Dr Mohamed Abdullahi

Dr Mohamed Abdullahi Oncologist (MBBS, MSc, MRCP (Ire) I & II Written). Dhakhtarka cudurada Kansarka iyo Dhiiga.

Bisha oktoobar (bisha tobnaad) dunida waxaa loo asteeyey bisha wacyi gelinta KANSARKA NAASAHA.Waxa ugu yar ee jirkeena k...
13/10/2025

Bisha oktoobar (bisha tobnaad) dunida waxaa loo asteeyey bisha wacyi gelinta KANSARKA NAASAHA.

Waxa ugu yar ee jirkeena ka sameysanyahay waa unug. Unugyada oo si aan caadi aheyn ama la xakameyn Karin u qeybsama kuna fida ama faafa qeybaha kale ee jirkeena ayaa waxaa lagu magacaabaa kansar. Cudurka kansarka wuxuu ku dhici karaa xubinkasta oo jirkeena ka mid ah.

Kansarka naasaha waa kansarka ugu badan ee kudhaca haweenka. Waxaa sii kordhaya xaaladaha cusub ee kansarka naasaha sanadwalba, taasina waxaa lala xariiriyaa isbedelka kuyimid qaab nololeedka dadka, guurka ama dhalmada oo laga daaho, isticmaalka daawooyinka qaaar sida hormoonada iyo daawooyinka looga hortago uurka, inkastoo aan xoog badneen tan danbe. Waxaa kaloo la laxariiriyaa hiddo in la ek qiyaas ahaan toban ilaa labaatan boqolkiiba, sidookale waxaa lala xariiriyaa cayilka, balwadaha qaar iyo ileysyada tamarta badan.

Naasaha waxay ka koobanyihiin qanjiro soosaara caanaha, tubooyin sooqaado caanahaas iyo unugyo kale oo kaalmeeya qanjirada. Nooca ugu badan ee kansarka naasaha waxa uu kudhacaa tubooyinka soo qaaada caanaha, waxa uuna gaaraa ilaa iyo sideetan boqolkiiba.

Calaamadaha lagu garan karo kansarka naasaha waa ay kala duwanyihiin. Waxaa suuragal ah qofka in uusan dareemin wax calaamad ah wejiga h**e ee cudurka, hasa ahaatee; badanaa bukaanka waxa uu dareemi karaa buro ama kuuskuus ama calaamado kale sida dhaawac ama caabuq maqaarka kore ah, xanuun, barar aan caadi aheyn oo ku yimaada naasaha, dheecaan, dhiig ama dareere aan caano aheyn oo ka soo baxo ibta, qolof iyo dildilaac oo lagu arko naasaha, ibta oo gudaha siigasha ama muuqaalkeeda isbedela iyo in kuukuusyo laga dareemo kilkisha ama garabka hoostiisa. (Eeg sawirka hoose)

Kansarka naasaha waa laga hortagi karaa waana la daaweyn karaa, waxaana muhiim ah ogaanshiyaha xili h**e ee cudurka. Waxaana ka mid ah, in gabadha ay hubiso naasaheeda bishii halmar isbuuca caadada kadib; sida ugu haboonna waa in ay miraayada hor istaagtaa si ay u hubiso muqaal ahaan iyo in ay gacanteeda ku raadiso kuukuus ama isbedelo kale. Waxaa kaloo la sameeyaa in uu hubiyo dhakhtar sedaxdii sanaba halmar inta u dhaxeysa da’dooda labaatan ilaa iyo afartan sano ama sanadkiiba halmar qofkii ka weyn afartan sano. Waxaa kaloo haboon in lasameeyo raajada naasaha sanadkii hal mar gabadhaha da’dooda ay ka weyn tahay afartanka sano, gaar ahaan kuwa laga cabsi qabo in uu kudhaco cudurka.

Cudurkaan dawadiisa waxaa ka mid ah qaliin, shucaac (ama ileys tamar badan) iyo daawooyin cirbado ah ama kaniiniyo afka lagaqaato, waxeyna ku xirantahay marwalba qofka da’diisa, xaaladiisa caafimaad, astaamaha iyo nooca burada kansarka ah iyo heerka uu maraayo (ilaa Meesha uu gaarey).

الحمد لله الذي بنعمته تتم الصالحاتAfter years of hard work, i successfully completed my medical oncology specialty train...
31/05/2025

الحمد لله الذي بنعمته تتم الصالحات

After years of hard work, i successfully completed my medical oncology specialty training. It feels really incredible to reach this milestone. The journey has been challenging, transformative and deeply meaningful, and I am excited to continue my work as I begin my career as an oncology specialist.
Huge thanks to my family for believing in me and celebrating this milestone with me.

With love and gratitude! ❤️💙

Sanad walba maanta ookale waxaa dunida loo asteeyey Maalinta Caalamiga ah ee Kansarka ( , 4th February). Bulshada inteed...
04/02/2024

Sanad walba maanta ookale waxaa dunida loo asteeyey Maalinta Caalamiga ah ee Kansarka ( , 4th February).

Bulshada inteeda badan waxey aaminsanyihiin cudurka kansarka in uusan daawo laheen. Laga soo bilaabo nuskii danbe ee qarnigii labaatanaad waxaa lasoo saarey daawooyin iyo talaalo looga hortagaayo laguna daaween karo cudurka kansarka.

Qofwalbo ee unugul ama halis ugu jiro kansarka waxaa lagula talinaayaa in uu si joogta ah u sameeyo is hubin (Screening).
In la ogaado kansarka xili h**e waxey fududeyneysaa in uu ka bogsado qofka haleeley cudurka.

05/09/2019

17/08/2019

Cancer2

13/08/2019

Cancer1

Address

Mogadishu
Banadir

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Mohamed Abdullahi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Mohamed Abdullahi:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category