Everyone needs motivation

Everyone needs motivation Hoyga dhiragalinta generation Cusub 👋🧭💯

Xirfado aan lagu dhigan iskuullada, laakiin nolosha lama huraan u ah.1. Aqoonta Dhaqaalaha (Financial literacy).2. Hab-f...
18/11/2023

Xirfado aan lagu dhigan iskuullada, laakiin nolosha lama huraan u ah.

1. Aqoonta Dhaqaalaha (Financial literacy).

2. Hab-fikirka Toolmoon (Critical thinking).

3. Xeeladaha Wada Xaajoodka (Negotiation skills).

4. Maareynta Wakhtiga (Time management).

5. Macaamilka (Networking).

6. Yool Degsashada (Goal setting).

7. Fagaare Ka Hadalka (Public speaking).

8. Nidaaminta Nolosha Guriga (Home maintenance).

9. Baraad Qabka (Mindfulness).

10. Dad La Xiriiritaanka (Interpersonal communication).

11. Xallinta Khilaafaadka (Conflict resolution).

12. Yagleelidda Ganacsiga (Entrepreneurship).

13. Cunto Karinta (Basic cooking skills).

14. Maareynta Mushkiladaha (Problem-solving skills).

15. Wax Akhrinta Hufan (Critical reading).

16. Go’aan Qaadashada (Decision making).

17. Fanka Sheekeynta (The art of storytelling).

18. Aqbalitaanka Dhaliisha (Openess to criticism).

19. Maareynta Tashka (Stress management).

20. Awoodda Ka Dhaadhicinta (Persuasion).

21. Fahmidda Iyo La Falgelidda Dadka (Social intelligence).

22. Fanka Qoraalka (Writting skills).

23. Dad Dhageysiga (Listening skills).

24. Naf Xakameynta (Self-discipline).

25. Kala Hufidda Xogaha (Analytical thinking).

26. Hannaanka Doodda (Argumentative skills).

27. Naqtinta Wanaagsan (Constructive Criticism).

28. Fanka Joogteynta (Consistency).

03/11/2023

Culayska kaligaa ha qaadin

Hamda

24/10/2023

Talo ku socota dhalinyada siiba wiilasha

1-Barkin la'aan oo la seexdaa waxay u roontahay dhabar xanuunka.2-Qofka wuxuu dhirirka ka dhaxlaa Aabihiis, culeyskana H...
23/10/2023

1-Barkin la'aan oo la seexdaa waxay u roontahay dhabar xanuunka.

2-Qofka wuxuu dhirirka ka dhaxlaa Aabihiis, culeyskana Hooyadiis.

3-Hadaad dareento daal farabadan waxa kaliya ee aad sameyneyso waa inaad madaxaaga ruxdaa firfircooni ayaa laga helaa.

4-Waxaa jiraan arimo uusan caqliga insaanka iska indho tiri karin kuna qasbanyahay inuu eego waxaana kamid ah Cunada, Qofka quruxda badan iyo halista kusoo fool leh.

5-Dadka midiglayaasha ah waxay inta badan wax ku ruugaan gowsyada midig.

6-Mudo todobaadyo ayaad noolaan kartaa cuno la'aan balse 11 maalmood kabadan hurdo la'aan ma noolaan kartid.

7-Dadka qosolkooda iyo dhoolacadeyntooda badanyahay way ka yara caafimaad fiicanyihiin dadka kale.

8-Qofka insaanka wuxuu leeyahay Maskax awood u leh iney keydiso macaluumaad shan jibaar kabadan xogta Wikipedia ku keydsan.

9-Sidoo kale maskaxda ayaa adeegsata tamarta laambada adeegsato ee 10w mid lamid ah.

10-Ugxanta waa unuga ugu wayn jirka insaanka ku jirto, taas badalkeeda Xawada waa unuga ugu yar.
(Ugxanta waxaa soo saaro ilmo galeenka halka Xawadana uu soo saaro xiniinyaha).

11-Jirka insaanka wuxuu soo saaraa 30 kii ilbiriqsiba heerkul awood u leh in uu karkariyo Hal Liitar iyo Bar, balse qiyaas 24 saac-ba heerkula uu soo saari karo?

12-Qur'aanka waa daawada ugu fiican ee Murugta looga hortago.

Hadii aad rabto inaan soo badiyo Macluumaadkaan Postiga Like siina Share garee.

22/10/2023

Waligaa Ha iloobin qof abaal ku galay

Xidhiidhka dhexmar lammaanaha, ninku wuxuu soo daayaa 180 milyan oo shahwo ah kuwaas oo u tartama in ay bacrimiyaan keli...
05/10/2023

Xidhiidhka dhexmar lammaanaha, ninku wuxuu soo daayaa 180 milyan oo shahwo ah kuwaas oo u tartama in ay bacrimiyaan keliya hal ugxan oo ka yimi dhinaca gabadha.

