Dr Updyrahman Alkhasiir

Dr Updyrahman Alkhasiir haka quusan raxmada Allah
Allah dadko idil waaa
uwada naxariistaa Welcome to Haldoor Diagnostic & Training Center

17/04/2025

Maskax caafimaad qabta Ayaa fikir fcn laga helaa

17/04/2025

Hawiye Hubka dhiga

17/04/2025

General indha cade Ayaa cadeeyey AS
Ay uso harin 500 Askar

Dalaal ino dhuuntayo so wada bax Weli wax badan oo qarsan ayaa Jira
16/04/2025

Dalaal ino dhuuntayo so wada bax
Weli wax badan oo qarsan ayaa Jira

14/04/2025

Hampalyo SSC halgankii mirahiisa
Maanta idiin ka heynaa

𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚.Si loo daweeyo dhibaatooyinkii uu keenay iyo calamadaha uu qofku dareemayo.Waxaana kamid ah dawoyinka ....
07/04/2025

𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚.
Si loo daweeyo dhibaatooyinkii uu keenay iyo calamadaha uu qofku dareemayo.

Waxaana kamid ah dawoyinka .
Omeprazole/ lansoprozole/ eprix/ dompridone/ aluminum sulfate/ misoprostol/ metronidazole/ iyo kuwo kale.

𝐟𝐢𝐢𝐫𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡

Dawooyinkaan waxa ay isugu jiraan kuwo bacteriyada gaaska lagula dagaalamo, kuwo xoojiya/ kuwo dhaawaca caloosha yareeya/ iyo kuwo dhecaanada dheefshiidka yareeya.

Markii uu qofku dawooyinkaan qaato oo uu ka bogsoodo gaaska hadii uu sii wadao dawadii waxa uu la kulmi karaa xaalado ay sababeen dawooyinka waxaana kamid ah.
Xanuun lafaha ah oo ku bilaabta qofka dawada gaaska waqti dheer wada Dheecaanka dheefshiidka oo yaraada.
Iyo hurdo laaan.

Si xaaladahaan looga gaashaanto qofku marka uu ku caafimaado dawada gaaska waa in uu joojiyaa taa badalkeedana si uusan ugu soo laaban sidaan sameeyaa.

𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐨𝐨𝐛𝐚𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐠𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐝𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐨.

Isticmaal toon maxaa yeelay toonta waxa ay awood u leedahay burburinta bacteriyada iyo fungalka.
Si aad ahna waxa ay ugu wanaagsantahay bacteriyada gaaska keenta ee (h.pylori)
Waxaa laga yaabaa in aadan isku taxalujin laakiin waa dawo si fudud aad u isticmali karto aadna u yareyn doonta gubashada qalbiga iyo boga.

Marka h**e qolofta toonta qaado oo ha iska badin wax yar rug sidaa ku wad kadib maalmo kordhi oo wax yar jabso kadibna joogtay insha allah waad ka guulaysandoontaa gaaska.

𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐥𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐠𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐝𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐨.

Isticmaal dawooyinka bogsiiya dhaawaca caloosha yareeyana calamadaha gaaska.

Waxaa kamid ah sanjabiil waliba nuuca qoyan ee meelaha dawooyinka dabiiciga ah lagu gado taalaa.

Tufaaxa la shiiday ee cabitaanka loo diyaariyay
Sacafaraanka qudaarta lagu kalar badalo.

Cananaaska nuuciisa aan la shiidin ee qudaarta ah

Karootada cabitaan ahaan oo la badsado

Caleenta cagaaran ee shaaha.

Sidaa oo kale wax aaad isticmaali kartaa cuntada uu fitamin A ku badanyahay sida beerka, begelka, karootada, sabiibka iyo kuwo lamid ah.

Maxaa yeelay fitamin A waxa uu muhiim u yahay shaqada caloosha iyo soo kabashada dahaarka caloosha.

𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐞𝐝𝐚𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐠𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚.

Ka fogaaw cuntada ama cabitaanka kugu kiciya calaamadaha gaaska.

Kadib qiyaas xariirka ka dhaxeeya cuntadii aad isticmaashay iyo calaamadaha aad la daristay.
kadibna xaqiiji cuntada kugu keentay markalena ha isticmaalin.

Tusaale: baasto ayaad basbaas ku cuntay kadib saacado waxaad aragtay kuleel badan iyo wadna garaac, waad xaqiiqsan kartaa waxa kugu keenay.

Tusaale kale: waxa aad isticmaashay cocacola iyo pizza kadib saacado waxaad dareentay lalabo kuleel iyo wadna garaac , dib ayaad u xasuusatay waxaad isticmaashay waana aad ogaatay waxa ku haya iyo waxa kugu kiciyay.

𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐟𝐚𝐫𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐠𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚.

Xaqiiji in aad cuntadaada si dhab ah u badashay oo aadan ku ekaan waqti gaaban.

Hadii aad rabto in aad si toos ah uga guulaysato gaaska waxaa dhab ah in lagaa rabo badalid nololeed.

Cun raashin isu dheeli tiran kana kooban raashinka qolofta leh iyo qudaarta cagaaran iyo mida miraha ah ee aan warshadaha soo marin.

𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐠𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚.

Ugu danbayn ha isticmaalin cuntadaan oo ka fogaw waxyeelada dheefshiidka iyo difaaca jirkaaaga.
Ha cunin cuntadaan.
- Basbaaska
- Sabuulka
- Cuntada la qamiiriyay
- Digirta iyo salbukada
- Shukulaatada
- Cabitaanada ash*tada leh sida cocacola
- Cuntada warshada soo martay
- Kafeega
- Kuntada saliida ama baruurta leh.

Address

Mogadishu

Telephone

+252770489315

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Updyrahman Alkhasiir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Updyrahman Alkhasiir:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram