Warbixino Caafimaad

Warbixino Caafimaad Kusoo dhawaada page ka Warbixino Caafimaad oo aad ka heli kartaan warbixino iyo talooyiin caafimaad.

Welcome to Warbixino Caafimaad ( Health Information) page, where you can find health information, tips related to health, motivation, and technology.

10/04/2026

Xalka ugu danbeeya ee xasaasiyada ! hada Iska daawee! 😱

Ma isku aragtay calaamado sida cuncun, finan, neef qabatin ama wajiga oo barara marka aad cunto cuntooyin gaar ah? 😨
Tani waxay noqon kartaa Xasaasiyadda Cuntada (Food Allergy) — xaalad mararka qaar halis gelin karta nolosha.

Muuqaalkan waxaad ku baran doontaa:

✅ Waa maxay food allergy
✅ Sababta jirkaagu uga falceliyo cuntooyinka qaar
✅ Cuntooyinka ugu badan ee sababa xasaasiyadda
✅ Calaamadaha fudud ilaa kuwa halista ah
✅ Xaaladda ugu khatarta badan: Anaphylaxis
✅ Sida loo ogaado iyo sida loo maareeyo
✅ Runta ku saabsan daawada (ma laga bogsadaa?)

⚠️ Xasuusin: Xasaasiyadda cuntadu mararka qaar waxay u baahan tahay gargaar degdeg ah.

👉 Baro sida aad naftaada iyo dadka aad jeceshahay u ilaalin lahayd.














Warbixino Caafimaad

03/04/2026

5 Khalad Oo Si Qarsoodi Ah U Dilaya Kalyahaaga (Ka Fogoow Hadda!)

Warbixino Caafimaad

27/03/2026

6 Caado oo Si Qarsoodi ah U Dilaya Ilkahaaga! (Ka Fogoow Hadda)

Ma ogtahay in caadooyin yar yar oo aad maalin walba samayso ay si tartiib ah u burburinayaan ilkahaaga? 😨

Video-gan waxaan kuugu sharaxayaa 6-da qalad ee ugu halista badan ee sababa:
✔️ Ilko madow
✔️ Xanuun kedis ah
✔️ Dalool (cavities)
✔️ Ur afka ah

Waxaad sidoo kale baran doontaa:
🦷 Sida saxda ah ee loo cadayo ilkaha
🦷 Faa’iidada flossing-ka
🦷 Cuntooyinka nadiifiya ilkaha
🦷 Khaladaadka ay tahay inaad si degdeg ah u joojiso

Haddii aad rabto dhoola-caddeyn qurux badan oo caafimaad leh, video-gan waa MUST inaad daawato ilaa dhamaadka! 👇

20/03/2026

.

Ka Digtoonow Maalinta Ciidda! Fayras Qarsoon Oo Si Fudud Ku Faafa!

Warbixino Caafimaad










Eid Mubarak dhamaan asxaabta ku xiran page ka warbixino Caafimaad.عيدكم مبارك وكل عام وانتم بالف خير تقبل الله منا ومنكم...
19/03/2026

Eid Mubarak dhamaan asxaabta ku xiran page ka warbixino Caafimaad.

عيدكم مبارك وكل عام وانتم بالف خير
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
Warbixino Caafimaad

13/03/2026

Ku Afur Caano iyo Timir — Jirkaaga Maxaa Iska Bedelaya?

Warbixino Caafimaad

06/03/2026

5 Sir oo aad Kaga Hortagi karto Gaastariigga Ramadaanka!

Ma dareentaa gubasho, laab-jeex, iyo calool xanuun daqiiqado yar kadib afurka Ramadaanka?

Dad badan waxay u maleynayaan in gaastariiggu ka hor istaago soonka, laakiin xaqiiqadu waxay tahay: qalad yar oo afurka ah ayaa sababa dhibaatada.

Raac talooyinkan si Ramadaankaaga u noqdo mid raaxo leh, caafimaad leh, iyo tamar leh.


28/02/2026

Sirta Maqaarka Dhalaalaya ee Ramadaanka! 🌙✨

Ma isku aragtay in Ramadaanka uu maqaarkaaga ka dhigo mid qalalan, madoobaada ama daal ka muuqdo? 🌙

Fiidiyowgan waxaan ku wadaagaynaa 7-da sir ee ugu muhiimsan ee kaa caawinaya inaad ilaaliso qoyaan, dhalaal iyo caafimaadka maqaarka inta lagu jiro bisha barakaysan.

