Khayre

Khayre Halkan Waxad Ka Helaysa Fariimo Cafimaad iyo Tallooyin Sare U Qaadaya Badqabka cafimaadkaga

21/07/2023
18/11/2021

Rasuulku ﷺ wuxuu yidhi: Camalada ilaahay wuxuu ugu jecelyahay qof Muslim ah oo aad farxad gelisid, dhib haysata oo aad ka faydid ama dayn lagu leeyahay oo aad ka bixisid ama gaajo aad ka quudisid. Sadaqadu wxay ka mid thy mid kamid ah furaysha lagu galo Janada'

Waa Habeen Jimca ah Nabiga Halagu Saliyo SCW

29/05/2020

Ku Dhibaatowga Wax Liqidda

waxaa loo yaqaannaa disfagiya (dysphagia).
Wuxuu saameyn karaa cunidda, cabbidda, iyo dawo qaadashada.
Dhibaatooyinka wax liqiddu waxay keeni kartaa nafaqo xumo.

Calaamadaha Dhibaatooyinka Wax Liqidda

• Qufucid, mergasho ama sixasho oo yimaada marka wax la cunayo ama la cabbayo
• Dareemidda in cunto ay ku dheggan tahay hunguriga ama afka
• Dhareerid
• Qufac liita ama cod liita lahaansho
• Dhibaato ku qabidda liqidda ama xanuun dhinaca wax liqidda ah
• Ka cararka qaar ka mid ah ama dhammaan cunnooyinka ama cabitaannada

Dhibaatooyinka wax liqidda waxaa sababi kara:

• Miyir beelid
• Kansarka madaxa iyo qoorta
• Dhaawacyada hunguriga soo gaara
• Dhaawac madaxa soo gaara
• Cillad maskaxda ah
• Shucaac
• Dawooyinka qaarkood
• Dalool hunguriga gala (tracheostomy)

Daryeelkaaga

Haddii takhtarkaagu uu ka shakiyo dhibaatooyin wax liqid, Takhtarka Luqadda Hadalka, ee loo yaqaanno SLP, ayaa laga yaabaa in uu u baahdo inuu hubiyo wax liqiddaada.
SLP waxaa loo tababaray inuu bukaannada ka caawiyo dhibaatooyinka wax liqidda.

Dhibaatooyinka wax liqidda waxaa loo hubiyaa labo siyaabood:

• Hubinta liqidda: SLP ayaa ku daawanaya adiga oo cunto cunaya oo cabitaanna cabbaya kuwaasoo culeys ama khafiif ahaan kara.

Haddii dhibaatooyin wax liqid la arko, baaritaanno badan ayaa laga yaabaa in loo baahdo.

• Liqidda barium wax laga beddelay: Baaritaankaan waxaa loo sameeyaa in lagu hubiyo sida aad wax liqeysid. Sawirro raajo ayaa laga qaadayaa cunnooyinka iyo cabitaannada oo ku soconaya afkaaga ilaa iyo hunguriga.

Iyada oo ku saleysan natiijooyinka baaritaannada, ayaa daryeelkaaga laga yaabaa iney ku jiraan:

• In aad cunnooyin ama cabitaanno gaar ah aad qaadato
• In aad madaxaaga u hayso si gaar ah marka aad wax cuneyso iyo markaad cabbayso
• Sameynta jimicsi si aad wax liqidda uga yeesho mid kuu fudud oo kuu nabdoon.



Somalidoc

Share&like

Ciid Wanaagsan dhamaan asxaabta ku xiran Page-kan, Waxa Mahad oo dhan iska leh Alle Swt Nawafajiyay bishan Ramadan khayr...
22/05/2020

Ciid Wanaagsan dhamaan asxaabta ku xiran Page-kan,
Waxa Mahad oo dhan iska leh Alle Swt Nawafajiyay bishan Ramadan khayrkeda cafimaadna Noogu dhameyay alle Hanaga Aqbalo acmasha bisha ramadan kuwi Bishan Naarta laga xoreyay Alle hanaga dhigo Meel kasto aad Joogtan Samaali Cafimaad Ku Ciida

11 May 2020: Update on COVID-19 in Somalia.> New cases confirmed today: 35> Benadir: 24> Puntland: 8> Somaliland: 3> Mal...
11/05/2020

11 May 2020: Update on COVID-19 in Somalia.

> New cases confirmed today: 35
> Benadir: 24
> Puntland: 8
> Somaliland: 3

> Male: 25
> Female: 10
> Recovery: 3
> Death: 1
------------------------------------
Total confirmed cases: 1,089
Total recoveries: 121
Total deaths: 52
Ministry of Health- Somalia

Sonkorta Dhiiga Ee Hoosaysa  Sonkorta dhiigga ee hooseysa macnaheedu waa inaadan lahayn sonkor kugu filan ama gulukoos d...
01/05/2020

Sonkorta Dhiiga Ee Hoosaysa

Sonkorta dhiigga ee hooseysa macnaheedu waa inaadan lahayn sonkor kugu filan ama gulukoos dhiiggaaga ku jirta, sonkorta dhiigga ee hooseysa waxaa loo yaqaannaa hypoglycemia.
Sokorta Glucose-ta waxaa looga baahan yahay unugyada jirkaaga. Heerka sonkorta dhiigga caadiga ah waa 70-100. Heerka sonkorta dhiigga ee ka hooseysa 70 way hooseysaa.

●Sababaha

Mararka qaarkood sababta lama yaqaanno, laakiin waxaa laga yaabaa inay ka timaaddo:

Jir dhis fara badan ama jir dhis aan la qorsheysannin.

Xanaaqa iyo kacsanaanta hormoonada qaar waxay ridaa sonkorta e.g: dad ayay sonkorta ka dhacdaa markii ay dagaallamaan.

Daawada sokorta oo xad dhaaf aad u qaadatid - (waa haddii aad Sonkor qabtid)

Cuntooyinka la seego ama la daahiyo ama qofka oo cunno xumi qabo.

●Calaamadaha

•Waxaa laga yaabaa inaad dareentid:

•War-wareer, lulasho, isku dhex yaac, daciiftinnimo ama daallanaan

•Dhidid

•Gaajo

•Dabci beddel ama iska xanaaqaysid ama aan si kala cad u fekereynin

•Aadan awoodin inaad hadasho

•Aragga caad kaa fuulo

•Aad dareento wadnaha oo si xawli ah kuu garaacaya

•Aad dhinacyada afka iyo faruuryaha ka dareento kabaabyo

•Maduxu ku xanuuno

●Daryeelkaaga

Marka sonkorta dhiiggaagu ay dhacdo, waxaad u baahan tahay inaad cunto ama cabto cunto sonkor leh.

Haddii aad qabtid cudurka macaanka, sidaan samayn:

½ koob ama 120 millilitir oo casiir ah, Maahan cabitaannada sonkorta aan lahayn ama kalooriska aan lahayn.

3 ama 4 kaniini oo gulukoos ah

1 qaaddo ama 15 millilitir oo sonkor ah

1 koob ama 240 millilitir oo caano ah

Sonkorta dhiiggaaga ku hubi 15 daqiiqadood. Haddii sonkorta dhiiggaagu ay weli ka sii yar tahay 70 ama haddii aadan ka soo raynin, cun ama cab qaadasho kale oo cuntadii ama cabitaankii la soo sheegay.

Marka sonkorta dhiiggaagu ay tahay 70 ama ka badan, waxaad weli u sii baahan tahay inaad wax cunto si aad sonkorta dhiiggaaga uga ilaaliso iney mar kale hoos u dhacdo.

Haddii ay kuu tahay waqtigii aad cuntada cuni lahayd, cun cuntadaadii caadiga ahayd.

Haddii cuntadaada xigta ay ka badan tahay saacad, cunto fudud sii cun. Isku day sandiwij barkiis iyo 1 koob ama 240 millilitir oo caano ah.

●Si aad uga Hortagtid Sonkorta oo Hoos u Dhacda

Raac qorshaha cunto cunidda. Cun cuntooyin iyo cunno fudud isla waqti maalintiiba. Ha seegin hana ka daahin cuntooyinka.

Hubi oo diiwaan geli heerarka gulukoostaada. Haddii ay sonkortaadu hoos u dhacdo in ka badan 2 goor toddobaadkiiba, dhakhtarkaaga la xiriir.

Waxaa laga yaabaa in isbeddello lagu sameeyo cuntadaada, daawada ama sameynta jir dhiska.

Daawadaada sonkorowga u qaado sidii lagu faray. Ha qaadannin daawo sonkorow oo dheeraad ah iyadoo uusan dhakhtarkaagu kugula talinnin.

●Si joogto ah jir dhis u samee.

Haddii aad ka mid tahay dadka mar walba sokortoodu ay dhacdo:

Waqti kasta ha kuu taallo cuntooyin fudud sida shukulaato, malmalaaddo, iyo casiir.

Dadka kale ee kula shaqeeya ama kula nool u sheeg inaad qabtid cillada dhicista sokorta.

Sharegaray si Asxabtada Kale Uga faaidaystan



Drkhayre

Ramadaan Kariim Dhamaan Umada Muslimiinta ah gaar ahaan Umada Somaliyeed Alle Waxaan Ka baryeya Bishan Ramadan Danbigeen...
23/04/2020

Ramadaan Kariim Dhamaan Umada Muslimiinta ah gaar ahaan Umada Somaliyeed Alle Waxaan Ka baryeya Bishan Ramadan Danbigeene inu dhaafo Cafimaad Iyo Cibaado suuban Alle Hanogu Dhameeyo"

Inti Ramadan ugu dhashay iyago xanusan Alle Ha caafiyo"
Amiin

RAMADAN MUBARAK

𝙏𝙤𝙤𝙣𝙩𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝘾𝙖𝙖𝙛𝙞𝙢𝙖𝙖𝙙𝙠𝙖Toonta ama Tuuntu waxay ka mid tahay geedo daaweedyada fara ku tiriska ah ee ummado badan isku waa...
22/04/2020

𝙏𝙤𝙤𝙣𝙩𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝘾𝙖𝙖𝙛𝙞𝙢𝙖𝙖𝙙𝙠𝙖

Toonta ama Tuuntu waxay ka mid tahay geedo daaweedyada fara ku tiriska ah ee ummado badan isku waafaqsan yihiin waxtarkeeda caafimaad ayna soo isticmaali jireen xadaaraad h**e oo caalamka soo maray.

Toonta waxay kaloo ka mid tahay geedo daaweedyada uu rasuulkeena suuban nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu nagala dardaarmay in aan xanuunada iskaga daawayno.

Toonta waxay kaloo ka mid tahay geedo daaweedyada ay cilmibaarayaashu isku waafaqeen waxtarkeeda caafimaadkeeda.

Haddiiba faa'idadeeda uusan shakii ku jirin bal aan ka hadalno xanuunada lagu daaweeyo iyo qaabka ay wax u tarto intaba:

Toonta waxaa ku jirto maaddo loo yaqaano "Allicin", waana maadada carafta tuunta xambaarsan iyo awoodda daaweed ee tuunta

Waxyaabaha nafaqada leh oo toonta laga helo waxaa ugu horreeyo Manganese, fitamiin B6, fitamiin C iyo maadada Selenium, waxaa kaloo ku jiro qadar yar oo kaalsiyam, copper, bootaasiyam iyo bir ah.

