03/01/2024
DIGNIIN DIGNIIN DIGNIIN
Shaahu waa mid ka mid ah cabitaannada ugu caansan adduunka, waxaana lagu qiimeeyaa dhadhanka, udgoonka, iyo faa'iidooyinkiisa caafimaad; se maanta waxa aan la kulmay xog ku saabsan shaaha oo maskaxdayda gilgishay. Dhawaan ayaa la ogaaday in warqadda shaaha ee Soomaalidu u taqaan "Liptonka" ay ku jiraan kiimikooyin khatar ah sida Epichlorohydrin iyo Chlorine bleach.
Epichlorohydrin waa kiimiko khatar ah oo sababta kansarka. Mid ka mid ah shaybaarada ugu caansan dunida ee gudaha U.S.A (OSHA) oo ka faallooda khataraha kiimikooyinka ayaa ku tilmaamay sun halis ah oo keenta kansarka. Suntan waxa laga helaa warqadda yar ee caleemaha shaahu ku jiraan, iyo weliba xadhigga dunta ah. Alhuumada ugu weyna waa: waxay noqotaa mid firfircoon marka lala xiriiriyo biyaha kulul! Haddii waraaqda shaahaagu ay caddahayna, waxay u badan tahay in sidoo kale lagu caddeeyey koloriin!
Inta badan kiishashkan yaryar ee shaahu waxa ay ka samaysan yihiin saddex nooc: balaastiig, warqad, ama naylon; Laakiin saddexdoodaba waxa ay halkii koob oo shaah ah ku siidaayaan 11.6 bilyan microplastics ah (microplastics-ku waxa ay dilaan unugyada ama waxa ay hab qaldan u korriyaan ugugga, taas oo aakhirka keenta kansar), sida lagu sheegay daraasad ay sameeyeen cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda McGill ee dalka Canada.
Dhan kale, sida ay sheegtay Hay'adda Caalamiga ah ee Cilmi-baadhista Kansarka (IARC), suntan keenta kansarka (Epichlorohydrin) waxa ay aad ugu badan tahay kiishashka warqadaha ah (paper tea bags), oo ah warqadaha shaaha ugu badan ee Soomaalidu adeegsato, gaar ahaan shaah caano-geelka iyo libtonka labadaba!
Haddaba, maxaa xal ah?
Waxa la sheegay in shaaha caadiga ah (rinjiga lagu kariyo) aysan ku jirin "Epichlorohydrin" sababtoo ah waxa kaliya ee aad iibsaneyso waa shaah saafi ah. Shaaha lagu kariyay caleenta caadiga ah waxa uu leeyahay tayo, dhadhan iyo udgoon aan laga helin kan caleentiisa la xaddiday ee dhadhankiisu yar yahay. Dhanka kale, Soomaali