SIMAD University Health Student's Association-SUHSA

SIMAD University Health Student's Association-SUHSA SIMAD University Health Student's Association-SUHSA

Maanta oo ay taariikhdu tahay 03 Maarso 2026, Ururka Ardayda Culuumta Caafimaadka  Jaamacadda SIMAD ee SIMAD University ...
03/03/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 03 Maarso 2026, Ururka Ardayda Culuumta Caafimaadka Jaamacadda SIMAD ee SIMAD University Health Student's Association-SUHSA ayaa si firfircoon uga qayb qaatay ololaha gurmadka abaaraha ee ka socda gudaha SIMAD University kaas oo loogu talagalay taageeridda dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen xaaladaha bani’aadantinimo ee ka dhashay abaaraha soo noqnoqday.
Ololahan, oo si toos ah ardayda loogu gaarsiinayay fasallada, waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Midowga Ardayda Kulliyadda, Marwo Nuuro Adan Axmed , iyo Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi. Iyadoo ay wehliyeen xubno ka tirsan guddiga fulinta SUHSA.

Mas’uuliyiintan ayaa kormeer iyo wacyigelin ku maray fasallada kala duwan ee Kulliyadda Culuumta Caafimaadka, iyagoo ardayda ku dhiirrigelinayay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin gurmadka iyo samatabbixinta walaalahooda ay saameeyeen abaaruhu.

Ujeeddada ololahan ayaa ahayd xoojinta dareenka mas’uuliyadda, midnimada, iyo kaalinta muuqata ee ay ardaydu ka qaadan karaan ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah ee bani’aadantinimo.

Ardayda Culuumta Caafimaadka ayaa mar kale muujiyay damqasho, wacyi, iyo u heellanaanta adeegga bulshada.

SUHSA waxay xaqiijinaysaa in ay sii wadi doonto dadaallada noocan oo kale ah, si ay uga qayb qaadato yareynta dhibaatooyinka ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah, isla markaana ay garab istaagto bulshada Soomaaliyeed xilliyada adag.

Ugu dambayn, waxaan ku boorrinaynaa dhammaan ardayda iyo bahda Jaamacadda in ay kaalin muuqata ka qaataan gurmadka socda, maadaama wadajirku yahay furaha guusha iyo samatabbixinta.




Sida aan wada ognahay dalkeennu waxa uu kujiraa xaalad adag oo abaaro iyo biya la'aan ah, taas oo bulshadeenna saamaysay...
28/02/2026

Sida aan wada ognahay dalkeennu waxa uu kujiraa xaalad adag oo abaaro iyo biya la'aan ah, taas oo bulshadeenna saamaysay naf iyo maalba.

Iyadoo aan sii guda galeyno billowga wajiga 3aad ee gurmadka abaaraha, waxa aan dhammaan ardayda, shaqaalaha, qalinjebiyayaasha iyo guud ahaan bahda SIMAD ku baraarujinaynaa in ay ka qayb qaataan gurmadka iyo kaalmada loo fidinayo walaalaheenna tabaalaysan.

Nagala qayb qaado gurmadka abaaraha.

🌙✨ Ramadan Mubarak ✨🌙Xukuumadda Ardeyda Caafimaadka Jaamacadda SIMAD (SUHSA) waxay hambalyo  u diraysaa dhammaan ummadda...
17/02/2026

🌙✨ Ramadan Mubarak ✨🌙
Xukuumadda Ardeyda Caafimaadka Jaamacadda SIMAD (SUHSA) waxay hambalyo u diraysaa dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan ardayda, macallimiinta iyo bahda Jaamacadda SIMAD.

Bishan barakeysan ee Ramadaan alle ha inu dhigo mid qalbiyadeenna mideysa, naxariis iyo is-cafisna nagu beeraysa.

Alle ha naga aqbalo soonka, salaadda, sadaqada iyo dhammaan camalka suuban.




