Ahsan Clinic & Laboratory Center

Ahsan Clinic & Laboratory Center page-kan waxaa loogu talagalay in loogu tala bixiyo bulshada ku dhaqan Gobelka Banadir gaar ahaan da

09/08/2021
HALISTA MARAQ-DIGAAGAwaxaan ka hadlayaa maanta mawduuc muhiim u ah qoys walba oo soomaaliyeed inay wax ka ogaadaan, wuxu...
03/08/2020

HALISTA MARAQ-DIGAAGA

waxaan ka hadlayaa maanta mawduuc muhiim u ah qoys walba oo soomaaliyeed inay wax ka ogaadaan, wuxuu ku saabsan yahay caafimaadkaaga iyo midka qoyskaaga, dhibaatadaas oo ay dhici karto inay jikada kuu taallo, waa "maraq digaaga" lagu daro suugada cunnada lagu cuno.

Maraq digaagu aad ayay soomaalida u isticmaashaa waxayna ku darsadaan suugada si loogu carfiyo, dhanaane loogu yeelo, shirkadaha sameeyo maraq digaaga ay badanaa soomaalidu isticmaasho waa: "Maggi", "Oxo" "Jumbo", "Knorr" iyo "CalNort".

Talow ma isweydiisay, Muxuu maraq digaaga ka samaysan yahay? Muxuuse dhibaato leeyahay?

Xaqiiqada ugu horeyso waxay tahay in aan maraq digaaga laga samaynin "Maraq Digaag", taasi waxaa sii dheer in laga sameeyay waxyaabo caafmaadka u daran oo halis ku galin karo waxaana ka mid ah:
Cusbo: Waxa ugu badan ee maraq digaaga uu ka samaysan yahay waa cusbo weliba xad dhaaf ah.
Dufan: Waxaa ku xiga waa dufan loo yaqaano "trans fat" oo la ogyahay halista ay wadnaha u leedahay maadaama xididada yaryar ee wadnaha xirto.


"MSG": Maadadaan waa waxa ugu qatarsan ee ku jiro maraq digaaga, maraykanku waxay u yaqaanaa "slow killing poison" oo macnaheedu yahay "suntii sida aayarka ah wax u dilaysay", cilmibaarisyo kala duwan oo lagu sameeyay maadadaan "MSG" oo maraq digaaga ka buuxdo waxaa la ogaaday inay keento cudurka Goon-jabka, Dhiigkarka, Boogaha gaaska "Ulcer", Beer xanuunka, Hilmaanka / Foojignaan la'aanta iyo xanuun loo yaqaano "Fibromyalgia" oo soomalida ku soo badanayo sanadahaan dambe,
MSG waxaa laga soo gaabiyay "monosodium glutamate"

Lafo digaag: Markii shirkada "Maggi" ay bilaabaysay samaynta maraq digaaga, waxay ku dari jireen lafo digaag oo la shiiday ama hilib la shiiday, waxaana la dhihi jiray wuxuu galayaa badalka digaaga ma hilibka aad suugada ku darsatid, laakiin waayahaan dambe laguma daro oo waxaa intaa dheer toon, filfil iyo wayxaabo kale oo carfis ah oo shirkaduhu ku kala duwanaan karaan.

Waxay cilmibaarayaashu ku taliyaan in badalka maraq digaagaan suuqyada ganacsiga loo keenay in aad si dabiici ah ku carafsan kartid suugadaada sidii awalba ay soomaalida taqaanay, kabsarcaleenta, toonta, filfisha, xawaajiga iyo wixii la mid ah.

Haddii kale inta aad digaag karsato, maraqa ka miiro oo carfiso, kadibne qaboojiyaha gasho oo maalintii aad wax dallacanayso xoogaa yar ku darso suugada.

Ogow waxaa jiro shirkado aanan ka fakaraynin caafimaadkaaga oo jeebkaaga ku tiirsan, wixii cusub oo aadan aqoon u lahayn baaris ku samee inta aadan isticmaalin.

Lawadaag Asxaabtaada oo u SHARE garee gaarsiina Qoyskaada isticmaala Maraq-Digaaga qataryiisa ama halkaan ugu wac mid ama labo qof oo aad u isticmaala.
Somalidoc

SHARE

CIID WANAAGSANWaxaan hambalyo ku aadan munaasabada ciidul-adhxaa u diraynaa dhamaan umadda muslimiinta soomaliyeed, gaar...
30/07/2020

CIID WANAAGSAN
Waxaan hambalyo ku aadan munaasabada ciidul-adhxaa u diraynaa dhamaan umadda muslimiinta soomaliyeed, gaar ahaan macaamiisha ISPITAALKA GUUD EE AHSAN

Ciid mubaarak
30/07/2020

Ciid mubaarak

24/04/2020
 fadlan inta aadan warkale oran aqri qoraalka1-qofka sigaarka caba ma duqoobo oo cajuusninada tabar darideeda ma arko-sa...
24/12/2019


fadlan inta aadan warkale oran aqri qoraalka

1-qofka sigaarka caba ma duqoobo oo cajuusninada tabar darideeda ma arko-sababta oo ah badanaa waxa uu udhintaa cabista sigaarka inta uusan da' gaarin

2-sigaar cabuhu ma qaniino -sababta oo ah qofkaa waa uu tabar darreeyaa kadibna waxa uu tabar ka raadiyo ul si uu ugu tiigsado, eeygana qof ul wata waa uu ka baqayaa

3-Sigaar cabuhu sidoo kale uma soo dhaco tuug guri uu jiifo-sababtoo ah habeenkii oo dhan waa uu qunfacayaa tuuguna waxa uu is leeyahay waalaga soo jeedaa gurigaan.

W/Q dr muslih

Address

Jamhuriya Street
Mogadisho

Telephone

+252613742074

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ahsan Clinic & Laboratory Center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Ahsan Clinic & Laboratory Center:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram