20/11/2025
Allahu akbar Youtube-kii caanka ahaa ee Ingiriis James Humble ayaa qaatay Diinta Islaamka. James Humble, oo si weyn loogu yaqaanay khadka internetka “Mr Humble”, ayaa sannadan 2025 ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka.
Waxa uu soo Muuqday isaga oo akhrinaya oo qiraya AShahaadada isaga oo la jooga saaxiibadiisa dalka Morocco, ka dibna waxa wada tukadeen salaaddii ugu horreysay Masjidka ku yaala Yurub.
Wuxuu ku macneeyay qaadashada diinta islaamka jacaylka qotada dheer ee uu u qabo ree Morocco iyo dadkooda wanaagsan inay qalbigiisa u furay Islaamka. Wuxuu ammaanay saaxiibbadii Morocco ee uga jawaabay suaalaha maankiisa dhibayey iyo inuu fahmo qiyamka asaasiga ah ee Islaamka, wuxuuna ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay inuu bilaabo akhrinta Qur'aanka.
The muslimah ayaa daabacay
Qoray ✍️ Aweiz kobciye