LifeLine Care

LifeLine Care LifeLine Care is committed to improve health care services in Somaliland to care more people in bette

01/03/2019
DHAGO XANUUN Infectionka dhagaha ku dhacaa wuu badanyahay waxa calaamadaha lagu garto ka mid ah garaac farabadan oo ay s...
28/08/2017

DHAGO XANUUN

Infectionka dhagaha ku dhacaa wuu badanyahay waxa calaamadaha lagu garto ka mid ah garaac farabadan oo ay sabab u tahay qashinkaa faraha badan ee ku dul dhismay infectionkaa ka buuxsamay. Kaas oo inta badan ku urura dhagta dhexe ee ka h**eeya durbaanka dhagta.

Maxaa sababa?

-Elergic
-Duray
- bacteria jidhka meel uun ka gasha ayaa meelaha u sahlani noqon karaan ee uu ku dhacaa dhagaha.

Waxyaabaha kalena waxa ka mid ah ee ay ku qarxi karaan

-Jooga uu qofku joogo
-Cimilada oo isbadasha
- Cudbiga oo dhagta in badan lagu isticmaalo

Calaamadaha lagu garto
- Xanuun ama xasilooni la'aan laga dareemo dhagta
-Culays aad mooda in dhagta dibada wax lagag soo riixayo oo leh dawakhaad
-Dheecan dhagta kasoo dareera
-Maqal la'aan

Waxa inta badan lagu daweeyaa daawooyinka loo yaqaan antibioticska laakin waa in aad dhakhtar la kulantaa ka hor intaanad antibiotic qaadan hana isku eegin haduu mudo badan jidhka ku jiray.

Dr Hamza Hassan Ibrahim
LLC Team

QANJO-XANUUNWaa maxay qanjo xanuuku? Qanjuhu waxa ay ku yaalaan halka danbe ee hungiriga waxaa laba midh. Shaqadoodu wax...
24/08/2017

QANJO-XANUUN

Waa maxay qanjo xanuuku?

Qanjuhu waxa ay ku yaalaan halka danbe ee hungiriga waxaa laba midh. Shaqadoodu waxa weeyaan in ay nadiifiyaan hawada oo ay ka nadiifiyaan wixii bacteria iyo virus ah ee la socda hawadaa uu qofku neefsanayo ama ee uu qaadanayo ama soo celinayo. Hadaba waxa ku dhaca marmarka qaar in ay ay bacteryadii ama viruskii ay dagaalka kaga bilibaan oo uu infection ku dhaco. Kadib waxa bilaabma in uu qofka ku dhaco waxa aynu nidhaahno qnjo xanuun.

CALAAMADAHA LAGU GARTO

-BARAR BADAN
-CasCasaan
-Xanuun
-Madax xanuun
-Apatite xumo Dhago Dilaac
-Ur qadhmuun
-Xumad
Ciyaalka
-Lalabo
-Matag

Waxa inta badan loo isticmaala daaweeyntooda waxa loo isticmaalaa antibiotics iyo in layska ilaaliyo waxa wasakhda ah uuun..

Dr Hamza Hassan Ibrahim
LLC

GAASTARI (GASTRITIS):  Waxa ugu badan ee keenaa waa infection la idhaahdo H. pylori.Calaamadadaha ugu waawayn ee lagu ga...
22/08/2017

GAASTARI (GASTRITIS): Waxa ugu badan ee keenaa waa infection la idhaahdo H. pylori.

Calaamadadaha ugu waawayn ee lagu garto waxa ka mid ah kuwan hoos ku xusan:
-Lalabo
-Dibiro
-Calool Xanuun
-Matag
-Daaco farabadan adigoo inta ka urinaya cuntadii aad cuntay wakhti yaryar ka hor
-Higgasho farabadan
-Matag dhiig wata marmarka qaar
-Saxaro madow
-Calool Istaag
-Daal iyo dhidid habeenkii ah
-Hurdo la'aan
-Daaco qudhun
-iwm

