27/08/2021
Qarise sheekadan dhameyso oo dhuux dhaxal galkeeda.
Comment iyo like Dartiis ayuu iifuray !
Sanad iyo Lix bilood oo keliya ayaan isqabnay,
isbadal dhanka shakiga iyo maseerka ah ayaana ku
arkay bilihii horeeyey ee wada nolaansheheena,
mudadii sanadka iyo dheeriga ahayd majirin wax
ubad ah oo aan isku dhalnay.
Wuxuu badalay gabi ahaanba dabeecadii iyo
farxaddii markaan is guursanay uu lahaa waxaa uu
diiday inaan guriga kabaxo,
Wuxuu diiday inaan booqdo qoyskeena, wuxuu iga
gooyey asxabtaydii dhamaantood waxaas oo dhana
waan udulqaatay anigoo dhowraya Gurigeyga, balse
maalinba arin cusub ayuu keenayey,
Habeen xilli fiid ah ayuu guriga iigu yimid asagoo
isxanaajinaya kadibna Wuu ii yeeray wuxuu i tusay
Screen shot uu kasoo qaaday dad aan Comment yo
ka bixiyey dhowr jeer, iyo Kuwo aan post yadooda
like u saaray,
Waxaa ku dhahay maxaa macne kujira dad aana
aqoon baa faalooyinka kabixiyaa ama like u saaraa
balse wuxuu soo istaagay Wiil kamid ah dadka ayaa
shukaansataa ,
Waxaa jira wiil inta badan sheekoyin soo dhigi jiray
markaana aan si taxane ah ula socday, markaas
comment ayaa mar mar ka bixin jiray xataa aqoon
shaqsi ahaaneed uma lahayn wiilka,
Qasab wuxuu soo istaagay ninkaan waxba idin ka
dhexeeyo, si walba u qanciyay wuuna diiday, arinkii
markuu halkaas gaaray waxaan aaday waalidkey
waana uga sheekeeyey xaalkiisa ninka saas ahna
aana u baahneyn.
Todobaad markaan gurigeena joogay ayuu aabahay
u yimid wuxuuna dhahay waan qaldamay xaaskayga
rabaa waana xaalmarinayaa, aabahay iyo adeeradey
ayaa i qasbay wayna i celiyeen,
laba habeen kadibna sidiisii ayuu bilaabay iyo inuu
dhaho Ninkii ayaad jeceshahay maxaa Like u saartaa,
waa habenkii aan ka qortay warqadeyda Furiinka eheed
gurigiisana uga baxay .
Gabar aanu saaxiibo ahayn oo arinkayaga lasocotay
oo ay aqoon isku lahaayeen wiilka sheekoyinkisa aan
aqrisan jiray ayaa arinka uga sheekaysay oo dhahday
Saciidow sheekoyinkaaga gabar aqrisan jirtay oo
comment ka bixin jirtay ayaa dartaa loofuray,
kadibna wiilkii wuu iisoo raadiyay oo ila soo xiriiray
arinkii ayuuna iga waraystay waxaana dhahay waa
jirtaa walalo arinkaas hadana waa kala tagnay ninkii,
Wiilkii barasha walaalnimo oo bilooyin ah kadib
waxaanu noqonay Dad kaftama oo aakhirkii sheeko
wadaag noqday,
Muddo sanad iyo dheeri ah ayaan xiriir wadaag
ahayn aakhirkii Siciid calafkii ayaa rabbi iskugu
kaaya daray waana isguursanay, wuxuuna noqday
nin reerkayaga baarri u ah ,
Aniga i daryeela Hadda waxaa nahay Lamaane
kalsooni buuxda isku qaba, isjecel isla markaana
Ruuxba kan kale naftiisa daryeelo,
waa ninkayga Aan ugu Curta Wiilkayga Cabdicasiis
Siciid Nuur Waa Geesiga idiin muuqda ee aniga iyo
wiilkeyga nala sawiran Weligay intaan isbaranay
maalin iyo habeen midna ma arag asagoo xanaaqsan,
Welina afkiisa eray i dhiba k**a maqal Rabbi baa
iga dhigay midda dumarka ugu nasiibka badan
Alxamdulilaah .
Haddii aad Aqrisay Fikirkaaga kadhiibo sheekada
kadibna Sii Share gareey.