180 milyan waa 10 jeer laab tirada Somalida, 5 jeer laabka tirada dadka Morocco, 4 jeer laabka tirada dadka Algeria, ku dhawaad laba-laab dadweynaha Masar.

180-kaas million dhammaantood way dhintaan inta lagu jiro safar dheer oo loogu jiro halkaas ugxan, marka laga reebo hal xabo oo shahwo ah oo badbaada oo guulaysta, shahwadaasina waa adiga.

Kadib uur ayaa dhaca oo waxad timaaddaa adduunka.
Waxaad timid adigoo dagaalyahan ah, waxaad noolayd adigoo dagaalyahan ah, oo waxaad weligaaba ahaan doontaa dagaalyahan.

Marka ay ku weydiiyaan guulahaaga nolosha, u sheeg inaad keligaa jid dheer soo martay oo aad kaalinta koowaad kaga guulaysatay 180 milyan oo dagaalyahanno kula mid ah oo dagaalka ugu jiray inay ahaadaan adiga oo kale. Weligaa ha dhayalsan kartidaada, mar haddii aad ahayd qofka ugu dheereeya.

Waxa aad ahayd xaywaan yar oo mani ah, haddana uma qalantid in laguu sheego inaad noqotay xayawaan caadi ah.

Ronaldinho ayaa la weydiiyey sababtii uu la ooyay markii uu ku guulaystay kubadda dahabka ah, wuxuu yidhi.Markii aan yar...
04/10/2023

Ronaldinho ayaa la weydiiyey sababtii uu la ooyay markii uu ku guulaystay kubadda dahabka ah, wuxuu yidhi.

Markii aan yaraa, abbahay waxa uu ii sheegi jiray in ay fiican tahay in aan kubadda kabo la'aan ku ciyaaro si ay iigu fududaato kaantaroolka kubaddu, balse xaqiiqada aan ogaaday markii aan weynaaday ayaa ah in aabbahay uu sidaas u samaynayey maaddaama uusan awoodin in uu kabo ii iibiyo.

Markii aan ku guulaystay Ballon d'Or, aad ayaan u ooyey, sababtuna ma ahayn in aan farxay waxayse ahayd in uusan maanta ila joogin si uu arko in aan noqday kan ugu wanaagsan aduunka.

04/10/2023

Ha iska inadhatirin qofkaa tahay

Goosha aad aragtaan waxay ku dhaawacantay oo micigeedii ku wayday dagaal ay u gashay si ay udifaacdo caga baruurka yar a...
01/10/2023

Goosha aad aragtaan waxay ku dhaawacantay oo micigeedii ku wayday dagaal ay u gashay si ay udifaacdo caga baruurka yar ay dhashay awgii, kaasoo aanan fahmi karin marnaba naf hurnimada ay usamaysay inta ay leegtahay, hoosteeda ayuu ku jiraa, daganaan iyo badqab baa ka muuqda, waxbana k**a qasna.

Muhiimada hadaan u dhaadhacno dareen,naf hurnimo iyo jacayl walba oo aan cid siinno micnaheedu maaha in marwalba sidiisa looga abaal celin karo ama ugu yaraan la fahmi karo, waxaa jira dad badan oo aan gaarin xaalad qaan gaarnimo garasho leh, taasoo ka dhigaysa kuwa aan ka mahad celin waxa aad u qabatay ama fahmaya abaalkaaga.

Maahmaahyo Caalami ah. 🏯Hal ilbidhiqsi oo ka mid ah waqtigu waa hal mitir oo dahab ah laakiin hal mitir oo dahab ah kuma...
30/09/2023

Maahmaahyo Caalami ah.

🏯Hal ilbidhiqsi oo ka mid ah waqtigu waa hal mitir oo dahab ah laakiin hal mitir oo dahab ah kuma iibsan kartid hal ilbidhiqsi oo wakhti ah (Jayniis).

🕋Carrabkaaga haku muujin iimaha dadka, adiguba iin waad leedahay, dadkuna carrab way leeyihiine (Carabi).

🎠Labaatan nir intuu laan ka booduu, talo ka boodaa (Soomaali)

🌨️Dawladda indhoolayaasha, ninka isha keli ah leh ayaa boqor ah (Iswiidhish).

🗼Midka laba bakayke isku mar wada daba orda, midkoodna ma qabto (Faransiis).

🛎️Goobta ay dadku aadka kuu jecel yihiin, marar badan ha tagin (Isbaanish).

Waa tuma maahmaahda soomaaliyeed ee cajiibka ah ee madaxaaga kusoo dhacday?

20/09/2023

Our teacher

Address

Mogadishu

Telephone

+252614792342

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Everyone needs motivation posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Everyone needs motivation:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram