22/11/2025
Sanadkii 3aad ee Shirweynaha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed oo ee soo qaban qaabiyee Golaha Xirfadlayaasha Caafimaad ee Haweenka Soomaaliyeed ayaa si heer sare ah oo qurux badan ku qabsomay.
Waxaan kal iyo laab uga mahadcelinayaa dhammaan madaxda dowladda, martida sharafka ah iyo bulshada ka qayb-gashay, kuwaas oo shirka u muujiyay garab istaag, dhiirigelin iyo joogitaan qiimo badan.
Sidoo kale waxaa mahad gaar ah leh isbitaallada na garab istaagay, una noqday sponser-kii shirka, kuwaas oo door muuqda ka qaatay hirgelinta iyo guusha aan maanta wada aragnay.
Ajendaha Shirka Sanadkan waxaa ka mid ahaa:
Xoojinta adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka
Ka hortagga cudurrada dumar ku badan
Kordhinta tababarrada xirfadeed ee shaqaalaha caafimaadka
Doorka haweenka ee hormarinta caafimaadka bulshada
Iskaashiga dowladeed iyo midka gaarka loo leeyahay
Intii uu socday shirka waxaa lagu qabtay dood furan
Sidoo kale waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay cilmi-baarisyo caafimaad oo muhiim ah, kuwaas oo ka hadlay:
Xaaladaha caafimaad ee haweenka Soomaaliyeed
Tirakoobyo iyo xog muhiim u ah qorsheynta
Talooyin lagu horumarin karo adeegyada caafimaadka haweenka
Guushan waa mid aynu wada leenahay, waxayna u tahay tallaabo horumarineed oo dhanka caafimaadka haweenka Soomaaliyeed ah. Waxaan rajaynayaa in sanadaha soo socda ay noqdaan kuwo midho dhal ah, isla markaana sii xoojiya adeegyada caafimaad ee haweenkeena.
Mahadsanidiin dhammaan — Garabkiinna iyo ka qaybqaadashadiinnu waa udub-dhexaadka guusheena.
Ministry of Health- Somalia Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha -Mwhrd Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS