Dr Mataan

Dr Mataan Doctor

Maanta waxaan si rasmi ah uga qayb-qaadanay xuska Todobaadka Caalamiga ah ee Talaalka (26–30 April), kaas oo ah fursad m...
27/04/2026

Maanta waxaan si rasmi ah uga qayb-qaadanay xuska Todobaadka Caalamiga ah ee Talaalka (26–30 April), kaas oo ah fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada ee muhiimadda tallaalka.

Tallaalku waa gaashaan lagu badbaadiyo nolosha, laguna yareeyo cudurrada halista ah ee si fudud looga hortagi karo. Waxaan bulshada ku dhiirigelinaynaa in ay si joogto ah uga faa’iidaystaan adeegyada tallaalka, gaar ahaan carruurta, si loo helo bulsho caafimaad qabta.

Aan wada ilaalino caafimaadkeenna—tallaalku waa badbaado.

26/04/2026
Tacsi: ilaahay ha u naxariisto taliye maxamed taratare oo ku geeriyiiday hargeisa
17/04/2026

Tacsi: ilaahay ha u naxariisto taliye maxamed taratare oo ku geeriyiiday hargeisa

Shirkii saddex-biloodlaha ahaa ee Golaha Maamulka Gobolka Saaxil oo aanu maanta yeelanay, kaas oo shirgudoon ka ahaa Bod...
16/04/2026

Shirkii saddex-biloodlaha ahaa ee Golaha Maamulka Gobolka Saaxil oo aanu maanta yeelanay, kaas oo shirgudoon ka ahaa Bodhasaabka Gobolka Saaxil.

Shirku wuxuu diiradda saaray dib-u-eegista qorshayaashii h**e; halkaas oo lagu falanqeeyay wixii hirgalay, wixii aan qabsoomin, iyo caqabadihii naga hor yimid. Sidoo kale, shirku wuxuu dejiyay jihada iyo qorshaha saddex-biloodka xiga ee sanadka.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Maamulka Dawladda Hoose ayaa si wadajir ah u qabtay munaasibad lagu muujinayey is...
10/04/2026

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Maamulka Dawladda Hoose ayaa si wadajir ah u qabtay munaasibad lagu muujinayey iskaashiga labadooda, taas oo lagu qabtay xarunta caafimaadka ee Bulaxaar, iyada oo uu goob-joog ka ahaa isuduwaha caafimaadka, Maayor ka Barbara iyo Maamulka Gobolka Saaxil oo uu hoggaaminayey Badhasaabka Gobolka.

Munaasibaddan ayaa lagu muujiyey dardar-gelinayo shaqada Xarunta Caafimaadka Bulaxaar taas oo Dawladda Hoose ee Degmada Berbera ay si rasmi ah ula wareegtay taakulaynta xarunta, iyada oo si dhow ula shaqayn doonta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Iskaashigan ayaa diiradda saaraya bixinta mushaharka shaqaalaha, helitaanka daawooyinka, iyo dayactirka (dayac-tirka) xarunta, si loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo joogto ah oo tayo leh.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Maamulka Dawladda Hoose ayaa si wadajir ah  xadhigga uga jaray Xarunta Caafimaadk...
10/04/2026

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Maamulka Dawladda Hoose ayaa si wadajir ah xadhigga uga jaray Xarunta Caafimaadka Diri-mara, iyada oo uu goob-joog ka ahaa Maamulka Gobolka Saaxil oo uu hoggaaminayey Badhasaabka Gobolka.

10/04/2026

Safar shaqo oo aan ku tagay Xarunta Caafimaadka ee Godawayn (Go'da Wayn) , iyadoo aan halkaa uga soo mahad naqay shaqaalaha sida naf hurka leh uga shaqeeya xarunta, waxaanay ii ahayd farxad in aan arko shaqada wanaagsan ee ay shaqaaluhu ka hayaan xarunta iyo sida hufnaanta leh ee adeega caafimaadk u bixiyaan.

WHC-Jsl
08/04/2026

WHC-Jsl

Maalmo adag oo ay isku biirsadeen xumad baahsan iyo abaari ayaa soo maray gobolka Saaxil iyo guud ahaan dalka. Runtii, w...
02/04/2026

Maalmo adag oo ay isku biirsadeen xumad baahsan iyo abaari ayaa soo maray gobolka Saaxil iyo guud ahaan dalka. Runtii, waxay ahayd xaalad u baahnayd feejignaan, dedaal iyo masuuliyad sare.

Alhamdulillah, waxaan si wanaagsan oo hufan ugu adeegnay dadkii ay xaaladdu saameysay, annagoo ku shaqeynayna siyaasadda iyo hagidda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Hoggaanka iyo jihaynta madaxda wasaaradda, gaar ahaan Wasiirka iyo agaasimaha, ayaa door muuqda ka qaatay isku dubaridka adeegyada iyo xaqiijinta in bulshada la gaarsiiyo gargaar caafimaad oo degdeg ah oo tayo leh.

Waxaan sii wadi doonnaa dadaalka aan ugu jirno ilaalinta iyo horumarinta caafimaadka bulshada. 💪🏽

Jimce wanaagsan.
26/03/2026

Jimce wanaagsan.

Address

Rd No. Hargeisa
Hargeisa

Telephone

+252634000000

Website

http://www.drmataan.com/

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Mataan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Mataan:

Share

Category