Toonta waxay sare u qaadaa difaaca jirka, waana sababta loogu adeegsado xanuunada uu fayraska keeno sida ifilada, durayga iyo hergabka, waxaana la arkay in halista hergabka ay yarayso boqolkiiba 70% markii toon la isticmaalo,

Toonta waxay hoos u dhigtaa dhiig karka, waana arkay dad badan oo toonta u isticmaalo inay ku xakameeyaan cadaadiska dhiigga,

sadax diraasad oo lagu sameeyay toonta waxay sheegeen in haddii aad qaadatid qadar 600 illaa 1500 mg oo toon ah maalintii inay la mid tahay adigoo qaata kaniiniga dhiigkarka ee loo yaqaano "Atenolol",

sidaasne uu dhiigga lagu kontarooli karo, maadaama qadarka toonta ee halkaan ku xusan uu badan yahay oo ay dhici karto inuusan qofka qaadan karin maalintiiba,

waxaa habboon in aad tuunta u isticmaasho dhiig-karka markuu cusub yahay ama billaw yahay, laakiin hadduu aad u kaco, waa in aad daawo qaadatid.

Toonta waxay hoos u dhigtaa kolestaroolka xun ee loo yaqaano "LDL", waxay kaloo hoos u dhigtaa dufanka loo yaqaano "Triglyceride" oo wadnaha u daran, waxaa jiro dhowr diraasad oo ku talinayso in kolestaroolka lagu xakamayn karo cunista toonta joogtada ah.

Toonta waxaa alle ku abuuray maado ka hortagto xanuunada hilmaanka maskaxda keeno sida alzheimers iyo dementia,

qaabkane waa in iyadoo jirka ka saarto waxyaabaha dhibkaas keeno oo maskaxda howlgabiyo in ay ka takhallusto iyadoo adeegsanayso qaab loo yaqaano "Detoxification",

sidaas awgeed maadaama dhiigkarka ay yarayso, kolestaroolka ay xakamayso, shaqada maskaxdane ay wanaajiso waa daawo u roon duqowda.

Toonta waxay kordhisaa firfircoonida iyo gubista tamarta xilliga jimicsiga ama Gym-ka, wayna ka wanaagsan tahay kana caafimaad badan tahay daawooyinka la sheego in murqaha lagu dhiso oo leh waxyeello badan,

haddii aad jimicsi samaysid ku dadaal in aad joogtaysid cunista toonta, waxaana arrintaan laga ogaaday taariihkda giriigga iyagoo orodada marathon-ka siin jiray toon inta aysan orodka billaabin, waana sir waqti dambe la ogaaday.

Dadka ka shaqeeyo warshada kiimikada sameeyo sida rasaasta ama "lead" waxa loo yaqaano waxay aad ugu dadaalaan cunista toonta iyadoo la arkay inay jirka ka saarto suntaas, waxayna ka hortagtaa astaamaha ay dadkaas badanaa dareemaan sida madax xanuunka iyo dhiig-karka.

Toonta waxay kobcisaa caafimaadka lafaha khaasatan dumarka iyadoo siyaadiso hormoonka estrogen, kaasoo hadduu yaraado u qaabilsan daciifinta lafaha,

Toonta waxay la dagaallanta gooryaanada iyo jeermiska mindhicirrada galo iyadoo alle siiyay awood suuxin oo gooryaanka ku suuxayo taasoo caloosha si sahlan iskaga soo saari karto,

badanaa cilmibaarayaashu waxay sheegeen in dadka joogteeyo cunista toonta inay ku yartahay bahallada iyo gooryaanada caloosha galo,

haddii dhibato kaa haysato caloosha fadlan ku dadaal toonta oo ku nadiifi mindhicirradaada.

Toonta waxaa kaloo loo adeegsadaa qandho jabis, qufaca, madax xanuunka, caabuq sanqada, kalagoysyo xanuunka, baabasiirka, xiiqda, buronkiitada, qaniinyada masaska iyo dabaqallooca,

wuxuuna rasuulka csw noo sheegay in haddii toonta la saaro meel uu bahal kaa qaniinay iyadoo la tumay waxay jirka ka soo dhuugtaa sunta iyadoo ilaahay idinkiisa ka hortagto in sunta ay dhiigga raacdo,

intaas aan soo tilmaamay oo lagu daray ku daawaynta xiiqdheerta, saliilyada ilkaha, cambaarta basada gasho waa wax cilmibaaris lagu sameeyay oo la arkay waxtarkooda.

Waxaa hadda jirto cirbad laga sameeyay toonta oo loo adeegsado feero xanuunka aan daawada waxba ka tarin.!!!

Somalidoc

Fadlan Lawadaag asxaabtaada una faa'iidee

SHARE SHARE SHARE SHARE

--Macsarada Iyo Faaidoyinka Cafimaad Ee laga Helo-- Macsaradu waa siliid leh Faaidoyin farabadan oo cafimaad aan laso ko...
19/04/2020

--Macsarada Iyo Faaidoyinka Cafimaad Ee laga Helo--

Macsaradu waa siliid leh Faaidoyin farabadan oo cafimaad aan laso koobi karin
Hadi aan ka fiirino dhanka Cafimaadka iyo faaidoyinka ay u leedahay Cafimaadka jirka Sida Dhiiga maskaxda wadnaha caloosha Neerfaha
Macsaradu waxa loo isticmaala ay dawo u tahay Cuduro farabadan sida Xanuunada wakhtiga dheer qaata
Faaidoyinka Ugu Caansan iyo Xanuunada Lagu daweeyo Macsarada Waxa Ka mid ah

Macsaradu waxay wado u tahay xanuunada dhiikarka Sonkorowga ama kaadi Macaanka Waxayna Ka hortagtaa Kansarka

Macsaradu waxay dawo u tahay Wadna Xanuunka

Waxa lagu daweeya Macasarada Cuncunka Jirka

Macsaradu waxay u diida dhiiga inu is guntiyo ama xinjiroobo Sido kale waxay nadifisa Xididada Dhiiga qada

Macsarada waxa ku jidho Maadoyin badan oo xanuun baabiyaal ah

Waxaa kale oo lagu daweeya Kacsananta iyo isku buuqa Maskaxda

Macsaradu waxay dawo u tahay timaha oo ay ka ilaasiyo goitaanka waxayna tinta ka dhigtaa madow

Macsaradu waxay jilcisa Caloosha waxayna u fiican tahay amateedka

Macsarada waxay daawo u tahay kolestaroolka kacsan

Macsaradu waxay daawo u tahay xanuunada ku dhaca kala goys yada iyo lafa xanuunka diiqada walwalka isku buuqa madax xanuunka IWM

Macsaradu Mahaan Saliid kicisa Gaastariga

Macsaradu waxay u Fiican tahay Xanuunka lo yaqaan sciatica oo ah xanunka Neerfaha

Macsarada waxay ka qeyb qaadataa kontoroollida cadaadiska dhiigga.

Macsaradu waxay adkeesa lafaha Muruqyada Waxayna isku dheeli tirta jirka"


Fg: Faaidada Ku jidha Macsarada Mahan wax laso koobi karo Wana Saliida Kaliya ee lo isticmaalo dhinackasta Haday Noqon Lahayd cuntada oo lagu darsado jirka oo lo isticmaalo waxa laga helaa Fitamiin E Kaso firfircooniya Wareega Dhiiga Sido kale Macsarada Waxa Ku jidha Dufan Kordhisa xasuusta iyo xifdinta"

WQ:Dr'khayre

Lawadaag Asxabtada kale Si ay Uga faaidaystaan _

Hadii aad Ku cusub Tahay Bage'Kan Like Saar si aad U Heshid Fariimaha Cafimaaadka

Maxa Sababa "Dhabar Xanuunka"  Dhabar xanuunka Dhica hoose ee dhabarka waa xanun Aad ugu badan bini aadanka Rag iyo duma...
18/04/2020

Maxa Sababa "Dhabar Xanuunka"

Dhabar xanuunka Dhica hoose ee dhabarka waa xanun Aad ugu badan bini aadanka Rag iyo dumarba waxa lagu qiyaasa xanunka 4 ilaa 5 shan tii qof boqolkiba in u ku dhaco wakhtiga uu xanunkan qofka hayn karo waa wakhti kooban ilaa wakhti dheer

Wuxu ku iman kara si dag dag ah isago qaadan kara wakhti dheer ama wakhti gaaban isago qofka ku sababa inu dhibo socodka iyo shaqoyinka fudud

Lafta dheer ee dhabarka madha waxay ka kooban tahay qaybo badan oo kala ah C1 ilaa C7 oo ah inta sare D1 ilaa D 12 oo ah inta dhexe L1 ilaa L 5 oo ah inta Hoose ee dhabarka waxa k**i xiga S1 ilaa S5 oo ah inta Hoose ee ugu danbeya

Xanuunkani badana wuxu ku dhaca inta Hoose ee L1 ilaa L5 ee dhabarka waa halka ugu badan ee Shaqada waana Halka culayska ugu badan ee dhabarka qaabila
Hadii Aad wax qaadayso iyo hadi aad kacayso ama aad Soconayso intaba

Haddii wax yar oo dhaawac ah gaaro wax kasto ka mid ah dhismaha dhabarka inuu keeni karo xanuun aad u badan iyo raaxo la’aan. Xanuunka dhinaca hoose ee dhabarka waa astaanta inuu jiro dhaawac seedaha, murqaha ah "carjawda u dhaxayso labada lafood"

Xanunka dhabarku wuxu ku imaan kara ama sababi kara qofkasta sida uu u shaqeeyo iyo xaladiisa joogtada ah Sida in uu ka shaqeeyo shaqooyinka culus Sida xamaalka Beeraha dhismaha guryaha qodida dhulka IWM

Sidee xanuunka lagu dawayn kara ama layskaga ilaalin karaa

-Hadii aad xanunkan ad horay u dareemaysay la xiriir dhaqtar cafimaad
-- Hadi xaladada cafimad daran tahay isticmaal dawoyinka xanun babiyaasha ah
-Samee Jimicsi Fudud Malin kasta kana dheerow inaad wakhti badan fadhidid
- Iska ilaali ama Yaree Culayska saaidka ah
-Subax kasta marka So kacdid Samee jimicsi Sida orodka
- Samee Jimicsi Culus oo joogto ah sida Gym
-Hagaaji simida dhabarka Sida sax ah Mar aad fadhidid ado iska ilalinaya qalooca dhabarka

WQ:Dr-khayre

Lawadaag Asxabtada kale Si ay Uga faaidaystaan _MAHADSANID

Hadii aad Ku cusub Tahay Bage'Kan Like Saar si aad U Heshid Fariimaha Cafimaaadka

Wax Ka Ogow Cudurka Bararisada "Cellulitis"*Cudurkaan wuxuu ku billawdaa in mid ka mid ah faraha gacanta ay gaarto dhaaw...
10/04/2020

Wax Ka Ogow Cudurka Bararisada "Cellulitis"*

Cudurkaan wuxuu ku billawdaa in mid ka mid ah faraha gacanta ay gaarto dhaawac mudis ah, dhaawacaas oo farta gudaha u galo illaa uu ka gaaro xuubka ku hareeraysan lafta farta.

Wax ku muday haddii aysan farta gudaha safiican ugu galin, badanaa ma keento caabuq daran, si dhakhsane uguma faafto faraha kale, waana xaalad ka duwan caabuqa bararisada, waxaana loo yaqaanaa "Cellulitis".

Maxay badanaa gacmaha ugu dhacdaa?

Gacmaha waa meelaha ugu badan ee u nugul in qofka ka dhaawacmo, waana meesha ugu fudud oo dhaawac si sahlan ku gaari karo seedaha iyo lafaha maadaama aysan sidaa uga fogayn hilibka kore.

