Alkheyr Medical College

  • Home
  • Alkheyr Medical College

Alkheyr Medical College mogadishu

๐Š๐š ๐๐ข๐ ๐ญ๐จ๐จ๐ง๐จ๐ฐ ๐œ๐ข๐ซ๐›๐š๐๐๐š ๐ฉ๐ž๐ญ๐ก๐ข๐๐ข๐ง๐ž ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐ฎ ๐๐š๐ซ๐จ๐จ๐ ๐จ ๐š๐ก๐š๐š๐ง ๐ฎ ๐ช๐š๐ญ๐š๐š๐ง ???? Pethidine waxay ka tirsan tahay raxanta opio...
04/08/2021

๐Š๐š ๐๐ข๐ ๐ญ๐จ๐จ๐ง๐จ๐ฐ ๐œ๐ข๐ซ๐›๐š๐๐๐š ๐ฉ๐ž๐ญ๐ก๐ข๐๐ข๐ง๐ž ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐ฎ ๐๐š๐ซ๐จ๐จ๐ ๐จ ๐š๐ก๐š๐š๐ง ๐ฎ ๐ช๐š๐ญ๐š๐š๐ง ????

Pethidine waxay ka tirsan tahay raxanta opioid oo loo isticmaalo xanuun baabiye waa dawo loo isticmaalo qalniinka ka h**e iyo xilliga dhalmada si ay u yareyso xanuunka.Waa dawo laga mabnuucay waddamo badan uu ka mid yahay waddanka Mareykanka

Ciladaha ay leedahay dawadan waxaa ka mid ah

โœ“Wadno xanuun
โœ“hurdo badan
โœ“qalal
โœ“cabsi
โœ“neefta oo yaraata
โœ“calool fadhiid
โœ“qofka oo dareenka iyo wal walka ka taga.
โœ“jirka oo la qabsada dawada
โœ“Caajis badan. iwm.
โœ“Dhidid badan.

Haddaba dawada noocaas ah, dhalinyaro badan ayaa isticmaasha oo la qabsatay jirkooda heer waxay gaareen in aysan joogi karin ama howl aysan qabsan karin iyaga oo aan dawadaan qaadan.

Waa halis weyn, in aad isticmaasho daawo uusan dhaqtar kuu qorin ama kaa hubin.

Naftaada ha halligin oo daawo walbo ha adeegsan, ogoow daawooyinka qaar in ay leeyihiin la qatimid oo haddaad fududeysato aad hadhow joogi karin, adiga oo aan isticmaalin. Waana arrin heysato dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinta. Daawooyinka noocan ah si qaldan ha u qaadan oo ha u isticmaalin in aad raaxo iyo farxad ka raadisid, dawadan waxay dili dontaa xubnaha jirkaada.

NB:Haddii aad taqaan qof isticmaala dawadan ka waciyi gali una sheeg dhibaatooyinka ay leedahay badbaadi naf kale adigana iska ilaali.

Waa maxay Nuuca Dhiigaaga                 Nalawadaag
04/08/2021

Waa maxay Nuuca Dhiigaaga
Nalawadaag

20/07/2021
Geedka barakaysan ee timirta waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmeyn badi dalagyada k...
25/05/2021

Geedka barakaysan ee timirta waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmeyn badi dalagyada kale ee la quutaa, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul.

Timirtu waxa ay leedahay faa'iido badan waxana ay caawisaa qaybo badan oo kamid ah jidhka aadamaha. Haddaba faa'iidooyinka iyo mucjisada uu koobsaday geedka timirtu maaha mid qoraal lagu soo koobi karo laakiin waxa aynu xusi doonaa waxyaahaba ugu caansan ee laga dhaxlo isticmaalka timirta.

Timirtu waxay dhintaa Heerka Cholesterol-ka ee Dhiiga waxayna ka ilaalisaa Xiddidada Dhiigga qaada Qalafsanaanta sababtoo waxaa ku jira Timirta Maadada loo yaqaano "Pectin"
Waxay ka hortagtaa kansarka xiidmaha, waxayna ka ilaalisaa Xanuunka Baabaasiirta, waxayna yaraysaa Dhagxanta ku dhasha Kaadi haysta, waxay sidoo kale fududaysaa Marxaladaha Uurka iyo Dhalmada iyo Dhiiga ka dambaya waxaana ku jira Fibres aad u wanaagsan iyo Sonkoro dhakhso u riiqma.
Waxay ka joojisaa in Ilkaha uu Suus galo, sababtoo ah waxa ku jirta Maadada "Fluoride"
Waxay ka ilaalisaa Jidhka Sumaha waayo waxaa ku jira Maadooyinka Sodium, Potassium iyo Vitamin C.
Waxay daawaysaa Dhiig la'aanta sababtoo ah waxa ku jira Maadooyinka Iron, Copper iyo Vitamin B2
Waxay daawaysaa Jil jileeca Lafaha oo waxa ku jira Maadooyinka Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A
Waxay daawaysaa Appetite la'aanta, sababtane waa maadada Potassium-ka ee ku jirta.
Waxay daawaysaa Itaal darada guud ahaan iyo Wadna xanuunka oo waxa ku jirta Maadada Manganisium iyo Copper.
Waxa ku jira Maadada Salinium oo ka hortagta Cancer-ka sidaas darteed baan Dadka ku nool meelaha Beeraha Timirtu u aqoon Cancer-ka.
Waxa ku jirta Maadada daawaysa Itaal darada xagga Galmada
Waxaa ku jirta Maadada "Poron" oo daawaysa Rheumatism ka iyo Cancer-ka Maskaxda
Waxay daawaysaa Qalaylka Dubka iyo Indhaha Guruxooda waayo waxaa ku jirta Maadada Vitamin A
Waxay daawaysaa Xanuunada ku dhaca Mashiinka Cuntada riqa; waayo waxaa ku jira Maadada Vitamin B1
Waxay daawaysaa Timaha daata iyo Daalka Indhaha iyo Qalaylka Afka iyo Infection ka Bushimaha, taasi waxaa sahlaya Maadada Vitamin B2 oo ku jirta timirta.
Waxa ku jirta Maadada daawaysa Infection ka Dubka ama jidhka.
Waxay daawaysaa Dacarta Caloosha waayo waxa ku jira Maadooyinka Chlor, Sodium iyo Potassium.
Waxay daawaysaa Xanuunada Ciridka ku dhaca waxan laga helaa Vitamin C.

๐—™๐—ฎ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—น๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎLiin-dhanaanta waxa kujiro qaybaha kala duwan ee Nafaqada  waxay qani ku tahay oo aa...
24/05/2021

๐—™๐—ฎ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—น๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ

Liin-dhanaanta waxa kujiro qaybaha kala duwan ee Nafaqada waxay qani ku tahay oo aad ugu badan vitamin C sido kale wax ku jiro xaddi dhexdhexad ah fiitamiin Pantothenic acid (B5) , iyo Vitamin (B6) , Riboflavin (B2) iyo Folate (B9).

sido kale waxa laga helaa macdanta : iron
Liin dhanaata waxa nafaqo badan nooca jaalaha ah (lemon) marka la barbardhigo nooca cagaarka ah (lime).

1.waxay xoojisaa difaaca jirka : xaddiga aadka ubadan ee fiitamiinada kujiro liin-dhanaanta sida vitamin C waxay sare u qaadaan difaaca jirka

2.waxay yaraysaa infekshan-ka jirka iyo caabuqa : fiitamin C wuxu ka qayb qaataa ladagaalanka jeermiska sida bakteriya , feyruska iyo wax yaalaha sunta ku ah jirka

3.waxay ka hortagtaa dhiig yarida :waxaa kujiro fiitamiinka Folate (folic acid) iyo macdanta iron oo ka qayb qaato samaysanka iyo kobcida unugyada dhiigga cascas

4.waxay ka qayb qaadataa bogsoobida dhaawaca : sida dadka leh cirid dhiigga iyo dhaawacyada aan buskoon

5.waxay u fiicantahay maqaarka : vitamin c wuxuu caawiyaa samaysanka collagen oo ka qayb qaadato samaysanka iyo bad qabka maqaarka
Dadka ay u fiicantahay isticmaalka liin dhanaanta :
1.Dadka dhiig yaridu hayso (HB)
2.Dadka difaaca jirkoodu yaryahay
3.Dadka in infekshan-ka iyo caabuqa qabo
4.marka ay jiraan fayrus yada (virus) halistaa sida coronavirus.

๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ-๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ต oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.

Caafimaadka iyo Nafaqada

Qummanka waxyaabaha lagula tacaalo waxaa ugu h**eeya1. In qofku ku luqluqdo Biyo Cusbo leh2. Inuu subaxda h**e cabo Mala...
16/05/2021

Qummanka waxyaabaha lagula tacaalo waxaa ugu h**eeya

1. In qofku ku luqluqdo Biyo Cusbo leh
2. Inuu subaxda h**e cabo Malab
3. Inuu cuntada ku cuno Toon
4. Inuu cabo Shaah ama Biyo kulul oo Sanjabiisha ama Qarfaha ku badan yahay
5. Inuu cabo maraq Hilibka Digaaga laga sameeyay hadii uusan xasaasiyad ku qabin
6. Inuu biyo badan cabo ugu yaraan 6 Galaas maalintii
7. Inuu ku qabaysto biyo diiran
8. Inuu ka fogaado catarada, kaluunka, boorka iyo wax kasta oo xasaasiyad ku kiciya
9. Inuu quraacdo subaxda h**e 7:00 subaxnimo ka hor habenkiina inta uusan seexan cabo galaas biyo ah
10. Inuu maro ama shay diiran dhuunta ku kubeeyo ama ku kululeeyo isagoo saaraya dhuunta

La Wadaag Walaalaha Kale Si Ay Kuula Akhristaan Ugana Faaiidaystaan

Waahin sabriye
Dr Shaahid

  Maqaarka Xaninyaha "Escrotal itching" *Waa jeermis si sahlan lagu kala qaadi karo haddii la isla wadaago sida:1-shukum...
13/05/2021

Maqaarka Xaninyaha "Escrotal itching"
*Waa jeermis si sahlan lagu kala qaadi karo haddii la isla wadaago sida:
1-shukumaannada lagu tirtirto,
2-dharka la isla gashto
3-musqulaha furan ee la isla isticmaalo
4-ama haddii ay xaaskaagu qabto caabuqa fangaska ee cawrada gala

lagu garto cudurkaan:
1-Cuncun siyaado ah
2-Mararka qaar furuuruc ka muuqdo qooraha iyo hareerihiisa.
3-Maqaarka oo qolof dhacsado markii la xoqo.
4-Inta cuncunka kaa hayo oo midabkeedu isbadalo illaa bowdyaha.

ku tarmaa jeermiskaani ?
โ€ขJeermiskaan wuxuu ku tarmaa lakabka sare ee maqaarka, wuxuuna ka faa'idaystaa huurka iyo meelaha dhididka leh sida
1-qooraha,
2-waraqda,
3-cajarrada dhexdooda
4-jeexa barida.

keena cuncunka qoodhaha?
โ€ขCilladaan waxaa keeno nuuc ka mid ah jeermiska fangaska ee keeno cudurka cambaarta ama cabeebka, wuxuu kaloo jeermiskaan ku dhacaa:
1-basada/madaxa
2-maqaarka,
3-kilkilaha,
4-farjiga iyoXaninyaha
5-ciddiyaha.

lagu xaqiijiyaa inuu cudurkaan ku hayo?
โ€ขBadanaa waraysiga iyo wiisitada ayuu dhakhtarka ku fahmaa,
โ€ขwaxaa lagu sii xaqiijin karaa baaritaan fudud oo badanaa shaybaarrada laga helo kaasoo lagu baarayo qolofta ama dufta ka kacaysa meelaha aad xoqday oo la soo hoolo, kadibne lagu dhibciyo maaddo loo yaqaano "KOH", kadibne lagu fiiriyo weyneysada si loo arko jeermiska dhibka kugu hayo.

loo daaweeyaa xanuunkaan?
1-Daaweyntu way sahlan tahay, waa inaad marka h**e biyo iyo saabuun ku dhaqdaa xubintaada iyo hareeraheeda oo idil,
2-kadibne aad marsatid kareemka lagu dilo jeermiska fangaska kaasoo loo yaqaano "Antifungal Cream",
3-waxaa muhiim ah in kareemkaas ay ku jirto 3-daan daawo mid ka mid ah:
(1)Terbinafine
(2)Miconazole
(3)Clotrimazole.

gaar ah
* Waa muhiim in aadan joojin isticmaalka daawadaan markuu cuncunka kaa joogsado, laakiin waa inaad dhamaysataa laba usbuuc illaa jeermiska uu ka dhimanayo
* haddii intaa ka yar isticmaashid wuu soo laaban karaa xanuunka,
* fadlan la xiriir dhakhtarka cudurrada maqaarka una sheeg bamaatada aad soo isticmaashay.

looga hortagaa xanuunkaan?
1-Dharka lagu jimicsado ama lagu dhidido ha qaadan dhowr jeer oo isku xigxiga.
2-Dacas la'aan ha galin musqulaha la isla isticmaalo iyo meelaha lagu qubeysto
3-Qof hala wadaagin shukumaannada iyo marooyinka lagu tirtirto.
4-Haddii aad xaas tahay, iska hubi in lamaanahaadu aysan qabin caabuqa fangaska ee xubnaha taranka.

Dr Shahid

Antibiotic
22/03/2021

Antibiotic

Asc Walaal,Fadlan ka qayb qaado cilmi baaristan ku saabsan Kalsoonida bulshada ee TALAALKA ASTRAZENECA ee COVID19 https:...
16/03/2021

Asc Walaal,
Fadlan ka qayb qaado cilmi baaristan ku saabsan Kalsoonida bulshada ee TALAALKA ASTRAZENECA ee COVID19
https://forms.gle/pinfHDudEoWcqw3U8
F.G: Cilmi baaristan kuma jirto wax keydinaayo xogtaada shaqsiyeed waxaadna xor u tahay inaadan ka qayb galin.
FADLAN LA WADAAG ASXAABTAADA

The Somali government has today received Astrazaneca from Oxford University in the United States.The United Nations Worl...
15/03/2021

The Somali government has today received Astrazaneca from Oxford University in the United States.

The United Nations World Health Organization (WHO) has delivered the vaccine to Mogadishu today.

Health and Social Welfare has received the vaccine from the United Nations.

Good day mates.

24/02/2021

How to protect yourself again Covid 19 Or Corona Virus

SIdee uga hortagi karnaa xanuunka Covid 19
21/02/2021

SIdee uga hortagi karnaa xanuunka Covid 19

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Alkheyr Medical College posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Alkheyr Medical College:

  • Want your practice to be the top-listed Clinic?

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram