Dr Mohamed Nyeusi

Dr Mohamed Nyeusi Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr Mohamed Nyeusi, Medical and health, Baydhabo, Bay.

Haddii shacabka reer Norway ee 5-ta Milyan ah dhammaantood lasoo raro oo Somalia lakeeno, kuwa Somalia ee 20-ka Milyan a...
14/11/2025

Haddii shacabka reer Norway ee 5-ta Milyan ah dhammaantood lasoo raro oo Somalia lakeeno, kuwa Somalia ee 20-ka Milyan ahna Norway laggeeyo, dhowr sanno kadib waxaa la arki lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed oo Somalia tahriib usoo ah oo badaha kudhammaanaya!

Hadaba, waxaa iga su'aal ah, dhankee nalaga heystaa?

Maxaa keenay in bulsho siyaasad ahaan, dhaqan ahaan iyo diin ahaanba kala duwan oo qaarkood xitaa diinlaawayaal ay yihiin ay sidaa u mideysnaadaan oo ay u horumaraan, annagii oo boqolkiiba boqol muslimiin ah, isir ahaan na wada dhashay, dhaqan iyo taariikhna wadaaga aan sidaa u kala daadsanaano, waddankeenana uu safka h**e kaga jiro wadamada ugu liita dunida?

Maxaa keenay in shucuubta reer galbeedka, kuwa carabta iyo guud ahaan kuwa kunnool wadamada horumaray inay heshiis ku ahaadaan magaalooyiin iyo dhulal balaayiin doollar kuqiimeysan, dadkeenana ay isugu leynayaan dhul abaar ah oo aan waxba oollin?

Ma dhulkaa faqri ah mise dadka?

Haddii xitaa horumarkii adduun laga dib dhacay, kii aakhiro meeye? oo dadkeennu malagu tilmaami karaa shacab xambaarsan mabaadii' diineed iyo xitaa dhaqan soomaalinimo oo suubban?

Ma Qabyaalad baa halkaa ina dhigtay mise aqoondarro?

Qofkii su'aalahaas jawaab u haya qeybta hoose ee faallada hanagula wadaago.

Qeybta Daryeelka Degdegga ah ee Dhallaanka, isbitaalka guud ee Gobolka Bakool (NICU).Inuu Allah gacantaada kubadbaadiyo ...
05/11/2025

Qeybta Daryeelka Degdegga ah ee Dhallaanka, isbitaalka guud ee Gobolka Bakool (NICU).

Inuu Allah gacantaada kubadbaadiyo dhallaan yar, oo waalidkiisu ay sugaayeen muddo 9 bilood ah, waa farxad uu dareemi karo kaliya qofkii kasoo shaqeeyay NICU.

Farxaddeenu waa caafimaadkaaga โค๏ธ
Guusheenu waa inaan aragno bukaanka iyo qoyskiisa oo ayagoo qanacsan isbitaalka laga fasaxay, farxadna guryahooda kutaga ๐Ÿงก

Dr Mohamed Nyeusi ๐Ÿฅผ๐Ÿฉบ๐Ÿซ€
Xuddur, Bakool, Somalia.

Dayax madoobaadka ๐ŸŒ™๐ŸŒ” iyo xitaa qorrax madoobaadku (Lunar and Solar eclipses), waa labo dhacdo oo inta badan dood kadhex ...
07/09/2025

Dayax madoobaadka ๐ŸŒ™๐ŸŒ” iyo xitaa qorrax madoobaadku (Lunar and Solar eclipses), waa labo dhacdo oo inta badan dood kadhex abuura bulshada, ayagoo kuddooda qaabka ay u dhacaan iyo waxa sababa.

Si kooban haddii aan uga hadalno, jawaabta ugu habboon uguna qiimaha badan waa tii Nabi Muxammad SCW, ee ahayd:
ุฅู† ุงู„ุดู…ุณ ูˆุงู„ู‚ู…ุฑ ุขูŠุชุงู† ู…ู† ุขูŠุงุช ุงู„ู„ู‡ุŒ ู„ุง ูŠู†ุฎุณูุงู† ู„ู…ูˆุช ุฃุญุฏ ูˆู„ุง ู„ุญูŠุงุชู‡ุŒ ูุฅุฐุง ุฑุฃูŠุชู… ุฐู„ูƒ ูุงุฏุนูˆุงุงู„ู„ู‡ุŒูˆูƒุจุฑูˆุงุŒ ูˆุตู„ูˆุงุŒ ูˆุชุตุฏู‚ูˆุง
"Qorraxda iyo Bisha (Dayaxa) waa labo calaamadood oo kamid ah calaamadaha/mucjisaadka Ilaahay, uma madoobaadaan dhimashada ama dhalashada/nolosha qof gaar ah, hadii aad aragtaan calaamadahaas, Alle weyne barya oo xusa, salaadda iyo sadaqadana badiya.

Waa intaas jawaabta oo kooban.

Sida kale, isma diiddana heerka cilmiga uu aadanuhu kaggaaray ee ah in lasii ogaan karo in dhowr habeen kadib uu dayax madoobaad dhici doono.
Waxay kaloo aqoontu gaartay in la ogaado qaabka uu u dhaco dayax/qorrax madoobaadku.

Sida lawada ogyahay, dayaxu ๐ŸŒ™ malaha iftiin u gaar ah, oo maahan sida qorraxda iyo xidigaha.
Wuxuu Iftiinkiisu kahelaa Qorraxda.
Qorraxda ifkeeda ayaa kudhaco dayaxa markaas ayuuna noosoo gudbiyaa, oo nuurka dayaxa qaabkaas ayuu nagusoo gaaraa.

Dayax madoobaadku wuxuu dhacaa marka dhulka uu ku aado ama dhexgalo iftiinka qorraxda iyo Dayaxa, kaas oo dayaxa ka hor istaagaayo inuu helo iftiinkii qorraxda, si uu noogu ifo oo uu iftiinkaas qorraxda noogusoo celiyo.
Midabkii dayaxa ee caddaan hurdi xigeen ah ahaa ayaa isbadali doona wuxuuna u ekaan doonaa casaan/guduud bunni xigeen ah.

Isbadalka midabkaasna waxaa sababo hooska dhulka oo ku aadey dayaxa.

Sidaas si lamid ah, qorrax madoobaadku wuxuu dhacaa marka Dayaxa uu dhexgalo amaba uu ku aado inta u dhaxeysa Qorraxda iyo Dhulka.

Labadaas dhacdo waa lasii ogaan karaa wakhtiga ay dhici doonaa iyo inta daqiiqadood amaba saacadood ay socon doonaan.

Adiga ka Muslim ahaan waxaa lagaa rabaa inaad Duco iyo Salaad isu taagtid marka ay xaalahan ookale dhacaan, cilmi ahaan inaad u baratid adoo waliba cilmigaas ku dabaqaayo diintana waa Muhiim.

Dr Mohamed Nyeusi ๐Ÿ“š๐Ÿ“–

04/09/2025

Waxbarashada kajirta dalkeenna, matahay middii lagu gaari lahaa guul iyo horumar, ardadeenana u horseedi lahayd inay naftooda, dadkooda iyo dalkooda anfacaan? | Dr Mohamed Nyeusi |

13/05/2025

Xuddur, Caasimadda Gobolka Bakool ๐Ÿ–ค

Shimbiruhu waxay kuduulaan baalashooda, Bani Aadamkuna wuxuu kuduulaa hankiisa... Ahmed Shawqi... ๐Ÿ’ฌ
10/05/2025

Shimbiruhu waxay kuduulaan baalashooda, Bani Aadamkuna wuxuu kuduulaa hankiisa...

Ahmed Shawqi... ๐Ÿ’ฌ

28/03/2025

Alxamdulillah ๐Ÿค
Waxaan markii 9-aad qabannay oo Allah SW uu innagu guuleeyay barnaamijkii khayriga ahaa ee Ciidsiinta Caruurta Danyarta โค๏ธ
Sanadkaan 2025, waxaan ciidsiinnay caruur gaareysa 260 (Labo Boqol iyo Lixdan), 130 wiil iyo 130 gabdho, Alxamdulillah ๐ŸคŽ

260 Carruur ah ayaa caawa guryahooda Farxad lajiifa, waxayna si Farxad iyo niyad sami leh kusugaayaan maalinka ciidda.

Dhammaan Walaalihii nagala qeyb qaatay Ololahan khayriga ah waan u mahadcelinaynaa. โ™ฅ๏ธ

SHODOG STUDENTS' UNION (SSU) Waa Urur u taagan kana shaqeyn doona Farxadda Danyarta.

Midnimaa Sharaf Leh.

25/02/2025

Qiso cajiib ah, oo mudan in lagu cibro qaato.

1979-kii, qoys suuriyaan (Syria) ah ayaa go'aansaday inay u guuraan Dalka Mareykanka ๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ธ, si gaar ah, California.

Aabihii qoyska ayaa kasii hormaray reerka intiisii kale, wuxuuna tagey California, asoo u jeedadiisu ay ahayd inuu usii diyaariyo meel ay xaaskiisa iyo carruurtiisa dagaan.
Dhowr maalmood kadibna, hooyadii iyo carruurteeda oo gabdho u badnaa ayaa kasoo safray Suuriya.

Diyaaraduhu intaanay waddanka intiisa kale tagin waxay kusii hakan jireen Newyork ama Chicago, si meesha dadka Ajinabiga ah ee waddanka kucusub Visa dal kugal ah (Greencard) looga siiyo.

Hooyadii iyo caruurteeda ayaa yimid garoonka diyaaradaha ee magaalada Chicago, si ay meesha ugasii qaataan sharci dal kugal (Greencard).
Si sharcigaas loo qaatana, waxaa shuruudaha kamid ahayd in dumarka xijaaban ay xijaab-ka iska saaraan ๐Ÿง•.
Hooyadii qoyska ayaana arrinkii loosheegay, ugu horreyn na ayadii ayaa xijaab la'aan sawirkii gashay, gabdhaheedii kalana waxay usheegtay inay sidaa yeelaan oo ay xijaabka iska bixiyaan si loo sawiro.

Gabdhihiina siday u kala weynaayeen ayay sawirka ugu kala hormareen.

Gabar markaas gabdhaha u yarayd oo lagu magacaabo "Hala Atiq", oo da'deeda lagu sheego inay u dhaxeysay 13 sanno ilaa 19 sanno jir ayaa iyadana markeedii loo wacay si loo sawiro, waxaana loosheegay inay xijaabka iska bixiso!
Gabadhii yarayd, ayaa diiday inay madaxeeda qaawiso. Ciidankii ilaa taliyihii garoonka ayaa ku amray inay xijaabka bixiso laakiin weyku adkeysatay go'aankeeda.
Waxayna intaa raacisay, inay kadoorbideyso in ay Suuriya kullaabato, intay cawradeeda bannaanka keeni lahayd!

Hooyadeed ayaa arrinkii loosheegay, kadibna ayadoo aad u carreysan/xanaaqsan ayay ku qeylisay gabadhii, laakiin "Hala Atiq" waxay ku adkeysatay go'aankeedii h**e.

3 Saacadood kadib, Saraakiishii garoonka ayaa go'aansaday inay sideeda (ayadoo xijaaban) sawirka kugasho, maadaama aan kaligeed qoyska intiisa kale laga reebi karin, sidii ayaana lagu sawiray (waana sawirka hoos idinkaga muuqda), laakiin nasiibdarro, diyaaraddii ayaa katagtay, intii ay doodda socotay!
Hooyadii qoyska ayaa arrinkii aad uga xumaatay, waxayna si aad ah ugu qeylisay "Hala Atiq", hadalladeedana waxaa kamid ahaa "madax adeeggaagii ayay waxaanoo dhami kudhaceen"!
Codsiyo badan iyo dood dheer kadib, waxaa loo oggolaaday inay raacaan diyaaradda xigta (next flight).

Ugu danbeyn, waxay tageen California, halkaas oo Aabihii qoyska uu kusii sugaayey.
Aabihii ayaa Xaaskiisa iyo carruurtiisa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee California, asagoo farxad la ilmeynaya, oo ku celcelinaya, "Alxamdulillah, waad nooshihiin" "Alxamdulillah, waad nooshihiin"! "Waad badbaadeen", iyo erayo lamid ah!
๐Ÿ”ธ๏ธ Xaaskiisii ayaa weydiisay sababta keentay inuu dhaho waad badbaadeen, iyo waxa dhacay?

Wuxuuna usheegay, in diyaaraddii ay markoodii h**e kuqornaayeen ee ahayd 'American Airlines Flight 191' ay shil diyaaradeed gashay, waxaana ku geeriyootay 271 qofood! Subxanallah!
Qoyskaan diyaaraddaas shilka gashay ayay markoodii h**e kuqornaayeen, laakiin maadaama gabadhii yarayd "Hala Atiq" ay diidday inay xijaab la'aan sawir gasho, muddo 3 saacadood ahna ay dooddooda socotay, ayay katagtay diyaaraddii, sidaas ayayna uga baaqdeen oo ay diyaarad kale kuraaceen!

Hala Atiq ayaa markaas tiri kalmad aad u caanbaxday oo ahayd, ุงู„ุญุฌุงุจ ุฃู†ู‚ุฐ ุญูŠุงุชู†ุง, oo lamicno ah "Xijaabkii ayaa nafteenna badbaadiyay"! Allahu Akbar โค๏ธ

Qisadaan waa Qiso Dhab ah, waxayna dhacday, 25 May 1979.
Waxaa Tarjumay: Dr Mohamed Nyeusi ๐Ÿ“–๐Ÿ“š๐Ÿ–Š
Maxaad ka faa'iidday qisadaan, nagula wadaag qeybta faallada (comments).
Mahadsanid ๐Ÿ‘๐Ÿฝ

Medical & health

TALO CAAFIMAAD ๐Ÿฅผ๐Ÿซ€๐ŸฉบTalooyinkaan caafimaad ee hoos kuxusan haddii aad qaadatid, waxaan kuu ballanqaadayaa in caafimaadkaag...
28/10/2024

TALO CAAFIMAAD ๐Ÿฅผ๐Ÿซ€๐Ÿฉบ

Talooyinkaan caafimaad ee hoos kuxusan haddii aad qaadatid, waxaan kuu ballanqaadayaa in caafimaadkaaga Jir ahaan iyo Maskax ahaanba ay waxbadan iska badali doonaan In Shaa Allah โ˜˜๏ธ

๐Ÿซ€1. Soonka oo lajoogteeyo asbuucii 2 maalmood ama ugu yaraan 1 maalin.

Soonku waa talada caafimaad ee ugu muhiimsan ee aan maanta kusiin lahaa.

๐Ÿซ€2. Joogteey istacmaalka Malabka, Xabad-sowdada, Timirta, Caanaha geela ๐Ÿช๐Ÿฅ› (oo bilaa sokor ah), khudaarta (intii aad heli karto), Biyo badanna cab.

Cuntadu waa inay kuu kala soocnaataa,
Cuntooyinka larabo inaad waxbadan kacuntid waa kuwa laga helo Protein-ka, Sida Hilibka noocyadiisa kala duwan ๐Ÿฅฉ๐Ÿ—, Ukunta ๐Ÿฅš, Caanaha ๐Ÿฅ›& Looska ๐Ÿฅœ, iyo Khudaarta noocyadeeda kala duwan ๐ŸŒ๐Ÿฅญ๐Ÿฅฆ๐Ÿ‰๐Ÿฅ•.

Cuntooyinka qaarna waxaanba kugula talin lahaa inaad iska joojisid gabi ahaanba, sida waxkasta oo gasac ama caag lagu keeno oo dibadda lagasoo dhoofiyo, Saliidda iyo Sonkortana jooji!
Waxaadna kubadalataa dalagga beeraheena kasoo go'a sida galleyda ๐ŸŒฝ masagada, digirta iyo qamadida.

Ha casheynin habeenkii! Cuntadaada ugu danbeysana waxaad cuntaa maqribadii.

๐Ÿซ€3. Xilli h**e seexo habeenkii si aad xilli h**e u kacdid subixii.

๐Ÿซ€4. Jimicsi sameey maalintii 1 saac kamid ah ama ugu yaraan 30 daqiiqo.
Jimicsigu gurigaaga xitaa waad kusameyn kartaa oo waxweyn lagaama rabo, Socodka xitaa waa Jimicsi.

๐Ÿซ€5. Tasbiixda iyo Qur'an akhriska aad u badi.

๐Ÿซ€6. Bulshada aad lanooshahay kula dhaqan dabeecad wanaagsan, qofkasta oo aad wax uun isku heysaan na iska cafi, markastana Ilaahey xaggiisa kheyr kafilo.

Lixdaan talo haddii aad joogteysid waxaan kuu ballanqaadayaa inaad isbitaal iyo farmashiba kamaarmi doontid In Shaa Allah, walwal iyo walbahaarna wey kudeyn doonaan.

1 MONTH CHALLENGE.
1 bil talooyinkaan kor kuxusan sameey, kadibna arag natiijada kadhalata! Jir ahaan iyo Maskax ahaanba isbadel weyn ayaad dareemi doontaa In Shaa Allah.

MUHIIM: Talooyinkaan caafimaad waxaa aad ugu baahan dadkeena da'da ah (50 jir iyo wixii kaweyn) ee lawadaag. Mahadsanid ๐Ÿ’™

Address

Baydhabo
Bay

Telephone

+252616014967

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Mohamed Nyeusi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Mohamed Nyeusi:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram