23/02/2026
Cusbitaalka Guud ee Gabiley ayaa soo abaabulay kulan afur iyo xog-warran ah oo dhex maray dhakhaatiirta Gobolka Gabiley iyo Somaliland Medical Association (SLMA).
Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi, xoojinta wada-shaqaynta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka ee gobolka, ayaa lagu falanqeeyey caqabadaha jira, tayeynta xirfadaha dhakhaatiirta, iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada kor loogu qaadayo daryeelka bukaannada.
Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Gabiley ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyey weftiga Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (SLMA) oo ka koobnaa Guddoomiyaha Ururka, Xoghayaha Ururka iyo xubno ka tirsan Board-ka Ururka. Agaasimuhu waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta joogtada ah ee ka dhexaysa cusbitaallada iyo ururka dhakhaatiirta, si loo helo adeeg caafimaad oo tayo leh, hufan, kana jawaaba baahiyaha bulshada.