19/10/2025
💧 Waa maxay Kidney Dialysis?
Kidney dialysis waa daawayn lagu sameeyo marka kelyaha ay shaqadii joojiyaan ama si fiican u shaqayn waayaan.
Shaqada kelyaha waa in ay ka saarayaan sunta iyo biyaha xad-dhaafka ah ee jirka.
Marka kelyuhu daciifaan, suntaas iyo dareeraha jirka kuma bixi karaan, taas oo sababi karta madax xanuun, matag, daal, barar, iyo neef qabatimo.
👉 Dialysis-ka ayaa markaas badala shaqada kelyaha.
Waxa uu nadiifiyaa dhiigga, bixiyaa sunta, iyo iska saaraya biyaha xad-dhaafka ah si jirku u sii shaqeeyo caadi.
Dialysis-ka waxaa loo sameeyaa laba nooc:
1. 🩸 Hemodialysis – dhiigga ayaa laga saaraa jirka, lagu nadiifiyaa mashiin, dabadeedna dib ayaa loo celiyaa.
2. 💧 Peritoneal dialysis – dareere gaar ah ayaa caloosha lagu shubaa si uu u nadiifiyo dhiigga gudaha jirka.
💧 Goorta Dialysis la bilaabo.....
🔹 1. Marka shaqada kelyaha aad u hoosayso
Haddii eGFR uu ka hooseeyo 15 ml/min, bukaanku wuxuu galay Heerka 5 ee CKD (end-stage kidney disease).
Waa marxaladda kelyaha aysan nadiifin karin dhiigga, markaas dialysis ayaa loo baahan yahay.
🔹 2. Haddii bukaanku leeyahay calaamado halis ah oo kelyuhu sababeen:
xitaa haddii eGFR uu weli ka badan yahay 15, dialysis waa la bilaabaa haddii ay jiraan calaamadaha soo socda:
🚫 Kaadi yar ama kaadidu istaagto.
😵💫 Uremic symptoms: matag, hurdo la’aan, wareer, ama urka ka imanaya neefta.
💧 Barar aad u badan (lugaha, wejiga, caloosha).
❤️ Dhibaato neefsasho ama wadnaha oo daciifay.
🔺 Kaalshiyam ama potassium dhiigga ku badan (hyperkalemia) oo khatar ah.
🧠 Calaamado maskaxeed sida suuxdin ama dhibaato feejignaan.
FG...
Dialysis ma bogsiiyo kelyaha, balse wuu badbaadiyaa nolosha bukaanka ilaa uu helo kelyo cusub ama xaaladdu degganaato....
🩺 Wacyigelin caafimaad – Al Ihsaan Eye Clinic Center..
📍 Degmada Cabdicasiis
👨⚕️ Dr. Mohamed Adam
💬 Raac (Follow) si aad u hesho talooyin caafimaad oo faa’iido leh maalin kasta.