30/04/2022
Cudurka duumada
Cudurka duumada waa cudur halis ah.
Si uu qoyskaagu uga nabad galo cudurka duumada, bar waxyaabaha keena cudurkaan iyo sida looga hor tago, una sheeg in baadhitaan dhiig ka dib la qaato daawo uu Dhakhtarku u qorey muddo loogu talo galey.
Cudurka Duumada/Malaariyada amma Kaneecada, waa cudur ku
dhaca unugyada dhiigga cas oo loo yaqaanno RBC (Red Blood Cells), waxa uu cudurkaani aad ugu badan yahay meelaha biyo degeennada ah iyo guryaha huurka ah.
MAXAA SABABA DUUMADA?Cudurka duumada waxaa sababa abuure ili-ma-qabato ah oo loo yaqaanno Protozoa, waxaana keena amma ay ka dhashaan afar (4) Plasmodium oo kala ah:-
Plasmodium Falciprum
Plasmodium Vivax
Plasmodium Ovale
Plasmodium Malaria.
Waxaa la og yahay in PF (Plasmodium Falciprum) uu yahay midka ugu daran.
Haddaba, cudurka duumada, waxaa uu ugu horeyntiiba burburiyaa unugyada cas cas ee dhiigga (RBC), ka dibna, jeermiska ayaa si fudud ugu faafa wareega dhiigga, waxaana ilaa iyo hadda la og yahay, in PF-tu ay tahay mid adkeysi u leh daawada Chloroquine (Chloroquine resistant).
CALAAMADDAHA
Qarqaryo
Qandho uu garaadkeedu sarreeyo
Beer-ka-yarada oo soo bararta
Labo labo iyo matag
XILLI HUURISKA
(Incubation Period)
Xilli huuriska cudurka duumadu, wuxuu gaadhaa ilaa 28 cisho
KA HORTAG (Prevention)
* In la dareeriyo dhammaan biyo dageennada (meelaha ay biyuhu
fadhiistaan), laguna daro oolyo (olyada laga badaley baabuurta)
amma kiimiko loogu tala galay.
* Waa in la nadiifiyaa weelasha ay biyuhu ku jiraan, kuwaas oo
yaala guriga iyo deegaanka.
* Marka la jiifanayo, Waa in la isticmaalo maro kaneeco amma
sinsiyeeri.
* Waa in lagu buufiyo guryaha sunta kaneecada, saacado ka hor
inta aan lagu hooyan, waxaana guryaha lagu shidi karaa qiiq
iyada oo la isticmaalayo geeddo gaadh ah (tusaale; qolaf liin
dhanaan oo qalaley).
SIDA AY KU BAAHDO
(Rout of Transmission)
Cudurka duumada, waxaa faafiya nooc kaneecada ka mid ah, oo loo yaqaanno
(Female Anopheles Mosquito) waana nooca dheddig ee kaneecada, taas oo soo qaniinta qof qaba cudurkaan, ka dibna kaneecada ayaa bukoota, kaneecadaas bukta oo qaraab raadis ah baa qaniinta qof kale oo caafimaad qaba, waxaanay ku reebtaa daris ku noolihii Plasmodium-ka ahaa, sidaas buuna qofkii ku qaadayaa cudurka duumada.
Chemoprophylaxis, waa ka hortag dadban oo daawo qaadasho ah, waxaana la isticmaalaa chloroquine tab 150mg 2 xabo toddobaadkii, marka uu qofku aadayo meel ay kaneecadu ku badan tahay, iyada oo la siin karo hooyada uurka leh*
CHLOROQUINE RESISTANT.
Waxaa jirta in plasmodium-ka uu adkeysi u yeesho daawada Chloroquine, waxaana la sheegaa in Chloquine resistant uu yahay midka waddankeena ka ah Pf (Plasmodium falciprum).
FANSIDAR
Waa kaniini loo isticmaalo dabar goynta cudurka duumada, waxaana la siiyaa qofka 20mg oo hal mar ah (single dose) waxaana la siin karaa hooyada uurka leh iyo dhallaanka ka yar hal sanno (waa in uu Dhakhtar u qorey).
Daaweynta:**
Chloroquine tab 150mg
Quinine tab 300mg
Aspirin tab 300mg.
OGSOONOW:
Kuma aynan xusin halkaan qaadashada daawada.
Waxaa jira cirbaddo aynan iyaguna halkaan ku xusin.
DIGNIIN:
*Waa in uu daawada qoraa Dhakhtar baadhey qofka.
**Ha qaadan daawooyinka halkaan lagu tusaaleeyey.
ramadaan kareem
xigasho :-
Noocyada Duumada