02/08/2025
👦 Wiil 6 jir ah oo yeeshay in ka badan 8 jeer caabuq dhagaha ah iyo 3 jeer oo uu haleelay oof-wareen (pneumonia) tan iyo xilliga dhallaanka.
Qanjidhada dhuunta (tonsils) iyo qanjidhada hoos yimaada maqaarka (lymph nodes) lama dareemi karo (ma muuqdaan).
Tallaalkii la siyay waxba k**a tarayo. (xasuus la’aan difaac).
Natiijooyinka Baadhitaanka:
Hoos u dhac dhammaan unugyada difaaca ee IgG, IgA, IgM
Unugyada CD19⁺ B-cells: Ma jiraan
Cillad ku dhacday hidde-sidaha BTK (Bruton Tyrosine Kinase gene)
Dhiiggu tilmaamayaa:
- Xanuunkan waxa la yidhaa X-linked Agammaglobulinemia (XLA)
Ama: Bruton Agammaglobulinemia
BTK waa hidde-side muhiim u ah koritaanka iyo bislaanshaha unugyada difaaca ee B-cells.
Marka BTK uu cilad galo, B-cells ma bislaadaan → waxaa yaraada/baaba’a sameynta difaac (antibodies).
Waa xanuun ku dhaca wiilasha oo hidde ahaan ugu gudba dhinaca X-linked (hooyada ayay ka yimaadaan).
Qanjidhada dhuunta iyo maqaarka hoosteeda lama arko sababtoo ah unugyada B-cells ma jiraan.
Tallaalada carruurnimada waxba saamayn kuma yeeshaan sababtoo ah difaaca jirka ayaa daciif ah.
Daawaynta
- In la siiyo difaac-diyaarsan (IVIG – Immunoglobulin) si joogto ah nolosha oo dhan
- Daawaynta degdegga ah ee caabuqyada marka la arko calaamado
- Ka fogaanshaha tallaalada nool (live vaccines) sida MMR, OPV, BCG. Waayo iyagaaba xanuunkii keenaya.
Xanuunkan wuxuu u baahan yahay in h**e loo ogaado, daryeel joogto ah, iyo in laga warqabo caabuqyada joogtada ah ee dhallaanka."