Dr Abdulahi Timocadde

Dr Abdulahi Timocadde Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr Abdulahi Timocadde, Doctor, Mogadishu.

28/09/2023

waa maxay calamadaha iyo astamaha lagu garto vitamin c la,aanta?

jawaabta hoose ayaad ka helin

Si wacan oo caqliyeeysan uu fiiri siduu eebe inoo abuuray waxa kaka soo bixii Dona cibro qadasho  wayn  Hal mar dheh alx...
07/11/2022

Si wacan oo caqliyeeysan uu fiiri siduu eebe inoo abuuray waxa kaka soo bixii Dona cibro qadasho wayn

Hal mar dheh alxmadulilaah.

Qorre Dr timocaddeXanuunkanu aad ayuu wadanka ugu soo badanayaa marka aqoon yeelo wuxu yahay Iyo calamadihiis walalayaal...
14/12/2021

Qorre Dr timocadde

Xanuunkanu aad ayuu wadanka ugu soo badanayaa marka aqoon yeelo wuxu yahay
Iyo calamadihiis walalayaal

Dhiigbaxa maskaxda (sidoo kale loo yaqaan brain hemorrhage
dhiig-baxa maskaxda ama dhiig-baxa maskaxda) wuxuu ku dhici karaa shil, buro maskaxda, faalig, ama cadaadis dhiig oo sarreeya oo ay sababaan xaalado caafimaad oo ku dhasha ama kuwa kale.

Dhiig-baxa maskaxdu wuxuu yarayn karaa bixinta ogsajiinta maskaxda, ku abuurto cadaadis dheeraad ah maskaxda oo dila unugyada maskaxda. Haddii aad isku aragto calaamadaha dhiig-baxa maskaxda, waa muhiim inaad hesho daawayn sida ugu dhakhsaha badan.

Astaamaha

Calaamadaha dhiigga maskaxda waxaa ka mid noqon kara:

Madax xanuun degdeg ah ama daran

Daciifnimo, kabuubyo ama kabuubyo gacmaha ama lugaha (badanaa hal dhinac)

Lalabbo ama matag

Isbeddelka aragga

Isbeddelka dheelitirka

Hadalka oo ku adag ama fahamka hadalka

Dhibaatada isticmaalka xirfadaha dhaqdhaqaaqa wanaagsan

Suuxdin

miyir beelid ama dhiiga maskaxda) wuxuu ku dhici karaa shil, buro maskaxda, faalig, ama cadaadis dhiig oo sarreeya oo ay sababaan xaalado caafimaad oo ku dhasha ama kuwa kale.

Dhiig-baxa maskaxdu wuxuu yarayn karaa bixinta ogsajiinta maskaxda, ku abuurto cadaadis dheeraad ah maskaxda oo dila unugyada maskaxda. Haddii aad isku aragto calaamadaha dhiig-baxa maskaxda, waa muhiim inaad hesho daawayn sida ugu dhakhsaha badan.

Astaamaha

Calaamadaha dhiigga maskaxda waxaa ka mid noqon kara:

Madax xanuun degdeg ah ama daran

Daciifnimo, kabuubyo ama kabuubyo gacmaha ama lugaha (badanaa hal dhinac)

Lalabbo ama matag

Isbeddelka aragga

Isbeddelka dheelitirka

Hadalka oo ku adag ama fahamka hadalka

Dhibaatada isticmaalka xirfadaha dhaqdhaqaaqa wanaagsan

Suuxdin

miyir beelid

18/11/2021
XANUUNKA DAREEMAYASHAXANUUN XANUUN - XANUUN XANUUN IYO DHAAWACXanuunka neerfaha iyo xanuunka neerfaha ayaa noqon kara mi...
27/08/2021

XANUUNKA DAREEMAYASHA

XANUUN XANUUN - XANUUN XANUUN IYO DHAAWAC
Xanuunka neerfaha iyo xanuunka neerfaha ayaa noqon kara mid xanuun badan oo dhib badan. Xanuunka neerfaha iyo dhaawaca dareemayaasha waxaa u sababi kara sciatica / sciatica, prolapse, sonkorow, xanuun dareemayaasha, calool istaagga, cudurada isdifaaca jirka iyo waxyeelada daroogada. Si kastaba ha noqotee, waxaan la soconnaa in xanaaqa dareemayaasha oo shaqeynaya ay sabab u yihiin muruqyada iyo kala-goysyada ayaa ugu badan.



Meelaha caamka ah ee neerfayaasha ay ku xannibmi karaan ama xanaaqi karaan waxaa ka mid ah:
xusulka
curcurka
Qoorta (prolapse qoorta ama xanaaqa dareemayaasha oo ay ugu wacan yihiin murqaha iyo kala goysyada)
Dhabarka (Disc prolapse ama xanaaq ka yimaada muruqyada kacsan iyo wadnaha oo xumaada)
Kursiga (Piriformis syndrome iyo dhibaatooyinka lafaha miskaha)
Garabka (clamping syndrome)


Calaamadaha caadiga ah ee burburka dareemayaasha waxaa ka mid ah:
Ku dhuuqida gacmaha ama cagaha
Awooda oo daciifaysa gacanta ama socodka
Gacmaha ama lugaha oo ku bararsan
Yaraanshaha dareenka ee halbawlayaasha ama lafaha (neuropathic hyposensitivity)
Shucaaca xagga hoose ee bowdada iyo xagga hoose cagta (xanuunka lafaha neerfayaasha)
Shucaaca oo ku furma qoorta ilaa gacanta ilaa gacanta (xanuunka gacanta xanuunka)

Somalia
19/04/2020

Somalia

14/04/2020

Wacyigelin muhim fadlan qaado kunah dhaqan

02/04/2020

Coronaviruses (CoV) waa qoys balaaran oo fayraska kamid ah wuxuuna keena cuduro aad u tiro badan, kuwaasoo ku bilawda sida hargabka ugu danbeyna noqda cudur aad u daran.
Noocyada Coronavirus qaarkood waa halis, Qiyaastii 858 qof ayaa u dhintey cudurka looyaqaano Middle East respiratory syndrome (MERS-CoV) waxaana sababa nooc ka mid ah CoronaVirus, kaasoo markii ugu h**eeysay sanadkii 2012 kasoo muuqday dalka Sacuudiga, ka dibna waxaa lagu arkay dalal kale oo ku yaalla Bariga Dhexe, Afrika, Aasiya, iyo Yurub.
Bishii April 2014, qofkii ugu h**eeyay ee Mareykan ah ayaa cusbitaal loo dhigay cudurka MERS gudaha Indiana, sidoo kale isla xiligaas kiis kale ayaa laga soo sheegay magaalada Florida.
Sidoo kale bishii May 2015, cudurka MERS wuxuu ka dilaacay gudaha dalka Kuuriya, kaasoo ahaa faafitaankii ugu balaarnaa ee ka baxsan Jasiiradda Carbeed oo uu cudurkaasi sameeyo. Sanadkii 2003, 774 qof ayaa u dhintey cudurka daran ee ku dhaca neef mareenka loona yaqaano Severe Acute Respiratory Syndrome (SARS) oo uu sababo noc kale oo kamid ah CoronaVirus, laga soo bilaabo sanadkii 2015, ma jiraan warbixino dheeri ah oo la xiriira kiisaska cudurka SARS.
Laakiin horaantii 2020, ka dib markii bishii December 2019 uu ka dillaacay Shiinaha cudir cusub oo aan h**ey loo arkin, Baaritaano joogta ah iyo dadaal dheer kadib Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO wuxuu aqoonsaday nooc cusub oo kamid ah qooyska CoronaVirus, waxaana loo aqaansaday magaca ah: 2019 Novel Coronavirus (2019-nCoV).
Cudurada Coronaviruses waa zoonotic diseases oo micnaheedu yahay waa cudir ay isku gudbiyaan xoolaha/xayawaanka iyo dadka.
Baadhitaanno iyo cilmibaaris ayaa lagu Khubarada caafimaadka ayaa ogaadey in SARS-CoV asal ahaan laga soo gudbiyey bisadaha guri joogta ah kaasoo usoo gudbay bani aadamka, sidoo kale cudurka MERS-CoV ayaa isagana lasheegay inuu bani aadamka ugasoo gudbay Geela (dromedary camels). Sidoo kale waxaa jira noocyo kale oo CoronaVirus ah kuwaas oo ku dhaca xayaawaanka walina aan usoo gudbin ama aan laga helin bani aadamka.
