Dr Akram Ali

Dr Akram Ali Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr Akram Ali, Medical and health, Mogadishu.

October Breast Cancer Awareness Month 💗Shaafi Hospital, in collaboration with Jamhuriya University, conducted an importa...
17/10/2025

October Breast Cancer Awareness Month 💗
Shaafi Hospital, in collaboration with Jamhuriya University, conducted an important Breast Cancer Awareness and Self-Breast Examination (SBE) training session.
Medical students received practical instruction from experienced clinicians on how to perform SBE — a vital skill in the early detection and prevention of breast cancer.
Together, we are raising awareness, promoting education, and empowering communities to take proactive steps in women’s health.

World sight day
15/10/2025

World sight day

08/10/2025
Wacyi galiinta October Cudurka kansarka Nasaha . Waa muhiim
08/10/2025

Wacyi galiinta October Cudurka kansarka Nasaha . Waa muhiim

01/10/2025
05/09/2025

🩺 WACYIGELINTA CUDURKA KANSARKA

Waa maxay kansar?
Kansarku waa kornin aan xadidnayn oo ku yimaada unugyada jirka (cells).

🌍 Caalamka: Waxaa sanadkii 2018 la diiwaangeliyay 18.1 milyan oo kiis cusub iyo 9.6 milyan oo dhimasho (Ferlay J, Colombet M, Globocan 2018).
🇸🇴 Soomaaliya: Sida laga soo xigtay warbixinta GLOBOCAN 2022, waxaa la diiwaangeliyay 10,681 kiis oo cusub iyo 8,038 dhimasho la xiriirta kansarka.

✅ Taas waxa ay muujineysaa in cudurku saamayn weyn ku yeeshay dunida oo dhan iyo sidoo kale bulshada Soomaaliyeed.

❗Kansarku waa cudur ku dhici kara Xubin kasta oo jirka ah.

Waa la daaweyn karaa.

Waa laga hortagi karaa.

Saameyntiisa waa la xakameyn karaa.

👉 Daaweynta waxay ku xiran tahay:

1. Nooca kansarka.

2. Heerka uu cudurku marayo (stage).

⚠️ Kansarku ma aha cudur isqaadsiin kara. Qofka qaba kansarka si caadi ah ayaa bulshada ula noolaan kara.

🚨 Waxyaabaha la xiriira in ay keeni karaan kansarka:

Dhaxal (Genetic factors)

Bii’ada (Qorraxda, sunta, kiimikooyinka)

Infekshanno virus (Cervix – HPV, Cagaarshowga B iyo C)

Hab-nololeedka (Sigaarka, cabidda khamriga, cayilka xad-dhaafka ah)

Cunto iyo cabitaan aan caafimaad lahayn

😷 Kansarka hunguriga (Esophagus) oo Soomaaliya ku badan

Calaamadaha:

1. Dhibaato ku timaada liqidda cuntada, ilaa ay noqoto wax walba.

2. Qofka oo caatooba.

3. Xanuun xabadka ah.

Sida lagu xaqiijiyo cudurka:

Endoscopy iyo biopsy (in unug laga qaado kadibna baaritaan lagu sameeyo).

Waxyaabaha khatarta kordhiya:

Cabitaanka waxyaabaha aadka u kulul (sida shaaha).

Sigaarka, tubaakada iyo khamriga.

Cunto aan qutrado badan lahayn.

✅ Talooyin iyo wacyigelin:

1. Qof walba oo isku arka calaamadahan ha u dhaqaaqo xarumaha caafimaadka – ogaanshaha h**e ayaa fursad fiican leh.

2. Qaadashada tallaalka cagaarshowga (HBV) iyo HPV.

3. Yareynta cabitaanka waxyaabaha kulul.

4. Jimicsi joogto ah.

5. Cunista khudaar iyo qudaar badan.

🤲 Allaah ha naga badbaadiyo cudurkan, inta qaba na cafimaad ha siiyo.

✍️ By: Dr. Akram Ali Madoobe
📧 Email: abdikarim.ib.ali..com

Address

Mogadishu

Telephone

+252612211102

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Akram Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram