Gurey Clinic

Gurey Clinic Gurey Clinic Bosaso – Daryeel Caalami Ah & Taabasho Maxalli ah.

Waxaa Kahowlgala Dr. Cabdicasiis Axmed Gurey (MBBS-China, MRCS, GMC-UK).
📍 Agagaarka Dekedda, Aadan Taagnaa, Boosaaso
📞 +252 907 218 634
🌐 gureyclinic.com

Infekshinka dhiigga raaca (Sepsis) waa xaalad halis ah oo dhacda marka jirku si xad-dhaaf ah uga falceliyo caabuq (infec...
01/04/2026

Infekshinka dhiigga raaca (Sepsis) waa xaalad halis ah oo dhacda marka jirku si xad-dhaaf ah uga falceliyo caabuq (infection), taasoo keenta in infekshinku ku faafo dhiigga oo saameeyo xubnaha jirka.

🔴 Calaamadaha lagu garto:
1:Qandho ama qabow daran
2:Wadnaha oo si degdeg ah u garaacma
3:Neefsasho degdeg ah
4:Daal iyo jahawareer
5:Cadaadis dhiig oo hoos u dhaca
⚠️ Sababaha keena:
1:Caabuqyo ka bilaabma sambabada (pneumonia)
2:Kaadi mareenka (UTI)
3:Nabaro ama infekshan maqaarka ah
4:Infekshan gudaha jirka ah
🛑 Halista:

Haddii aan si degdeg ah loo daaweyn, waxay keeni kartaa:

1:Fashilka xubnaha jirka
2:Shock (septic shock)
3:Xitaa dhimasho
si dag dag ah u booqo :Gurey Clinic

Cidiyaha oo ka go’a maqaarka hoose (dib u gurasho) waxaa sababi kara dhowr arrimood:🟤 1. Fangas (Fungal infection)– Saba...
28/03/2026

Cidiyaha oo ka go’a maqaarka hoose (dib u gurasho) waxaa sababi kara dhowr arrimood:

🟤 1. Fangas (Fungal infection)
– Sababta ugu badan, waxay keentaa cidiyaha oo kala go’a oo midab beddela

🟤 2. Dhaawac (Trauma)
– Ku dhicid, garaacis, ama si xoog ah u jarid cidiyaha

🟤 3. Kiimikooyin adag
– Saabuun, detergents, iyo waxyaabaha lagu nadiifiyo oo xooggan

🟤 4. Biyo badan
– Gacmaha oo mar walba qoyan waxay daciifisaa cidiyaha

🟤 5. Cudurro gudaha ah
– Sida thyroid, psoriasis, ama cudurro kale

🟤 6. Daawooyin qaar
– Daawooyin qaarkood waxay saameyn karaan koritaanka cidiyaha

🟤 7. Nafaqo yari
– Vitamin-yada iyo macdanta qaar oo yaraata

👉 Calaamadaha:
– Cidiyaha oo kor u kacda ama ka go’da maqaarka
– Midab isbeddel (caddaan, jaalle)
– Mararka qaar xanuun ama ur

👉 Talo:
Haddii aad aragto calaamadahan, gaar ahaan haddii ay sii socdaan, waa muhiim inaad la tashato dhakhtar si loo ogaado sababta saxda ah.
Contact :906 874 096
Booqo :Gurey Clinic

**Jumca Mubaarak 🌙✨**اللهم في يوم الجمعةاغفر لنا ذنوبنا،واشرح صدورنا،ويسر أمورنا،واكتب لنا الخير حيث كان 🤲اللهم صلِّ وسل...
26/03/2026

**Jumca Mubaarak 🌙✨**

اللهم في يوم الجمعة
اغفر لنا ذنوبنا،
واشرح صدورنا،
ويسر أمورنا،
واكتب لنا الخير حيث كان 🤲

اللهم صلِّ وسلم على نبينا محمد ﷺ

Ha noqoto Jimcahan mid barako leh, ducadaadana la aqbalo, qalbigana lagu dejiyo.

**Jumca Mubaarak dhamaantiin 🤍**
Gurey Clinic

Ganglion cysts waa burooyin yar yar oo biyo u eg (fluid-filled) oo ka soo baxa seedaha ama kala-goysyada (joints), badan...
25/03/2026

Ganglion cysts waa burooyin yar yar oo biyo u eg (fluid-filled) oo ka soo baxa seedaha ama kala-goysyada (joints), badanaa gacanta ama curcurka.
Contact :906 874 096
Booqo :Gurey Clinic

Raajada Madaxa (Head X-ray) 🧠Raajada madaxa waa sawir lagu qaado maskaxda iyo lafaha madaxa si loo ogaado dhibaatooyin c...
23/03/2026

Raajada Madaxa (Head X-ray) 🧠

Raajada madaxa waa sawir lagu qaado maskaxda iyo lafaha madaxa si loo ogaado dhibaatooyin caafimaad.

Maxaa lagu ogaadaa?
✔️ Jab ama dhaawac madaxa ah
✔️ Dhibaatooyin lafaha madaxa
✔️ Calaamado muujinaya cudurro kale

Faa’iidada:
👉 Baaritaan degdeg ah oo fudud
👉 Ka caawiya dhakhtarka go’aan sax ah

Xusuusnow: Haddii aad qabto madax xanuun daran ama dhaawac, baaritaan degdeg ah waa muhiim.


Gurey Clinic

Eid Mubarak 🌙✨Ilaahay ha naga aqbalo soonkii, salaaddii, iyo camalkii suubanaa.Ha inaga dhigo ciiddaan mid farxad, nabad...
19/03/2026

Eid Mubarak 🌙✨

Ilaahay ha naga aqbalo soonkii, salaaddii, iyo camalkii suubanaa.
Ha inaga dhigo ciiddaan mid farxad, nabad iyo barako leh.

Eid Mubarak dhammaan Muslimiinta 🤍

Gurey Clinic

La-Talin Heer Caalami ah.Dr Abdiaziz Ahmed Gurey - MBBS(China), MRCS(UK), & GMC Registered.📍 Gurey Clinic – Bosaso, kaso...
14/03/2026

La-Talin Heer Caalami ah.
Dr Abdiaziz Ahmed Gurey - MBBS(China), MRCS(UK), & GMC Registered.

📍 Gurey Clinic – Bosaso, kasoo horjeedka Masjidka Jaamaca, Agagaarka Dekedda, Bosaso.
Wac: 7218634
Gurey Clinic

GUREY CLINICExcellence. Right Here.Dr Abdiaziz AhmedHorumarinta caafimaadkiina waa himiladeennaMBBS(China), MRCS(UK), GM...
11/03/2026

GUREY CLINIC
Excellence. Right Here.

Dr Abdiaziz Ahmed

Horumarinta caafimaadkiina waa himiladeenna

MBBS(China), MRCS(UK), GMC Registered

Call: 7218634
Gurey Clinic

Raajada Gurey Clinic - DIGITAL XRAY. Ogaanshaha h**e ee Burooyinka sambabka waa muhiim.Raajada Sambabka (Chest X-ray) ma...
07/03/2026

Raajada Gurey Clinic - DIGITAL XRAY.

Ogaanshaha h**e ee Burooyinka sambabka waa muhiim.

Raajada Sambabka (Chest X-ray) mararka qaar waxay muujin kartaa buro ama wax aan caadi ahayn oo ku jira sambabada.

Sawirka raajada waxaa lagu qaaday Gurey Clinic( digital X-ray), waxaana ka muuqda buro ku taal sambabka midig oo markii dambe baaritaanno dheeraad ah lagu xaqiijiyey inay gaartay metastasis (faafid kansar).

Haddii aad isku aragto:
* Qufac muddo dheer socda
* Xanuun laabta ah
* Qufac Dhiig leh

Waxaa muhiim ah in si degdeg ah loo sameeyo baaritaan.



Gurey Clinic

🌙 Jumca Mubaarak!قال الله تعالى:﴿يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا نُودِيَ لِلصَّلَاةِ مِن يَوْمِ الْجُمُعَةِ فَاسْعَ...
05/03/2026

🌙 Jumca Mubaarak!

قال الله تعالى:

﴿يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا نُودِيَ لِلصَّلَاةِ مِن يَوْمِ الْجُمُعَةِ فَاسْعَوْا إِلَىٰ ذِكْرِ اللَّهِ وَذَرُوا الْبَيْعَ ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ﴾
(سورة الجمعة: 9)

Maalinta Jimcaha waa maalin barakeysan oo fadli badan leh. Ha moogaanin salaadda Jimcaha, akhrinta Qur’aanka, iyo ducada.
Alle ha inaga aqbalo camalkeena wanaagsan. Jumca Mubaarak! 🤲📖
Gurey Clinic

Waxaan idiin soo kordhinay adeega Digital X-Ray( Raajo Casri ah)  oo qaadaysa sawirro degdeg ah oo tayo sare leh.✅ Natii...
04/03/2026

Waxaan idiin soo kordhinay adeega Digital X-Ray( Raajo Casri ah) oo qaadaysa sawirro degdeg ah oo tayo sare leh.

✅ Natiijo degdeg ah
✅ Sawir cad oo sax ah
✅ Shucaac yar

Waxaa la saari karaa:
* Laabta (Chest)
* ⁠madaxa ( skull)
* Lafaha & Kala-goysyada
* Dhabarka (Spine)
* Caloosha
* Gacmaha & Lugaha

📍 Gurey Clinic – Bosaso, kasoo horjeedka Masjidka Jaamaca, Agagaarka Dekedda, Bosaso.
Wac: 7218634
GGurey Clinic

Adeeygyada Gurey Clinic✔️ Digital X-rays✔️ Ultrasound ScanningOgow caafimaadkaaga waqtiga ku habboon, kana hortag dhibaa...
02/03/2026

Adeeygyada Gurey Clinic
✔️ Digital X-rays
✔️ Ultrasound Scanning

Ogow caafimaadkaaga waqtiga ku habboon, kana hortag dhibaatooyinka.

📞 Nala soo xiriir: 7218634
Gurey Clinic – Excellence. Right Here.
Gurey Clinic

Address

Near Bosaso Seaport, Opposite Of Traffic Police Station. , Aaga Dekedda Bosaso, Kasoo Horjeedka Xarrunta Booliska Taraafikada Ama Masjidka Jamaca
Bosaso

Opening Hours

Monday 16:00 - 20:30
Tuesday 16:00 - 20:30
Wednesday 16:00 - 20:30
Thursday 16:00 - 20:30
Friday 16:00 - 20:00
Saturday 16:00 - 20:30
Sunday 16:00 - 20:30

Telephone

+252907218634

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gurey Clinic posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category