24/01/2026
Dhibaatooyinka haysta Beeraleyda Somalia
1. Isbeddel dhanka cimilada ah iyo abaaraha
Beeraleyda Soomaaliyeed waxay la tacaalayaan abaaro soo noqnoqda, roobab aan la saadaalin karin, iyo xaalado daran oo cimiladu keento, taasoo saameyn weyn ku yeelata dalagga iyo xoolaha. Waxaana korodhay abaarahii oo si adkanayaa sannadihii u dambeeyey.
2. Biyo yari iyo hab maamul la’aan biyo uruurin
Biyo yaraantu waa dhibaatada ugu weyn ee beeraleyda. Roobab la’aan iyo nidaam waraabin oo aan ku filnayn waxay keentaa in dhul badan uu qalalo, taasoo wax soo saarka hoos u dhigta.
3. Kaabayaasha oo liita iyo
Wadooyinki o xun, kayd biyo la’aan, iyo xarumo wax laguqabojiyo oo aan jirin waxay ka dhigaan in beeraleydu aanay si fiican u gaarsiin dalagyadooda suuqyada, taas oo sababta khasaare badan oo wax soo saarka kadib ah.
4. Aqoonta casriga ah iyo farsamada oo yar
Beeraleyda badankoodu waxay ku tiirsan yihiin farsamooyin dhaqameed oo waqti dheer jiray, taasoo hoos u dhigta wax soo saarka marka loo eego farsamooyinka casriga ah sida waraabinta casriga ah, abuur tayo leh, iyo maaraynta cayayaanka.