Midowga Ardayda Caafimaadka ee Jaamacadda SIMAD University –  SIMAD University Health Student's Association-SUHSA   – ay...
16/02/2026

Midowga Ardayda Caafimaadka ee Jaamacadda SIMAD University – SIMAD University Health Student's Association-SUHSA – ayaa martigeliyay Shirka Guddoomiyeyaasha Caafimaadka Jaamacadaha Gobolka Banaadir.

Kulankan waxaa diiradda lagu saaray xoojinta isdhexgalka ardayda, adkeynta midnimada hay’adaha waxbarashada sare, iyo horumarinta iskaashiga jaamacadaha si loo gaaro waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadi karta baahiyaha bulshada iyo horumarka casriga ah.

Shirkan wuxuu noqday madal wax ku ool ah oo la isku dhaafsaday fikrado aqooneed, laguna dhiirrigeliyay wada shaqeyn joogto ah oo u dhaxeysa jaamacadaha, si loo horumariyo fursadaha waxbarasho ee ardayda.

Waxaa sharaf iyo qiimo gaar ah noo ahayd ka qeybgalka Deenka Faculty of Medicine and Health Sciences-SIMAD University ee Jaamacadda SIMAD Ustad , taas oo muujineysa doorka muhiimka ah ee jaamacaduhu ku leeyihiin horumarinta aqoonta, tayeynta adeegyada caafimaadka, iyo dhisidda jiil aqoon leh oo bulshada wax ku biiriya.

Dhanka kale, martigelinta shirkan waxaa si rasmi ah u qabtay SIMAD University Health Student's Association- (SUHSA), taas oo muujisay hoggaan, karti abaabul iyo ka go’naansho ay ardaydu u leeyihiin horumarinta waxbarashada, mideynta ardayda, iyo kor u qaadidda iskaashiga jaamacadaha.

Kulankan wuxuu astaan u yahay dadaalka joogtada ah ee lagu xoojinayo wadajirka, isfahamka, iyo horumarinta waxbarashada sare. Wadajir, midnimo iyo iskaashi dhab ah ayaa ah furaha lagu gaari karo mustaqbal waxbarasho oo ifaya, bulsho caafimaad qabta, iyo horumar waara oo naga dhaxlan jiilalka soo socda.






Guddoomiyaha Midowga Ardayda Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda SIMAD ee  SIMAD University Health Student's Association-S...
01/02/2026

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda SIMAD ee SIMAD University Health Student's Association-SUHSA ayaa ka qeyb gashay Barnaamijka Xeernidaamiyaha xuquuqda bukaanka iyo shaqaalaha caafimaadka JFS, xeer Ra’iisul Wasaare Lr. 139 oo ku taariikheysan 05/10/2023.

Barnaamijkaan ayaa qeyb ka ah maadada Anshaxa iyo Xirfadda Shaqaalaha Caafimaadka, oo semester-kan ardayda caafimaadka u dhigaya Dr-Najib Isse Dirie

Diktoorka ayaa la wadaagay ardayda Kulliyadda Caafimaadka barashada xeerka cusub ee xeernidaamiyaha xuquuqda bukaanka iyo shaqaalaha caafimaadka JFS, xeer Ra’iisul Wasaare Lr. 139 oo ku taariikheysan 05/10/2023. Barnaamijkan waxaa ka faa’iideystay ardayda MDC12 ee Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda SIMAD.

Guddoomisadq SUHSA ayaa halkaas ka jeedisay qudbad ay ku bogaadinaysay ardayda ka qeyb-gashay Barnaamijka, iyada oo ku dhiirrigelisay in ay fahmaan xeerarkan isla markaana ku dhaqmaan marka ay noqdaan shaqaale caafimaad oo u adeegaya bulshada,

si lamid ah Madaxweynaha Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi. , Mudane Omar Abdullahi Abdi ayaa isna ka qeyb galay kulanka.

Ugu dambeyn, Guddoomisada SUHSA ayaa u mahadcelisay Dr. Najiib Isse Dirie oo fududeeyay tababarka, iyo Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD (XAJSi) oo ka qeyb qaadatay qaban-qaabada tababarkan.





📢 SEMINAAR MUHIIM AHSIMAD University Health Student's Association-SUHSA    waxay idiin soo bandhigaysaa Seminar aqoon, k...
08/01/2026

📢 SEMINAAR MUHIIM AH

SIMAD University Health Student's Association-SUHSA
waxay idiin soo bandhigaysaa Seminar aqoon, karti iyo kalsooni dhisaya oo ku saabsan:

🎤 *Public Speaking & Presentation Skills*

🗣 “Hadal wanaagsan waa furaha qalbiyada, halka hadal la’aani ay xirto fursadaha.”
Qofka yaqaan sida loo hadlo, wuxuu yaqaan sida loo hoggaamiyo.”Seminarkan wuxuu kaa caawinayaa inaad ka gudubto cabsi, kana dhigto codkaaga mid saameyn leh.

Ma rabtaa inaad noqoto qof si kalsooni leh u hadla oo saameyn reeba?
Ha lumin fursaddan dahabiga ah ee kaa caawinaysa kobcinta xirfadahaaga hadalka iyo soo-bandhigista

👥 Ka-qaybgal:
Seminarku waa mid u furan qof walba oo aaminsan in horumarka nafta uu ka bilaabmo kalsooni iyo aqoon.

📌 FAAHFAAHINTA SEMINARKA

🗓 Taariikh: 10 January, 2026
⏰ Waqti: 1:00 PM
📍Goob: SIMAD University – Main Campus

📜 Shahaado:
💵 Qiimaha shahaadada: $2
📞 La xiriir:
• 612291356
• 615892445





's


Maanta waxaan si rasmi ah Noogo qabsoomay shirkii ugu horreeyay ee Golaha Fulinta ee  SIMAD University Health Student's ...
31/12/2025

Maanta waxaan si rasmi ah Noogo qabsoomay shirkii ugu horreeyay ee Golaha Fulinta ee SIMAD University Health Student's Association-SUHSA ,kaas oo aan si qoto dheer uga wada hadalnay ajandaha sanadlaha ah iyo hawlaha mudnaanta u leh ee aan qorsheynay in aan sanadkan hirgelinno.

Kulankan waxaa si faahfaahsan diiradda loogu saaray
[ ✅️ ] dejinta mudnaanta ururka,
[ ✅️] xoojinta hab-maamul wanaagga,
[ ✅️] hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo kor u qaadaya doorka iyo horumarka ardayda caafimaadka iyo
[ ✅️] sidi aanu ugu diyaar garowi lahen isbuca dhaqanka ( culture week).

Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in wada-shaqeyn dhow, isla-xisaabtan iyo hoggaan hufan ay saldhig u noqdaan fulinta qorshayaasha la dejiyay.

Waxaan si gaar ah u bogaadineyaa xubnaha Golaha Fulinta SUHSA ka-go’naanta, edaabta shaqo iyo masuuliyadda ay muujiyeen inta uu socday kulanka. Hoggaanka SUHSA waxaa ka go’an in uu u adeego ardayda si daahfuran, cadaalad ku dhisan, isla markaana ku saleeya go’aannada danta guud.

Ugu dambayn, waxaan adkeynayaa in shirkan uu yahay bilow rasmi ah oo muujinaya jihada horumarineed ee SUHSA, isla markaana aan ka rajeynayno natiijooyin muuqda iyo guulo waara inta uu socdo sanadkan.

— Guddoomiyaha SUHSA (NuurtO)





31/12/2025

Waxaa si guul leh inoogu qabsoomay Barnaamij Tababar ah oo cinwaankiisu ahaa “First Aid and Emergency Care for Cabin Crew” kaas oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Home of Health Services SIMAD University Health Student's Association-SUHSA Civil Aviation student's Association

Barnaamijkan ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ka qaybgalayaasha ee la xiriira daryeelka degdegga ah iyo u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee dhulka iyo hawada.

Seminarka ayaa socday muddo sedex maalmood ah, waxaana lagu bixiyay casharro iyo tababaro xirfadeed oo wax ku ool ah. Ka qaybgalayaasha ayaa helay shahaadooyin rasmi ah, taas oo muujinaysa dhammaystirka tababarka iyo ka faa’iideysiga aqoonta la bixiyay inta uu socday barnaamijku.

Waxaa si rasmi ah barnaamijka usoo xiray Guddoomiyaha Home of Health service ahna Madaxweynaha Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi. Mudane Omar Abdullahi Abdi , kaas oo khudbad dhiirrigelin iyo bogaadin ah u jeediyay qabanqaabiyeyaasha, tababarayaasha, iyo dhammaan ka qaybgalayaasha. Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay in ardayda iyo dhalinyaradu helaan tababaro noocan oo kale ah oo wax ku ool ah, kuwaas oo kor u qaadaya badbaadada bulshadeena.











Waxaa si guul leh inoogu qabsoomay Barnaamij Tababar ah oo cinwaankiisu ahaa “First Aid and Emergency Care for Cabin Cre...
30/12/2025

Waxaa si guul leh inoogu qabsoomay Barnaamij Tababar ah oo cinwaankiisu ahaa “First Aid and Emergency Care for Cabin Crew” kaas oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Home of Health Services SIMAD University Health Student's Association-SUHSA Civil Aviation student's Association.

Barnaamijkan ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ka qaybgalayaasha ee la xiriira daryeelka degdegga ah iyo u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee dhulka iyo hawada.

Seminarka ayaa socday muddo sedex maalmood ah, waxaana lagu bixiyay casharro iyo tababaro xirfadeed oo wax ku ool ah. Ka qaybgalayaasha ayaa helay shahaadooyin rasmi ah, taas oo muujinaysa dhammaystirka tababarka iyo ka faa’iideysiga aqoonta la bixiyay inta uu socday barnaamijku.

Waxaa si rasmi ah barnaamijka usoo xiray Guddoomiyaha Home of Health service ahna Madaxweynaha Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi. Mudane Omar Abdullahi Abdi , kaas oo khudbad dhiirrigelin iyo bogaadin ah u jeediyay qabanqaabiyeyaasha, tababarayaasha, iyo dhammaan ka qaybgalayaasha. Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay in ardayda iyo dhalinyaradu helaan tababaro noocan oo kale ah oo wax ku ool ah, kuwaas oo kor u qaadaya badbaadada bulshadeena.











29/12/2025

Madaxweynaha Dooran ee xukuumada ardayda jaamacadda SIMAD (XAJSi) ahna gudoomiyaha ururka caafimaadka home of health services mudane Omar Abdullahi Abdi ayaa qeybka ahaa seminarka ciwaankiisu ahaa first aid and emergency care for cabin crew oo socday mudo 3 maalmood ah kaas oo ay soo wada agaasimeen home of health services,SIMAD university health students association iyo civil aviation students association.

Madaxweynaha ayaa ka jeediyay qodbad uu kula dar daarmayo kuna dhiirigalinayo kasoo qeybgalayaashii seminarkan sidookale wuxuu umahadceliyay qaban qaabiyaashii iyo tababarayaashii seminarkan.

Ugudambeyntii madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimada ay uleedahay xirfadan guud ahaan bulshadeena.











Maalintii 2aad ee seminarka first aid and emergency care for cabin crew wexee eheed maalin practical dhameystiran sidook...
29/12/2025

Maalintii 2aad ee seminarka first aid and emergency care for cabin crew wexee eheed maalin practical dhameystiran sidookale wax badan oo muhiim ahna lagu baray ardayddii kasoo qeybgashay.

Waxaan umahadcelineynaa dhaqaatiirtii sharafta badneed ee sida quruxda badan noogu soo jediyay sidookale waxaan umahadcelinaynaa cidwalbo nagala shaqeysay sidii uu noogu qabsoomi lahaa barnaamijkan quruxda badan.










Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SIMAD University Health Student's Association-SUHSA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram