19/07/2019
DENTAL BRACES ( ilko xidhista )
Waa maxay biraha ilkaha lagu xiro?
Biraha ilkaha lagu xirto waa qaab ka mid ah daaweynta ilkaha, waana cilmi si gooni ah ay ugu takhassusaan dhakhaatiirta ilkaha, cilmigaasoo loo yaqaano "Orthodontics", qofka ku takhassusayne loo yaqaano "Orthodontist", biraha waxaa loo xiraa si ilkaha loo toosiyo, meelaha banaan loo baab'iyo, qaniinyadane lagu saxo hadi khalad kale jirana loogu saxo.
Qofka ilkaha xirayo waa inuu noqdaa qof takhassus u leh, maadaama ay ka dhalan karaan cillado badan haddii ay wax qaldamaan, sidoo kalane ay jiraan waxyaabo badan oo la tixigeliyo inta aan biraha la xiran taasoo hoos aan ku faahfaahin doonno, dhakhaatiirta ilkaha markay shahaadada 1-aad qaataan ayay 3 illaa 4 sano sii bartaan cilmiga biro-xerista, aduunka kalane lagama ogola inuu xiro qof aan takhassus u lahayn.
Dhakhtarka ilkaha guud wuxuu kuu sheegi karaa inaad u baahan tahay ilkox-xeris, kadibne wuxuu kuu xawilayaa dhakhtarka ku shaqada lahaa, isagaa markaa kadib kuu diri doono wixii baaritaano la xiriira farsamadaas iyo qaabka ugu haboon ee lagugu samayn karo.
Sidee loo xiraa biraha?
Hadafka biraha loo xirayo waa in ilkaha cadaadis la saaraa si booskooda loogu celiyo ama la isla ekeysiiyo waana howl markay ugu yaraato 2 sano qaadanayso,
waa inaad dhakhtarkaaga si joogto ah ula socotaa si mar walba ilkaha loo nadiifiyo, loona dhuujiyo siliga biraha isku hayo, mararka qaar waxaa loo baahdaa in caag ilkaha isku celiyo in laguu sii geliyo si loo sii cadaadiyo ilkaha, dhuujintaas iyo cadaadis saarista ilkaha lagu samaynayo waa mid qiyaas ku socota iyo xisaab, haddii kale waxaa dhici kara in ilkaha liqliqdaan ama soo siibtaan, waxaa taasi ka daran in ilkahaaga hal dhinac u wada leexdaan taasoo loo yaqaano 'midline-shift', taasoo qofka wajigiisa oo idil foolxumaynayso.
Mararka qaar waxaa loo baahdaa in qofka loo geliyo waxyaabo ilkaha booskodoa ku sii celiya loona yaqaano "retainers" markii biraha iyo siliga laga furo 2 illaa 3 sano kadib, sababtoo ah waxa dhacda in ilkaha booskoodii ku soo laabtaan.
Maxay dhibaato keeni kartaa biro-xerista?
Waxaa jira waxyeello si caadi ah uga dhalan karo biro-xerista ayne muhiim tahay in dhakhtarkaaga isha ku haayo si uu uga hortago, waxaana ka mid ah:
1 in ciridka dhaawac gaaro,
2 in kaalsiyamta ilkaha dhamaatoo taasoo lagu dareemi karo saliilyo aadan horay u lahaan jirin, 3 in jiridka iligga uu dabco,
4 in kalagosyka daanka uu waxyeelloobo,
5 in ilkuhu dabcaan, kadibne markii biraha lagaa furo ay soo daataan,
6 in lafta daanka uu dhaawac gaaro
7 in ilko muhiim u ah tiirinta afkaaga in la siibo iyadoo lagugu qanciyo in loo baahan yahay in la abuuro boos ay ilkaha galaan,
8 in ilkahaaga uu balance-ga ka lumo
iyo kuwa kaloo badan.
Ilkaha xarago ahaan ma loo xiran karaa?
Maya, xarago ahaan ilkaha biro looguma xiro waana qalad bulshadu laga dhaaddiciyay,
Dawo aanu qofku u bahnayn haduu qaato saamaynta dawada ayu ka dhaxlaya dawana xarago loma qaato waana waxa ugu badan ee dadkena lagaga ganacsado iyada oo an cidna loo aabo yeeleyn.
Maxaan sameeyaa haddii si qaldan la iigu xiray?
Waxaan kugula talinayaa
1.inaad raadsatid dhakhtar "orthodontist" ah si uu tala kaaga siiyo biraha kuu xiran iyo haday dhib kuu keeneen inta ay kuu xirnaayeen iyo sida ugu fudud ee lagaaga furi karo hadduu qalad jiro.
DR.khalid mohamed
Ref, somalidoc