Badanaa waxyaabaha qofka mudo waa wax dhulka yaallo oo jeermis xambaarsan, waxaana badanaa cilladaan lagu arkaa dadka gacmaha ku shaqaysto sida dadka beeraha falo, geedaha gooyo ama biraha ka shaqeeyo.

Jeermiskaas markuu jirka gudaha u galo, wuxuu ku tarmaa farta dhaawaca gaaray, waxyar ka dibne way barartaa, kadibne malax ayay gashanataa, kadibne caabuqii wuxuu si dhakhso ah ugu gudbaa faraha kale illaa uu gacanta wada gaaro.

Haddii aan laga gaarin dhaawaca markuu cusub yahay wuxuu si joogto ah u naafeeyaa seedaha iyo kalagoysyada yaryar ee faraha, taasina waxay keenaysaa in faraha qalloocdaan ama gacantaba ay qallasho.

Sidee loo daaweeyaa cudurkaan?

Daawada waxay waxtar degdeg ah u leedahay markuu dhaawaca cusub yahay, waa in meesha dhaawaca kaa gaaray si dhakhso ah loo nadiifiyo si caabuqa loo yareeyo,

waa in nabarka la mariyo ama lagu xiro jeermis dile, lana qaato daawo qallajiye ah si jirka looga caawiyo la dagaallanka jeermiska soo galay.

Hadduu nabarka muddo ka soo wareegato, waa in la fiiriyo inuu malax yeeshay iyo in kale, hadduu malax gashay waa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo dillaaciyo oo malaxda laga soo daadiyo, kadibne dhaymo iyo daawo la isugu daro qofka.

Hadduu caabuqa ku fidiyay faraha kale ama gacantma waa in qalliin lagu sameeyo qofkaas si gacanta loo badbaadiyo, lagana saaro gacanta wixii unugyo ah oo dhintay ama wasakhoobay si faafitaanka caabuqa loo xadido.

XG"Somalidoc

Lawadaag Asxabtada kale Si ay Uga faaidaystaan _MAHADSANID

Hadii aad Ku cusub Tahay Bage'Kan Like Saar si aad U Heshid Fariimaha Cafimaaadka

Maanta Oo Ay Bishu tahay 8 April 2020 Wasaarada Cafimaadka Somalia aya XaqiijiyayQofki U h**eyay Ee U dhinta Caabuqa Cor...
08/04/2020

Maanta Oo Ay Bishu tahay 8 April 2020 Wasaarada Cafimaadka Somalia aya Xaqiijiyay
Qofki U h**eyay Ee U dhinta Caabuqa Corana viruska
Gudaha Magalada muqdisho

Sido Kale waxa La Helay Case kale Oo Cusub wxay ka dhigan tahay Guud Ahaan tirada dadka qaba cudurkan wa sideed Ruux iyo Hal qof oo u dhintay AHN

Inta la Hubo Ee Cudurkan qaba Waxa Macqula inay Jiri karaan Dad kale ee qaba balse Aan baritaan Lagu Sameen Waa Cudur halistis leh Fadlan Hadi aad iskaga Shakidid wac Lambarka Gargaarka Dag daga ah No 343 ama 449

Qofkasta waxa la Gudboon Inu taxadar fara badan Sameeyo Cudurkan Waa Mid Si yar oo dhaqsale Ku fidaya halistiisana Leh

Joog Goobtada ama Gurigaga Si aad uga Badbaadid Covid 19 Alle Swt tallo Sarso"

-Dhanka Kale Doorka Dowlada Puntland"

Waxan Mamulka puntlant ugu baaqaya inay Wax ka qabtaan xaalada Soo galootiga Ethopian'ka ee Kuso qulqulaya gudaha Magaloyinka puntland gaar ahaan Magaalada Bosaso Waa Arin aan Layska indho tiri karin Sameena Ku leh Bulshada'

Address

Bosaso
749394

Telephone

+252907537999

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Khayre posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Khayre:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram