11/12/2020
Qaybta 9_aad
Taxanaha Caafimaadka
Hysteria (Xanuun iska yeelyeelid Oo Maskaxiyan ah)
1. Histiiriyada "Hysteria" waa xanuun maskax ahaan u yimaado Oo lagu garto kacsanaan niyadda Oo Aan kontarool lahayn kaasoo isku badalo xanuun muuqaaleed Oo laga arki karo jirka, wuxuuna Aad ugu badan yahay dhalinyarada Qaas ahaan dumarka.
2. Histiiriyada waxay dhaqaatiirta qaar ku tiriyaan xanuunada dhimirka, meesha qaar kale ay Aaminsan yihiin inuu iska yeelyeel ku yimaado iyadoo qofka Uu rabo inuu dano u gaar ah ku gaaro.
3. Waxyaabaha ugu badan Ee qofka lagu arko histiiriyada qabo waa, Suuxdin: waa suuxdin qofka Uusan jawaab u celinayn dadka la joogo iyadoo ka duwan suuxdintii la yaqiinay, dhaqaatiirtu way kala garan karaan suuxdinta histiiriyada ah iyo midda runta ah, Hilmaan: Qofka Oo hilmaan isku rido sida magacyada dadka guriga kula nool, wadadii iskuulka ama suuqa loo Aadi jiray iyo waxyaabo kale Oo nolol maalmeedka ka tirsan.
4. Curyaamid: qofka Oo curyaan iska dhigo isagoo qeyb jirkiisa ka mid ah Uu u muujiyo inuu dareenka ama dhaqaaqa ka tagay, Qallal: jarayn ama gariir sidii qallalka Oo kale, waa nooc ka mid ah siyaabaha histiiriyada lagu arko, wayna ka duwan tahay qalalkii caadiga ahaa, Kacsanaan xad dhaaf ah: qofka Oo Ooyin aan kontaroolnayn, iyo dabci aan horay loogu aqoon jiray lagu arko.
5. Waxaa kaloo ka mid ah Indho beelid ama Dhagoolnimo: Qofka Oo jilo wax arkis la'aan ama in Uusan waxba maqlaynin, taasoo qoyska aysan fasiri karin sababta keentay, Naqaska Oo ku dhagan: qofka wuxuu la imaan karaa xanuun sida Neefta ah Oo Aanan cillad ahayn iyadoo qofka Uu xiiq isku yeelayo, Astaamahaas Aan kor ku soo xusay iyo kuwa ka badanba waa astaamo qofka Uu iska yeelyeelanayo Ee ma ahan wax si xaqiiqo ah u jira.
6. Magacyada loo yaqaano histiiriyada waxaa ka mid ah "conversion disorder" Oo ah macnaheeda astaamo dhimireed isku badalo astaamo jireed, Waxaa kaloo loo yaqaanaa "somatoform disorder" Oo ah macnaheeda astaamo muuqaaleed Aanan xanuun jir ahaan lagu fasiri karin.
7. Histiiriyada waa cillad weligeed soo jireen ahaa, waxaana la Aaminsan yahay in waqtigaan Aan hadda joogno ay ka yar tahay waqtiyadii h**e, Dhakhaatiirtu waxay sheegaan in histiiriyada ay keento laba sabab oo waweyn kuwaas oo kala ah:
8. Midda Kowaad Waa Cabbur iyo kacsanaan maskaxeed oo qofka uu kontarooli waayo, tusaale ahaan waa in qofka dhalinyarada ah qaas ahaan gabadha ay la kulmaan wax Aad ay u dhibsayaan, qoyskane ay la fahmi la'yihiin sidaas awgeedne ay hysteria iskugu ridaan si ay u dareensiiyaan dhibaatada ay ku jiraan qaab xanuun ahaan iyadoo Aanan sheeganin waxa saxda ah Ee jiro.
9. Midda labaad ayaa ah Soo jiidashada dareenka waalidka iyo qaraabada, tusaale ahaan qofka dhalinayrada ah Oo loo diido ama Uu waayo wax Uu rabo waxay keensanaysaa inuu iska yeelyeelo dhibaato qoyska foojignaatoodu Uu ku heli karo iyo daryeel maadaama Uu Aaminsan yahay in Aanan la jaclayn ama laga fakarayn ama la necebyahay ama laga jecel yahay qof kale.
10. Aniga ahaan Inta xaalad Ee Aan la kulmay Ee histiiriyada qabto boqolkiiba 90% waxay ahaayeen dumar da'doodu u dhaxayso 15 illaa 25 jir, waana da'da ugu badan Oo qofka Uusan go'aan u gaar ah Uusan gaari karin, Haddii Aan u fiirsadayne waxay salka ku haysaa qaabka qofkaas loogu soo dhex koriyay qoyskiisa ha ahaato qaab cagajugleyn Uusan qofka awood u lahayn inuu caddeysto waxa Uu doonayo ama Aanan fursad yaraantisia loo siinin inuu wixii naftiisa ku meeraysanayo inuu si cabsi la'aan ah u sheegi karo Oo la wadaagi karo qoyskiisa iyo qaab koolkoolin xad dhaaf ah oo qofka lagu soo koriyaya in wixii dalbadaba la siiyo illaa uu la kulmo wax Aan loo yeeli karin, iyo cabsi dhinac waalidka ah oo qofku hadduu qalad galo Uusan waajihi karin iyadoo Uu ka cabsanaayo dhib Uu ka soo gaaro, taasina ay keensanayso in qofka Uu arrin ka wayn Uu ku hilmaansiin karo waalidka inuu la yimaado.
11. Histiiriyada waa dhibaato qoyska waxyeello gaarsiin karta, haddii Aad u fiirsatid inta qaab Uu qofka ku imaan karo isbitaalka waa waxyaabo nadtin leh Io waalidka hoyaad iyo hurdaba u diidi karo, waxayna badanaa xalaadahaan la keenaa isbitaalada xilli saqdhaxe ah maadaama Uu rabo qofka inuu welwel iyo shock ku rido qoyska si howlihiisa ugu hagaagaan waa sida Uu Aaminsan yahaye.
12. Dhibka kale Ee dhaqaatiirta la kulmaan ayaa ah, in markii dhaqtarku ogaado in aysan wax cillad ah jirin in Uusan qoyska ka dhaadhicin karin in gabadhooda ama wiilkooda Uusan dhib qabin ayna iska yeelyeel ay tahay, taasoo keento in waalidku ka xumaado Oo Uu dhowr isbitaal isku maro isagoo Aanan quusanin halkaasne lacag badan uga baxdo illaa Uu quusto.
13. inta badan Waa loogu cudur daarayaa waalidka maadaama qof fiirsan karo caruurtiisa Oo paralysis ama indhobeelid ama qallal qaba ay dhib tahay in la Aamino inuu waxba qabin, gurina lagu celi karin.
Sidaa daraadeed dhaqaatiri dhif ah ayaa isku taxallujiyo in waalidka ay u sharxaan Oo ay fahansiiyaan cillada jirto iyo waxa keeni karo illaa indhaha lagu tusiyo in arrintaan aysan cudur dhab ahayn laakiin iska yeelyeelis u badan tahay.
14. Waxaa kaloo muhiim ah in waalidku ogaado qofka histiiriyada qabaa inuusan ogolayn inuu wax dhibaato ah is gaarsiiyo Oo is ilaalinaayo xittaa hadduu isbitaalka jiifo waana astaamaha ay dhaqaatiirta ku ogaadaan inuu qofkaan histiiriya qabo, laakiin sida caadiga ah hadduu qofka Uu xanuun intaa la eg qabo waxyaabaha kale ma daryeelo ama maba dareemayo.
15. Sida loo xalliyo Histiiriyada waa nooc ka mid ah cillad nafsaani wuxuu qofka ka cabanayo u baahan yahay "counselling" wada sheekaysi iyo waraysi si looga sal gaaro cilladaha jiro, inta jeer Aan arkay dhibaatooyinkaan asbaabaha keenay Ee Aad ka naxayso ma filan kartid, waxa qarsoon Ee Uu qofkaan gaarsiiyay heer inuu waxaa sameeyo hadane ku adkaysto maalmo ama usbuucyo wax sahlan ma ahan, in Aad waalidka ku tiraahdid dhib ma jirto ma ahan xalka rasmiga Ee waxaa habboon in Aad si gooni ah u waraysato wiilka ama gabadha xanuunsan, waalidkane gooni Aad u waraysatid.
16. Ugu danbeyn Dhaqtarkasta waa inuu awood u leeyahay inuu xallin karo dhibaatooyinka ay bulshadu la timaado xarumaha caafimaadka ha ahaato mid xanuun jireed ama cillad noloshooda ku saabsan waa haddii Aadan heli karin qofka "psychologist" ah Oo ku xeeldheer arrimahaan oo kale.
Adigu weligaa ma la kulantay Qof Qaba Hysteria Qodobkees'e ku Aragtay ?
Akhriste haddii Aad akhrisatay qormadaan Waad ku mahadsantahay.
Haddii Aad garaysana way kasii fiican tahay, walalahaa kale ayay faa'iido u tahay Anagana dhiiragalin ayay noo tahay.
Mahadsanid.