17/11/2025
**Furista hunguriga xidhan**
Bukaankan oo da’diisu tahay 78 sanno , wuxuu ka cabanayey in uu dhib badan ku qabo liqitaan cuntada adag muddo 4 sanno, hadda waxaa u cabi karayey oo keliye cuntada dareeraha muddo dheer. Baadhitaan ka dib , waxaan ogaanay in uu cidhiidhi daran ka jiro qaybta sare ee hunguriga(severe upper esophageal stricture). Alxamdulilaah, waxaan u sammaynay in aan furno hungurigii xidhnaa mudada dheer (stricture dilation), bukaanka uu isticmaali kara hadda cunto kasta.