Atu-Daryeel Hospital

Atu-Daryeel Hospital ATU-Daryeel Hospital is the teaching hospital for Abaarso Tech University and currently is designated COVID-19 treatment facility.

31/05/2020

Alxamdulaah, xalay waxa cisbitaalka ka baxay 4 bukaan oo cusub oo cudurka COVID-19 ka bogsaday. Dhammaantood wada rag ah, uu ka mid yahay qof dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Bangladesh, waana bukaankii labaad ee ajaanib ah ee cisbitaalka ka baxa. Guud ahaan tiradda bogsatay ee cisbitaalka ayaa haatan maraysa 12 qof. Waxa farxad ku sii galbiyey qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee shaqaalaha cisbitaalka, dhakhaatiirta, kalkaalisooyinka, mihnad-layaasha caafimaad ee kala duwan, shaqaalaha nadaafadda, askarta, iyo dirawaladda gawaadhida gargaarka degdega ah.
Nin lagu jiraba Allaa oge, fadlan ducadda hakala bakhaylin inta kale ee haatan xanuunka u jiifta cisbitaalka.

30/05/2020

Ayaan Cali Ismaaciil, waxay ka mid tahay kalkaalisooyinka ka hawlgala Cisbitaalka. Halkan ka daawo waraysi ay siisay Idaacadda BBC, laanteeda afka Soomaaliga.

27/05/2020

Shaqaalaha ATU-Daryeel oo sii Gelbinaya 3 Qof oo Ka Baxay Cisbitaalka Maanta

Saddex qof oo cusub kana bogsasay Covid-19 ayaa ka baxay ATU- Daryeel Hospital

Waxaa h**e cisbitaalka uga baxay Shan qof (5) oo h**e.
Tirada guud ee cisbitaalka ka baxday waa 8 Qof

waa illaahay Mahadii,

Balanteenu waa inagoo Dawlad iyo Shacab ah isku duubni ku wacyi galina, kagana hor tagna dilaaga Coronavirus

Ciid Mubarak!Maalmaha farxada leh waxaan idiin rajaynaynaa caafimaad-qab inaan idinka iyo qoysaskiinu ku ciidaan.Alxamdu...
23/05/2020

Ciid Mubarak!

Maalmaha farxada leh waxaan idiin rajaynaynaa caafimaad-qab inaan idinka iyo qoysaskiinu ku ciidaan.

Alxamdulilaah, dhammaan bukaanka haatan ku sugan cisbitaalka maanta xaaladoodu way degan tahay.

Maanta bahdayadda caafimaadka waxay u ahayd maalin caadiya oo kale, oo ay adeegayaan bukaanka cisbitaalka ku jira. Cidda kaliya ee bukaanka arkayaan ee ehelka ahi waa bahdayadda caafimaadka, maadaama aanay cidi soo booqan karin. Ehelka kaliya ee iyaguna leeyihiin waa bukaankooda, maadaama oo aanay bil ku dhawaad qofna reerahoodii tagin.

Ma arkaysaan wajigooda, balse af-xidh kastaba dhoola-caddayn ayaa ku hoos qarsoon, oo ay idiinku hambalyeynayaan farxadda ciida ee aad nasiibka u hesheen inaad qoysaskiina la ciidaan, balse iyagu aanay jaaniska u helin.

Waxay ku ciidayaan dirays 5 daqiiqo haddaad xidhnaato aad moodayso inaad moofo lagu galiyey, oo haddana ugu yaraan 8 saacadood qof kastaa xidhnaado. Qaarkood 12 saacadood ayay mararka qaar xidhnaadaan. Iska daa inaad garatee inta badan waxaad ku murmaysaa inay rag yihiin iyo inay dumar yihiin maadaama oo wax wada qafilan xidhan yihiin.

Waxaas oo dhan waxay u doorteen waa u adeegidda dadkooda. Fadlan adna ilaali oo naftaada masuul ka noqo. Si masuuliyadi ku jirto u ciid.

Intii karaankaaga iska ilaali goobaha dadku ku badan yihiin. Haddii kale oo aad ku qasbanaato, had iyo jeer hubi inaad a...
21/05/2020

Intii karaankaaga iska ilaali goobaha dadku ku badan yihiin. Haddii kale oo aad ku qasbanaato, had iyo jeer hubi inaad af-xidhkaaga (Face Mask) xidhan tahay, inta kugu xeeran sida qoyskaaga, asxaabtadda ku dhiirigali.

Af-xidhka aad isticmaalaysaa ha noqdo ka maradda ah. Noocydda kale ee af-daboolada sida kuwa Qaliinka loo adeegsado (Surgical Mask), N95 ka ama kuwa ka sii casrisan fadlan U DAA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA, iyagaa maanta cid kasta uga baahi badan.

20/05/2020

Muuqaalkan Videoga ah waxa diyaarsisay Kulliyada Health Sciences ka ee Jaamacadda Abaarso Tech University.
- Noocyadda Face Masks ka
- Yaa u baahan inay xidhaan, Goormaa la xidhanayaa?
-Qaabka loo xidho iyo qaabka la iskaga saaro
-Qaabka Gloves ka loo xidho iyo habka la iskaga saaro
-Maxaa haboon maxaase reeban intaad xidhan tahay.
-Iyo wacyigalin kale oo ku saabsan cudurka COVID-19.

Waa video muhim ah oo uu soo jeedinayo Deanka Kuliyadda Health Sciences ka Jaamacaddu, Cabdiraxmaan Xuseen Siciid. Fadlan daawo lana wadaag asxaabtaada

WAR-FARXAD LEH!!Waxa noo farxad ah in aanu idinla wadaagno, in 3 qof oo ka mid aha bukaanka COVID-19 ee cisbitaalka lagu...
18/05/2020

WAR-FARXAD LEH!!

Waxa noo farxad ah in aanu idinla wadaagno, in 3 qof oo ka mid aha bukaanka COVID-19 ee cisbitaalka lagu dawaynayayey ay bogsadeen, isla maantana la fasaxay. 2 rag ah iyo qof dumar ah, oo markii cisbitaalka loo soo gudbiyey xaaladoodu aad u liidatay. Alxamdulilaah, caawaba way caafimaad qabaan waxaanay ku laabteen guryahoodii.

👩‍🔬👨‍🔬 Happy 18 May.
18/05/2020

👩‍🔬👨‍🔬 Happy 18 May.

Dhalasho wanaagsan oo farxad leh !

Barwaaqo, badhaadhe, bashbash iyo badbaado ku waar, insha'Allah.

Maanta waa maalintaynu u dabaaldagaynay qaranka qiimaha leh ee calankiisa hoos hadhsanayno, inagoo ku faraxsan in aanu N...
18/05/2020

Maanta waa maalintaynu u dabaaldagaynay qaranka qiimaha leh ee calankiisa hoos hadhsanayno, inagoo ku faraxsan in aanu NAHAY isagu na YAHAY. Allah haka dhigo qarankii badhaadha ee barakooba. Somaliland ha waarto! Farxad iyo caafimaad ku dabaaldegga adigoo naftaada iyo nafaha kalaba ilaalinaya.



Today is the day to cherish this great nation and feel so proud to be part of it. May it become even more prosperous and great.
Wishing you a glorious 18th May.
Guul iyo Gobonimo! Happy18th May!"

Waxa lagu jiraa maalmahii ugu khayrka badnaa, ee aynu ka dhex baadhaynay laylatul-qadriga. Allah ha inaga dhigo kuwa uu ...
17/05/2020

Waxa lagu jiraa maalmahii ugu khayrka badnaa, ee aynu ka dhex baadhaynay laylatul-qadriga. Allah ha inaga dhigo kuwa uu la kulmiye, isla markaana uu ka aqbalo soonkooda, quraan akhriskooda, iyo dhammaan acmaasha khayrka leh ee aynu la imanayno.

Aynu u ducayno inta xannuunkan inaga galaaftay, inta la ildaran ee u jiifta, ugana ducayno dhammaan umaddeena iyo umadda muslimka ah in Allah inaga badbaadiyo.

Tiradda laga helay waxay maraysaa 87 qof, waxa geeriyooday 8 qof. Maaha in aynu u aragno tiro iyo lambaro kaliya. Ogaw waxay yihiin, aabayaal, hooyooyin, walaalayaal, eddooyin, habaryarayaal, adeerayaal, abtiyaal, iyo ubad la jecel yahay. Yaqiinso inaad tiradaas aad adigu laftigaagu si dhib yar ugu biiri karto haddii aanad taxadirin (Allah qadarka hayee).

Qof kastawba masuuliyad ayaa ku saaran maanta. Kaalintaada ka ciyaar sidii aad u xakamayn lahayd inuu fido cudurkani adoo raacaya talooyinka bahda caafimaadka ka soo baxaya.

Maanta waxay ku beegnayd maalinta Kalkaalisooyinka Adduunka. Dabaaldegani wuxuu ku soo hagaagay iyadoo lagu jiro xaalad ...
12/05/2020

Maanta waxay ku beegnayd maalinta Kalkaalisooyinka Adduunka. Dabaaldegani wuxuu ku soo hagaagay iyadoo lagu jiro xaalad gaar ah, oo adduunka oo dhan ku jiro dagaal ka dhan ah aafadda COVID-19. Kalkaalisooyinkayagu rag iyo dumarba waxay muujiyeen hawlkarnimo, geesinimo iyo heelanaan ay dalkooda iyo dadkooga ugu adeegayaan wahktiga adag.

Askarigu maaha ka qoriga oo sita ee dalkiisa difaacaya oo kaliya; waxa jira askar ku dagaalamaya xirfadooda, hadh iyo habeena u heegan ah inay la dagaalamaan CADAWGA AAMUSAN ee aan la arkayn: COVID-19.

Allah ha ilaaliyo

Address

150 Ka, Dab-la-taagay
Hargeisa
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Atu-Daryeel Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category