Dr ömer ingiliz

Dr ömer ingiliz Ömer ingiliz

Simad university Medical Students Association SUMSA🙏🏾
08/08/2024

Simad university Medical Students Association SUMSA🙏🏾

HANAANKA SAMAYNTA DASTUURKA SUMSA

Gudoomiyaha midowga ardayda kuliyada daaweynta, qaliimadda iyo culuumta caafimaadka ee jaamacadda simad Omar Abdullahi Abdi markii uu arkay baahida ay ardayda uqabto in midowga (Association) uu yeesho dastuur ahaana mid kamid ah balanqaadyadiisii inta uusan xilka kuguuleysanin.

Kadib markii uu latashtay dhamaan hogaamiyayaasha qeybaha kala duwan ee ardaydda iyo qeybo kamid ah maamulka kuliyadda daaweynta, qaliimadda iyo culuumta caafimaadka ayaa soo saaray hanaanki loo mari lahaa samaynta dastuur dhameystiran oo dhamaan ardayda ay ku wada qanacaan.

Ugudanbeyntii gudoomiyaha ayaa dhamaan ardayda kula dardaarmay in ay kawada qeybqaataan sidii dastuur dhameystiran loo heli lahaa.

Wtfq.


SIMAD University
Faculty of Medicine and Health Sciences-SIMAD University
Simad university Medical Students Association SUMSA

Simad university Medical Students Association SUMSA👏
06/08/2024

Simad university Medical Students Association SUMSA👏

28 july waa maalinta cagaarshowga aduunka wax ka  ogow caabuqaan:Waa maxay cagaarshow?Cagaarshowga nuucyadiisaFaafidda c...
28/07/2024

28 july waa maalinta cagaarshowga aduunka wax ka ogow caabuqaan:
Waa maxay cagaarshow?
Cagaarshowga nuucyadiisa
Faafidda cagaarshowga
Calaamadaha Cagaarshowga
Ogaanshaha cagaarshowga
Daaweynta cagaarshowga
Ka hortagga cagaarshowga
Dhibaatooyinka cagaarshowga
Waa maxay cagaarshow?

Cagaarshowga waa caabuq ku dhaca beerka. Waxaa cudurkaan loo yaqaannaa ‘Hepatitis’. Caadi ahaan waxaa keeno fayras, laakiin daawooyinka qaar, sunta, iyo cudurrada qaarkood, oo ay ku jiraan cudurrada difaaca jirka, ayaa sidoo kale keeni karo cudurka.

Cagaarshowga wuxuu leeyahay nuucyo badan, shanta nuuc ee ugu waaweyn waa nuucyada A, B, C, D, iyo E. Fayrasyo kala duwan ayaa sababo nuuc kasta oo cagaarshowga ka mid ah.

Saynisyahannada waxa ay dhawaan heleen nuuc cusub oo cagaarshowga ka mid ah oo loo yaqaanno Hepatitis G (HGV) ama nuuca G, illaa iyo hadda wax badan lagama oga nuucaan.

Maqaalkaan, waxaan ku faahfaahin doonnaa nuucyada kala duwan ee cudurka cagaarshowga, calaamadahooda caadiga ah, sida ay ku gudbaan, iyo sida loo daweeyo loogana hortago.

Cagaarshowga nuucyadiisa

Sida aan horay usoo sheegnay waxaa jiro dhowr nuuc oo cudurka cagaarshowga ah, shanta ugu waaweyn nuucyadaas waa A, B, C, D, E. Nuucyadaan waxa ay ku kala duwanyihiin:

Nuuca fayraska sababay
Muddada ay sii jiraan
Siyaabaha ay ku faafaan
Daaweynta
Tallaalka
Nuucyada qaar daawo maleh, balse waxaa jiro tallaal looga hortagi karo, halka kuwa qaarna ay leeyihiin tallaal iyo daawo labadaba.

Labada nuuc ee ugu badan waddankeenna uguna khatarta badan waa nuucyada B iyo C.

Nuuca A

Nuucaan waa nuuca ugu horreeyo ee cudurka cagaarshowga, waxaa sababo fayraska loo yaqaanno (HAV), nuucaan marka uu qofka ku dhoco waxa uu si daran u qabtaa muddo gaaban gudeheeda, balse masii jiro waqti dheer, muddo ka dibna waa uu baaba’aa.

Nuuca B

Nuucaan waxa uu ka mid yahay nuucyada ugu halista badan cagaarshowga, waxaa sababo fayraska loo yaqaanno (Hepatitis B Virus), marka uu qofka ku dhoco waxa uu marka h**e u qabtaa si daran.

Ka dib dadka qaar ayuu ka baab’aa, balse mararka qaar nuucaan waxa uu sii jiri karaa muddo dheer, waxa uuna dhaawac weyn u geysan karaa beerka, ugu dambeyntiinna waxa uu sababi karaa kansarka beerka.

Nuuca C

Nuucaan wuxuu sidoo kale ku jiraa nuucyada ugu halista badan cagaarshowga, waxaa sababo fayraska loo yaqaanno (Hepatitis C Virus). Nuucaan waxa uu la mid yahay nuuca B, waxa uu jiri karaa muddo dheer asagoo ugu dambayn sababi karo kansarka beerka.

Nuuca D

Nuucaan waxaa sababo fayraska loo yaqaanno (Hepatitis D Virus), nuucaan ayaa ka duwan nuucyada kale, sababtoo ah waxa uu ku xiranyahay nuuca B, taas oo macneheeda tahay in nuucaan kaliya uu ku dhici karo dadka uu horay ugu dhacay nuuca B ee cagaarshowga.

Si la mid ah nuucyada B iyo C, nuucaan ayaa sidoo kale sii jiri kara muddo dheer.

Nuuca E

Nuucaan waxaa sababo fayraska loo yaqaanno (Hepatitis E Virus ), waxaa uu ka ag dhowyahay nuuca A, maadaama labadooda aysan sii jirin muddo dheer ayna ku faafaan si isla mid ah.

Faafidda cagaarshowga

1. Biyaha iyo cuntada

Biyaha iyo cuntada uu ku jiro fayraska ayaa dadka u gudbin karo cudurka cagaarshowga, nuucyada fayrasyada ku gudbi karo habkaan waaa nuucyada A iyo E.

2. Dhiigga

Dhiigga uu ku jiro fayraska ayaa qofka u gudbin karo cudurka, nuucyada fayrasyada ku gudbi karo habkaan waa nuucyada B, C iyo D.

Hababka ay ku gudbi karaan waxaa ka mid ah:

Cirbadaha la isla isticmaalo
In qofka lagu shubo dhiig uu ku jiro fayraska
3. Galmada aan difaaca lahayn

U galmoodka qof qabo nuucyada cagaarshowga ee B, C iyo D ayaa waxa ka dhalan karo inay qofka kale u gudbaan fayrasyada.

Isticmaalka ‘Condoms’ ayaa hoos u dhigi karo halista gudbidda cudurka.

4. Xilliga uurka iyo dhalmada

Hooyada qabto cudurka cagaarshowga nuucyadiisa B, C iyo D ayaa uur-ku-jirta u gudbin karto fayraska, inta ay uurka leedahay ama marka ay dhalayso.

5. Xilliga naas-nuujinta

Hooyada qabto cudurka cagaarshowga nuucyadiisa B iyo D ayaa ilmaha u gudbin karto fayraska xilliga naas-nuujinta lagu guda jiro.

Calaamadaha Cagaarshowga

Dadka qaar ee uu ku dhoco cudurka cagaarshowga iskuma arkaan wax calaamado ah, halka kuwa kale ay isku arkaan calaamado iska fudud. Calaamadaha cudurka waxay soo muuqan karaan 2 isbuuc ilaa 5 bilood ka dib marka qofka uu gudbo caabuqa ama infekshanka.

Cagaarshowga bilowga ah

Inta lagu jiro marxaladda deg degga ama bilowga ah ee caabuqa cagaarshowga, qofka waxaa laga yaabaa inuu la kulmo calaamado ay ka mid yihiin:

Daal
Saxaro caddaad ah
Amateed la’aan iyo miisaan lumis
Qandho
Murqo xanuun ama kalagoysyo xanuun
Lalabbo iyo matag
Calool xanuun
Indhaha oo jaalle noqda
Kor cun-cun
Wajac guud
Marxaladda deg degga ama bilowga ah inta badan ma aha khatar, laakiin marxaladaha dambe ee daba-dheeraada ayaa dhibaatooyin u keeni karo beerka, calaamadahana waxay soo bixi karaan muddo dheer ka dib oo ah illaa iyo 10 sano. Calaamadahaan waxaa ka mid ah:

Barar dhanka lugaha ah
Wareer
Matag uu dhiig la socdo
Saxaro uu dhiig la socdo
Kaadida oo mugdi noqoto
Saxarada oo caddaad noqoto
Indhaha, maqaarka iyo carabka oo jaalle noqdo
Ogaanshaha cagaarshowga

Waa muhiim in la fahmo waxa keenay cagaarshowga si cudurka loogu daaweeyo sida ugu habboon. Dhakhaatiirtana waxay sameeyaan tijaabooyin taxane ah si ay si sax ah u ogaadaan xaaladdaada.

1. Warbixinta qofka iyo baaritaanka jirka

Si loo ogaado dhammaan nuucyada cagaarshowga, dhakhtarkaaga wuxuu marka h**e qaadi doonaa warbixintaada ku saabsan cudurka si uu u go’aamiyo wax kasta oo khatar ah oo aad yeelan karto.

Wuxuu kaloo dhakhtarka kugu sameen doonaa baaritaan jirka ah, Inta lagu jiro baaritaanka jirka, dhakhtarkaaga wuxuu si tartiib ah u taaban karaa una cadaadin karaa calooshaada si uu u eego haddii ay jiraan xanuun ama damqasho.

Dhakhtarkaaga waxa kale oo laga yaabaa inuu hubiyo inuu jiro barar dhanka beerka ah iyo is beddel dhanka midabka ah oo ku imaado indhahaaga ama maqaarkaaga.

2. Baaritaannada shaqada beerka

Baaritaannada shaqada beerka ayaa la sameeyaa ayadoo la isticmaalaayo muunado dhiig ah si loo go’aamiyo sida hufan ee uu beerkaagu u shaqeeyo iyo inay jiraan wax is beddel dhanka shaqada beerka ah.

Natiijooyinka aan noormalka ahayn ee baaritaannadaan waxay noqon karaan calaamadda ugu horreysa ee ah in ay jirto dhibaato dhanka beerka ah, gaar ahaan haddii aadan horay u lahayn wax calaamado ah marka dhakhtarka uu sameenaayey baaritaanka jirka.

Beerka waxa uu soo saaraa waxyaabo ka qaybqaata howlaha jirka ka socdo sida dheefshiidka oo kale, waxyaabahaan waxaa loo yaqaanaa enzymes “Inzaaymis”.

Heerarka (enzymes) ka beerka ee sarreeya ayaa laga yaabaa inay muujiyaan in beerkaaga uu cadaadis saaran yahay, dhaawacmay, ama uusan si sax ah u shaqayneynin.

3. Baaritaannada kale ee dhiigga

Haddii baaritaannada shaqada beerka ay yihiin kuwo aan noormal ahayn, dhakhtarkaagu waxay u badan tahay inuu amri doono baaritaanno kale oo dhiig ah si loo ogaado meesha ay dhibaatada ka timid.

Baaritaannadaan waxay go’aamin karaan haddii aad qabtid caabuqa cagaarshowga iyadoo la hubinaayo in dhiigga uu ku jiro mid ka mid ah fayrasyada keeno cagaarshowga ama inay dhiigga ku jiraan unugyada difaaca jirkaaga ee la dagaallamo fayrasyada keeno cagaarshowga.

4. Biopsy-ga beerka

Marka la baaro cagaarshowga, dhakhaatiirtu waxay sidoo kale qiimeyn doonaan in beerkaaga ay ku imaan karaan dhaawacyo. Baaritaanka beerka waxaa loola jeedaa in cad aad u yar laga soo qaado beerka ka dibna loo diro baaritaan.

Xirfadle caafimaad ayaa laga yaabaa inuu cadkaan kasoo bixiyo asagoo isticmaalaayo cirbad loogu tala galay oo jirka laga galiyo meel ku aaddan beerka, taasoo la macno ah inaan loo baahnayn qaliin.

Baaritaankaan ayaa sidoo kale waxaa la sameeyaa ayadoo la isticmaalaayo iskaan ama kombiyuutar si loogu hago hawsha. Baaritaankaan wuxuu u oggolaanayaa dhakhtarkaaga inuu go’aamiyo sida caabuqa uu u saameeyay beerkaaga.

5. Iskaan ama kombiyuutar

Iskaanka caloosha ayaa lagu fiiriyaa xubnaha ku jiro gudaha calooshaada. Baaritaankaan wuxuu u ogolaanayaa dhakhtarkaaga inuu si dhow u eego beerkaaga iyo xubnaha u dhow. Iskaanka wuxuu muujin karaa:

In dareere uu ku jiro gudaha
Dhaawaca beerka ama weynaanta beerka
Burooyinka beerka
Cilladaha xameetidaada

Mararka qaarkood ganaca ayaa sidoo kale ka muuqda sawirrada uu iskaanka muujinaayo, waxayna muhiim u tahay in la go’aamiyo sababta keentay cilladaha ka jiro shaqada beerka.

Daaweynta cagaarshowga

Daaweynta waxay ku xirantahay nuuca cagaarshowga ee qofka haayo iyo in caabuqa uu yahay mid biloow ah ama uu waqti dheer soo jiray.

Daaweynta nuuca A

Nuuca A waxa uu ka mid yahay nuucyada aan sii daba dheeraanin, badanaa uma baahno daawo, balse mararka qaar calaamadihiisa markay qofka kasoo muuqdaan waxaa lagu taliyaa in qofka uu nasto.

Daaweynta nuuca B

Ma jirto daawo gaar ah oo loogu talagalay cagaarshowga nuuciisa B ee deg degga ama bilowga ah, si kastaba ha ahaatee, haddii qofka uu qabo nuuca B ee raaga ama sii daba dheeraada, wuxuu u baahan doonaa daawooyin looga hortago fayraska.

Daaweynta nuucaan ah waxa ay noqon kartaa mid kharash badan, waayo waxa laga yaabaa in qofka uu sii isticmaalo dhawr bilood ama sannado.

Daawaynta cagaarshowga nuuciisa B ee dabadheeraada waxay sidoo kale u baahan tahay qiimayn caafimaad oo joogto ah iyo la socod si loo go’aamiyo in fayraska ka falcelinaayo daawaynta.

Daaweynta nuuca C

Dawooyinka ka hortaga fayraska ayaa loo isticmaali karaa in lagula dagaallamo fayraska keeno cagaarshowga nuuciisa C midkiisa deg degga ah iyo midkiisa daba-dheeraada labadaba.

Caadi ahaan, dadka uu ku dhoco cagaarshowga nuuciisa C ee daba-dheeraada waxay isticmaali doonaan daawooyin fara badan oo la isku daray.

Dadka uu ku dhoco cirrhosis ama cudurka beerka ee uu keeno cagaarshowga nuuciisa C ee daba-dheeraada ayaa laga yaabaa inay u baahdaan in laga badalo beerka loona galiyo mid cusub.

Daaweynta nuuca D

Nuucaan waxa uu leeyahahy daawo lagula dagaallo fayraska sababo, daawadaan ayaa loo yaqaanaa (pegylated interferon alpha), si kastaba ha ahaatee, dawadaan waxay yeelan kartaa waxyeello daran.

Sidaa darteed, kuma habboona dadka qaba dhaawaca beerka ee cirrhosis, kuwa qaba xaaladaha dhimirka, iyo dadka qaba cudurrada difaaca jirka.

Daaweynta nuuca E

Ilaa iyo hadda ma jiraan daawayn caafimaad oo gaar ah oo lagu daaweeyo cagaarshowga nuuciisa E. Sababtoo ah infekshanka uu keeno nuucaan badanaa waa mid deg deg ah, caadi ahaanna iskii ayuu isaga baxaa.

Dhakhaatiirta waxay caadi ahaan kula talinayaan dadka qaba caabuqaan inay helaan nasasho ku filan, cabaan cabitaanno badan, helaan nafaqo ku filan.

Si kastaba ha ahaatee, haweenka uurka leh ee uu ku dhoco caabuqaan waxay u baahan yihiin dabagal iyo daryeel dhow.

Daaweynta nuuca uu sababo difaaca jirka

Daawooyinka corticosteroids-ka, sida prednisone ama budesonide, ayaa aad muhiim ugu ah daawaynta h**e ee cagaarshowga nuuca uu sababo difaaca jirka, waxay wax ku ool u yihiin boqolkiiba 80 dadka xaaladdan qaba.

Azthioprine (Imuran), oo ah daawada xakameysa habka difaaca jirka, ayaa sidoo kale laga yaabaa inay qayb ka noqoto ikhtiyaaraadka daaweynta, dadka qaar waxay daawadaan la isticmaali karaan daawooyinka steroids.

Ka hortagga cagaarshowga

Waxaa jiro tallaalo kaa caawin kara ka hortagga fayrasyada ugu badan ee keeno cagaarshowga. Yaraynta khatarta ah in aad la kulanto waxyaabaha ay ku jiraan fayrasyadaan ayaa sidoo kale noqon karto tallaabo ka hortag oo muhiim ah.

1. Isticmaalka tallaallada

Tallaalka cagaarshowga nuuciisa A ayaa la heli karaa kaasoo kaa caawin kara ka hortagga fayraska keeno nuuca A.

Tallaalka cagaarshowga nuuciisa A waa taxane laba qiyaasood ah, carruurta badankooda waxay bilaabaan qaadashada tallaalkaan markay da’doodu u dhaxayso 12 ilaa 23 bilood. Dadka waaweyn ayaa sidoo kale qaada karo tallaalkaan.

Waxaa sidoo kale jiro tallaal loogu tala galay cagaarshowga nuuciisa B, tallaallada cagaarshowga nuuciisa B ayaa waxaa fiican in la siiyo dhammaan caruurta markay dhashaan.

Tallaalkaan ayaa ah saddex tallaal oo taxane ah, midka 1-aad waxaa la qaataa marka uu qofka dhasho, midka 2-aad waxaa la qaataa 1 bil ka dib kan tallaalka 1-aad, kan 3-aadna waxaa la qaataa 6 bil ka dib tallaalka 1-aad.

Waxaa lagu taliyaa in tallaalka nuuca B ay qaataan dhammaan shaqaalaha ka shaqeeyo daryeelka caafimaadka. Tallaalka cagaarshowga nuuciisa B wuxuu sidoo kale ka hortagi karaa cagaarshowga nuuciisa D, maadaama nuuca D uu ku dhoco kaliya dadka uu horay ugu dhacay nuuca B.

Hadda ma jiraan wax tallaal ah oo loogu talagalay cagaarshowga nuucyadiisa C ama E.

2. Iska ilaalinta fayraska

Fayrasyada keeno cagaarshowga waxay u gudbi karaan qofkasta oo:

Cabo biyo uu ku jiro fayraska
Cuno cunto uu ku jiro fayraska
Sameeyo galmo aan difaac lahayn
Yaraynta khatarta ah inaad la kulanto walxahaan waxay kaa caawin kartaa inaad ka hortagto qaadista fayraska cagaarshowga.

Nadaafadda cuntada, biyaha iyo in cuntada si fiican loo kariyo ayaa looga hortagi karaa qaadista fayrasyada A iyo E.

Cagaarshowga nuucyadiisa B, C, iyo D ayaa fayrasyada sababo waxaa lagu kala qaadaa taabashada dareeraha jirka ee ay ku jiraan fayrasyada.

Waxaad hoos u dhigi kartaa halista ah in aad la kulanto fayrasyadaan adigoo:

Aan la wadaagin cirbadaha qof
Aan la wadaagin sakiinta qof
Isticmaalin burushka cadayga ee qof kale
Aan taaban dhiig daatay
Cagaarshowga nuuciisa B iyo C waxaa sidoo kale lagu kala qaadi karaa xiriirka galmada. Isticmaalka waxyaabaha loo isticmaalo difaac ahaan xilliga galmada la sameeyo sida condoms-ka ayaa yarayn karo halista cagaarshowga.

Dhibaatooyinka cagaarshowga

Cagaarshowga nuucyadiisa B ama C ee daba-dheeraada waxay horseedi karaan dhibaatooyin caafimaad oo aad u daran. Sababtoo ah fayraska wuxuu saameeyaa beerka, dadka qaba cagaarshowga nuuca B ama C ee daba-dheeraada waxay halis ugu jiraan:

Cudurka beerka ee raaga
Cirrhosis (dhaawac daran ee beerka)
Kansarka beerka
Cagaarshowga ayaa keeni karo in shaqada beerka ay joogsato, dhibaatooyinka ka dhalan karo marka shaqada beerka uu u haayey jirka ay joogsato waxaa ka mid ah:

Dhiig bax
Dareere ku uruura calooshaada, oo loo yaqaan ascites (barar)
Cadaadiska dhiigga oo kordha
Kilyaha oo istaaga
Daal, xasuus la’aan, iyo awoodaha maskaxda oo yaraada
kansarka beerka
Dhimasho.

Dr Terso
Wtfq

Omar Abdullahi Abdi
Dr ömer ingiliz
Simad university Medical Students Association SUMSA

Home of Health Services

17/05/2024
Allah caafimaad hasiiyo dhamaan bukaanada xanuunsan ee aan awoodin iney nala farxaan maalmahaan farxada badan caafimaad ...
10/04/2024

Allah caafimaad hasiiyo dhamaan bukaanada xanuunsan ee aan awoodin iney nala farxaan maalmahaan farxada badan caafimaad daro darteedna aan nagula ciidi karin, anagane Allah caafimaadka aan haysano ha inoo siyaadiyo🤲.

Ciid wanaagsan.
Galab wanaagsan.

Simad university Medical Students Association SUMSA Omar Abdullahi Abdi

09/04/2024

Hampalyo iyo dardaaran ku aadan maalmaha farxada ciidukfidriga Home of Health Services maalmaha ciida waa heegan.

Ciid wanaagsan dhamaantiim.

Omar Abdullahi Abdi Simad university Medical Students Association SUMSA

Dhamaan umada muslimiinta ah iyo umada soomaaliyeed meelkastood dunida kajoogtaan ciid wanaagsan Allah hanaga aqbalo dha...
09/04/2024

Dhamaan umada muslimiinta ah iyo umada soomaaliyeed meelkastood dunida kajoogtaan ciid wanaagsan Allah hanaga aqbalo dhamaan acmaashii wanaagsaneed een soo falnay(sameenay) bisha ramadaan nabad iyo caafimaad qabne hanagu gaarsiiyo bishan bisheeda.

Omar Abdullahi Abdi Simad university Medical Students Association SUMSA

Ha Iska Indha Tirin 7 Calaamadood Waxaa Halis Ugu Jirtaa Cudurka Sokorta.1. InfectionHadii aad aragto infakshan soo laal...
08/04/2024

Ha Iska Indha Tirin 7 Calaamadood Waxaa Halis Ugu Jirtaa Cudurka Sokorta.

1. Infection

Hadii aad aragto infakshan soo laalaabta ogow waxaa halis ugu jirtaa cudurka sokorta ama macaanka sababtoo ah marka qofka jirkiisa macaanka ku badan yahay waxaa si joogto ah jirkiisa ugu soo laalaabta infakshano kala duwan

2. Qallaylka

Waxyaabaha cudurka sokorta inaa halis ugu jirto cadaynaya waxaa ka mid ah qallaylka maqaarka sababtoo ah amrka macaanka jirkaaga ku badan yahay waxaa yaraanaya duxda maqaarka taas oo keenaysa in maqaarkaagu noqdo mid engagan

3. Daal Joogto ah

Calaamadaha muujinaya in aad cudurka sokorta halis ugu jirto waxaa ka mid ah daal joogto ah xitaa adiga oo waxba qaban inaa daalan tahay hadii aad astaamahan isku aragto waxaa wanaagsan inaa yarayso isticmaalka sokorta

4. Madowga Hoose Ee Jirka

Qofka inta aysan Sokorta ku dhicin wuxuu jirka bixiyaa digniino waxaana dka mid ah in madow ay noqdaan qaybaha hoose jirka sida kilkilaha iyo qoorta, hadii meelahaas aad madow zaaid ah ka dareento digniino kugu filan waa haysata

5. Cadaan Soo Noqnoqda

Astaamaha iyo digniinaha jirku bixiyo marka qof halis ugu jiro cudurka sokorta waxaa ka mid ah cadaaan inuu yeesho carabka xitaa hadii aad waxyar kahor cadaysay carabka, cadaankaas waa kii soo noqnqoda sida darteed taxadar yeeelo

6. Cuncun Qubayska Ah

Cudurka sokorta wuxuu ka mid yahay cudurada digniinta bixiya inta qofku uusan ku dhicin hadii aad isku aragto cuncun gaar ahaan marka aad qubaysato kadib waxay u badan tahay in jirku digniin ku sinaayo ee yaree isticmaalka sokorta

7. Hurdada Xilliga Cuntada

Ma isku aragtaa hurdo, daal iyo caajis marka cuntada cunto kadib? hadii jawaabtaadu haa tahay waxaad u baahaja tahay in aad isticmaalka macaanka yarayso sababtoo ah waxaad ka mid tahay dadka halista ugu jira cudurka sokorta

Fiiro Gaar Ah: Dhamaan astaamaha aan kor ku xusay hadii aad isku aragto waxaa waajib kugu ah in aad yarayso isticmaalka sokorta sababtoo ah digniinah qaar sida digniinaha la xiriira cudurka sokorta ma ahan kuwa la iska indha tiri karo.

Follow isoo dheh siina gaarsii ehelkaaga iyo asxaabtaada.

Mahadsanid🙏

31/03/2024

Imaamka Masjid Al-Xaram, Shaykh Abdur Rahman Al Sudeysi ayaa soo jeediyay qaacido aad u wanaagsan oo aad kaga faaideysan karta tobanka dambe ee Ramadaan maadama ay ku jirta leylatul qadriga

1. Ku deeq hal dollar (ama ka badan) habeen kasta, haddii ay habeenkaa ku beeganto Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar la eg 84 sano oo sadaqa ama Kun bilood! adiga oo sadaqeysayay.

2. Tuko laba rakcadood Ama ka badan oo sunno ah habeen kasta, haddii ay habeenkaa ku beeganto badhtamaha Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar ah in aad laba rakcadood oo sunno ah habeen kasta tukato ilaa 84 sano.

3. Akhri suuradda Ikhlaas habeen kasta saddex jeer, haddii ay habeenka ku beeganto badhtamaha Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar ah in aad dhameysay Qur’aan ka karimka maalin kasta 84 sano.

Waxa kale oo uu yidhi dadka ku faafi hadalladan, kuwii hadalkaaga dhegaysan doona ee camal fala, idinkuna waxaad heli doontaan ajar la mid ah camalkooda, inshaa allaah. Maxaa yeelay Rasuulku (scw) wuxuu yidhi: “Qofkii hanuuniyo camal wanaagsan wuxuu helayaa ajar la mid ah kan camal fala, laakiin wax la’aani maayo ajarkiisa”. (Muslim, 2674)

Alle ha ina waafajiyo dhammaan camalka aan qabanno.
Aamiin.🥀🤲❤️

Abdimajid Ahmed.

Address

Maka Almukarama
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr ömer ingiliz posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr ömer ingiliz:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category