Waxaad baran doontaa:
✔️ Sida saxda ah ee biyo loo cabo Ramadaanka
✔️ Cuntooyinka kor u qaada quruxda maqaarka
✔️ Sida loo yareeyo qalaylka iyo laalaabka
✔️ Hurdada iyo saameynta ay ku leedahay wejiga
✔️ Khaladaadka ugu badan ee la sameeyo Afurka

Haddii aad rabto maqaar caafimaad leh oo qurux badan maalinta Ciidda ✨ video-gan ha ka maqnaan!

Nagala soco Warbixino Caafimaad

24/02/2026

Maxaa Sababa Madax-Xanuunka Ramadaanka? 7 Khalad oo Aad Sameyso Maalin Kasta!

Ma isku aragtay madax-xanuun kugu bilaabma galab kasta inta lagu jiro Ramadaanka?

Dad badan waxay u haystaan in madax-xanuunka soonka uu yahay wax iska caadi ah. Laakiin runta ayaa ah in jidhkaagu kuu soo dirayo calaamado digniin ah.

Muuqaalkan waxaad ku ogaan doontaa:

• 7-da sababood ee ugu waaweyn ee madax-xanuunka Ramadaanka
• Doorka kafaynta, biyo-yaraanta, iyo sonkor hoos u dhacda
• Sida hurdadu u saameyso maskaxdaada inta aad sooman tahay
• Cuntooyinka ugu fiican ee Suxuurta si aad uga hortagto madax-xanuun
• Hab dabiici ah oo aad uga takhalusi karto xanuunka adigoon afurin

Haddii aad rabto Ramadaan firfircoon, cibaado degan, iyo maskax furan maalintii oo dhan — muuqaalkan waa muhiim.

La wadaag walaalahaaga si ay uga faa’iideystaan.

💬 Comment ku qor maxaa adiga kugu sababa madax-xanuunka?













19/02/2026

Sidee Isaga Ilaalin Kartaa Haraadka Bisha Ramadaan? | 5 Sir Oo Cilmiyeed! 🔥

Ma dareentaa haraad daran inta aad sooman tahay, gaar ahaan saacadaha dambe ee maalinta? Dad badan waxay u maleynayaan in cabitaanka biyo badan xilliga Suhurta uu ka ilaalinayo haraadka — laakiin cilmi ahaan, jirku ma kaydin karo biyo badan hal mar.

Muuqaalkan waxaad ku baran doontaa:

Khaladka ugu weyn ee biyaha la cabbo Suhurta

Sababta shaaha iyo kafeega ay u kordhiyaan haraadka

Cuntada Potassium-ka leh ee jirka biyo ku haynaysa

Sida cusbadu u kordhiso qallaylka

Talooyin fudud oo kaa caawinaya inaad firfircoon ahaato maalintii oo dhan

Haddii aad rabto inaad Ramadaankan noqoto qof tamar leh, haraad la’aan ku sooma, isla markaana si caafimaad leh u maamusho jirkaaga — muuqaalkan waa muhiim.

💬 Noo sheeg comments-ka waxa aad Suxuurta cabto?





14/02/2026

Sidee Caloosha Loo Ridaa Bisha Ramadaan? | Qorshe 30 Maalmood ah oo Dhamaystiran!

Ma rabtaa inaad caloosha iska rido bisha Ramadaan adigoon dareemin gaajo ama daciifnimo? Dad badan halkii ay miisaan dhimi lahaayeen, waxay Ramadaan ka baxaan iyagoo ka miisaan culus sidii ay ku soo galeen.

Muuqaalkan waxaan kuugu soo bandhigaynaa qorshe 30 maalmood ah oo dhammaystiran oo kaa caawinaya:

Sida Afurka saxda ah loo qaato si loo gubo baruurta

Cuntooyinka ugu fiican Suhurta si aad uga badbaado gaajo iyo harraad

Waqtiga ugu fiican jimicsiga Ramadaanka (Fat Burning Mode)

Sida hurdadu u saameyso baruurta caloosha

Haddii aad raacdo nidaamkan:
✔️ Waxaad yareyn doontaa baruurta caloosha
✔️ Waxaad heli doontaa tamar joogto ah
✔️ Waxaad ka fogaan doontaa miisaan kordhinta Ramadaanka

Bisha Ramadaan waa fursad dabiici ah oo jirku ku gubo baruurta — haddii aad si sax ah u maamusho Afurka, Suhurta, iyo hurdada.

💬 Ku qor “Waan Bilaabayaa” haddii aad qorshahan bilaabayso?
👍 Like saar si walaalo kale uga faa’iidaystaan

02/02/2026

7 Faa’iido Oo Qubayska Biyaha Qabow ay leeyihiin!

Warbixino Caafimaad

Address

Mogadishu
252

Telephone

+252628103231

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warbixino Caafimaad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Warbixino Caafimaad:

Share