Calaamadaha CoronaVirus.
CALAAMADAHA CAABUQA CORONAVIRUS?
Astaamaha lagu yaqaano coronavirus waxaa ka mid ah:
• Astaamaha cudirada neef-mareenka.
• Qandho,
• Qufac.
• Neefsashada oo gaaban ama neefta oo adkaata.
Xaaladaha aadka u daran ee infakshinkaan wuxuu sababi karaa
Oof-wareen, xanuun daran oo xagga neefsashada ah, kaliyaha oo shaqa gaba ugu danbeeyna wuxuu sababi karaa dhimasho.
SIDUU KU FAAFAA CORONAVIRUS?
Baaritaanada ay sameeyeen hawl wadeenada caafimaad ee ku hawlan feyraskaan ayaa sheegaya dadka ugu badan ee laga helay viruskaan in ay la xariiraan cuntooyinka badda laga keeno ee loo yaqaano (seafood) iyo suuqa lagu iibiyo xoolaha nool, waxayna hawl wadeenadu soo jeediyeen in cudurkaan uu ka imaaday xayaawanka. Sikastaba ha ahaatee, cudurkaan ayaa ah mid dadku ay is qaadsiin karaan qaab dheecaanka candhuufta ah xiliga qufaca iyo Hindhisyada.
YAA HALIS UGU JIRA CORONAVIRUS?
Waxaa halis ugu jira.
• Qof kasta oo xariir toos ah lasameeya bukaanka qaba cudurkaan ama xanbaarsan viruska.
• Dadka kunool goobaha laga helo virus-kaan ama ka ag dhaw bukaano la ildaran xanuunka.
• Dadka qaba ama unugul cudurada ku dhaca habdhiska neef mareenka.
• Dadka qaba cudurada dabada dheeraada ama chronic diseases sida: Cudurka macaanka (diabetes), cudurka sambabaha ee daba dheeraada (chronic lung disease), dadka Kaliyaha ka jiran (pre-existing kidney failure), dadka uu liito difaaca jirkooda
• Dadka da’da ah iyo caruurta yaryar ayaa laga yaabaa inay aad halis ugu jiraan.
DAAWO MALEEYAHAY CORONAVIRUS?
Si guud cudurkaan ama virus-kaani malaha wax daawo ah, laakiin waxaa jira qaab loo yaqaano la tacaalida calaamadaha, sidaas daraadeed Waxaad u daweynaysaa ama ulatacaashaa infakshinka coronavirus si la mid ah sida aad u daaweyso ama loola tacaalo hargabka:
• Samee cabid badan ama qaado dareere badan sida viyaha caanaha IWM.
• Qaado ama sii bukaanka Nasiino dgeeraad ah.
• Qaado Daawooyinka loo qaato Cuna xanuunka (sore throat) iyo Qandhada, Laakiin ha siinin Asprin carruurta ama dhallinyarada ka yar 19, Isticmaal ibuprofen ama acetaminophen bedelkeeda.
• Ku maydhashada/Qubeyska biyaha qandhaca ah ama diirimaadka ayaa sidoo kale kaa caawin kara fududeynta xanuunkacunaha iyo xoqitaanka.
SIDEE LOOGA HORTAGAA CORONAVIRUS?
Talooyinka caafimaad ee looga hortago faafitaanka cudurkaan waxaana ka mid ah:
• Gacmo-dhaqista joogtada ah.
• Daboolida afka iyo sanka xiliga qufaca ama hindhisada iyadoo la isticmaalayo tiish ama laabatada xagasha gacanta.
• xoojinta difaaca jirka
• In si fiican loo kariyo hilibka iyo ukunta iyo waliba gud ahaan cuntada.

CUNTO KU SUMOWGA=========Cunto ku-sumowga waxaa keena cunista cunto ama cabbitaan ku wasakheysan bakteeriya, daris-ku-no...
22/03/2020

CUNTO KU SUMOWGA
=========

Cunto ku-sumowga waxaa keena cunista cunto ama cabbitaan ku wasakheysan bakteeriya, daris-ku-nool (fungi) ama fayrasyo. Waxaa laga yaabaa in cuntada iyo cabbitaanku aysan u ekeyn mid wasakheysan sababtoo ah waxaa laga yaabaa in muuqaalkooda, dhadhankooda iyo urtooda aysan waxba gaarin.

Cunto ku-sumowga intiisa badan waxaa keena bakteeriya si dhakhso ah u taranta. Qaar ka mid ah bakteeriyada waxay ka tarmi karaan hal bakteeriyo waxaana ay gaari karaan tiro malaayiin ah haddii ay helaan xaalado ku haboon sida: qoyaan, cunto, diirimaad iyo wakhti.

Waxaa cudurku loo sii dhow yahay marka ay sii bataan tirada bakteeriyada jirta.

Cunto ku-sumowgu waxa uu badanaa jiraa 1-3 maalmood, laakiin waxa uu sii jiri karaa ilaa todobaad taasoo ku xiran nooca iyo darnaanta cudurka. Badanaa ka-bogsasho buuxda ayaa lagu helaa gudaha hal todobaad.

CAALAMADAHA
==========
Calaamadaha ugu caansan waa matag, calool xanuun iyo shuban ka yimaada barar ku dhaca marinka caloosha (caloosha iyo mindhicirka). Hase yeeshee qaar ka mid ah noocyada cunto ku-sumowga waxay keeni karaan qandho ama xummad, dhiig la socda saxarada, tamar-dari ku dhacda muruqyada ama qallal / gariir marrar dhif ah.

Muddada uu cudurku qarsoon yahay waa mid isbeddel leh; qaar ka mid ah cunto kusumowga waxay keenaan calaamado iyo cudur lagu arko dhawr saacadood gudahooda, laakiin intooda badan waxay qaataan 12-48 saacaadood inta ay abuurmayaan si dhakhso ahna u dhib u keenayaan.

SABABAHA
========

Sababaha ugu caadisan ee keena cunto ku-sumowga waa Campylobacter oo laga helay digaagga, caanaha aan la karin, hilibka cas iyo biyaha aan la sifeyn. Nooca labaad ee ugu caansan waa Salmonella kaasoo laga helay caanaha aan la karin, ukunta iyo waxyaabaha laga sameeyay ukunta aan la karin, hilibka iyo digaagga.

Waxaa kale oo jira noocyo kale oo ah bakteeriya oo cuntada ku abuura sun waxyeello leh sida Staphylococcus Aureus, Clostridium Perfringens iyo Bacillus Cereus. Waxay kuwaasi keenaan shuban khafiif ah ilaa mid dhexdhexaad ah.

Qaar ka mid ah noocyada bakteeriyada ee caadiga u ah mindhicirka ayaa keena cunto kusumow.
Tusaale ahaan, E. Coli caadi ahaan dhib ma laha laakiin qaar ka mid ah noocyadiisa sida E157 ayaa keeni karaa cudur daran, kalyaha oo hawlgab noqda ama dhaawac gaara dhiigga.

Listeria waa nooc kale oo ah bakteeriya oo caadi ahaan laga helo deegaanka iyo cuntooyinka intooda badan. Laakiin marka ay aad u badan tahay ee ay ku jirto cuntooyinka ay ka mid yihiin chees-ka ama faramaajada jilicsan ee caarada leh iyo cajiinka
hilibka waxay keeni kartaa cudur daran.

Bakteeriyadu waxay ka fidi kartaa gacmaha iyo qalabka jikada ama kushiinka oo ay gaari kartaa cuntada. Qaarka ka mid ah cudurada cunto-sumowga waxay ku fidi karaan dadka kale. Sidaa daraadeed marka qofku qabo cunto ku-sumow waxaa muhiim ah in qofku si taxaddar leh gacmaha iskaga dhaqo isla markaana si dheeraad ah taxaddar ugu yeesho caafimaadkiisa shakhsi ahaaneed.

Sidee ogaan karaa in aan cunto ku sumoobay?
===============

Cillad-sheegidda waxaa la sameeyaa iyadoo la garto calaamadaha lagu yaqaanno cudurka.
Waxaa taa sii fududeyn kara marka tiro dad ah ay cuneen isku cunto ama ay cabbeen isku cabbitaan.

Sababaha keena cunto ku-sumowga waxaa kale oo lagu garan karaa baaritaan shaybaar oo lagu sameeyo saxarada.

Sidee loo daaweeyaa
=============

Inta badan calaamadaha iyo dhibka cunto ku-sumowgu waxay ku tagaan dhawr maalmood gudahooda iyada oo aan la arag dhakhtar. Marka ay jiraan xaalado daran waxaa laga yaabaa in qofka loo qoro antibiyootiko haddii ay hayaan cudurrada bakteeriyada qaarkood.

Muddada bogsashadu waxaa kale oo ay ku xiran tahay nooca cudurka, da’da qofka iyo caafimaadka iyo haddii ay jiraan xaalado caafimaad oo kale.

Fuuq baxa qofka ku dhaca iyadoo sababtu tahay shuban iyo matag waa in lagu daweeyo waraabinta hooreyaasha "Faleebo" laga helo farmasiiyada, ama iyadoo si joogto ah loo cabbo cabbitaan khudaar oo la barxay, biyo cusbo iyo sonkor lagu daray, ama shaah khafiif ah oo macaan ama biyaha fuuq celinta ee "ORS"

Waa in talo dhakhtar loo doonto
=============

• Haddii cudurku sii jiro in ka badan dhawr maalmood ama haddii xaaladda guud ee qofku sii xumaato,
• Haddii dhiig la socdo saxarada,
• Marka qofku yahay waayeel, dhallaan, ama haweeney uur leh, ama
• Haddii shubanku leeyahay axal jaalle ama hurdi ah ama cagaar ah.

Sidee looga hortagi karaa??
=============

Halista cunto ku-sumowga waxaa la yareyn karaa iyadoo:

• Taxadir la yeesho marka la diyaarinayo lana kaydinayo cuntada,
• Si buuxda hilibka barafka looga dhalaaliyo loona kariyo si loo dilo wixii ah bakteeriyada waxyeellada leh,
• La hubiyo in dhamaan cuntadu daboolan tahay lana barafeeyay,
• La iska dhaqo gacmaha ka hor intaan cunto gacmaha lagu taaban,
• Si buuxda loo dhaqo khudaarta ama ansalaatada,
• La iska ilaaliyo caanaha aan la karin, ukunta aan la karin iyo hilibka aan si wacan u karsaneyn, iyo
• In aan la oggalaan in dheecaannada hilibka cayriin ama aan la karin ay taabtaan cuntooyinka kale.

Fadlan walaal la wadaag asxaabtaada

Dr Abdulaahi Timocadde

Xaqiiqooyinka Bakteeriyada (cudurka caloosha)Salmonella facts in SomaliMuxuu yahay?Bakteeriyada salmonellosis waa jeermi...
20/03/2020

Xaqiiqooyinka Bakteeriyada (cudurka caloosha)

Salmonella facts in Somali

Muxuu yahay?

Bakteeriyada salmonellosis waa jeermis kudhaca mindhicirada ama caloosha kaas oo sababa bakteeriyo lagu magacaabo Salmonella. Jeermiska wuxuu kufaafi karaa asaga oo ka imaada mindhicirada una gudba socodka dhiiga iyo qaybaha kale ee jirka.

Maxay yihiin calaamadaha cudurkaan lagu garto?

Calaamaduhu inta baddan waxay horumaraan 12 illaa 72 saacadood kadib jeermiska. Caadi ahaan calaamadahu waxay sii joogaan 4 illaa 7 maalmood waxaana kamid ahaan kara:

Shubban

Dhaqdhaqaaq caloosha ah

Madax xanuun

Qandho

Matag

Fuuq bax (dheecaan waayid), gaar ahaan dhallaanka dhexdooda iyo dadka waaweyn

Jeermiska salmonella wuxuu noqon karaa mid kudaran dadka qabba nidaamyo jir difaace daciif ah.

Sidee ayuu u faafaa?

Bakteeriyada Salmonella waxay jirka uga tagtaa tooska saxarada qofka xanuunsan iyo xayawaanka Kuwo kalena waxay cudurka qaadaan marka gacmaha, cuntada, ama qalabka lagu wasakheeyay saxarad jeermis leh la geliyo afka.

Dadka qabba jeermiska Salmonella waxay bakteeriyada dadka kale ugu gudbin karaan hadii aynaan gacmahooda u dhaqin si wanaagsan kadib marka la isticmaalo musqusha.

Qofka wuxuu kuqaadi karaa bakteeriyada Salmonella marka uu:

Cunno cunto ama cabbo biyo ama caano kuwaas oo lagu wasakheeyay bakteeriyada Salmonella.

Cunida ama taabashada afka kadib marka lataabto xayawaan jeermiska qabba ayada oo aanan la iska dhaqin marka h**e gacmaha. Xayawaanka qabba jeermiska inta baddan uma muuqdaan sida xayawaan jiran. Xayawaanku inta baddan kudhaco bakteeriyada Salmonellawaxaa kamid ah doorada, boola boolada, doofaarada, lo'ada, jiirarka, iyo xayawaanka gurguurta sida masaska, mulacyada, iyo diidiinada. Xayawaanka rabaayada guriga waa isha ugu baddan ee jeermiska cudurka.

Cunida cuntada diyaarka-u ah-in lacuno (cuntooyinka aanan u baahnayn in lakariyo) taas oo lagu soo diyaariyay meelaha cuntada lagu diyaariyo ama maacuun lagu wasakheeyay bakteeriyada Salmonella.

Sidee lagu aqoonsadaa laguna daaweeyaa?

Bakteeriyada salmonella inta baddan waxaa lagu aqoonsadaa baaritaan lagu sameeyo saxarada taas oo laga fiiriyo bakteeriyada.

Dadka intooda baddan waxay iska caafimaad ayaga oo aan ladaaweyn ama qaadan daawayn. Antibiyootikada waxaa mararka qaar loo isticmaalaa dadka qabba jiro daran. Antibiyootikada sidoo kale waxay noqon kartaa mid u wanaagsan dhallaanka yar-yar iyo dadka qabba xaalado xadidan oo caafimaad oo daba dheeraada.

Cabitaanka biyo baddan ayaa lagula talinayaa si looga hortago fuuq bax.

Sidee bakteeriyada salminellosis looga hortagi karaa?

Guud ahaan in gacmaha-ladhaqo ayaa ah qaabka ugu fiican ee looga hortagi karo faafida jeermiska cudurka ee wadada mindhicirta.

Kudhaq gacmaha saabuun iyo biyo kulul kadib marka aad musqusha kasoo baxdid, bedeshid xafaayadaha, taabatid xayawaanka, iyo kahor inta aadan wax cunin ama diyaarin cunto.

Ha u ogolaanin xayawaanka gurguurta meelaha aad kuquudiso ama ugu qabeyso caruurta yar-yar.

Ka ilaali xayawaanka gurguurta iyo kuwa banaanka iyo biyaha kunool guryaha ay kunoolyihiin caruurta kayar 5 sanno ama dad qabba nidaamyo jir difaace oo daciif ah.

Gebi ahaanba kari dhammaan hilibka, gaar ahaan digaagta.

Ha cunin hilib ceyriin ah ama ukun aanan lakarin.

Cab keliya caanaha lakarkariyay.

Kuxaree hilibka iyo digaagda gudaha firinjiteerka bedelkii aad dhigi lahayd cimilada qolka.

Cuntada si dhakhso ah u geli tallaajada.

U dhaq si dhakhso ah alwaaxda wax lagu jarjaro iyo miisaska loo isticmaalo diyaarinta hilibka ama digaagda si looga fogaado isku talaabsiinta wasakhda cunto kale.

Haku qabaysan barkadaha ama waraha hadii aad qabto shubban.

FIIRO GAAR AH: Dadka qabba shubban waxa khasab ku ah in aysan u diyaarin ama u adeegin cunto iyo cabbitaano dadka kale, bixin daryeel cunug, ama bixin daryeel caafimaad. Caruurta qabba shubban waxa khasab ku ah in aysan tegin xarunta daryeelka cunuga ama iskuulka.

Address

Mogadishu
12345

Telephone

+252907675737

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Abdulahi Timocadde posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category