka wal-wal san tahay, Nin aan qabin Mustaqalkana wax uu noqon doono aysan War u haynin, inay u iibiso Dahabkeeda, haddana waxey Nafteeda ku dhiirigelisaa, "Dartaada ayuu u dhaawacmay, waana Maskiin, aad Caawinayso ilaah ayaana kuu Abaal gudi doonee bal ilaah dartiida Wax ugu qabo", waxeyna isku qancisay, iney Dahabka qeyb ka mid ah iibiso, qeybna ay heysato, si aysan Xaafadu u ogaan.

Haboon waxey aaday meeshii Dahabka lagu iibin jiray, balse Nasiib xumo qiimahii ay rabtay ee laga rabay wuu u gaari waayay Dahabkii, Gabar saaxiibteed ah ayeyna Lacag Amaaah ah ka codsatay, iyadiina wey ka Cudur daaratay, oo waxba k**a helin.

- la soco Qeybta:6

Si aad u fahanto Nuxurka Qisadan dib u akhriso Qormooyinkii H**e ee aan soo dhigay .

-ku marti Qaad dhawr Qof oo asxaabtaada ah Qisadan oo u dheh mahadsanid.

me si aad u noqoto Qofka ugu H**eeya ee akhriya Qormooyinka aan soo qoro ama ka mid Noqo mahadsanid.

W/Q:Mohamad ismail Ahmed

18/02/2023

🤲Cajiib weeye noloshani
🤲Cidlo waxan ahaadaba
🤲Caziizkey igu beegay
🤲Cudbi aan la deyn karin
🤲Cindeyga iyadaa dagtay
🤲Cidlo ma dareemoo
🤲Cishadii timaadaaa
🤲Cishqi baa igu si fidee
🤲Caziizow allahayow
🤲Igu beeg boqoradeyda

17/02/2023

Damac iyo Jaceyl 💍♥️ part:4

(Sheeko jaceyl ah)

Markuu soo fadhiisatay, durbadiiba wuxuu dareemay, iney xaaladda gabadha uu wax iska beddelay, oo wejigeedana ay farxadi ka muuqato, waa kulan kale oo laga sheekeysanaayo Jacaylka laysku qabay.

Haboon ayaa sheekada bilawday, waxeyna ku tidhi:- Huuno, inaad i jeceshahay waan Ogahay, ana waan ku jeclahay, balse waad igu Qaldantay, Walaalkeey ayaa tahay, oo hadaad qaladkaga qiratay, Cafisna iga dalbatay, waan ku cafiyay, jaceylka aad ii qabto mid ka badana waan kuu qabaa, balse waxaad balan iiga qaadaa inaadan dib dambe iigu dhawaanayn, oo aad igu Xad-gudbaynin.

Isaga oo Qosol, ilmo ku lamaan tahay qoslaaya, ayuu wuxuu yidhi:- Macaan waxaan la ilameynayaa maaha Xanuun waa Farxad, qalbigii jabnaa ayaad ii kabtay, naftii Cidlootay ayaad Wehel u noqotay, Rajadii iga luntayna dib ayaad u soo celisay.

Macaan isma ogid balse Erayadaada kumanaan cudur ayay daawo iiga yihiin, Dhoola caddeyntaaduna Qalbiga ayey ii Nuuriyaan, Macaan mar kale iga raali noqo, waan kugu qaldamay, waana Balan inaan dib dambe kuugu gafeynin.

Macaan jacaylka aan kuu qabo ayaa i qasbay,iska key Cafi. (Erayadaas iyo kuwo la mid ah oo ka buuxo Beer laxawsi ayuu Haboon qalbigeeda ku Hurgufay.

In yar ka bacdi ayaa la is dareemay, iney weli cidlo fadhiyaan, Laba koob oo Caffe ah, ayeyna dalbadeen, Sheeko gaban oo Hoose ayaan lagu wada qaxweeyay.

Iyaga oo farxad ka wada muuqato, ayaa Waddada la sii qaday, si intaas ay sii socdaan ay u wada sheekeystaan, Waxaa laga wada sheekeesanayaa maalmahii, la kala maqnaa iyo wixii la mutay, maxaad sidaas horta maalintii ii laheyd iyo Adigaba sidaas ayaad i tidhi, ayaa laga Sheekeysanayaa, marna Qosol ayaa dhinac la isugu raacayaa.

Habenkaas mid walba wuxuu ka sheekeeyay, wixii uu ka farakaraayay intii la kala maqnaa, Qof walbana wuxuu Eeda saarayay qofka kale, balse waa habeen kale oo Jacayl iyo Farxad lagu wada socdo.

Ugu dambayntii waxaaa durba la soo garay, xaafadadii waqtigu muu iska dheeraadu ayaa qalbiga la iska yidhi, Macasalaameyn aan lagu qanacsaneyn ayaa la is macasalameayay, Qalbi habeen wanaagsan iyo Habeen wanaagsan inta lays yidhi, ayaa la kala hoyday.

Hanad oo qalbigiiisu Haboon la jiro marna inta dib u Jaleeco Quruxdeeda iyo Dhoola cadaynteeda indhaha la raacaya, iyadana ay mar yara Qosleyso, marna ay Talaabada dhulka ku jiideyso oo ay Bye by xabiibi leedahay, ayna aragto inuu ka tegi la'yahay, oo uu indhaha la raacaayo, ayaa gaari baas oo waddada Xoog ku maraayay Hal mar Hanad ku dhuftay.

Haboon oo indhaha ku heysay, isaga oo Dhoola caddenaaya, gacantana u taagaayo, ayaa Hal mar aragtay Hanad oo dhulka yal.

Orad iyo Oohin inta isku dartay ayey dusha iskaga tuurtay iyada oo leh:- Qalbi ila hadal, Dhiigii soo yacay, ayaa durba dhulka qul-qulay, mise wuu Suuxsan yahay oo hadal ma karo,durba waa lagu soo kala yaacay, oo Hosbitaalka ayaa loolo cararay.

Iyadoo aan socon karin ayay raacday, Ampulancigii lagu qaaday, dadka ma aysan ogeyne malaha waxay is lahaayeen waa Walaashiis. Dhaqsi waxaa la loola cararay qeybta Gargaarka Degdegga, Haboon Banaanka ayaa lagu reebay.

Weli looma sheegin wax qoyskiisa ahaa, iyadii oo xaaladeeda la qiyaasi karin, ayey baanaanka fadhidaa iyada oo il-meyneesa, ma oga Wax la dhihi doono, weli waxaa u sii muuqda Jaceylkii uu u qabay iyo sida uu mar walba u Ixtiraami jiray.

- la soco Qeybta:5

Si aad u fahanto Nuxurka Qisadan dib u akhriso Qormooyinkii H**e ee aan soo dhigay .

-ku marti Qaad dhawr Qof oo asxaabtaada ah Qisadan oo u dheh mahadsanid.

me si aad u noqoto Qofka ugu H**eeya ee akhriya Qormooyinka aan soo qoro ama ka mid Noqo mahadsanid.

W/Q:

Address

30
Banadir

Telephone

+252615203650

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamad Ismail Ahmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Mohamad Ismail Ahmed:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category