26/03/2024
𝗛𝗔𝗟𝗜𝗦𝗧𝗔 𝗗𝗔𝗔𝗪𝗢𝗢𝗬𝗜𝗡𝗞𝗔 𝗟𝗔’𝗜𝗦𝗞𝗨 𝗖𝗔𝗗𝗘𝗘𝗬𝗢
Wadankeena 🇸🇴 iyo wadamo badan oo inala mid ah dhibaato weyn ayaa ka heysata daawooyinkan.
Daawooyinka loo isticmaalo in la isku caddeeyo maahan wax caafimaadka u roon inkastoo ay sii kala daranyihiin oo ay jiraan qaar halis ah oo keeno kansarka maqaarka iyo dhibaatooyin kalaba.
Daawooyinka la isku caddeeyo waa dhowr nuuc wayna kala daran yihiin:
1- Nuuc lagu daray daawada loo yaqaano "Steroid-ka" waa daawo lagu daaweeyo xanuuno badan oo jirka ku dhaca, waxaana laga qaataa qiyaas loogu talagalay, qofkane joogto looma siiyo maadaama ay waxyeello jirka u gaysato, laakiin daawooyinka la isku caddeeyo waxaa lagu soo daraa qiyaas aad u badan oo daawadaan ah iyadoo halis galinayso qofka caafimaadkiisa.
2- Nuuc ka samaysan waxyaabo yareeya midabka maqaarka ee loo yaqaano "Melanin" waxyaabahaas oo qaarkood mamnuuc ka ahd dunida oo aan lagu soo dari karin laakiin shirkadaha qaar way ku soo qariyaan, waxaana ka mid ah maadada loo yaqaano "Mercury" oo sun ah haddii jirka u gudubto waxayna keentaa Kansarka maqaarka.
Ma jiro kareem ka samaysan fitamiino ama qudaar ama wax dabiici ah oo maqaarka badali karo, dad ayaa si qaldan u aaminsan in wixii ku qoranba geed-daaweed ama dabiici in ay sax tahay in la marsado,
Dhibaatooyinka ugu caansan ay daawooyinkaan keenaan waxaa ka mid ah:
* Maqaarka oo midabka ka guuro oo u soo laaban waayo.
* In maqaarka uu khafiif noqdo oo halis ugu jiro dhaawac kasta oo fudud inuu u adkaysan kari waayo, markuu dhaawac gaarane uusan bogsoonin ama haar yeesho oo aan fuqaynin.
* Midabka maqaarka oo kala duwan, jirka midabkiisa oo aanan isku ekeyn maadaama daawada la mariyay ay si isku mid ah ayna badalin midabka.
* Maqaarka oo gaduuto ama nabro yeesho ama markii cadceedda ku dhacdo huro, kadibne yeesho nabro isku badali karo kansar.
* Cuncun siyaado ah oo aadan xoqi karin haddii kale maqaarka fiiqmo.
* Jirka oo xasaasiyad ka qaado daawada la mariyay, wuxuuna billaabaa barar iyo hur, kaasoo halis galin kara maqaarka oo idil, waana dhibaatada ugu badan ee isku arkaan dadka isticmaalo.
Iyo dhibaatooyin kaloo badan
Daawooyinka la isku caddeeyo qaabka ay u shaqaynayso waa qaab ay ku yarayneyso ama u baabi'neyso midabka Melanin ee ku jira unguyada maqaarka iyadoo is baddal ku samaynayso taasoo caafimaad ahaan halis ah maxaa yeelay unugga markii la badalo waxaa yaraanayso dulqaadkiisa u leeyahay waxyaabaha ku hareyreysan jirka sida: kuleelka, qabowga, dhididka, caabuqa iyo waxyaabo kale.
Boqolkiiba 90% kiimikooyinka la isku caddeeyo in ay ku jiraan labo maaddo oo aad halis ah oo ka mamnuuc ah wadamada qaar, maadooyinkaas oo kala ah: Mercurous chloride iyo Hydroquinone.
Badanaa daawooyinka la isku caddeeyo ee laga helo soomaaliya iyo dunida sadaxaadne waa kuwa noocaan ah.
TALO SOO JEEDIN KU SOCOTA DADKA ISTICMAALA DAAWADAAN
Waxaan marka kula taliniyaa walaalaheyga Somaaliyeed ee isticmaalo Daawiyinkaan/ ama kareemyada iyo waxyaabaha la isku qasaba, hadii aadan calaamadahaan isku arkin oo aad waqti yar aad isticmaaleysey inaad joojiso.
Hadii laakin waqti dheer oo bilo ama sanado ah aad isticmaaleysey inaad dhakhtar 👨🏾⚕️ maqaar u tagtid asaga ayaana talooyin iyo daawooyin kugu haboon ku siin doono Insha Allah.