Waxa keeni kara ama sii badan karaa way badan yihiin laakin kan ugu badan ee keenaa bacteeriyada la idhaahdo H.Pylori taas oo ku samaysan dahaadhka sare ee caloosha. Hadii se markaa cunto waxakha waxay noolaynaysaa bacteeriyadan kadibna calooshiibay ku bilaabaysaa in ay cunto oo ay ka dhamayso dahaadhkii sare ama gaskii. Hadii markaa h**e looga gaadhi waay waxay sababtaa ugu danbayntii cancerka calosha

Sidee loo ogaadaa
Waxa la ogaadaa inta badan dhiiga iyo saxarada

SIdee Loo Daaweeyaa

Hadii aanay aad usii xumaan waxa lagu daweeyaa antibiotics adigoo qaadanaya mudo bill ah. Waa markay aad u fududahay ee ay muddo kooban jidhka ay ku jirtay ee aanay aad usii dhamayn gaska caloosha.

Hadii ay sii xumaatana waxa lagu maydhaa ama lagu buufiyaa caloosha daawooyin hawo ah iyo qaar dareere ahba.

Waad Mahadsantihiin.

Dr Hamza Hassan Ibrahim

02/06/2017

CHOLERA "SHUBAN BIYOOD"

Waxaa soo badanayay baryihii dambe akhbaarta ka imanaysa gobolada Burco iyo gobale kale in daacuun caloole uu ka dillaacay halkaasi oo dad badan ay la bukaan dad kalena ay u geeriyoodeen. Marka sidaa awgeed baa waxaan garannay inaan soo qorno mawduuc ku saabsan kolerada si ay uga faa’idaystaan bulshada soomaaliyeed ee uu ku wajahanyahay mawduucu iyo sidoo kale ardada soomaaliyeed ee caafimaadka baranaysa, kuwaasoo aan jecelnahay inay ka qayb qaataan wacyi galinta bulshada iyo ka hortagga cudurka intii ay awoodaan.

Qoraalkan waxaa laga soo tarjumay kitaabka la yiraahdo Park’s textbook of preventive and social medicine. Waa kitaab uu qoray K. Park, oo ka hadlaya cilmiga ka hortagga “preventive”, iyo caafimaadka bulshada. Waa kitaabka number 1 ee qaybtan reference ahaan loo isticmaalo, marka waxaan rajaynaynaa inaad ka heshaan.

1.Maxay tahay Cholera ama shuban biyood?
Waa cudur ay sababto bakteeriyada ama jeermiska loo yaqaan vibrio cholera, oo sababa shuban biyood bulshada ku dhex faafa. Badanaa waxaa la dareemaa mushkilada koolerada markuu safmar dhoco, oo dad badan ay u dhintaan.
Qofka markuu qaado jeermiska, wuxuu huurinayaa dhowr saacadood illaa maalin wakhti la eg, oo markaa ka dib ay soo baxayso calaamadihii cudurka haddii la helo shuruudo dhowr ah.
Shuban biyood ba'an oo qofku illaa 40 jeer uu galayo suuliga, oo uu xigo matag, fuuq-bax, muruq xanuun iyo kaadi yaraan baa ugu muhimsan calaamadaha laga arkayo bukaanka. Haddii bukaanka markaa si dagdag ah aanan loogu celin biyihii ka lumay waxaa dhacda inuu u dhinto fuuqbax 40%.

2.Safmarka koolerada:
Cudurkani siyaabo badan buu ku dhacaa markii laga hadlayo deegaanka uu asiibayo. Saf-mar "epidemic or outbreak" waxaa looga dan leeyahay in mar quran iyadoon digniin aanay jirin uu cudurku dillaaco isagoo abuuraya mushkilo baaxad wayn oo keenta jirro iyo geeri badan oo ku dhacda dadka deegaankaas uu ka dhacay daggan. Laba arrimood baa xaddidaya dhibaatada waynankeeda; midi waxay ku xirantahay jeermiska masuulka ka ah awooddiisa adkaysi "virulence and resistence" iyo tirada jeermiska loo baahanyahay si cudur xun u dhoco. Tan kale waa deegaanka iyo siday diyaar ugu yihiin dadka daggan deegaankaasi, sida nadaafadda iyo aqoonta ay leeyihiin. Si kastaba ha ahaatee, inkastoo aan la joojin Karin koolera hadday deegaan gasho laakin, laakin ma sababi karto dhibaato badan haddii la helo nadaafad guud iyo mid gaar ahaaneed oo fiican.
Safmarku wuxuu ku fiicanyahay in si dhakhso ah uu ku gaaro meeshiisa ugu sarraysa "peak" uuna durbo hoos u soo dhoco, sababtoo ah qayb badan oo bulshada ka mid ah baa noqonaysa waxa loo yaqaan "subclinical cases" oo jirkoodu iska difaacayaa cudurka. Sidaa awgeed cudurka koolerada waa cudur isaga iskiis iskaga dhamaada. Badanaana waxaa ka hor tagga la billaabaa mar uu gaaray meeshii ugu sarraysay.
Waxaa sidoo kale dhacda in kooleradu ay degaan iska dagto "endemic" oo ay markaa xilliyo gaar ah soo baxdo "seasonal fluctuation".

3.Cawaamisha ka qayb qaata faafitaanka cudurka:
A) Jeermiska "agent": waxay soo saartaa sun loo yaqaan "endotoxin" oo ay ku sii dayso xiidmaha iyadoo sababaysa shuban. Cimilooyinka way u adkaysan ogtahay kooleradu laakin dhowr daqiiqo haddii la karkariyo ayaa ku filan inay dhimato. Kaydka ay ku jirto bakteeriyadu, oo ah dadka uu shubanku ku dhacay "cases" iyo dadka xambaarsan "carriers" oo aanay ka soo muuqan calaamadaha cudurka, ayaa iyagu u fududeeya inay si sahal ah ugu sii gudubto dadka kale.
B) Qofka ama bukaanka "host": dadkoo dhan oo da' kasta leh iyo jinsi kasta way ku dhici kartaa koleradu. Meelaha dad badani isugu yimaadaan sida xajka iyo ciidaha ayay aad ugu fiddaa bakteriyadani. Waxay badanaa ku dhacdaa dadka saboolka ah, kuwa nadaafadda aanan ku dadaalin iyo kuwa aqoonta yar leh. Difaaca jirka iyo caafimaadka guudna qayb libaax bay ka cayaaraan ka dhicidda kooleradu.
C) Degaanka "environment": Ceelasha, waraha, iyo biyo galeennada kala duwan waxay gudbiyaan bakteeriyada, siiba haddii saxaro ay ku dhex walaaqanto isla markaana la cabbo ama loo isticmaalo howlaha guriga. Fatahaadaha sidoo kale qayb bay ka qaataan dillaaca cudurka.

4.Sidee loo kala qaadaa?
A) Saxarada dadka qaba cudurka haddii ay gaarto ceelasha, webiyada, harooyinka iyo laasaska waxay u gudbaysaa dadkii cabba ama isticmaala.

B) Cunnada iyo cabitaanka iyadoo raacda: gacmo aan la iska dhaqin markii la saxaroodo iyo cunnada ka hor, iyo dad qaba cudurka oo ka shaqeeya cunnada sida makhaayadaha oo kale ayaa ka mid ah siyaabaha ay ku gudubto kooleradu.

C) Xiriir toos ah: dadka la tacaamula qashinsaarka, matagga, dharka, iyo guriga dadka bukaanka ah ama dariskoodaba, haddii aysan iska ilaalin waxaa dhacda inay ka qaadaan cudurka.

5.Calaamadaha Koolerada:
Dhibaatada ay sababayso kooleradu waxay ku xirantahay dhakhsada ama dagdagga uu qofku ku waayo biyaha jirkiisa ku jira. 90% xaaladaha kooleradu waa fududyihiin oo ma sababaan dhibaato badan, lagamana garan karo shubannada kale. Waxay ku billaabanaysaa faaruqin "evacuation" lagu samaynayo dareerihii jirka ku jiray, shuban ba'an oo uu xigo matag ayaa dhacaya. Fuuq-baxa ka dhasha arrintani "collapse" waxaa lagu gartaa qofka bukaanka indhihiisa oo god gala, sidoo kale daamankiisa iyo calooshiisa, qallayl daran, kaadi yari, neeftoo sariic noqota, iyo jirkoo is baddal uu ku dhoco. Bukaanku markaa nervous buu noqonayaa, harraad daran baa qabanaya, xanuun murqaha lugaha iyo caloosha ah ayaa qabanaya. Halkaa waxaa suura gal ah oo dhacda inuu u dhinto bukaanku fuuqbaxaasi, haddii aanan si dagdag ah loogu celin biyihii ka lumay. Haddii aanu dhimanna, wuxuu ku soo noqonayaa sidiisii h**e oo wuu soo kabsanayaa "recovery".

6.Sidee looga hor tagi karaa koolerada?
A.In la hubsado inay tahay kolera "verification of diagnosis"

B.In la ogaysiiyo dadka ay khusayso sida masuuliyiinta, WHO, iwm. "notification"

C.In la dabagalo bukaanka meelaha ay joogaan oo wakhti h**e la daweeyo, isla markaana laga hor tago inay dad kale u sii gudbiyaan.

D.In la furo xarumo caafimaad oo lagu dawaynayo dadka jirran, haddii isbitaal aan la helin in iskool ama garoon laga dhigo xarun. Xaaladaha daranna in isbitaal loo wareejiyo.

E.Soo celinta biyaha ka lumay bukaanka "Rehydration therapy":
1) ORS "oral rehydration solution": Waa biyo lagu daray sonkor iyo cusbo oo la cabbayo. Waxaa ORS'ta lagu qasayaa hal liter oo biyo ah oo aanan la karkarin. Haddii la waayo ORS waxaa la isku darayaa hal liter oo biyo ah iyo sonkor "20gm" iyo cusbo "5gm" oo sidaa lagu cabbayaa. Harraadku inta uu jiro in la cabbo weeye biyahaasi iyo illaa ay ka qarsoomayso calaamadaha fuuqbuxu. Carruurta: caruurta ka yar 2 sano waxaa la siinayaa 1 qaaddo daqiiqaddiiba, kuwa intaa ka waynna waa inay cabbaan intay doonayaan. Haddii cunuggu uu matago 10 daqiiqo ka dib baa lagu billaabayaa si tartiib ah. Haddii calaamadihii fuuqbuxu qarsoomaan intii loogu tala galay buu dhamaysanayaa cunuggu.
2) Faleembada: WHO waxay u qorshaysay in haddii qofku uu ka sii daro ama ay anfici waydo ORS-tu, in laga siiyo biyaha xididka, waxaa la siinayaa Ringer's Lactate ama DTS "diarrhoeal treatment solution". Haddii labadaasba la waayo Normal Saline baa la siinayaa bukaanka, walaw aysan wax tar badan lahayn. Carruurta sanadka ka yar waxaa la siinayaa saacadda u horraysa 30ml/Kg, shanta saacadood ee xigtana 70ml/Kg. Dadka kale waa in la siiyo 30ml/Kg nuska saac ee ugu horreeya, laba saac iyo bar ku xigtana waa in la siiyo 70ml/Kg. Waa in halkii ama labadii saacba la qiimeeyaa in bukaanku uu soo roonaanayo iyo in kale, haddii uusan soo roonaanayn waa in la boobsiiyo I.V. drips-ka, haddii indhuhu bararaanna "puffiness" waa in la joojiyo faleembada.
3) Joogtaynta "maintenance therapy": markii la soxo khatarta jidha, waxaa la siinayaa bukaanka biyo badan inta uu oonku ka hayo, waxaana biya-siintaasi loo barbardhigayaa inta saxarada lagu waayo.

F. dawooyinka la siin karo bukaanka:
Antibiotics, markii mataggu dhamaado ayaa afka laga qaadanayaa. Doxycycline hal mar oo 500mg baa dadka waawayn la siinayaa. Dumarka uurka leh waxaa u fiican Furazolidone. Caruurtana waxaa u fiican Trimethoprium-Sulfomethoxazole. Tetracycline iyo Furazolidone waa la siin karaa dadkoo dhan 4 jeer maalintii ilaa 3 maalmood. Erythromycine iyo Chloramphenicole waxaa la qaadanayaa haddii la waayo dawooyinka h**e oo dhan.

Dawooyinka mataga joojiya iyo kuwa shubanka joojiya iyo kuwa calool xanuunka loo isticmaalo kulligood lama siiyo bukaanka koolerada.

G. Sanitation measures; nadaafadda degaanka:
1) Biyaha: maadaama biyuhu yihiin meesha ugu muhimsan ee lagu gudbiyo cudurka, waxaa khasab ah in la helo biyo nadiif ah si fiicanna looga shaqeeyay dadkoo dhanna la gaarsiiyo. Chlorine ayaa lagama maarmaan ah in loo sahlo dadka inay helaan. Dadkaan haysanna waa inay iska karkariyaan biyaha kuwa la cabbayo iyo kuwa la isticmaalayaba.
2) Cunnada: cuntada la gadayo waa in la kontoroolo nadaafaddeeda. Dadka ka shaqeeya makhaayadahana waa in ay oofiyaan shuruudaha shaqadaasi. Nadaafadda guud ahaan sida tan guriga, suuliyada, dikhsiga; iyo tan gaar ahaaneed sida ciddiyaha iyo faradhaqa saxarada ka dib iyo cunnada ka hor: waa in aad loogu dadaalaa.
3) Saxarada: waa in qashin saarka dadka meel loogu tala gala oo laga fogeeyaa inay gaaraan biyaha iyo cuntada. Maadaama arrintani aysan ka suuroobaynin waddankeenna waxaa lagama maarmaan ah in dadka lagu wacyi galiyo sidii ay ugala fogaan lahaayeen saxarada meelaha biyaha laga cabbo.
4) Daahirin "disinfection": Bukaanka saxaradiisa, mataggiisa, dharkiisa, alaabtiisa kale, gurigiisa iyo xataa dariskiisa waa in la daahiriyaa oo maadooyin kiimiko ah lagu shubaa. Dadka ka shaqaynaya howshanna waa inay laf ahaantooda is ilaaliyaan.

H. Chemoprophylaxis: antibiotic ka hor tag ah.
Dadka ku dhow-dhow qofka cudurku ku dhacay ee wali caafimaadka qaba waa in la siiyo antibiotic ka hor tag ah. Tetracycline laba jeer maalintii illaa saddex maalmood baa la isticmaalaa. Doxycycline 500mg oo hal mar ahna aad buu u faa'ido badanyahay.

I.Tallaalka Koolerada:
Laba nooc baa jira:
a) Mid la isku durayo: laba jeer baa la isku durayaa oo 4 ilaa 6 usbuuc u dhaxayso, waa bakterio la dilay. Haddii laba mar la waayo hal mar baa la qaadanayaa iyadoo laba jibbaaran;
b) Mid afka laga qaadanayo: laba nooc buu leeyahay, mid la dilay iyo mid nool oo la daciifiyay "live attenuated". Caruurta iyo dadka caafimaadkoodu liito lama siiyo talaalkan. Laba nooc weeye kanina waxaana u dhexeeya 10 ilaa 14 bari, wuxuuna leeyahay jaanis 60% oo ka hor tag ah muddo saddex sanadood ah.

J.Wacyi galin: Health education
Arrinta ugu muhimsan – sida la ogsoonyahay – marka laga hadlayo ka hortagga cudurka shuban biyoodka waxa weeye in dadka lagu baraarujiyo dhibta uu leeyahay cudurku iyo sida sahlan ee looga hortagi karo. Waa in la dareensiiyo ahmiyadda ay leedahay ORS-ta, faa'idada ay leedahay dhakhso soo sheegidda bukaanka si loo daweeyo oo loo badbaadiyo, faa'idada ay leedahay cunno iyo biyo nadiif ah isticmaaliddooda, iyo karkarintu sahlanaanteeda iyo fa'aidadeeda, iyo gacmaha dhaqashadooda suuliga markii laga soo boxo ahmiyadda ay ku leedahay yaraynta cudurka iyo dhimashadaba. Waa in dadka siminaarro loo sameeyo oo la baraa dhibaatada ay leedahay kooleeradu iyo siday dadka kale u sii wacyi galin lahaayeen.

CHOLERA (SHUBAN BIYOOD) Shuban biyood(Cholera) waxa keenta bacteria la yaqaano (Vibriocholera) noocyadada kala 01,0139 b...
02/06/2017

CHOLERA (SHUBAN BIYOOD)
Shuban biyood(Cholera) waxa keenta bacteria la yaqaano (Vibriocholera) noocyadada kala 01,0139 bacteeriyadaas oo aakhirkii keenta caabuq ku dhaca mindhicirada. Waxay caloosha iyo mindhicirada ku sababtaa in aanay cuntadu iyo cabitaanku aanu ku hakan jidhkuna waxa nafaqo iyo wax waxtarleh ka nuugin cuntadaa.

Cholera waa cudurada laysku raacay in ay yihiin ku aafooyinka dabiiciga ah ee keena xaalud nololeed keeni kara laga bilaabo bulsho,tuulo,gobol iyo Qaran dhanba hadaan la xakamayn.

Waa aafo qaran oo u baahan in laga yeesho siyaasad dawladeed iyo qorshe fulinteeda wadata.

Calaamadaha

Calamadihiisa waxa ka mid ah matag, fuuqbax, iyo shuban biyo ah.Oo hadaan laga gaadhin qofka saacado gudohood soo ridan kara dhimashona sababi kara mudadaa yar gudaheed.

Fadlan ilaali fayo dhowrkaaga guud adiga markasta faraxalanaya isticmaalanayana saabuun.

Tukhsiga iska ilaali, hadii uu ku taabtana fadlan gacantaada maydh.

Guriga ku maydh saabuun iyo Detol haday suuragal tahay..

Biyaha foostada/taangiga chlorine iskaga shub ama iska kulayli intaanad cabin ama waxba ku karsan.

LifeLine Care Team
Mahadsanid

Fadlan Share garee

"Removing a bit of excess wax is one thing, but taking matters into your own hands when it comes to personal health, wit...
24/04/2017

"Removing a bit of excess wax is one thing, but taking matters into your own hands when it comes to personal health, without consulting a professional, is never a good idea".

"Adiga oo Doonaya in aad dhegaha ka sifeyso dhukeyga ama Khashinka, ha gaadhsiin wax yeelo Jidhkaaga. Fadlan kala Tasho Dhakhtarka Habka ama waxa aad rabto in aad isticmaasho".

Sonkorta dhiigga ee hooseysa macnaheedu waa inaadan lahayn sonkor kugu filan ama gulukoos dhiiggaaga ku jirta, sonkorta ...
30/03/2017

Sonkorta dhiigga ee hooseysa macnaheedu waa inaadan lahayn sonkor kugu filan ama gulukoos dhiiggaaga ku jirta, sonkorta dhiigga ee hooseysa waxaa loo yaqaannaa hypoglycemia.
Sokorta Glucose-ta waxaa looga baahan yahay unugyada jirkaaga. Heerka sonkorta dhiigga caadiga ah waa 70-100. Heerka sonkorta dhiigga ee ka hooseysa 70 way hooseysaa.

Sababaha
Mararka qaarkood sababta lama yaqaanno, laakiin waxaa laga yaabaa inay ka timaaddo:
Jir dhis fara badan ama jir dhis aan la qorsheysannin.
Xanaaqa iyo kacsanaanta hormoonada qaar waxay ridaa sonkorta e.g: dad ayay sonkorta ka dhacdaa markii ay dagaallamaan.
Daawada sokorta oo xad dhaaf aad u qaadatid - (waa haddii aad Sonkor qabtid)
Cuntooyinka la seego ama la daahiyo ama qofka oo cunno xumi qabo.

Calaamadaha
Waxaa laga yaabaa inaad dareentid:
War-wareer, lulasho, isku dhex yaac, daciiftinnimo ama daallanaan
Dhidid
Gaajo
Dabci beddel ama iska xanaaqaysid ama aan si kala cad u fekereynin
Aadan awoodin inaad hadasho
Aragga caad kaa fuulo
Aad dareento wadnaha oo si xawli ah kuu garaacaya
Aad dhinacyada afka iyo faruuryaha ka dareento kabaabyo
Maduxu ku xanuuno

Daryeelkaaga
Marka sonkorta dhiiggaagu ay dhacdo, waxaad u baahan tahay inaad cunto ama cabto cunto sonkor leh.

Haddii aad qabtid cudurka macaanka, sidaan samayn:
½ koob ama 120 millilitir oo casiir ah, Maahan cabitaannada sonkorta aan lahayn ama kalooriska aan lahayn.
3 ama 4 kaniini oo gulukoos ah
1 qaaddo ama 15 millilitir oo sonkor ah
1 koob ama 240 millilitir oo caano ah
Sonkorta dhiiggaaga ku hubi 15 daqiiqadood. Haddii sonkorta dhiiggaagu ay weli ka sii yar tahay 70 ama haddii aadan ka soo raynin, cun ama cab qaadasho kale oo cuntadii ama cabitaankii la soo sheegay.
Marka sonkorta dhiiggaagu ay tahay 70 ama ka badan, waxaad weli u sii baahan tahay inaad wax cunto si aad sonkorta dhiiggaaga uga ilaaliso iney mar kale hoos u dhacdo.
Haddii ay kuu tahay waqtigii aad cuntada cuni lahayd, cun cuntadaadii caadiga ahayd.
Haddii cuntadaada xigta ay ka badan tahay saacad, cunto fudud sii cun. Isku day sandiwij barkiis iyo 1 koob ama 240 millilitir oo caano ah.

Si aad uga Hortagtid Sonkorta oo Hoos u Dhacda
Raac qorshaha cunto cunidda. Cun cuntooyin iyo cunno fudud isla waqti maalintiiba. Ha seegin hana ka daahin cuntooyinka.
Hubi oo diiwaan geli heerarka gulukoostaada. Haddii ay sonkortaadu hoos u dhacdo in ka badan 2 goor toddobaadkiiba, dhakhtarkaaga la xiriir. Waxaa laga yaabaa in isbeddello lagu sameeyo cuntadaada, daawada ama sameynta jir dhiska.
Daawadaada sonkorowga u qaado sidii lagu faray. Ha qaadannin daawo sonkorow oo dheeraad ah iyadoo uusan dhakhtarkaagu kugula talinnin.
Si joogto ah jir dhis u samee.

Haddii aad ka mid tahay dadka mar walba sokortoodu ay dhacdo:
Waqti kasta ha kuu taallo cuntooyin fudud sida shukulaato, malmalaaddo, iyo casiir.
Dadka kale ee kula shaqeeya ama kula nool u sheeg inaad qabtid cillada dhicista sokorta.

21/03/2017

In Somaliland, a two-year drought – which is phenomenal in now being the driest year in the last 60 – has caused record food inflation, particularly in the expectation of the next harvest being 50% of normal. Somaliland already had levels of malnutrition and premature mortality so high as to be in a “normalized” state of permanent emergency. This is true too in pockets across the entire region.


Please help LifeLine care to deliver and reach more people care.. and follow this below link..

www.gofundme.com/LifeLineCare

Please Like and Share..

21/03/2017

In Somaliland, a two-year drought – which is phenomenal in now being the driest year in the last 60 – has caused record food inflation, particularly in the expectation of the next harvest being 50% of normal. Somaliland already had levels of malnutrition and premature mortality so high as to be i...

28/02/2017

LifeLine Care is proudly announcing to all Takaful members that thier membership card is accessible in our clinic. Whit great services and outstanding hospitality. We care we provide health services.

Xarunta caafimaadka ee LifeLine Care waxay ogaysiinaysaa dhamaanba dadka ku jira shirkada caymiska ee takaful in uu ka shaqaynayo adeega takaful LifeLine Care. Ayadoo loguugu shaqaynayo si wanaagsan iyo soo dhawayn heer sare ah. Kusoo dhawaada LifeLine Care

LifeLine Care is proudly announcing to all Takaful members that thier membership card is accessible in our clinic. Whit ...
26/02/2017

LifeLine Care is proudly announcing to all Takaful members that thier membership card is accessible in our clinic. Whit great services and outstanding hospitality. We care we provide health services.
Xarunta caafimaadka ee LifeLine Care waxay ogaysiinaysaa dhamaanba dadka ku jira shirkada caymiska ee takaful in uu ka shaqaynayo adeega takaful LifeLine Care. Ayadoo loguugu shaqaynayo si wanaagsan iyo soo dhawayn heer sare ah. Kusoo dhawaada LifeLine Care

Address

Hargeisa
AGAGAARKASALDHIGAKOODBUUR,UDHAXEEYAGANADIYOJIGJIGAYAR.

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when LifeLine Care posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to LifeLine Care:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram