04/12/2025
Shirkadda Tayo Biomed Solutions ayaa u dhigtay isbitaalka Madina mashiinka casriga ah ee CompaX 500 Pro Mobile C-Arm, kaasi oo caan ku ah sawirada raajada ee tayada sare leh.
CompaX 500 Pro oo ah mashiin ku shaqeeya habka ugu casrisan ee Flat Panel Detector (FPD) ayaa ah mid hoos u dhiga radiation-ka, lehna awood 5kW, iyo naqshad 360° u wareegta oo fududeysa hawlgalka qalliinnada.
Waxay sidoo kale leedahay nidaamka Smart Dose Management kaasi oo si gaar ah u ilaalinaya bukaanka iyo shaqaalaha caafimaadka.
Mashiinkan ayaa xoojinaya adeegyada qalliinka ee Isbitaalka Madina, gaar ahaan lafaha, kaadi mareenka, iyo qalliinnada u baahan hagitaan raajo oo sax ah.
Shirkadda Tayo Biomed Solutions waxay diyaar la tahay keenista qalab caafimaad oo casri ah oo lagu kalsoonaan karo.