Dr Mohamed Yusuf

Dr Mohamed Yusuf waan idiin salaamay dhaman bahda aan halkan ku saaxibnay, waxan halkan ku so kudbin doona barnaamijyo quseya Cafimadka....

Caafimaadka Maskaxda๐Ÿง  Sidee loo yareeyaa stress-ka (walbahaarka)?Walbahaarku waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee d...
16/11/2025

Caafimaadka Maskaxda

๐Ÿง  Sidee loo yareeyaa stress-ka (walbahaarka)?

Walbahaarku waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee dadka saamaynta ku yeesha. Haddii aan si sax ah loo xakameyn, wuxuu sababi karaa madax-xanuun, hurdo laโ€™aan, xanaaq, calool-xanuun, iyo hoos u dhac maskaxeed.

๐Ÿ”น Hababka lagu yareeyo stress-ka:

1๏ธโƒฃ Neefsasho qoto dheer (Deep Breathing): Waxay dejisaa maskaxda, waxayna yareysaa garaaca wadnaha.

2๏ธโƒฃ Nasasho gaaban oo maalin kasta ah 5โ€“10 daqiiqo.

3๏ธโƒฃ Ka fogaanshaha telefoonka muddo gaaban: Dadka Telephone-ka aad ugu mashquula waxay dareemaan stress badan.

4๏ธโƒฃ Jimicsi fudud โ€“ socod 20 daqiiqo: Waa mid ka mid ah daawooyinka dabiiciga ugu fiican ee niyadda hagaajiya.

5๏ธโƒฃ Qor wixii ku walwalsiinaya: Qoraalka wuxuu siiya maskaxda dareen faaruq iyo nasasho.

โš ๏ธ Calaamadaha stress-ka daran ee u baahan in la dareemo:

Hurdo laโ€™aan joogto ah

Daal badan

Kalsooni darro

Dhiig karka oo kordha

Murugo joogto ah

Waa maxay Faa'idooyinka caafimaad ee cabida biyaha?Biyaha waxay leeyihiin faa'iidooyin badan oo muhiim u ah caafimaadka,...
16/02/2025

Waa maxay Faa'idooyinka caafimaad ee cabida biyaha?

Biyaha waxay leeyihiin faa'iidooyin badan oo muhiim u ah caafimaadka, kuwaasoo ka caawiya jirka inuu si fiican u shaqeeyo.
Qaar ka mid ah fa'iidooyinka biyaha waxaa ka mid ah:

1. Biyo-haynta jirka: Biyaha waxay ka caawiyaan jirka inuu si fiican u shaqeeyo, iyadoo kor u qaadaysa caafimaadka unugyada, xubnaha, iyo nidaamyada jirka. Jirka bini'aadamka wuxuu u baahan yahay biyo si uu u socdo.

2. Caawinta dheef-shiid kiimikaadka: Biyaha waxay gacan ka geystaan kala-bixinta nafaqooyinka, sokorta, iyo maaddooyinka kale ee jirka ku jira, sidoo kalena waxay caawiyaan ka saarista sunta iyo qashinka jirka.

3. Xoojinta nadiifinta dheef-shiid kiimikaadka: Biyaha waxay gacan ka geystaan in ay soo saaraan dheef-shiid kiimikaadka, sida ka saarista oksijiinta iyo caawinta ku darista dheef-shiid kiimikaadka oo dhamaystiran.

4. Kordhinta maqaarka caafimaadka qaba: Cabitaanka biyo ku filan ayaa ka caawiya in la helo maqaarka jilicsan oo muuqda, iyadoo ka hortagaysa qallaylka maqaarka.

5. Caawinta xoojinta shaqada neerfaha: Biyaha waxay taageeraan shaqada neerfaha, waxayna muhiim u yihiin xoojinta maskaxda iyo diiradda.

6. Caawinta hoos u dhigidda culeyska: Cabitaanka biyaha kafiilan waxay ka caawiyaan in la yareeyo dheelitirka dheef-shiid kiimikaadka ee korodhsan, taasoo ka dhalata dhibaatooyinka caafimaadka.

7. Kordhinta awoodda muruqa: Biyaha waxay gacan ka geystaan inay ka hortagaan dhicis iyo muruqyada raagaya.

FG: Waa muhiim in la cabbo biyo ku filan maalintii si loo ilaaliyo caafimaadka guud ee jirka. Inta badan dadka waxaa lagula talinayaa inay cabbaan ugu yaraan 8 koob oo biyo ah maalintii.

Dr Mohamed Yusuf

Boogaha Caloosha (Peptic Ulcer)Boogaha caloosha waa nabar furan oo ka samaysma xuubka gudaha ee caloosha, mindhicirka ya...
15/02/2025

Boogaha Caloosha (Peptic Ulcer)

Boogaha caloosha waa nabar furan oo ka samaysma xuubka gudaha ee caloosha, mindhicirka yar (duodenum), ama hunguriga, taasoo ay keento aash*tada caloosha iyo enzymes-ka dheefshiidka.

Noocyada Boogaha Caloosha:

1. Boogaha caloosha (Gastric ulcers) โ€“ Waxay ka samaysmaan caloosha.

2. Boogaha duodenal (Duodenal ulcers) โ€“ Waxay ka samaysmaan qeybta h**e ee mindhicirka yar (duodenum).

3. Boogaha hunguriga (Esophageal ulcers) โ€“ Waxay ka samaysmaan hunguriga (way yar yihiin).

Sababaha Keena:

1. Infection-ka bakteeriyada Helicobacter pylori (H. pylori) โ€“ Waa sababta ugu weyn; waxay daciifisaa xuubka caloosha.

2. Isticmaalka dheer ee daawooyinka NSAIDs โ€“ Sida aspirin, ibuprofen, iyo naproxen, waxay dhaawici karaan xuubka caloosha.

3. Soo saarista aash*tada caloosha oo aad u badan โ€“ Waxay ka dhalan kartaa walwal, sigaarka, khamriga, ama cudurka Zollinger-Ellison syndrome.

4. Sigaarka iyo khamriga โ€“ Waxay kordhiyaan aash*tada caloosha waxayna dib u dhigaan bogsashada.

5. Cunnooyinka kulul iyo walbahaarka โ€“ Si toos ah uma keenaan boogo, laakiin waxay ka sii dari karaan calaamadaha.

Calaamadaha:

1. Xanuun gubasho leh oo caloosha ka dareemayo, badanaa inta u dhexeysa cuntooyinka ama habeenkii.

2. Calool barar, lalabo, ama matag.

3. Saxarada madow ama dhiig leh (haddii uu dhiigbaxo jiro).

4. Miisaan lumis aan la garanayn sababteeda.

Baadhitaanka:

1. Endoscopy โ€“ Tubbo yar oo leh k**arad ayaa lagu fiiriyaa xuubka caloosha.

2. Baadhitaanka H. pylori โ€“ Dhiig, saxaro, ama neefsasho ayaa lagu ogaan karaa infection-ka.

3. Barium swallow X-ray โ€“ Waxay muujin kartaa boogaha ku jira dheefshiidka.

Daaweynta:

1. Antibiotics โ€“ Waxaa lagu tirtiraa H. pylori.

2. Proton pump inhibitors (PPIs) โ€“ Waxay yareeyaan aash*tada caloosha (sida omeprazole, pantoprazole).

3. H2-receptor blockers โ€“ Waxay yareeyaan aash*tada (sida ranitidine, famotidine).

4. Antacids โ€“ Waxay si ku-meel-gaar ah u baabi'in karaan aash*tada caloosha.

5. Isbeddel nololeed โ€“ Iska ilaali NSAIDs, khamriga, sigaarka, iyo cunnooyinka kulul.

FG: Haddii aan la daweyn, boogaha caloosha waxay keeni karaan dhibaatooyin halis ah sida dhiigbax gudaha ah, dalool ka samaysma caloosha, ama xannibaad dheefshiidka ah.

Dr Mohamed Yusuf

๐—ช๐—”๐—ซ ๐—•๐—”๐——๐—”๐—ก ๐—ž๐—” ๐—ข๐—š๐—ข๐—ข๐—ช ๐—•๐—”๐—ฅ๐—”๐—ฅ๐—œ๐—ฆ๐—”๐——๐—”Waxaan casharkaan kaga hadli doonaa cudurka ay soomaalida badanaa u taqaano โ€œBararisoโ€, afk...
01/09/2024

๐—ช๐—”๐—ซ ๐—•๐—”๐——๐—”๐—ก ๐—ž๐—” ๐—ข๐—š๐—ข๐—ข๐—ช ๐—•๐—”๐—ฅ๐—”๐—ฅ๐—œ๐—ฆ๐—”๐——๐—”

Waxaan casharkaan kaga hadli doonaa cudurka ay soomaalida badanaa u taqaano โ€œBararisoโ€, afka qalaad waxaa lagu dhahaa โ€œPyogenic Flexor Tenosynovitisโ€.

Cudurkaan wuxuu ku billawdaa in mid ka mid ah faraha gacanta ay gaarto dhaawac mudis ah, dhaawacaas oo farta gudaha u galo illaa uu ka gaaro xuubka ku hareeraysan lafta farta.

Waxa ku muday haddii aysan farta gudaha safiican ugu galin, badanaa ma keento caabuq daran, si dhakhsane uguma faafto faraha kale, waana xaalad ka duwan caabuqa bararisada, waxaana loo yaqaanaa โ€œCellulitisโ€.

Maxay badanaa gacmaha ugu dhacdaa?

Gacmaha waa meelaha ugu badan ee u nugul in qofka ka dhaawacmo, waana meesha ugu fudud oo dhaawac si sahlan ku gaari karo seedaha iyo lafaha maadaama aysan sidaa uga fogayn hilibka kore.

Badanaa waxyaabaha qofka mudo waa wax dhulka yaallo oo jeermis xambaarsan, waxaana badanaa cilladaan lagu arkaa dadka gacmaha ku shaqaysto sida dadka beeraha falo, geedaha gooyo ama biraha ka shaqeeyo.

Jeermiskaas markuu jirka gudaha u galo, wuxuu ku tarmaa farta dhaawaca gaaray, waxyar ka dibne way barartaa, kadibne malax ayay gashanataa, kadibne caabuqii wuxuu si dhakhso ah ugu gudbaa faraha kale illaa uu gacanta wada gaaro.

Haddii aan laga gaarin dhaawaca markuu cusub yahay wuxuu si joogto ah u naafeeyaa seedaha iyo kalagoysyada yaryar ee faraha, taasina waxay keenaysaa in faraha qalloocdaan ama gacantaba ay qallafto ama qallasho.

Sidee loo daaweeyaa cudurkaan?

Daawada waxay waxtar degdeg ah leedahay markuu dhaawaca cusub yahay, waa in meesha dhaawaca kaa gaaray si dhakhso ah loo nadiifiyo si caabuqa loo yareeyo, waa in nabarka la mariyo ama lagu xiro jeermis dile, lana qaato daawo qallajiye ah si jirka looga caawiyo la dagaallanka jeermiska soo galay.

Hadduu nabarka muddo ka soo wareegato, waa in la fiiriyo inuu malax yeeshay iyo in kale, hadduu malax gashtay waa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo dillaaciyo oo malaxda laga soo daadiyo, kadibne dhaymo iyo daawo la isugu daro qofka.

Hadduu caabuqa ku fidiyay faraha kale ama gacantma waa in qalliin lagu sameeyo qofkaas si gacanta loo badbaadiyo, lagana saaro gacanta wixii unugyo ah oo dhintay ama wasakhoobay si faafitaanka caabuqa loo xadido.

Fadlan nagu soo biir hadaad nagu cusub tahay nagu soo biir si aad uga mid noqoto dadka ugu h**eeya ee ka faaiidaysta talooyin caafimaad aan soogalino pageka dheh mahadsanid

Sidokle Akhriste waxan rajaynayaa in aad wax badan ka faaiiday qormadan hadaba ha hilmaamin in aad
Gaarsii Asxaabtaada oo u garee.
W/Q Somalidoc
Bogga Dr Cadceed

Maxaad u baahantahay inaad ka ogaato cudurka Mpox?Mpox(monkey pox) waa cudur fayras ah oo ka yimaada xayawaanka kaas oo ...
16/08/2024

Maxaad u baahantahay inaad ka ogaato cudurka Mpox?

Mpox(monkey pox) waa cudur fayras ah oo ka yimaada xayawaanka kaas oo inta badan laga Helo bartamaha iyo galbeedka Africa. Inkasta oo uu lamid yahay small pox, Mpox guud ahaan waa mid ka khatar Yar wuxuuna leeyahy calaamdo ay ka mid yihiin qandho,finan iyo qanjirada oo barara. Cudurka badana waxu ku kooban yahay gobolada uu asal ahan kaso jeedo laakin wuxu ku faafi Kara isu socodka iyo ka ganacsiga xoolaha.

calamadaha Iyo Astaamaha

Finanka maqaarka
Qandho ama xumad
Madax xanuun
Cuna xanuun
Jir xanuun
Dhabar xanuun
Tabarta oo yaraata
Qanjirada oo barara

Sidee u faafaa?

Isu gudbinta shaqsi ilaa shaqsi
Taabasho toos ah qufku la yeesho finanka ama dheecaanada jirka qufka cudurka qabo
In ay kuso gaarto dhibacaha hindhisada/neefta qufka qaba fayras-ka
Galmada
Taabashada agab uu wasakheeyay fayras-ka Mpox sida irbado,bustayaal,dhar,alaabta cuntada iwm.

Yaa halis ugu jira?

Xubnaha qoyska iyo dadka ugu dhaw bukanka qaba cudurka.
Xoolo dhaqatada,beeraleyda iyo shaqsiyaadka ku lug leh la ganacsiga xoolaha.
Howlwadeenada caafimadka iyo shaqaalaha sheybaarka ee aan heysan qalabka ilaalinta shaqsiyadeed ee ku haboon.
Kooxaha nugul sida caruurta, haweenka uurka leh iyo dadka difaacooda jireed hooseeyo.

Talaabooyinka looga hortago?

Ka fogow dadka qaba ama leh calaamadaha xanuunka Mpox.
Hala wadagin ama ha taabanin agabka quf leh calaamadaha xanuunka Mpox.
Ka fogow duur joogta gaar ahaan kuwa la yaqaan iney fayras-ka sidaan, kana fogow xoolaha buka ama kuwa la helay iyago dhintay.

Fadlan sii share-garey qormadan si dadka kale wax ugu ogaadan xanunkan wuxu yahay iyo siyabaha leyskugu gudbiyo.

MAXAY TAHAY SABABTA DAAWADA CUNTADA KA HOR LOO QAATO QAYBNA CUNTADA KADIB?1= Cuntada ka hor daawada cun " wuxuu dhakhtar...
16/08/2023

MAXAY TAHAY SABABTA DAAWADA CUNTADA KA HOR LOO QAATO QAYBNA CUNTADA KADIB?

1= Cuntada ka hor daawada cun " wuxuu dhakhtarku ula jeedaa 30 daqiiqo ka hor waa in aad cuntaa daawadaan"ma ahan 2 daqiiqo ama hal daqiiqo ka hor,

sababta saas uu u leeyahayna waxa ay tahay daawooyinkaas ayaa shaqadii ay jirka u qaban lahaayeen ay dhumeysaa hadii cuntada ay caloosha iskugu tagaan.

2= cuntada kadib cun daawadaan "wuxuu dhakhtarku ula jeeda ilaa 5 daqiiqo cuntada kadib cun daawada" ma ahan 30 daqiiqo ka dib cuntada,

sababta cuntada kadib in aad cunto daawada uu kuu amrayo dhakhtarku waxa ay tahay daawooyinka qaar ayaa hadii ay caloosha tagaan iyada oo maran ayey dhaawici karaan gidaarada hoose ee caloosha.

3= dhamayso daawadaaan " micnaheedo waa dhamayso dhamaan daawada laguu qorey xitaa hadii aad caafimaado wax yar marka aad ka qaadato daawada"

sababta aad u dhamaysanayso daawada waxa ay tahay si loo dilo dhamaan jeermiskii ku harey jirkaada,
balse hadii aad dhamaysan waydo daawada waxaa dhacaysaa in uu xoogeysto jeermiskii xanuunka keeney uuna la qabsi la sameeyo daawadii sidaasna uu xanuunkii uu kugu soo celiyo daawadiina hadii aad mar kale aad qaadato ay waxba kaa tari waydo maadaama uu la qabsadey jeermiskii.

4= Daawooyinka Fitimiinka ah qaado cuntada kadib " macnaheedo waa in aad cuntaa daawooyinka fitimiinka ah ee uu dhakhtarku kuu qorey cuntada kadib"

sababtu waxa weeye caloosha oo maran hadii aad fitimiin daawo ah qaadato h**ey ayey ka baxaysa oo kaadidaada ayey soo raacin marka wa in aad cuntada kadib cuntaa.

waa jawaabo muhiim ah oo anfacaya qof walba fadlan gaarsii asxaabtaada

Dr Mohamed Yusuf ๐Ÿง‘โ€โš•๏ธ

3da CALAAMAD DIGNIIN OO MUUJINAYA IN KELYAHAAGU AY KHATAR KU JIRAANKelyihu waa xubinta jirka ugu muhiimsan oo hadii ay h...
14/08/2023

3da CALAAMAD DIGNIIN OO MUUJINAYA IN KELYAHAAGU AY KHATAR KU JIRAAN

Kelyihu waa xubinta jirka ugu muhiimsan oo hadii ay howlgab noqoto dhamaan shaqada jirku ay wada istaageyso,
Xanuunka kelyaha ku dhaca h**ey lagama ogaado ilaa qofku ay kelyihu howl gab noqdaan,
Balse waxaa jira 3 calaamadood oo hordhac u ah howlgab ku yimaado kelida waxayna kala yihiin.

1= KAADIDA OO IS BADASHA

kaadida oo yaraataa ama kalarkeedu is badalo ama ur yeelata ama dhiig uu la socdo ayaa ah calaamado kamid kuwa ugu caansan ee kelyaha marka ay howlgab ku dhawyihiin.

2= XANUUN DHABARKA QAYBTA HOOSE AH

xanuun dhinacyada hoose ee dhabarka aad ka dareento oo wata madax xanuun daal iyo tabar yaro umateetka oo yaraada iyo dhiig yaraan ayaa ah calaamadaha kale ee muujinaya in kelyaha aad ka jirantahay.

3= KAADIDA OO LAGU ARKO MAADADA BOROTIINKA

Ma ogaan kartid adigu in kaadidu ay lasocoto protein balse dhakhtarkaada ayaa kuu sheegi kara taas marka uu baaritaan ku sameeyo kadidaada,
Waana calaamad kale oo mujineysa khatar kajirta keyahaaga.

3daas calaamood qayb kamid ah hadaad isku aragto fadlan dhakhso u aad goob caafimaad oo kelyaha lagu dabiibi karo.

Gaarsii asxaabtaada una SHARE garee lana socodsii hadii ay calaamadahaan qayb kamid ah arkaan h**ey dhakhtar haka tagaan.

Dr Mohamed Yusuf ๐Ÿง‘โ€โš•๏ธ

WAXTARKA HURDADA๐Ÿซ€1.DIFAACA JIRKA: Qofku markuu seexdo hurdo ku filan waxaa kordha awooda difaaca jirka ee uu kaga hortag...
12/08/2023

WAXTARKA HURDADA๐Ÿซ€

1.DIFAACA JIRKA: Qofku markuu seexdo hurdo ku filan waxaa kordha awooda difaaca jirka ee uu kaga hortagayo cuddurada ay keenaan Baakteeriyada iyo firusyada.

2.TAYADA CAQLIGA: Marka qofku seexdo waxay culumada sayniska hurdadu isku raaceen in weli maskaxdu shaqaynayso oo ay ku mashquusho kaydinta iyo isku aadinta xirfadihii iyo waaya-aragnimadii maanta qofku soo kororsasday. hurdo ku filan waxay qofka siisaa xasuustiisa oo kororta halka hurdo laโ€™aantu la timaado ilowsho badan.

3.KA HORTAGA CAYILKA : Cilmi-baaris dhawaan la sameeyay waxaa lagu ogaaday inay isku xiran yihiin hurdo laโ€™aanta iyo ciyilka saaโ€™idka ah ee aan la dhimi karin.

4. CUSBOONAANTA MASKAXDA: Ka soo qaad inaad maanta oo dhan aad shaqaynaysay, waxaad ka daashay murqihii iyo maskaxdiiba. Maskaxda iyo jirkuba waxay u baahan yihiin nasiino. Haddii Nasiino la waayo waxaa imaada daal murqaha jirka iyo maskaxda oo lulmoota. sidaas awgeed maskixiyan qofku ma cusba oo ma faraxsanaanayo. Waxaa qofka ku dhaca welwel iyo xanaaq iyo dabeecad kulayl.

5. CAAFIMAAD-DARO: Qofku marka uusan seexan waqti ku filan wuxuu u nuglaadaa inay ku dhacaan xaaladaha dhiigkarka, kaadi-macaanta, qulubka, welwelka iyo cayil saaโ€™id ah.

6. KORRIINKA: Carruurtu caadiyan waxaa nudayaasha jirkoodu koraa xilliga habeenkii ah oo murqaha iyo maskaxduba nasanayaan. Sidaas awgeed, carruurta aan habeenkii seexan ama qaba cuddurada hurdada carruurta u diida sida caburka iyo neef-qabatinka waxay u nugul yihiin inaysan si fiican u korin.

WAXYAALAHA HURDADA CARQALADEEYA

Shaaha, kafeega, maandooriyasha Sida Qamrada iyo qaadka ayaa ah waxyaalaha ugu waawayn ee dadka ka hor-istaaga inay hurdo ku filan seexdaan. sidoo kale, waxaa jira noocyo daawooyin ah oo bukaanka marka loo qoro ku keena hurdo laโ€™aan.

Dr Mohamed Yusuf ๐Ÿง‘โ€โš•๏ธ

KANSARKA JIDIINKA / DHUUNTA/ HUNGURIGA (ESOPHAGEAL CANCER)Waa maxay kansarka jidiinka? ( what is esophageal cancer)?Waa ...
09/08/2023

KANSARKA JIDIINKA / DHUUNTA/ HUNGURIGA (ESOPHAGEAL CANCER)

Waa maxay kansarka jidiinka? ( what is esophageal cancer)?
Waa kansarka kudhaca unugyada ku weeqaaran gudaha dhuunta , lagabilaabo cunaha ilaa caloosha inta u dhexaysa.
EPIDEMIOLOGY (sidee kuyahay bulshada soomaalida)
Kansarka jidiinka oo aad ugusii kordhaya bulshada soomaalida wuxuu kudhacaa sida badan dadka waayeelka ah oo daโ€™dooda 60 sano tahay celcelis. Wuxuuna kudhaca inta badan raga boqolkiiba 80 ( prevalence Male:female = 4:1 )

NOOCYADIISA (TYPES)

Wuxuu ukalabaxaa labo nooc, kuwaas oo kala aha :
1. Squamousโ€“ noocan oo kabilaaban kara meel walbo oo jidiinka kamid aha
2. Adenocarcoma - noocan wuxuu kabilowda isgoyska udhexeeya caloosha iyo jidiinka,gaaska caloosha daraadeed oo dib ugusoo noqda jidiinka

ARRIMAHA SABABA/KEENA (RISK FACTORS)

1. Sigaarka oo lacabo ( to***co smoking )
2. Khamra badan oo lacabo ( high alcohol intake )
3. Cabitaanka kulul oo mudo dheer lacabo sida shaaha mise qaxwada ( long term consumption of hot beverages for example tea or coffee)
4. Nafaqo xumo โ€“ sida cuno ay kuyartahay fiitamiinka A , C , iyo cunada leh kiimikada looyaqaano Nitrosamines sida cuntada qiiqa lagukariyo ( consumption of diet deficient in vitamins A , C and nitrosamine containing foods found in smoked and pickled foods )
5. Shucaac mar h**e qof lagudaaweeyay ( prior radiation therapy)
6. Cayilka (obesity)
7. Cunada saliida xoolaha kubadantahay ( diet rich in animal fat and cholesterol)

CALAAMADAHA LAGUGARTO QOFKA QABA KANSARKA JIDIINKA(SYMPTOMS)

1. Qofka oo liqida dhibto ama xanuujiso ( difficulty or pain while swallowing )
2. Cunada oo dib jidiinka ugusoonoqota ( regurgitation)
3. Qofka oo miizaankiisa hoos udhoco ( loss of weight)
4. Feedho xanuun ( chest pain )
5. Mantaq ( vomiting )
6. Iyo calaamadaha markuu jidhka kufaafo lagu garto sidha Higo ( hiccoughs), bog xanuun (abdominal pain)dhabar xanuun(back pain), xabeeb (hoarseness of voice ) cagaarshow (jaundice) neefta oo qofka dhibta ( difficulty in breathing ) saxarada oo madoobaata (melena)

SIDA LOOGA HORTAGO (PREVENTION)

1. In aadan cabin khamrada iyo sigaarka ( do not consume alcohol and smoke cigarette )
2. Cabitaanka kulul ood iskayarayso ama iskadhaafto ( stop consuming hot beverages)
3. In aad iskajoojiso cunada warshadaha lasoomariyay ama kuwa qiiqa lagukariyay ( stop consuming processed and smoked foods)
4. In aad cuntid cuno dheelitiran oo iskugujirta noocyada cuntada oo dhan sida khudaarta iyo miraha ( take balance diet rich in vitamins e.g vegetables and fruits )
5. In aad kudadaasho sida aad iskagabadali lahayd hab dhaqameedka nooleed sida jimicsiga jidhka (lifestyle changes e.g regular exercise)
6. In aad iskayarayso saliida xoolaha lagadhaliyo ( minimize consumption of animal fats and cholesterol intake)

SIDA LAGU OGAADO(INVESTIGATIONS)

1. Diiga guud โ€“ dig yari (anemia)
2. Barium swallow
3. In tuubo bukaanka jidiinka lagagaliyo (Endoscopy )
4. CT scan
5. In qofka hilib yar ama dhaacaan lagaqaado ( biopsy)

DAAWEYNTIISA (MANAGEMENT)

1. Qalniin hadii uu bukaanka xili quman xaaladiisa laogaado ( surgery )
2. Radiotherapy
3. Chemotherapy
4. Iyo in bukaanka lalatacaalo si uuna cudurka usiifaafin ama dhibka xanuunka lagabar yareeyo (palliative care)

F.G : mar walbo laxariir dhakhtarka si aad u hubsato heerka caafimaadkaaga hadaad iskashakido, waxaadna ogaataa cudurada qaarkood waa isku calaamado!!
Prepared by : Prof Dr Shaafie Aadan Dirir
Dr Mohamed Yusuf ๐Ÿง‘โ€โš•๏ธ

Dilanku waa kala nuuc ama kala heerar, latacaalistiisuna way kala duwan tahay, sidaa darteed waa in hooyadu warbixin buu...
08/08/2023

Dilanku waa kala nuuc ama kala heerar, latacaalistiisuna way kala duwan tahay, sidaa darteed waa in hooyadu warbixin buuxda oo xaaladeeda ku saabsan ay ka heshaa daryeel-bixiyaha inta aan talo la siin.

1- Missed Abrotion: waa dilanka markii uurjiifka uusan samaysmin ama uusan nooleyn, sawir markii hooyada la saaro, waxaa minka lagu arkaa ibida iyo xuubkii uurjiifka kaliya. xaaladaan waa in hooyada la fooliyaa ama la xaaqaa iyadoo la fiirinayo inta bil ay tahay.
2- Threatened Abortion: waa dilanka markii hooyadu dhiig isku aragto, laakiin minka afkiisu xiran yahay, xaaladaan waa in hooyadu nasato oo aysan sariirta ka soo dagin, waa laga yaabaa in uurka u badbaado oo aysan dhib la kulmin.
3- Inevitable Abrotion: Waa dilanka markii hooyadu dhiig isku aragto, minka afkiisane uu furan yahay, waa dilan lama huraan ah, waxaa hooyada lagula taliyaa inay dhakhtarka u soo laabato si loo xaqiijiyo in dilanka soo dhameestirmay iyo in kale.
4- Incomplete Abortion: waa dilanka aan soo dhameestirmin oo u baahan in la soo xaaqo, ogow uurka hadduu 10 usbuuc ka badan yahay, xaaqis k**a maarmi doontid!.
5- Complete Abortion: waa dilanka dhameestiran oo minku faaruq yahay, hooyadaan daawo ama farsamo kale uma baahna, waa in la baara sababta ay u dilanta, talooyin kahortag ahne la siiyaa.
6- Habitual / Recurrent Abortion: waa dilanka soo noqnoqday ama caadada u ah hooyooyinka qaar, xaaladaan waa in si qoto dheer loo baaraa si loo ogaado sababta u keentay hooyadaas.
7- Septic Abortion: waa dilan qaaday caabuq, waa xaalad halis ah waxayna ku dhici kartaa hooyooyinka soo maray xaaladda 1-aad iyo tan 4-aad, haddii hooyada aan la xaaqin oo minka wax ku haraan, muddo kadib way ku sumoobi kartaa walxahaas, waxayna u baahan doontaa gargaar degdeg ah.
__________________________________
Fadlan waa muhiim fariintaan ee la gareey hooyooyinka.

Dr Mohamed Yusuf ๐Ÿง‘โ€โš•๏ธ

Address

Mogadishu

Telephone

0615642323

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Mohamed Yusuf posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Mohamed Yusuf:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category