16/08/2022
Waan ku faraxsanahay in uu wiilkeygu kaalinta koowaad u galo ardayda Soomaaliyeed. Juhdi badan ayaan soo geliyay. Isagoo 10 sano jir ah ayaan kula soo dadaalay in uu kitaabbo raacdo, si uusan ciyaar ugu mashquulin.
Marba jawi ayaan ku jiray oo shaqooyin kala duwan ayaan hayay, si aan waxbarashada uga bixiyo. Mar dukaan ayaan gadi jiray. Markii la iga burburiyay oo aan dukaan kireysan waayayna maqaayad ayaan shidi jiray. Anigoo maqaayad shido, oo waliba aysan maqaayad fiican aheyn oo derbi wax ku kariya ayaan bil kasta waxbarasho uga bixinayay $22.5.
Tacab badan ayaan ku soo bixiyay. Waxaan ku dadaali jiray in aanan wiilkeyga fasalka laga soo istaajin oo aan loo dhihin keen lacagtii, si uu waxbarashada uga niyadjabin.
Intii uu Form 4 ahaa waxaan ka bixin jiray bareefad uu ka baranayay 4ta maaddo ee Sayniska ah. Qadka Internet-kana lacag ayaan ugu shubi jiray, si uu uga faa'iideysto, oo casharradiisa u soo degsado.
Hadda Ilaahey waa igu guuleeyay. Alxamdulillaah. Hooyooyinka kalena waxaan kula dardaarmayaa in ay carruurtooda barashada diinta kula dadaalaan, si uu cunuggu u barto waxa xumaanta ka reebaya, ixtiraamka waalidka, iyo in uu waxbarashiisa ku dhegganaado.
Sidaas waxaa iyadoo farxad la ilmaynaysa Dalsan TV u sheegtay oo ah hooyada dhashay Khaalid Cabdullaahi Maxamuud oo kaalinta koowaad ka galay imtixaanka Dugsiga Sare ee maanta la shaaciyay natiijadiisa sanad sugsiyedka 2021-----2022.
DR WAARE