Dr.Ibrahim Abdullahi Janagale

Dr.Ibrahim Abdullahi Janagale "Health is not Valued until sickness comes".

16/01/2024

๐‡๐š๐ฅ๐ข๐ฌ ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐š๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐›๐š๐ซ๐š๐š๐ซ๐ฎ๐  ๐ฌ๐š๐ง๐ž๐ฒ๐ง

Cabida sigaarka in muda ah iyo isticmalida kaniiniga sildenafil ( Vi**ra) waxay sababi karaan madaxa in uu dhiig ku furma ( ๐—›๐—ฒ๐—บ๐—ผ๐—ฟ๐—ฟ๐—ต๐—ฎ๐—ด๐—ถ๐—ฐ ๐˜€๐˜๐—ฟ๐—ผ๐—ธ๐—ฒ )
Cilmi baaris an daabacnay ayaa ku ogaanay Bukaan ka mid ah bukaanada an jiifinay qeybta ICU ee Dr.sumait Hospitals , oo madaxa dhiig ugu furmay ( Hemorrhagic stroke) ay sabab u aheed in uu waqti yar gudaheed uu ku liqay kaniiniga sildenafil ( vi**ra) 100 mg , kadibne isku arkay calaamadahan sida , wareer , matag , madax xanun saaid ah iyo in uu uu miir dabool mo ( dizziness, Nausia, vomiting and severe headaches and loss of consciousness)
CT scan laga saray madaxa wuxuu cadeeyay in uu uu jira dhiig ku furmay madaxa (Hemorrhagic stroke) , bukaanka ma uu san la heen cudurada sida , Dhiikarka , Macaanka iyo kalostaroolka ( hypertension, Diabetes and hyperlipedimia) kaliya waxa uu lahaay balwada sida cabida sigaarka in ka badan 12 sano, malintiina 1 baako sigaar ah

Cilmi baaristaan waxay hoosta ka xariiqeysaa xaalad naadir ah halisteedana wadata oo ah in dadka cabada sigaarka hadii ay la isticmaalan kaniiniga sildenafil ( vi**ra) dose /Mg badan waqti kooban gudaheed in uu keeni karo dhiig madaxa ku furma ( Hemorrhagic stroke) .

Ugudanabayn Waxaan ku baraaru jineynaa ugana digeynaa bulsha somaliyed oo caadi ka dhigtay isticmalida kaniiniga sildenafil (vi**ra) ayaado dhakhtarku u khorin in ay san qaadan/Laqin kaniiniga maadama dhibaatadas kor soo xusnay uu sababi karo

Arintaan oo dhamestiran ka akhriso lifaaqa an hoos kugula wadaagayo. Mahadsanidiin.

Click on the link below to read and download the full article.
https://www.dovepress.com/articles.php?article_id=87088

Dr. Sumait Hospitals
Faculty of Medicine and Health Sciences-SIMAD University
SIMAD University

"Health is not Valued until sickness comes".

01/01/2024

๐“๐š๐ฅ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ๐ฃ๐ž๐ž๐๐ข๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฅ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง ๐œ๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข๐›๐š๐š๐ซ๐ข๐ฌ

Bukaan inooga yimid Burhakaba- gobolka Bay awalna ku noola magalada Sa'da ee waqooyi galbeed ee Yamen, ayaa adkaatay in la ogaado cudurka haya( ๐ƒ๐ข๐š๐ ๐ง๐จ๐ฌ๐ญ๐ข๐œ ๐‚๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ž๐ง๐ ๐ž ) kadib baadhitaano dhoor ah oo loo sameeyay waxuu ka cabanayay madax xanuun , Qandho , calool xanuun , matag , labalabo , miisaankiisa oo yaraadey iyo beerka iyo beeryara oo barar san Ilaa labo bilood ( Headache, fever, abdominal pain, vomiting, nause, weight loss and hepatosplenomegalay for two months)
Baadhitaanada aan u sameynay sida kuwa cudurada faafa, , malaria ,dababsiga iyo baritan an ku sameyney dhuuxa lafta waxne laguma ogaan kaliye dhiigyari iyo in ay jirta malaria ( infectious disease tests such as the human immunodeficiency virus, viral hepatitis, and Brucella serological tests were conducted and found to be negative Also, an anti-Leishmania antibody with an enzyme-linked immunosorbent assay (ELISA) was not detected) waxaan u bilawnay dawada malaria dhiigne wan ku shubnay dhiig lkn wali isla calaamadihii buu dareemayay.
Intaa ka dib waxaa cad yar oo si taxadar leh ku jirta looga qaday beeryaraha maadama oo barar saarnaay ( ๐“๐ซ๐ฎ๐ž ๐œ๐ฎ๐ญ ๐›๐ข๐จ๐ฉ๐ฌ๐ฒ ๐จ๐Ÿ ๐ฌ๐ฉ๐ฅ๐ž๐ž๐ง
) taas oo an ku ogaanay in uu jira cudurka dababsiga ( Visceral leishmaniasis) . Intaa kadib wxan u bilawnay dawada dababsiga kuna caafimaaday dibne ugu laabaty nolol maalmeedkiisa.
Cilmi-baaristan waxee hoosta ka xariiiqaysa/iftiimineysaa in cudurka dababsiga qaybtiisa uur kujirta (๐•๐ข๐ฌ๐œ๐ž๐ซ๐š๐ฅ ๐ฅ๐ž๐ข๐ฌ๐ก๐ฆ๐š๐ง๐ข๐š๐ฌ๐ข๐ฌ) ogaanshihiisa adkaan karto xaaladaha ay lasocdaan cudurada kale ee faafa sida malaria, iyo meelaha cudurkan dababsiga kubadanyahay ee qalabka iyo xirfadleeyda cafimaadne xadidantahay.
Cilmi-baaristaan waxee xirfadlayaasha cafimaad ugubaqaysaa in bukaanada layimaada qandho aad udaran iyo beerka/beeryaraha oo bararsan in ay utixgaliyaan inee noqokorto cudura faafa ee wada jira sida malaria iyo visceral leishamanias iskuladhacaan. Cilmi-baaristan waxee sojedinaysa in lasameeyo cad baariseeyd beer-yaraha si taxadar leh markii lagu ogaan waayo baritanad kale ee kuhabonaa meelaha uu kubadanyahay cudurka dababsiga uurkujirta (Visceral leishmaniasis).
Ugudanabayn cudurka dabagsiga uurkujirta waxaa haboon in waqti h**e la ogaado lanadaweyo si looga hortago dhibatoyinkiisa oo sababi karo dhimasho
Arintaan oo dhamestiran ka akhriso lifaaqa an hoos kugula wadaagayo. Mahadsanidiin

Click on the link below to read and download the full article.
https://www.dovepress.com/articles.php?article_id=87088

Dr.Sumait Hospitals
Faculty of Medicine and Health Sciences-SIMAD University
SIMAD University

"Health is not Valued until sickness comes".

๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐† ๐Š๐€๐‘๐Š๐€ ( ๐‡๐˜๐๐„๐‘๐“๐„๐๐’๐ˆ๐Ž๐)Dhiig karku waa cadaadiska dhiiga oo kor u kaca, cadaadiska dhiiguna waa cadaadiska ka dhasha...
29/10/2023

๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐† ๐Š๐€๐‘๐Š๐€ ( ๐‡๐˜๐๐„๐‘๐“๐„๐๐’๐ˆ๐Ž๐)

Dhiig karku waa cadaadiska dhiiga oo kor u kaca, cadaadiska dhiiguna waa cadaadiska ka dhashay dhiiga ka imanaya wadnaha ee ku socda unugyada jidhka ama dhiiga ka imanaya unugyada jidhka ee ku socda wadnaha. Dhiig karku waxa uu sare u qaadayaa cadaadiska dhiiga oo caqabad ku noqonaya shaqada wadnaha hadii aan la dawayn
๐‚๐€๐‹๐€๐€๐Œ๐€๐ƒ๐€๐‡๐€

Dhiig karku calaamada muuqda malaha, balse waxaad isku arki kartaa madax xanuun yar oo khafiifa iyo daal. Kaliya waxaad ogaan kartaa adigoo cabira heerka cadaadiska dhiigu marayo. Dhiig karka aadka u kacsan waxa uu ruuxu dareemaa madax xanuun, daal, lalabo, jahwareer iyo sanka oo dhiig ka yimaado.
Qofkasta oo qaangaadh ah waa inuu cabiraa cadaadiska dhiigiisa shanti sanoba hal mar, balse hadii cadaadiska dhiigu yahay 140/90 mmHg waa inaad cabirtaa ugu yaraan
sanadkiiba hal mar.

๐’๐ˆ๐ƒ๐„ ๐‹๐Ž๐Ž ๐‚๐€๐๐ˆ๐‘๐€๐€ ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐† ๐Š๐€๐‘๐Š๐€

Cadaadiska dhiigga waxaa badanaa lagu hubiyaa iyadoo mashiin leh maro lagu xiro dhinaca sare ee gacanta, markaa labo lambar ayaa cadaadiska dhiigga loo qoraa.
โ€ข Lambarka kore waa midka sare waxaana loo yaqaannaa "systolic". Waa cadaadiska ku jira xididada dhiigga marka uu wadnaha dhiiggu ku shubmo.
โ€ข Lambarka hoose waa midka hoose waxaana loo yaqaannaa "diastolic". Waa cadaadiska ku jira xididada dhiigga marka uu wadnuhu nasanayo inta u dhexeysa garaacyada.

๐‚๐€๐ƒ๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐’๐Š๐€ ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐†๐€ ๐„๐„ ๐‚๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐†๐€ ๐€๐‡ :

Cadaadiska dhiigga ee caadiga ah wuxuu ka agdhow yahay tirada 120 oo la hoos dhigay 80 ama ka yar.
Da'da way saamaysaa cadaadiska, oo wax yar ayuu ka korreeyaa akhrinta kor ku xusan mar walbuu qofka da'diisa kororto, waana dabiici.
Cadaadiska dhiigga qofba qofka kale wuu ka duwan yahay.
Cadaadiska dhiigga wuxuu isu badali karaa daqiiqado, qasab maahan in mashiinta ay soo qorto 120/80, wax yar ayuu ka duwanaan karaa.

๐‚๐€๐ƒ๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐’-๐Š๐€ ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐†๐€ ๐Ž๐Ž ๐’๐€๐‘๐‘๐„๐˜๐€:

Cadaadis dhiig oo sarreeya waxaa loo yaqaannaa dhiig kar (hypertension).
Cadaadis dhiig oo sarreeya waa 140 oo la hoos dhigay 90 iyo wixii ka sarreeya.
Baaritaan cadaadis dhiig oo sarreeya lama sameeyo ilaa cadaadiska dhiiggaaga laga hubiyo dhowr mar uuna noqdo mid sarreeya.
Mar kastoo ay dhiigga ku adkaato inuu ku qul-qulo marinnada dhiiggaaga, lambarrada cadaadiska dhiiggu kor ayey u sii kacayaan. Marka uu jiro cadaadis dhiig oo sarreeya, wadnahaagu si xoogan ayuu u shaqaynayaa
๐๐€๐€๐ƒ๐‡๐ˆ๐“๐€๐€๐๐Ž:-

Marka cabirka cadaadiska dhiigu tuso in dhiigaagu kacsanyahay ayuu dhakhtarku kaa qaadayaa dhiig iyo kaadi si loo ogaado heerka borotiinka ee kaadida. Sidoo kale waxa lagu saarayaa qalabka EKG si loo eego in wadnahu caafimaad qabo iyo inkale. Dhiiga lagaa qaado waxa lagu ogaanayaa heerka milixda ee dhiiga ku jira, kalyuhu inay shaqaynayaan, duxda ama kalostaroolka dhiiga iyo heerka sonkarta ee dhiiga.
Dadka qaba xanuunka macaanku way u dhaga nugul yihiin in cadaadiska dhiigoodu sare ukaca (Dhiigkar).

๐Œ๐€๐—๐€๐€ ๐Š๐Ž๐‘๐ƒ๐‡๐ˆ๐˜๐€ ๐‡๐€๐‹๐ˆ๐’๐“๐€ ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐† ๐Š๐€๐‘๐Š๐” ๐ˆ๐๐”๐” ๐ˆ๐†๐” ๐ƒ๐‡๐€๐‚๐Ž ?

๏ถ Hiddo:- hadii qoyskaagu uu lahaa dhiig kar waxa sahlan in uu adigana ku asiibo.
๏ถ Daโ€™da:- markasta oo daโ€™du sii waynaato waxa koraya jaaniska dhiig karku kugu dhici karo.
๏ถ Milixda badan:- Cunto milixdu ku badantahay hadaad cunto waxa siyaadaya fursada uu kugu dhici karo dhiigkar.
๏ถ Khamriga:- khamrigu waa hooyada cudurada, waxaanu sababaa boqolaal xanuun oo uu ka mid yahay dhiig kar.
๏ถ Miisaankaaga oo culus:- buurnida iyo cayilku waxay sababaan xanuuno badan.
๏ถ Qoomiyadaha:- qoomiyadaha qaar ayaa u dhago nugul ina uu asiibo dhiig karku sida qoomiyada Afikan amerikanka, sababtana lama garanayo.
๏ถ Maadooyinka qaar oo yar:- sida macdanta potassium, magnesium iyo calcium.
๏ถ Jimicsi laโ€™aan:- fadhiga iyo jimicsi laโ€™aantu waxay keenaan carqalado badan.
๏ถ Hurdada oo neeftu kugu qabato:- xilliga hurdada oo hawo mareenku uu daboolmo.
๏ถ Daawooyinka:- daawooyinka lagu dajiyo kaarka iyo xummada waxay keenan dhiig kar sida naproxen,motrin iyo celebrex.

๐†๐Ž๐Ž๐‘๐Œ๐€ ๐€๐˜๐€๐€ ๐‹๐€ ๐—๐ˆ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐‡ ๐ƒ๐‡๐€๐Š๐“๐€๐‘๐Š๐€ ?

Sida ugu dhakhsaha badan la xidhiidh dhakhtarka..
โ€ข Hadii cadaadiska dhiigaagu uu ka badanyahay 180/110 mmHg.
โ€ข Hadii aad u malayso in dhiig karku kugu sababay calaamadahan; madax xanuun daran, aragtida oo ku daciifta, lalabo iyo matag.
โ€ข Waxa haboon inaad la xidhiidho dhakhtarka.
โ€ข Hadii cadaadiska dhiigu yahay 140/90 ama ka sareeyo.
โ€ข Hadii aad istidhaahdo dhiig karku saamayan ayuu kugu keenay.

๐’๐ˆ๐ƒ๐€๐€๐ ๐”๐†๐€ ๐‡๐Ž๐‘๐“๐€๐†๐€๐€ ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐† ๐Š๐€๐‘๐Š๐€ โ“

โ€ข Sigaarka jooji.
โ€ข Miisaanka dhin hadii uu saaโ€™id yahay.
โ€ข Cunto fiican cun oo isu dheelitiran.
โ€ข Jimicsi samee, sida orodka, dabaasha ama baaskiilka.
โ€ข Khamriga iyo daroogada ha u dhowaan.

๐’๐”๐€๐€๐‹๐Ž ๐Œ๐”๐‡๐ˆ๐ˆ๐Œ ๐€๐‡ ๐ˆ๐ ๐€๐€๐ƒ ๐–๐€๐˜๐ƒ๐ˆ๐ˆ๐’๐Ž ๐ƒ๐‡๐€๐“๐€๐‘๐Š๐€๐€๐†๐€:-

1. Halkuu marayaa cabirka cadaadiska dhiigu?
2. Waa maxay cadaadiska dhiiga ee loo baahanyahay in la gaadho?
3. Labada cadaadis (ka sare iyo ka hooose) keebaa kacsan?
4. Ma jiraa wax saamaynaya dhiig karka sida khamriga, sigaarka, cuntada, miisaanka jidhka iyo jimcsiga?
5. Waa maxay dawada dhiig kara iyo sida ay ii saamaynayso?
6. Dawadu miyey igu keenaysaa xanuuno kale?
7. Xillima Ayaan qaataa dawada? Sideebaan u qaataa dawada`?
8. Ma jiraa dawooyin aan iska ilaalinayo?

๐ƒ๐€๐€๐–๐€๐˜๐๐“๐€ :-

Dhiig karka aan la dawayni waxa uu sababi karaa dhiig madaxa kaaga furma ama wadne xanuun. Dhiig karka sidiisaba lama daawayn karo balse waa la xakamayn karaa. Waxa loo xakameeyaa laba qaybood.
๏ถ Nolosha ood wax ka badasho.
๏ถ Daawayn joogta ah.
Dhakhtarku waxa uu ku siinayaa hadafka ah in la xaqiijiyo tusaale ahaan heerka cadaadiska dhiiga ee loo baahanyahay in la gaadho si uu uga hooseeyo 140/90 mmHg.

๏ถ Nolosha ood wax ka badasho.
Dadka qaar waxa ku filan oo kaliya inay nolosha ay wax ka badalaan, waxayna ku xidhantahay heerka dhiig karku marayo iyo hadaad leedahay xanuuno kale sida macaanka, alyo xanuun ama wadne xanuun.

โ€ข Miisaankaaga dhin:- hadii aad buurantahay ood dhinto miisaankaaga dhiigkarkuna hoos ayuu u dhacayaa.
โ€ข Jimicsi samee:- waa inaad samayso jimicsi sida orodka, dabaasha iyo baaskiilka.
โ€ข Jooji sigaarka:- nikatiinta ku jirta sigaara waxay kicisaa dhiig karka iyo garaaca wadnaha.
โ€ข Khamriga ha udhowaan:- khamrigu waa hoyga iyo hooyada cudurada.
โ€ข Cun cuntooyin fiican:- qorshee cuntadaada isuna dheeli tir.
Hadii noloshaada ood wax ka badashy ay dhimi waydo dhiig karka waxaad u baahantahay daawooyin joogto ah. Dawadu way xakamaynaysaa dhiig karka balse ma dawaynayso. Dadka qaar waxay dareemaan inay adagtahay in la qaato dawooyin markasta, gaar ahaan markay aanay dareemayn xanuun. Hadiiba ay adagtahay inaad qaadato dawooyinka la xidhiidh dhakhtarkaaga.



FADLAN SHARE DHEH OO LA WADAAG ASXAABTAADA.

MAHADSANID

Talo caafimaad/ iftiimin cilmiyaysan Cilmibaaris an daabacnay 31 journey 2023 , ayaan ku ogaanay hooyada ku jirta xiliga...
23/10/2023

Talo caafimaad/ iftiimin cilmiyaysan

Cilmibaaris an daabacnay 31 journey 2023 , ayaan ku ogaanay hooyada ku jirta xiliga umusha ( ๐๐จ๐ฌ๐ญ๐ฉ๐š๐ซ๐ญ๐ฎ๐ฆ ๐ฉ๐ž๐ซ๐ข๐จ๐) ee isku aragta madax xanuun saa'id ah, wareer iyo Jarees mar un ( Headache, confusion and seizure) in ay sababi karto xirnaashaha mid ka mid ah lakabyada sare ee xididada madaxa oo loo garan ogyahay (๐๐จ๐ฌ๐ญ๐ฉ๐š๐ซ๐ญ๐ฎ๐ฆ ๐ฏ๐ž๐ง๐จ๐ฎ๐ฌ ๐ฌ๐ข๐ง๐ฎ๐ฌ ๐ญ๐ก๐ซ๐จ๐ฆ๐›๐จ๐ฌ๐ข๐ฌ ) badanaa lagu qaldo ๐๐จ๐ฌ๐ญ๐ฉ๐š๐ซ๐ญ๐ฎ๐ฆ ๐ž๐œ๐ฅ๐š๐ฆ๐ฉ๐ฌ๐ข๐š , Taas oo keni karta hadii an lagu baraarugin goor h**e xalad khatar ah oo sababi karta dhimasho.
Si aad u kala saarto labada xaaladood waxaad sameyn kartaa imaging/Scan oo ah MRI/MRV

Hadaba bahda cafimaad ka waxan kula talinayna in ay san ku fakarin kaliya ๐๐จ๐ฌ๐ญ๐ฉ๐š๐ซ๐ญ๐ฎ๐ฆ ๐ž๐œ๐ฅ๐š๐ฆ๐ฉ๐ฌ๐ข๐š oo ay jiraan xaladakale oo lamid ah oo sababi kara xaladaas sida case ka an cilmibaarista ka sameynay oo ah ๐๐จ๐ฌ๐ญ๐ฉ๐š๐ซ๐ญ๐ฎ๐ฆ ๐ฏ๐ž๐ง๐จ๐ฎ๐ฌ ๐ฌ๐ข๐ง๐ฎ๐ฌ ๐ญ๐ก๐ซ๐จ๐ฆ๐›๐จ๐ฌ๐ข๐ฌ

Arintaa oo dhamestiran ka akhriso lifaaqa an hoos kugula wadaagayo. Mahadsanidiin.

https://www.dovepress.com/articles.php?article_id=81342

 (Gaas calooleedka)Caabuqa Calooleedka :Gaastiriga: Waa cuncun iyo barar ku dhaca dahaarka caloosha waxayna soo saartaa ...
21/07/2023

(Gaas calooleedka)

Caabuqa Calooleedka :

Gaastiriga: Waa cuncun iyo barar ku dhaca dahaarka caloosha waxayna soo saartaa ash*to markii ay jirto daciifnimo ama dhaawac soo gaadha lakabka difaaca ee darbiga gudaha ee caloosha oo sababa barar caloosha, caabuqaasina Waxay keentaa astaamo ay ka mid yihiin calool xanuun daran iyo dhibaatooyinka dheef shiidka.

kiisaska badankood waxaa sababa infekshinka bakteeriyada H. pylori. Waxa loo qaybiyaa laba nooc, tan koowaad waa mid daba-dheer, astaamuhu waxay socdaan muddo dheer, tan labaadna waa tan daran, astaamaha waxaa loo diiwaangeliyaa muddo gaaban oo u dhexeysa dhowr maalmood oo keliya.

Cudurka Gaastiriga

Infekshanka jeermiska bakteeriyada caloosha (H. pylori).
Adeegsiga qaar ka mid ah daawooyinka sababa waxyeellada dhinaca caloosha, sida asbiriin ama ibuprofen, gaar ahaan markii la isticmaalo wakhti dheer.

Xaaladaha qaarkood ee la xidhiidha walaaca daran.
Infekshanka fayrusyada loo yaqaan 'CMV' ama 'Herpesvirus' (HSV).
Isticmaalka xad-dhaafka ah ee cabitaanka khamriga .
Infekshannada cudurrada iswada (Autoimmune). Mar-marka qaarkoodna waxaa keena quraac la'aanta aroortii.

gaaska

Rabitaanka cuntada oo yaraata,
Miisaanka o yaraada.
Labalabo iyo matag
Xanuun caloosha ah .
Midab saxaro oo isbeddela oo mararka qaarkood dhiig leh saxarada.
Matag joogto ah, oo mararka qaarkood dhiig la socdo.
Shuban.

( cudurka )

Kadib marka la ogaado astaamaha, Baaritaanka dhiiga iyo saxarada ah waa in la sameeyaa si loo ogaado bakteeriyada keenta cudurka.
Baadhitaan shaybaadh oo saambalka laga soo qaaday bakteeriyada si loo ogaado bakteeriyada keenta cudurka.

Baaritaanka endoscopy ee qaybaha sare ee mindhicirka.
Baadhitaanka shucaaca ee sawirka raajada ee qaybta sare ee dheef-shiidka.
kamirada afka lagaliyo,dhiig qaadista iyo
saxaro baadhista.

gaaska

Daawooyinka yareyn kara aash*tada caloosha oo ka mid ah
Omeprazole (omeprazole)
Esomeprazole (esomeprazole) Pantoprazole (Pantoprazole)
Famotidine (famotidine)

Daaweynta jeermiska caloosha oo lagu daaweeyo antibiyootiga, waxay kuxidhantahay nooca bakteeriyada keenta
(Erythromycin) Erythromycin (Ciprofloxacin) Ciprofloxine
(Amikacin) Amikicin
(Amoxicillin) amoxicillin
(Cefixim) Cefixim
(Doxycyclin) Doxycyclin

, si uu iga faaidaysto walaalkaaga kale ee aan arkin qoraalkan.

๐…๐€๐€โ€™๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐‚๐€๐€๐…๐ˆ๐Œ๐€๐€๐ƒ ๐„๐„ ๐ˆ๐ƒ๐€๐‡๐€Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, wax...
19/05/2023

๐…๐€๐€โ€™๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐‚๐€๐€๐…๐ˆ๐Œ๐€๐€๐ƒ ๐„๐„ ๐ˆ๐ƒ๐€๐‡๐€

Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, waxaana ka mid ah:

1- Bakteeriyada caloosha.
2- Hargabka iyo ifilada.
3- Xanuunada lafa xanuunka sida Riixa iyo roomaatiisamka.
4- Baxnaaninta iyo ka soo kabsashda dhaawacyada iyo lafo jajabka.
5- Xanuunka shoqosha ama idiinyada.
6- Xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco ee loo yaqaanno "Sciatica"
7- Xasaasiyadda iyo xauunka neefta / xiiqda.
8- Gaas calooleedka, nooca "Ulcer" ka ah.
9- Dilanka haweenka.
10- Korriimo la'aanta caruurta.

Waxay kaloo soomaalida sheegtaa in raganimada uu xoojiyo iyo in difaaca jirka sare u qaado oo wixii jirka lid ku ah aysan si sahlan wax u gaarsiinin sida in qofka ay qaban wayso daawada suuxdinta iyo wixii la mid ah.

๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐ข๐ซ๐จ ๐ข๐ง ๐’๐ฎ๐›๐š๐ ๐š ๐ˆ๐๐š๐ก๐š ๐ฎ๐ฎ ๐๐š๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐จ ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐š๐๐š๐š๐ฌ ๐ค๐จ๐ซ ๐š๐š๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฒ?

Marka h**e Subaga Idaha ee laga shiilay barida inuu daawo yahay waxaa noo sheegay rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee,

waxaana jiro xadiith ka hadlayo sida loogu daaweeyo xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco oo dad badani ka sheegtaan,

Xadiithkaas waxuu ku shardiyay in subaga idaha uu wax ka taro xanuunkaan in idahaas la daajiyay cows dabiici ah oo banaanka la daajiyay oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay, waxaa kaloo shardi looga dhigay in markii daawayn loo isticmaalayo in caloosha oo faaruq ah la isticmaalo weliba subaxii h**e.

Sababta labadaas shardi iyo faa'idada Subagga u leeyahay xanuunkaan waxaa la ogaaday mar dhaw, cilmibaarayaal u dhashay dalka Australia ayaa waxay qoreen research ay kaga hadlayaan arrimahaan soo socdo:

1- Barida wanka ama idaha waa sida kuruska geela oo kale waxaa lagu keediyaa wixii nafaqo ah oo hadhow xilliyada abaarta ah uu ka faa'idaysto xayawaanka inuu jirkiisa ku nafciyo, sidaas awgeed xoolaha wixii la siiyo ayay keedsadaan, haddii geedo dabiici ah uu daaqo oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay ama aan la daajin meelo wasakh ah ama magaalada aanan lagu korin, faaidadiisa way ka badan tahay midka lagu soo koriyaya waxyaabaha aan dabiiciga ahayn.

2- Midda kale sida la wada ogyahay subaga xoolaha waxaa loo qeybiyaa laba nooc, nooc waxaa la yiraahdaa jirka dhibaato ayuu u leeyahay waa nooca Kolestaroolka keeno oo la dhaho "Saturated Fat", noocne waxaa la yiraahdaa faa'ido ayuu leeyahay oo waxaa loo yaqaanaa "unsaturated fat", sidaa awgeed haddii idaha la daajiyo dhul nadiif ah oo dabiici ah, subaga laga heli karo barida wuxuu noqonaa mid si dabiici ah ku yimid waana "Unsaturated Fat", waxaana subagaan ku jirto maado la yiraahdo "OMEGA".

Maadadaan waaye waxa jirka faa'ido uu ka helo oo inta kor ku xusan iyo ka badanba waa laga helaa.

Haddii marka la cuno ama la cabo subagga idaha caloosha oo cunto ku jirto ama lala cuno cunno kale oo dufan leh, waxay ka hortagi kartaa in jirka uu ka faa'ideesto, waana sababta keentay in markii la isku daaweynaayo in subaxii h**e la isticmaalo, laakiin markii lagu daweynaayo xanuunada kale ee jirka la marinayo kuma xirno caloosha in ay faaruq ahaato.

Maadaama dagaal culus lagu hayay wax kastoo dufan ah iyadoo laga cabsi qabo cudurka Kolestaroolka, laakiin iyadane waa muhiim in la kala ogaado subaga khatarta ah iyo midka faa'idada leh, waana muhiim in la ogaado subag la'aan jirka ma shaqayn karo oo waa u muhiim, sidaas awgeed in aad dooratid midka faa'idada leh ama aad badsatid cunnada laga helo waa lagama maarmaan.

Xanuunada kor ku xusan oo ay soomaalida ku daaweyso subagaan, qaar ka mid ah waa wax cilmibaaris lagu arkay, qaarne waa wax khibrad iyo aragti lagu arkay. Mana ahan soomaalida kailya dadka isticmaala Subaga Idaha, subaga ugu caafimaadka badan ee la isku daaweeyo waa nooca madaxa madow oo barida weyn leh, seenta gaaban leh, waana wananka u badan dhulkeena.

Waxaa cajiib ah in cilmibaarayaasha sheegaan in subaga idaha uu daawo u yahay wadna xanuunka iyo dufanka xididada wadnaha fadhiisato.

Waxa kale oo la xaqiijiyay waxaa ka mid ah ku daaweynta cilladaha ku dhaco laabatooyinka ama kalabaxyada shanqarta ka yeerto kuwaas oo ay keenaan Roomaatisamka, Tufta / Riixa.

Waxaa kaloo la xaqiijiyay in lagu daaweeyo xanuunka Sciatica oo aan kor uga soo hadlay oo lagu tiriyo xanuuanda aan kaalmaati waxaan ahayn loo haynin, wayna jiraan takhaatiir ku daaweyso oo ku nool dalka Yemen, Sacuudiga iyo Iraq.

Waxaa kaloo iyadane la arkay in dadka qabo xanuunka gaaska ee "Peptic Ulcer" oo aysan keenin bakteeriyada "H.Pylori" iyagane in lagu daaweeyo oo la arkay in boogta caloosha ay si dhakhso ah ku raysato.

Sidaas awgeed waxaan ku soo gabagabaynayaa jawaabtayda in Subaga Idaha oo la isku daaweeyo in uu ka mid yahay talooyinka caafimaad ee rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu noo reebay, waana arrin sanooyin badan la soo isticmaali jiray, waxaana isa soo taraya cilmibaarisyada taageersan isku daaweynta Subaga Idaha.

Qaabka loo diyaariyo subaga ayaa ah in barida markii la shiilo, laga sooco subaga cad ee soo hara waana midka la isku daaweeyo siyaabaha la isugu daaweeyane waa in la cabo ama la marsado ama cunnada lagu darsado.

Haddii aad heli karto Wan jabsaday oo baadiye lagu soo koriyay, waxaad ka dareemi kartaa isbadal caafimaad adigoo isbadal ka dareemo dheecaanada jirkaaga sida dhididka, candhuufta iyo kaadida adigoo dareema carafta subaga idaha.

๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ-๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ต oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.
W/Q: somali doc

Taxanaha CaafimaadkaQaybta 2aad1. Waxyaabaha dabiiciga ah ee yareeya caabuqa iyo infectionka dhiiga raaca waxaa ka mid a...
27/08/2020

Taxanaha Caafimaadka
Qaybta 2aad

1. Waxyaabaha dabiiciga ah ee yareeya caabuqa iyo infectionka dhiiga raaca waxaa ka mid ah cunista timirta subaxdii adigoo baahan, cun ugu yaraan saddex timir ugu badnaan todobo timir adiga oo aan gowska ku ruugayn carabka oo kaliyana ku calalinaya timirtu waxay dhiiga ka sifaynaysaa infectionka

2. Faaiidada moosku leeyahay waxaa ka mid ah in uu daweeyo kalastaroolka sidoo kale in miisaanka qofka ama cayilka uu yaraado ayuu ka qaybqaataa, cun 2 xabo oo moos ah subax kasta adiga oo baahan si jirkaagu uga faaiidaysto mooska maadooyinka ku jirta

3. Caanaha geela waa mid ka mid ah waxyaabaha adkeeya lafaha inteena badan taas waan dareensahay balse faaiidada kale ayay leeyihiin. Caanaha geela waxay ka hortagaan in hooyadu dhasho ilmo maskaxiyan xanuunsan ama qoorta aan ceshan karin waayoo waxay ka qayb qataaan in ilmaha uurka ku jiro maskax ahaan iyo lafo ahaanba uu noqdo mid adag oo caafimaad qaba

4. Daraasado badan oo la sameeyay waxaa la xaqiijiyay in haweenka cuna timirta uurka ka hor iyo bila ugu dambaysa ee uurka aysan ku dhibtoon foosha, timirtu waxay yaraysaa xanuunka foosha, sidoo kale waxa ka hortagtaa waxa soomaidu u taqaan fool diinka

5. Canbaha wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dabiiciga ah ee liishe ka dhiga maqaarka wuxuuna maqaarka ka dhiga mid jilcan oo aan xarfad iyo adayg lahayn, sidoo kale wuxuu yareeya cayilka isagoo qofka ka dhiga jirkiisa mid isu dheelitiran, cun isbuucii 2 ama 3 cambo oo an wax sokor ama biyo ah lagu darin si jirkaaagu u noqdo mid isu dheelitiran

Qodobkee Si Gaar Ah Kuu Taabtay

Gaarsii Walaalaha Kale Si Ay Uga Faaiidaystaan



Ibrahim waahin

Taxanaha caafimaadkaMantana waxan dira ku sareyna cudurka  /Macmacaanka( Diabetes mellitus)  (Diabetes)Cudurka sonkorowg...
26/08/2020

Taxanaha caafimaadka
Mantana waxan dira ku sareyna cudurka /Macmacaanka( Diabetes mellitus)
(Diabetes)

Cudurka sonkorowga ayay dad badan oo dunida guudkeeda ku nooli ka sheeganayaan, waayadan danbena tirada soomaalida sonkorta qabta ayaa sii kordheysa sanadba sanadka ka danbeya.

Fikrada ay dad badani ka heystaan waxa uu yahay cudurka sonkorowga ayaad moodaa in ay wax badani ka qaldan yihiin,hadaba qoraalkeygan ayaan doonayaa in aan wax kaga iraahdo waxa uu yahay cudurka sonkorowgu, waxa keena, inta qeybood oo uu qeybsamo,Calaamdaha uu caanka ku yahay iyo waxyaabo kale oo badan, waxaana isku dayi doonaa in aan usoo bandhigo si fudud oo qof walbi u fahmi karo.

Cudurka sonkorowga ayaa ka dhasha khalal ku yimaada qaabka uu jirku u burburiyo ama u sameysto nafaqooyinka uu u baahan yahay ( Metabolic disorder) taas oo ugu danbeyntii sababta in xadiga sonkorta ee dhiiga la socdaa kor u kaco (hyperglycemia) ama hoos u dhaco (hypoglycemia) kor u kacaas ama hoos u dhacaas oo ku xiran hadba nooca khalalka ah ee jirka ku dhaca,waxaana uga hadli doonaa si faahfaahsan.

Sonkorta ayaa ah isha ugu wanaagsan ee uu jirka aadanuhu tamarta ka sameysto, waxaa jira noocyo fara badan oo sonkor ah balse mida ugu badan oo uu jirku isticmaalaa waa mida loo yaqaan kuluukoos (glucose), xubnaha isticmaala sonkorta ugu badan ayaa waxa ka mid ah 1) Maskaxda 2) Murugyada 3) Habdhiska lafaha (skeleton system) iyo xubna kale oo muhiin ah, xadiga caadiga ah ee sonkor ah oo dhiiga qofka caafimaadka qaba la socda ayaa ah 80 ilaa 110 milligram oo sonkor ah 100-kii mililitir oo dhiig ahba (80-110mg/dl).

Maalin walba waxaan isticmaalnaa xadi sonkor ah oo badan, hadaba suaasha meesha taal ayaa ah xagee ayay aaday sonkortii badneyd ee aan isticmaanay? maxaase maamula in aysan sonkorta qofka aan cudurka sonkorowga qabani xadigeedii caadiga ahaa aysan ka badan ?. waxaynu wada ognahay in falgal kasta iyo shaqo kasta oo jirka aadanaha ka dhaca uu RABI ugu talagalay qaab loo maamulo, hadaba isticmaalka, keydinta, iyo sameysiga sonkorta ee jirka waxaa maamula laba hormoon oo laga soo daayo unugyada ganaca (pancreas cells) kuwaas oo kala ah 1) Insulin oo laga soo daayo unugyada ganaca ee loo yaqaan Beta cells. 2) Kuluukagon (glucagon) oo isna laga soo daayo Unugyada loo yaqaan Alpha cells ee Ganaca.

Shaqooyinka ay qabtaan labadan hormoon ayaa ah kuwa liddi isku ah waayo hormoonka insulin waxa uu hoos u dhigaa xadiga sonkorta ee dhiiga la socota marka ay dhaafto xadigeedii caadiga ahaa, suโ€™aasha is weydiinta mudan ayaa ah sidee buu hormoonkani hoos u dhigaa xadiga sonkorta ee dhiiga? Mar alaale iyo markii ay sonkorta dhiigu (blood glucose level) dhaafto xadigii caadiga ahaa ayaa waxaa la carriyaa unugyada ganaca ee loo yaqaan Beta cells in ay soo daayaan hormoonka insulin kaas oo durbadiiba qabta ama fududeya shaqooyinkan soo socda. 1)- In ay unugyo badan (cells), nudayaal (tissues), xubna badan (organs) oo jirka ka mid ahi sonkorta ka nuugaan dhiiga . 2)- In sonkor badan (glucose) si deg-deg ah loogu bedelo tamar geydsan (glycogen), taas oo uu jirku dib u isticmaalo xiliyada gaajada amaba xiliyada ay sonkorta dhiigu ay hoos u kacdo. 3- In hoos loo dhigo burburinta Kaarboonhaydarayada (cuntooyinka sonkorta leh sida Macmacaanada,Bariiska, Baastada iyo IWM) si aan sonkor badan oo kale jirka loogu soo darin. Intaas oo shaqo ah marka uu hormoonka insuliinku qabto ayaa waxaa dhacda in sonkortii dhiiga la socotay ay ku soo noqoto xadigeedii caadiga ahaa, unugyada ganacuna hakiyaan soodeyntii hormoonka Insuliinka.

Hadaba khalal ku yimaada soo deynta hormoonka insuliinka amaba carqaladeyn ku timaada hanaanka shaqadiisa ayaa waxay sababtaa sonkorta dhiiga oo kor u kacda (hyperglycemia) ama hoos u dhacda (Hypoglycemia) taas oo inta badan aasaas u ah waxa loo yaqaan cudurka sonkorowga (Diabetes mellitus).
Mar hadii ay shaqada insuliinku sidaa tahay waa maxay shaqada hormoonka kuluukagon (glucugon)? Xiliga uu qofku gaajeysan yahay amaba uusan qaadan wax cunto ah oo sonkor leh ayaa waxaa hoos u dhaca sonkorta dhiiga, marka si sonkorta loogu soo celiyo xadigeedii caadiga ahaa ayaa waxaa la cariyaa unugyada ganaca ee loo yaqaan Alpha cells kuwaas oo bilaaba in ay soo daayaan hormoonka kuulukagon, islamarkiiba hormoonkani waxa uu qabtaa howlahan. 1)- sonkortii keydsaneyd (glycogen) ee jirka ayuu u bedelaa sonkorta loo yaqaan kuluukoos (glucose) taas oo keenta in sonkortii dhiiga la socotay kor u kacdo ilaa ay ka gaadho xadigii caadiga ahaa. 2)- Waxa uu cariyaa in Duxda (lipids) iyo borotiinkii (proteins) loo bedelo sonkor (glucose) taasina waxa ay dhacdaa xiliga macaluusha ama gaajada siyaadada ah waqtigaas oo sonkortii keydsaneyd ee jirka loo isticmaalay tamar ahaan, u bedelida duxda iyo borotiinka loo bedelaa sonkor (Glucose) waxa ay kor u qaadaa sonkortii dhiiga ee hoos u dhacday. Mar hadii ay sonkortii dhiigu (blood Glucose level) ay ku soo noqoto xadigeedii caadiga ahaa unugyada Alpha cells ee ganacu waxay ay hakiyaan soo deyntii hormoonka kuulukogon (glucugon).

Intaas hadii aan ku dhaafno qaabka loo xakameyosonkorta jirka qofka caafimaad qaba, aan u soo noqono maxaa keena in sonkorta qofka cudurka sonkorta qabaa ay inta badan ka sareyso xadigeedii caadiga ahaa ee loo baahnaa in uu dhiiga la socdo.

Sidii aan h**e u soo sheegnay sonkorta jirka ayaa waxaa xakameya oo ku ilaaliya inaysan dhaafin ama hoos uga dhicin xadigeedii caadiga ahaa hormoonada kala ah Insuliin iyo kulukogon (glucogon), hadaba khalal ku yimaada sameynta, soodeynta, iyo hanaanka shaqada ee hormoonadan ayaa aasaasi u ah cudurka sonkorowga, khalaalkaasi waxa uu ahaan karaa.

1. howl gab ku yimaada unugyada ganaca ee loo yaqaan beta cells kuwaas oo soo daaya hormoonka insuliinka, howl gabkaas oo sababa in aan wax insulin ah aan la soo deyn ka dibna sonkortii jirka ay kor u kacdo maadama uusan jirin hormoonkii xakameyn lahaa, sonkorowga noocan oo kale ah ayaa waxaa loo yaqaan Nooca kowaad ee cudurka sonkorowga ( Type I diabetes) bukaha sonkorta noocan oo kale ah qabaa waxaa u baahan in si joogta ah loogu turqo hormoonka Insuliinka. 2. unugyada jirka ee u qeybsan in ay qaabilaan (receptor cells) hormoonka insuliinka oo howshoodii qaabilitaanku hoos u dhacdo, sababana carqaladeyn ku timaado howshii hormoonka insuliinka , taas oo keenta xadigii sonkorta dhiiga oo kor u kacda , sonkorowga noocan oo kale ah ayaa waxaa loo yaqaan Nooca labaad ee cudurka sonkorowga (Type II diabetes), sonkorowga noocan oo kale ah ayaa inta badan ka sahlan midkii aan h**e u soo sheegnay inta badana ku dhaca dadka daโ€™doodu ka weyn tahay Afartan jir iyo dadka aadka u buurbuuran (Obesity), bukaha qaba nooca labaad ee sonkorowgu uma baahna in lagu turqo hormoonka insuliinka, hanaanka loo maamulo bukaha sonkorowa noocan oo kale ah qabana dib ayaan uga hadli doonaa . ogow in cudurka sonkorowgu uu ka mid yahay cudarada la is dhacal siiyo oo lagu qaado hidaha.

Calaamadaha in badan lagu arko bukaha sonkorowga qaba ayaa waxaa ka mid ah. ยท Kaadi macaan (glucosuria) ยท Kaadi badan oo xadhaaf, qofka oo labadii saacba mar kaadsha (Polyuria) ยท Haraad fara badan (Polydipsia) ยท Gaajo fara badan (ployphagia) ยท Miisaanka qofka oo hoos u dhaca ( weight loss) ยท Hamiga galmada ee raga oo hoos u dhaca (impotence) ยท Daal (fatigue) ยท Qaleyl ama cuncun jirka ah ( dry or itchy skin) ยท Aragtida oo shucaac ama ciiro gasho (blurry vision) ยท Afka oo qalala (dry mounth).

Sidii aan h**eba u soo sheegnay cudurka sonkorowga (diabetes mellitus) waxaa uu u qeysamaa laba qeybood oo Kala ah 1) Nooca kowaad ee sonkorowga ( type I diabetes mellitus) 2) Nooca labaad ee sonkorowga ( type II diabetes mellitus).
Xakameynta sonkorta bukaha sonkorowga qabaana waxa ay ku xiran tahay hadba nooca sonkorowga ee uu qabo tusaale ahaan bukaha qaba nooca kowaad ee sonkorowgu waxaa uu u baahan in si joogta ah loogu turqo hormoonka insuliinka si loo xakamey sonkorta jirkiisa, ku turqida hormoonkan ayaana iyana u baahan in la isticmaalo xadi goโ€™an oo uu dakhtar qeexay sidoo kale bukuhu sonkorowga noocan oo kale qabaa waa in uu ka fogaadaa isticmaalka sonkorta iyo cuntooyinka sonkorta leh.

Waxaa iyadu in badan fudud xakameynta sonkorta bukaha nooca labaad ee sonkorowga qaba maxaa yeelay bukaha Sonkorowga noocan oo kale ah qabaa uma baahna in lagu turqo hormoonka insuliinka ee waxaa sonkortiisa lagu ilaalin karaa iyada oo la xakameyo cuntooyinka uu isticmaalayo, in uu sameyo orod iyo socod (fiyaato), in uu si joogta ah ula socdo xadiga sonkortiisu mareyso maalin walba waxaa jira dawooyin ka qeyb qaata hoos u dhigata sonkorta bukaha Sonkorowga noocan oo kale ah qaba , daawooyinkaasna waxaa lama huraan ah in uu takhtar qoraa oo xadidaa xadigu uu bukuhu isticmaali karo.

Mowduucan oo runtii ah mowduuc aad u balaaran aana lagu soo koobi Karin hal qoraal iyo wax la mid ah waayo waxaa jira noocyo kale oo cudurka sonkorowga ka mid ah oo aanan qoraalkan uga hadlin sababa jira owgood, si kastaba xaaladu ha ahaatee waxaan rajaynayaa in qofkii aqriyaa qoraalkan uu ka heli doono fikrad kooban oo ku saabasan waxa uu yahay cudurka sonkorowgu. ...............

N share ..si u ugafa idesto walalka kale oo an arkin qoralkan.

Address

Mogadisho

Telephone

618430585

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Ibrahim Abdullahi Janagale posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr.Ibrahim Abdullahi Janagale:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram