National Nursing and Midwifery Training Institute - FMOH

National Nursing and Midwifery Training Institute - FMOH Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from National Nursing and Midwifery Training Institute - FMOH, Health & Wellness Website, Via Londra Road Hamar JaJab, Mogadishu.

Bogga rasmiga ah ee Machadka Qaranka ee Kalkaaliyeyaasha iyo Umulisooyinka – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, oo u heellan horumarinta iyo tayaynta shaqaalaha caafimaadka ee dalka

𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐤𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐔𝐦𝐮𝐥𝐢𝐬𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚  𝐦𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐣𝐢𝐫𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐠𝐢𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐚𝐦𝐛𝐞𝐞𝐲𝐞...
02/11/2025

𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐤𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐔𝐦𝐮𝐥𝐢𝐬𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐦𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐣𝐢𝐫𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐠𝐢𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐚𝐦𝐛𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐞𝐞 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐨𝐨𝐝𝐚.

Kadib muddo saddex sano ah oo waxbarasho iyo tababar adag, ardayda Machadka Tababarka kalkaaliyaasha iyo Umulisooyinka Qaranka ayaa hadda ku guda jira wareeggii ugu dambeeyay ee tababarka isbitaalka (Clinical practice) ee ku qaateen isbitaalada dalka.

Ardaydan waxaa laga soo xulay gobollada Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe, iyo Banaadir, iyadoo ujeeddadu tahay in gobollada ama meelaha ay ku yaryihiin shaqaalaha caafimaad loo tababaro umulisooyin xirfad sare leh, si ay door muuqda uga qaataan bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh iyo daryeelka hooyada iyo ilmaha.

Tallaabadani waa qayb ka mid ah dadaallada Wasaaradda Caafimaadka ee lagu doonayo in la helo caafimaad loo siman yahay iyo in la xoojiyo shaqaalaha caafimaadka ee heer gobol iyo heer degmo.

Ardaydan waxaa loo tababaray xirfado casri ah oo la jaan qaadaya heerarka caalamiga ah, si ay markay deegaannadooda ku laabtaan kaalin muuqata uga qaataan yareynta dhimashada hooyada iyo dhallaanka iyo horumarinta caafimaadka bulshada.

Machadka Tababarka kalkaaliyaasha iyo Umulisooyinka Qaranka wuxuu ku faanayaa inuu yahay xarun soo saaraysa umulisooyin iyo kaadiriin xirfad, aqoon iyo anshax leh, kuwaas oo u heellan inay bulshada u adeegaan si xirfad leh.

----------------
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

-Nursing-and-Midwifery-Training-Institute-FMOH
Nursing and Midwifery v • Training Institute - FMOH

04/06/2023

gelinta waxey ku egtahay maalinta berito ah
#5/june/2023
Fadlan horay ugaar yesan ka xirmin

UJEEDO: OGEYSIIS OAADASHO ARDAY UMULISO SARE (Nursing Midwives)Machadka tababarka umulisooyinka ee Wasaaradda caafimaadk...
16/05/2023

UJEEDO: OGEYSIIS OAADASHO ARDAY UMULISO SARE (Nursing Midwives)

Machadka tababarka umulisooyinka ee Wasaaradda caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee loo yaqaano (Muqdishu Midwifery Training Institute), wuxuu qaadanayaa arday cusub oo loo tababarayo umuliso heer sare ah( Post Basic).

Hadaba waxaa la ogaysiinayaa dhamaan ardayda ku dhaqan gobolka Banaadir ee haysta shahaado kalkaalisonimo ( Nursing) gaar ahaan gabdhaha danaynaya inay Bartaan Umulisooyin qibrad sare leh, inay soo codsan karaan tababarka kor kuxusan.
Waana in ay soo buuxiyaan shuruudaha hoos kuxusan /qoran;
1. Codsadaha waa inuu heysto shahaado kalkaalisonimo
2. Waa inay tahay dumar.
3. Waa in ay diyaar u tahay una hogaansanto heshiiska qaadashadda oo ay la galayso Wasaarada Caafımaadka & Daryeelka Bulshada.

Waxaa laga doonayaa qofka daneynayo tababarkan inuu soo gudbiyo waxyaabahan hoos kuqoran:
1. Warqad Codsi ah
2. Shahaadada (Nursing) kalkaalisonimo oo copy ah
3. Labo sawir oo nooca teesaraha ah
4. Gal bir leh (oo lagu xafido dokumentiga)
Qabashadda araajidda waxay soconeysaa mudo isbuuc ah , Tiradda la qaadanayo oo aad u kooban darteed dagdag u gudbiso dukumintiyadda sare kuxusan.

Araajida waxaa lagu qabanayaa iskuulka umulisoyinka oo kuyaalo degmada Xamar-Jajab gaar ahaan inta u dhaxeyso isbitaalka martini iyo xabsiga dhexe.

Waxii faahfaahin ah kala xiriir 0613822416
Mahadsanidiin

15/05/2023


Hambalyo hambalyo Maanta, waxaan u dabaaldegeynaa maalinta caalamiga ah ee umulisada. Waxaan si maamuus leh ugu mahad ce...
05/05/2023

Hambalyo hambalyo

Maanta, waxaan u dabaaldegeynaa maalinta caalamiga ah ee umulisada. Waxaan si maamuus leh ugu mahad celineynaa geesiyaasha naftooda u huray xaqiijinta dhalmada badbaadada leh ee hooyada iyo dhallaanka.

Hambalyo dhamaan umulisooyinka qaranka soomaliyeed.


Hambalyo hambalyo   umulisooyinka Qaranka wuxuu lawadaagayaa munaasabadda ciidul fidriga umadda Muslimiinta dhamaan iyo ...
20/04/2023

Hambalyo hambalyo
umulisooyinka Qaranka wuxuu lawadaagayaa munaasabadda ciidul fidriga umadda Muslimiinta dhamaan iyo umadda soomaliyeed
Allaha naga aqbalo acmaasha wanaagsan

Address

Via Londra Road Hamar JaJab
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when National Nursing and Midwifery Training Institute - FMOH posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to National Nursing and Midwifery Training Institute - FMOH:

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram