Dr xaliye

Dr xaliye Waa page ka rasmiga ah ee Dr Xaliye kala soco Wacyigalin iyo Talooyin Caafimaad oo ku anfaca.

Hadafkaygu waa in qof walba oo soomaali ah uu helo daryeelka caafimad ee uu baahanyahay
Mustaqbalka dhow iyo midka fogba

13/03/2024

Fadlan Caawi walaalkaga ama walaashaada aan haysan Afur iyo Saxuur intaba, aduun iyo aakhiro waad liibaani doontaaye

waxii aad awoodo ugu dir Numberada *Sawirka ku qoran* Maantoo kale Sadaqada ajar badan ayay leedahay.

28/01/2023

KU SALIYA XABIIBKEENA❣️🙏

SCW🥰

𝐂𝐮𝐧𝐭𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐢𝐥𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐍𝐚𝐚𝐬-𝐍𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 Hooyo walba oo naas-nuujinayso waxay is waydiinaysaa nooca cuntada ay ubaahanyahay  in...
08/08/2022

𝐂𝐮𝐧𝐭𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐢𝐥𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐍𝐚𝐚𝐬-𝐍𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚

Hooyo walba oo naas-nuujinayso waxay is waydiinaysaa nooca cuntada ay ubaahanyahay inay qaadato si ilmaheedu u helo xaddiga caanaha uu ubahanyahay iyo nafaqo ku filan.

Naas-nuujintu waa habka ugu wanaagsan Ee ilmuhu kuhelo nafaqada aasaasiga.

𝐂𝐮𝐧𝐭𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐮 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧 𝐇𝐨𝐨𝐲𝐨𝐝𝐚 𝐧𝐮𝐮𝐣𝐢𝐬𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡:

1. Khudaar cagaaran Ee caleemaha leh : khudaarbtaan waxay qani ku tahay fiitaaminada : vitamin A, vitamin C, folate, vitamin K, iyo macdanta : magnesium, calcium, iron iyo potassium waxayna daruuri u yihiin hooyada nuujinayso si ilmaheedu u helo xaddiga caanaha iyo nafaqada u ubaahanyahay .

2. Sareenka iyo cuntada baalka leh : waxa kubadan macdanta iron tasoo qaybka ah unugyada dhiigga muhiimna u ah hooyada si looga hortaga dhiig yari oo keeni karto soosaarista caaanaha oo yaraado.

3. Toonta :waxa kujiro qaybaha kaladuwan ee nafaqada sida fiitamiinada Vitamin C , Vitamin B6 , Thiamine (B1) iyo macdanta : Calcium, Magnesium , Phosphorus , iyo Iron waxayna kamidtahay khudaarta ugu waxtarka badan sida la ogaaday

4. Babaayga cagaaran : khudaartaan waxay ka qayb qaadataa soo saarista dheecaanka layiraah oxytocin oo keento in murquhu isku soo ururaan si loohelo awood caanaha lagu soosaari karo.

5. Karootada : waxay kamidtahay khudaarta qaniga ku ah vitamin A oo muhiim u ah hooyada xiliga naas-nuujinta vitamin A wuxu daruuri u yahay korniimada ilmaha.

6. Biyaha : caanaha xaddiga ugubadan waxay ka koobanyihiin biyo hooyada nuujinayso waa inay cabtaa maalintiiba ugu yaran labo litir (2 liters) oo biyaa.

7. Duxda layiraah omega-3 oo laga helo kalluunka iyo ukunta waxayna aasaasi u tahay korniimada maskax ahaaneed ee ilmaha.

S𝗵𝗮𝗿𝗲-𝗱𝗵𝗲𝗵 sidoo kale xaga hoose ka wac 𝐚𝐬𝐱𝐚𝐚𝐛𝐚𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚, si ay uga faaideystaan.

Caafimaadka iyo Nafaqada

🙏𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃𝐒𝐀𝐍𝐈𝐃🙏

07/08/2022

Bukaan: Ditoore sokortayda tii kacaysay miyaa mise tii dhacaysay?!
_________________________________________
Waa fikrad qaldan in qof sokorow (macaan) qaba oo waliba daawo qaato intuu isbitaal tago kadibna codsado in sokortiisa loo fiiriyo tii dhacaysay miyaa mise tii kacaysay?!!

Sokorta dhacayso ee aad maqlaysaan waa xaalad qof walba qabsan karta ee ma ahan nuuc ka mid ah cudurka macaanka / sokorowga tusaale ahaan:

1- Adigoo macaan qaba haddii aad daawada iska badisid ama isticmaashid daawo kaa xoog badan, sokortaadu waa dhacaysaa, laakiin taasi macnaheeda maahan inaad qabtid sokorta dhacdo.
2- Sidoo kale, haddii aad shaqo culus qabatid adigoo gaajaysan ama sooman, sokortaadu way dhici kartaa, weliba adigoo caafimaad qaba wax xanuun ahne aadan qabin.
3- Sidoo kale, way jiraan dad u nugul in sokortoodu dhacdo markay xaalado qaar la kulmaan .
4- Midda ugu dambayso, waa talo ku socota dadka macaanka qabo oo sokortoodu dhacayso, waa muhiim in dhakhtar la xiriiraan si loo xaqiijiyo marka h**e inaad sokor sax ah qabtaan ama in daawadu idinka awood badan tahay si loo badalo.

Xigasho!

Mahadsanidii

𝗙𝗮𝗮'𝗶𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗦𝗶𝘀𝗶𝗻𝘁𝗮 (𝘀𝗲𝘀𝗮𝗺𝗲).𝐒𝐢𝐬𝐢𝐧𝐭𝐮 waxaa laga helaa Nafaqooyin  kala duwan iyo fiitamiino uusan jirka bini ...
05/08/2022

𝗙𝗮𝗮'𝗶𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗦𝗶𝘀𝗶𝗻𝘁𝗮 (𝘀𝗲𝘀𝗮𝗺𝗲).

𝐒𝐢𝐬𝐢𝐧𝐭𝐮 waxaa laga helaa Nafaqooyin kala duwan iyo fiitamiino uusan jirka bini aadamka usan ka maarmi karin iyo macdan muhiim ah u caafimaad-ka jirka oo waxay qani ku tahay dhamaan qaybaha kala duwan Ee Nafaqada sida: kaarboheydareytka, borotiinka, Duxda, Fiitamiinka iyo macdanta.

Arinta muhiimka ah ayaa waxay tahay cabir dhan tumun ama 100 garaam oo sisin ah waxa laga helaa 100% xaddiga macdanta (minerals) jirku u baahanyahay maalinti : Calcium 100%, Iron 100% , Magnesium 100% , Phosphorus 100% ,iyo Zinc 100% ,
Sido kale waxa laga helaa 50% xaddiga fiitamiinada B jirku u bahanyahay maalintii : B 1,B2,B3,B6,B9

sisintu waxaa laga dhaliyaa salida macsarada.

1.Waxay kor uqadaan caafimaadka waxayna ka hortagtaa xanuunada lafaha sida rumatiisamka : waxa ku jiro macdanta calcium, phosphorus ,zinc oo qayb ka ah qaab-dhismeedka iyo dayac tirka lafaha.

2.Waxay u fiicantahay Dheef shiidka : waxay qani ku tahay maadada faybarka (fiber) oo ka hortagto calool-fadhiga sidoo kale fiitamiinada B waxay ka qayb qaataan burburinta/ dheefshiidida cuntada .

3.Waxay u fiicantahay badqabka ilmaha uurka kujiro : waxa kujiro maadada folic acid ama B9 oo loo bahanyahay inay qaadato hooyada uurka leh hadii maadadaan ay ku yartahay hooyada waxay ilmaha ku keentaa halis caafimaad sida xangulaha ilmaha oo kasoo kuusmo dhabarka.

4. Waxay yareysaa xanuunada Neerfaha iyo walwalka ama walbahaarka : maadoonyinka magnesium ,cacium, fiitamiin B waxay muhiim u yihiin shaqada neerfaha iyo gudbinta fariimaha neerfaha .

5. Waxay ka hortagtaa dhiig yarida : xaddiga badan ee maadada iron waxay kamidtahay qaab-dhismeedka nunugyada dhiigga cascas.

6.Waxay u fiicantahay maqaarka : waxa kujiro noocyo kamid ah duxda oo muhiim u ah caafimaadka maqaaraka.

7.Caafimaad wadnaha : waxa ku jiro duxda unsaturated fatty acid oo ka hortagto cholestrol-ka xun sido kale macdan sida magnesiun oo muhiim u ah shaqada wadnaha.

8.Waxay ka qayb qaadataa difaaca jirka iyo walxaha suntaaa oo jirka laga saaro : waxa ku jiro xaddi aad ubadan maadada zinc oo ka qayb qaadato shaqada difaaha jirka.

9.Waxay muhiim u tahay hooyada nuujinayso iyo ilmaha : waxa kujiro borotiin iyo duxda muhiimka u ah koritaanka ilmaha iyo macdanta zinc ,magnesium iyo calcium oo ah nafaqooyinka muhiimka u ah hooyada iyo dhalaanka
10.waxay yareysaa caabuqa jirka iyo xanuunka sida caado wareenka.

𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲-𝗱𝗵𝗲𝗵 oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.

𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐁𝐀𝐀𝐘𝐀𝐆𝐀.  Babaayga  waxa kujiro qaybaha kala duwan ee Nafaqada  wuxu qani ku yahay oo aad ...
28/07/2022

𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐁𝐀𝐀𝐘𝐀𝐆𝐀.

Babaayga waxa kujiro qaybaha kala duwan ee Nafaqada wuxu qani ku yahay oo aad ugu badan vitaminC sido kale waxa ku jiro xaddi dhexdhexaada oo ah folate iyo vitaminA.

1. Wuxuu xoojiyaa difaaca jirka : xaddiga aadka ubadan ee vitamin C kujiro babaayga wuxuu sare u qaadaan difaaca jirka.

2. Wuxuu yareeyaa infekshanka jirka iyo caabuqa : fiitamin c wuxu ka qayb qaataa ladagaalanka jeermiska sida bakteriya , feyruska iyo wax yaalaha sunta ku ah jirka.

3. Wuxuu ka hortagaa dhiig yarida :waxaa ku jiro fiitamiinka Folate (folic acid) oo ka qayb waayo samaysan iyo kobcida unugyada dhiigga cascas.

4. Wuxuu ka qayb qaataa bogsashada dhaawaca : sida dadka leh cirid dhiigga iyo dhaawacyada aan buskoon.

5. Wuxuu u fiicantahay maqaarka : vitamin c wuxuu caawiyaa samaysanka collagen oo ka qayb qaadato samaysan iyo bad qabka maqaarka.

6. Wuxu u fiicanyahay dheef shiidka caaloosha : waxa ku jiro dheecaan layiraah papain kaas oo kaqayb qaato hanaanka dheefshiidka.

Dadka uu u fiicanyahay isticmaalka babaayga :

- Dadka difaaca jirkoodu yaryahay.
- Dadka in infekshank-ka iyo caabuqa qabo.
- Dadka calool-fadhiga leh.

Siyaabo kale duban ayaa u isticnaali kartaa babayga sida in aad marsi qeybha kala duban jirka sida: wajiga iyo jirka qeybahiisa kale.

- inyar in aad shiido ayaa 2 qaando Ama macalgo malab ah ku dareysaa dabadeedna wajiga ayaa marinysaa sida Maska ha.

- sidoo kale cabitaan ahaan ayaa u cabi kartaa.

- sidoo kale babayaga asiga oo sidisa ahna waa cuni kartaa.

Digniin:

Babayga uma wanaagsno Hooyada uurka leh gaar ahaan bilaha h**e Ee uurka.

Babaayga ayaa sababa in murqaha minka si adag isugu imaadan oo ay soo daatan uurjifka ku jiro minka eyag oo aan wali bila dhameysan.

Taas waxaa ugu wacan maada loo yaqaano papain Ee laga helo babaayga.
maadadaan ayaa qalada ama wax ka badasha horamonka loo yaqano prostaglandins kaaso ka qeyb qaato foosha..

𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲-𝗱𝗵𝗲𝗵 sidoo kale xaga hoose ka wac 𝐚𝐬𝐱𝐚𝐚𝐛𝐚𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚, si ay uga faaideystaan.

Caafimaadka iyo Nafaqada

𝗙𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱-𝗸𝗮  𝗸𝗼𝗼𝘀𝘁𝗮𝗱𝗮 🥬(𝗦𝗽𝗶𝗻𝗮𝗰𝗵)Koostadu waxa kujiro  dhammaan qaybaha Nafaqada waxay qani ku tahay fiitamii...
25/07/2022

𝗙𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱-𝗸𝗮 𝗸𝗼𝗼𝘀𝘁𝗮𝗱𝗮 🥬(𝗦𝗽𝗶𝗻𝗮𝗰𝗵)

Koostadu waxa kujiro dhammaan qaybaha Nafaqada waxay qani ku tahay fiitamiinada : vitamins K vitamin A vitamins C Folate (B9)
Macdanta : manganese calcium, iron, sidoo kale Koostadu waxay leedaahay vitamins K iyo vitamin A aad u badan .

1.Waxay xoojisaa Aragtida isha : vitamin A kujiro koostada wuxu ka hortagaa xanuuno ku dhaco isha sida aragtida habaynkii oo yaraato iyo indho qalayl-ka .

2. Waxay xoojisaa Lafaha : waxa kujiro vitamin K aad ubadan oo ka qayb qaato samaysanka lafaha iyo aktiif (active ) gayaynta borotiinada ka qayb qaato dhisida lafaha sida (osteocalcin) sidoo kale waxa kujiro macdanta calcium .

3. Waxay kor uqaadaa caafimaadka Unugyada jirka : vitamin A kujiro wuxuu joogteeyaa badqabka unugyada loo yaqaan (epithelial cells) ee ku dahaaran xubnaha jirka

4. Waxay u fiicantahay dheefshiidka : waxa ku jiro maadada fiber-ka oo saacido dheefshiidka caloosha .

5. Waxay u fiicantahay Difaaca jirka : waxa kujiro vitamin A iyo vitamin C oo dowr muhiim ah ka qaato shaqada difaaca jirka .

6. Wuxu u fiicanyahay xinjiraynta dhiigga : vitamin K kujiro wuxu ka qayb qataa xinjiraynta dhiiga isagoo aktiif (active) ka dhigo cunsurada(factors) qaabilsan xinjirowga dhiiga.

𝐬𝐡𝐚𝐫𝐞-𝐝𝐡𝐞𝐡 si ay uga faaideystaan guud ahaan bulshada.

Caafimaadka iyo Nafaqada

Faa’iidada caafimaad-ka 𝐁𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 (okra)Baamiyaha waxaa ku jiro qaybaha kala duwan ee nafaqada wuxu qani ku yahay fiitam...
24/07/2022

Faa’iidada caafimaad-ka 𝐁𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 (okra)

Baamiyaha waxaa ku jiro qaybaha kala duwan ee nafaqada wuxu qani ku yahay fiitamiinada sida: Vitamin K, Vitamin C, Thiamine (B1) Folate (B9)

Sidoo kale waxaa ku jira macdanta sida : Magnesium, Phosphorus Calcium iyo Zinc

1. Wuxuu xoojiyaa lafaha : waxaa ku jiro fitamiin k oo ka qayb qaato samaysanka lafaha isagoo si kiimikaal ah (chemical) u gaabeeyo ama u aktiif (active) gareeyo borotiinada ka qayb qaato dhisida lafaha sida (osteocalcin) sido kale waxa kujiro calcium iyo Phosphorus.

2. wuxu ufiicanyahay dadka qabo xanuunka sonkorowga : war bixino caafimaad aya sheegayo inu yareeyo xawaaraha sonkorta looga soo nuugo dheef-shiidka (low Glycemic Index) taasina ay saacidayso in sonkorta dhiigga aysan aad ukicin .

3. caafimaadka hooyada uurka leh : baamiyaha waxaa ku jiro fitaamiinka Folate (folic acid) oo ka hortago caafimaaddaro ku timaado ilmaha uurka kujiro muhiimna u ah hooyo walboo uur leh inay qaadato fiitaminkan .

4. baabmiyaha waxa u wanaagsan yahay arag oo waxaa ku badan vitamin A.

5. Baamiyaha waxa uu ka hortaga calool fadhiga maxaa yeelay waxaa kujira Fiber lagu magacaabo Mucilaginous.

6. wuxuu kor uqaadaa difaaca jirka : wuxu qani kuyahay vitamin C oo ka qayb in waxyaalaha sunta jirka laga saaro .

7. sidoo kale waxa uu yareyaa Kalestrol-ka ama dufunka dhiiga.

8. Baamiyuhu wuxuu dhowraa caafimaadka Haraga (Maqaarka) iyo
9. faaidooyinka le oo badan

𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲-𝗱𝗵𝗲𝗵 oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.

Caafimaadka iyo Nafaqada

Address

Wadada Warshadaha
Banadir
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr xaliye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr xaliye:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category