08/01/2022
☑Waa maxay buro biyood( ovarian cyst)
Buro biyoodku waa qeeb yar oo bararta kuna aruuraan biyo oo ka sameysanta ugxanta.
Waa xaalad aad u badan sameysantana xiliga wareega caadada.
☑Nooc buro biyoodka
Buro biyoodka waxaa ugu caansan laba nooc
1) Burada ugxanta xirta oo loo yaqaano ( FOLLICULAR CYSTS ) waxa ay dhacadaa buradaan marka ay ugxanta ukunta ay sameysay kuna soo deyn weydo tubooyinka si ay u bacrimto ama dhiig caado looga bedelo markaa ukunta qaangaartay ee aan la soo deyn ayaa isku badaleysa buro biyood.
2) Burada dahaarka ee loo yaqaano
( CORPUS LUTEUM CYSTS ) marka ay ugxanta ukun qaangaaratay ay soo saarto ka dibna ay ku soo deyso tubooyinka si ay falgal u sameyso meesha ugxanta ukunta ka soo deyso waxaa ku hara xuubkii dahaarayay ukunta ka dibna marka ukunta lagu soo daayo tubooyinka waa uu shuuqaa dahaarka si uu usoo diyaariyo ukun kale lkn hadii uu shuuqi waayo waxaa gala biyo waxa uu noqdaa buro ka dibna caadada waa ay weysaa gabadha.
: waxaa kaloo jira kuwo aan aad u badneen oo ay kenaan xanuuno kale sida unugyada minka oo ku abuurma ugxanta
☑Maxaa keena buro biyoodka?
Waxaa keena buro biyoodka
1) cilado ku yimaada hormoonada dhalmada
2) Caabuq ku yimaada minka
3) infection-ka galmada ku faafa
☑Calaamadaha lagu garto buro biyoodka
Buro biyood sida badan calamaado sooma saarto lkn hadii ay aad u bararto oo xaalad qatar ah ay gaarto waxaa lagu garan karaa
1) calool xanuun
2) kaf xanuun
3) dhabar xanuun
4) xanuun xiliga isku taga lamaanaha
5) xanuun xiliga caadada
6) xili aan caado jirin dhiig ay xubinta ka yimaado
7) kaadida oo soo noqnoqota
☑Si laga caawiyo buro biyood ka nagala soo xiriir
drs qadra0610491220
drs qadra 0610491220
Whatspp+252610491220