27/07/2023
HEPATITIS B ( Beer Xanuun)
=Wacyi galin cafimaad
Hepatitis B (Cagaarshow ama beerxanuun) xanuunkani waa xanuun aad u halis ah oo ku dhaca beerka , Waxana keena nooc kamid ah ilimaqabtayga loo yaqaanno Virus (fayras) laguna magacaabo Hepatitis B ( Beer Xanuun) . Xanuun dhaliyahani waxa uu kamid yahay kuwa beerka asiiba kana kooban lix nooc oo la isku yidhaahdo hepatitis Viruses.
=Sida uu ku gudbo xanuunkani
1. Qofka oo galmo la sameeya qof kale oo jidhkiisa xanuun dhaliyahani ku jiro.
2. Hooyada uurka leh islamrkaana xanuunkan qabta oo uurjiifka madheerta ugu gudbisa.
3. In lawadaago qalabka caafimaadka sida irbadaha IWM.
4. In qofka lagu shubo dhiig qof xanuunkan qaba laga shubay.
5. In aad taabato qof xanuunkan qaba iyadoo jidhkaaga meeshaa aad ku taabatay furantahay ama jeexantahay (dhaawacantahy).
6. In lawaago agabka guriga sida qalabka xiirashada loo isticmaalo cadayga iwm.
=Waxyaabaha aan xanuunkan lagu kala qaadin waxa kamid ah:
1. In aad salaanto qof xanuunkan qaba haddaanu jidhkiisu dhaawacnayn.
2. In aad wax la cunto qof xanuunkan la nool. .
3. In uu kugu neefsado ama kugu qufaco qof xanuunkan qabaa.
=Dunida siduu ku yahay xanuunkani
Sida ururka caafimaadka adduunku (WHO) qorayo, xanuunkan dadwaynaha adduunka ku dhaqan waxaa la nool in kabadan 250 milyan oo qof taas oo udhiganta boqollay ahaan 3.5% (boqolkiiba 3 iyo badh dadka adduunka ku nool). Tiro koobkan la sameeyay meelaha ugu badan waxaa ka mid ah dhulka ay soomaalidu degto.
=Calaamadaha lagu garto xanuunkan
Lixda bilood ee h**e dadku ma yeeshaan calaamado sax ah oo lagu garto xanuunkan, balse waxay yeeshaan caalmado ay xanuunnada qaar iskaga mid yihiin (Non-specific symptoms).
1. Xummad.
2. Yalaalugo iyo matag.
3. Midabka kaadida oo madow isu bedela.
4. Midabka saxarada oo cadaan khafiif ah noqda.
5. Indhaha oo midab huruud ah yeesha.
6. Cunto xumo daba dheeraata.
7. Xanuun uu kadareemo qofku halka caloosha ka saraysa.
8. Daal iyo tamardarri qofku dareemo.
=Xanuunada uu qofku ku dambeeyo waxa kamid ah
1. Liver cirrhosis (beerka oo shiiqa, shaqadana gaba).
2. Hepatocellular carcinoma (kansarka beerka ).
3. Fulminant hepatitis (unugyada beerka oo dhinta).
4. Hepatic encephalopathy (suntii beerku saarayay ayaa maskaxda ku ururaysa keenaysana koomo inuu qofku galo).
5. Hemorrhagic diathesis (inuu qofku dhiig baxa u nuglaado).
=Sida xanuunkan loo baadho
1. In xanuun dhaliyaha laga baadho dhiigga qofka (HBsAg test).
2. In dheecaannada beerka shaqadooda la eego ( sare ma u kacsanyiin}.
3. In borotiinka Albumin laga eego dhiiggaaga in uu dhacsanyahay.
4. In qalabka loo yaqaan ultrasound lagu eego beerka inuu wax is beddel ahi kuyimid.
=Daawo ma leeyahay xanuunkani
Ilaa hadda daawo sax ah xanuunkan looma hayo ,laakiin daawooyin taageero (supportive) ah ayaa la helaa . Haddii qofku uu waqti badan hayo xanuunkani (chronic stage) kaliya in beerka la beddelo ayaa xal ah,
=Ka hor tag ma leeyahay xanuunkani
Warka farxadda leh waxa weeye in uu xanuunkani leeyahay tallaal wax tar leh oo waqti xaadirkan laga heli karo dhulka soomalidu degto,Tallaalkan waxaa la dhahaa (Recombivax) waxaana uu qofku qaadanayaa 3 jeer oo kala duwan.
Akhriste:
1. xanuunkanu maadaama uu bulshadeenna ku badanyahay,
๏ marka h**e istallaal adigu.
๏ Haddii aad daโyar ama aad dhallinyaro guur rajaynaya tahayna lamanahaaga iska tallaal.
2. Waydii xogo caafimaad oo intan kabadan dhakhaatiirta magaaladaada ku nool.
3. Ka digtoonow hab kasta oo xanuunkan aad ku qaadi karto kuwaas oo aynu kor kusoo xusnay.
World Hapititis Day ๐
28/7/2023