SIMAD University Health Student's Association-SUHSA

SIMAD University Health Student's Association-SUHSA SIMAD University Health Student's Association-SUHSA

Maanta waxaan si rasmi ah Noogo qabsoomay shirkii ugu horreeyay ee Golaha Fulinta ee  SIMAD University Health Student's ...
31/12/2025

Maanta waxaan si rasmi ah Noogo qabsoomay shirkii ugu horreeyay ee Golaha Fulinta ee SIMAD University Health Student's Association-SUHSA ,kaas oo aan si qoto dheer uga wada hadalnay ajandaha sanadlaha ah iyo hawlaha mudnaanta u leh ee aan qorsheynay in aan sanadkan hirgelinno.

Kulankan waxaa si faahfaahsan diiradda loogu saaray
[ ✅️ ] dejinta mudnaanta ururka,
[ ✅️] xoojinta hab-maamul wanaagga,
[ ✅️] hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo kor u qaadaya doorka iyo horumarka ardayda caafimaadka iyo
[ ✅️] sidi aanu ugu diyaar garowi lahen isbuca dhaqanka ( culture week).

Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in wada-shaqeyn dhow, isla-xisaabtan iyo hoggaan hufan ay saldhig u noqdaan fulinta qorshayaasha la dejiyay.

Waxaan si gaar ah u bogaadineyaa xubnaha Golaha Fulinta SUHSA ka-go’naanta, edaabta shaqo iyo masuuliyadda ay muujiyeen inta uu socday kulanka. Hoggaanka SUHSA waxaa ka go’an in uu u adeego ardayda si daahfuran, cadaalad ku dhisan, isla markaana ku saleeya go’aannada danta guud.

Ugu dambayn, waxaan adkeynayaa in shirkan uu yahay bilow rasmi ah oo muujinaya jihada horumarineed ee SUHSA, isla markaana aan ka rajeynayno natiijooyin muuqda iyo guulo waara inta uu socdo sanadkan.

— Guddoomiyaha SUHSA (NuurtO)





31/12/2025

Waxaa si guul leh inoogu qabsoomay Barnaamij Tababar ah oo cinwaankiisu ahaa “First Aid and Emergency Care for Cabin Crew” kaas oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Home of Health Services SIMAD University Health Student's Association-SUHSA Civil Aviation student's Association

Barnaamijkan ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ka qaybgalayaasha ee la xiriira daryeelka degdegga ah iyo u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee dhulka iyo hawada.

Seminarka ayaa socday muddo sedex maalmood ah, waxaana lagu bixiyay casharro iyo tababaro xirfadeed oo wax ku ool ah. Ka qaybgalayaasha ayaa helay shahaadooyin rasmi ah, taas oo muujinaysa dhammaystirka tababarka iyo ka faa’iideysiga aqoonta la bixiyay inta uu socday barnaamijku.

Waxaa si rasmi ah barnaamijka usoo xiray Guddoomiyaha Home of Health service ahna Madaxweynaha Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi. Mudane Omar Abdullahi Abdi , kaas oo khudbad dhiirrigelin iyo bogaadin ah u jeediyay qabanqaabiyeyaasha, tababarayaasha, iyo dhammaan ka qaybgalayaasha. Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay in ardayda iyo dhalinyaradu helaan tababaro noocan oo kale ah oo wax ku ool ah, kuwaas oo kor u qaadaya badbaadada bulshadeena.











Waxaa si guul leh inoogu qabsoomay Barnaamij Tababar ah oo cinwaankiisu ahaa “First Aid and Emergency Care for Cabin Cre...
30/12/2025

Waxaa si guul leh inoogu qabsoomay Barnaamij Tababar ah oo cinwaankiisu ahaa “First Aid and Emergency Care for Cabin Crew” kaas oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Home of Health Services SIMAD University Health Student's Association-SUHSA Civil Aviation student's Association.

Barnaamijkan ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ka qaybgalayaasha ee la xiriira daryeelka degdegga ah iyo u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee dhulka iyo hawada.

Seminarka ayaa socday muddo sedex maalmood ah, waxaana lagu bixiyay casharro iyo tababaro xirfadeed oo wax ku ool ah. Ka qaybgalayaasha ayaa helay shahaadooyin rasmi ah, taas oo muujinaysa dhammaystirka tababarka iyo ka faa’iideysiga aqoonta la bixiyay inta uu socday barnaamijku.

Waxaa si rasmi ah barnaamijka usoo xiray Guddoomiyaha Home of Health service ahna Madaxweynaha Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi. Mudane Omar Abdullahi Abdi , kaas oo khudbad dhiirrigelin iyo bogaadin ah u jeediyay qabanqaabiyeyaasha, tababarayaasha, iyo dhammaan ka qaybgalayaasha. Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay in ardayda iyo dhalinyaradu helaan tababaro noocan oo kale ah oo wax ku ool ah, kuwaas oo kor u qaadaya badbaadada bulshadeena.











29/12/2025

Madaxweynaha Dooran ee xukuumada ardayda jaamacadda SIMAD (XAJSi) ahna gudoomiyaha ururka caafimaadka home of health services mudane Omar Abdullahi Abdi ayaa qeybka ahaa seminarka ciwaankiisu ahaa first aid and emergency care for cabin crew oo socday mudo 3 maalmood ah kaas oo ay soo wada agaasimeen home of health services,SIMAD university health students association iyo civil aviation students association.

Madaxweynaha ayaa ka jeediyay qodbad uu kula dar daarmayo kuna dhiirigalinayo kasoo qeybgalayaashii seminarkan sidookale wuxuu umahadceliyay qaban qaabiyaashii iyo tababarayaashii seminarkan.

Ugudambeyntii madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimada ay uleedahay xirfadan guud ahaan bulshadeena.











Maalintii 2aad ee seminarka first aid and emergency care for cabin crew wexee eheed maalin practical dhameystiran sidook...
29/12/2025

Maalintii 2aad ee seminarka first aid and emergency care for cabin crew wexee eheed maalin practical dhameystiran sidookale wax badan oo muhiim ahna lagu baray ardayddii kasoo qeybgashay.

Waxaan umahadcelineynaa dhaqaatiirtii sharafta badneed ee sida quruxda badan noogu soo jediyay sidookale waxaan umahadcelinaynaa cidwalbo nagala shaqeysay sidii uu noogu qabsoomi lahaa barnaamijkan quruxda badan.










Gudoomiyaha ururka caafimaadka eeHome of Health Services ahna madaxeynaha dooran ee Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD ...
27/12/2025

Gudoomiyaha ururka caafimaadka ee
Home of Health Services ahna madaxeynaha dooran ee Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi. Mudane Omar Abdullahi Abdi ayaa galabta soo xiri doono seminarki muhiimka ahaa ee noosoo socday mudadii 2 maalin eheed ee first aid and emergency care for cabin crew oo ay soo wada agaasimeen home of health services, SUHSA iyo CASA.









25/12/2025

Maalintii 1aad ee seminarka first aid and emergency care for cabin crew wexee eheed maalin theory sidookale wax badan oo muhiim ahna lagu baray ardayddii kasoo qeybgashay practicalka wixii aan baranayne waa isla maalinta xigta insha Allah.

Ka faaideysi wacan👏

SUHSA MARWALIBA WAXEE HEELAN UTAHAY FURSAD SIINTA ARDAYDEEDA.









Dr Abdishakur  Mohamed Hassan waa mid kamid ah soo jeediyayaasha Seminarka muhiimka ah ee first aid and emergency care f...
24/12/2025

Dr Abdishakur Mohamed Hassan waa mid kamid ah soo jeediyayaasha Seminarka muhiimka ah ee first aid and emergency care for cabin crew kaasoo maalintiisii 2aad inoo socdo.

Maalintii 1aad ee seminarka first aid and emergency care for cabin crew wexee eheed maalin theory sidookale wax badan oo...
24/12/2025

Maalintii 1aad ee seminarka first aid and emergency care for cabin crew wexee eheed maalin theory sidookale wax badan oo muhiim ahna lagu baray ardayddii kasoo qeybgashay practicalka wixii aan baranayne waa isla maalinta xigta insha Allah.

Ka faaideysi wacan👏

SUHSA MARWALIBA WAXEE HEELAN UTAHAY FURSAD SIINTA ARDAYDEEDA.









Dr Abdinasir muhidin abdulle waa mid kamid ah soo jeediyayaasha Seminarka muhiimka ah ee first aid and emergency care ka...
22/12/2025

Dr Abdinasir muhidin abdulle waa mid kamid ah soo jeediyayaasha Seminarka muhiimka ah ee first aid and emergency care kaasoo maalinimada bari ah inoo bilaaban doono.

📌 OGEYSIIS MUHIIM AHWaxaa lagu wargelinayaa dhammaan ardayda in bari galab, saacadda 3:00 PM, uu si rasmi ah u furmi doo...
22/12/2025

📌 OGEYSIIS MUHIIM AH

Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan ardayda in bari galab, saacadda 3:00 PM, uu si rasmi ah u furmi doono Seminar ku saabsan Gargaarka Degdegga ah (First Aid), kaas oo socon doona mudo laba (2) maalmood ah.

Seminarkan muhiimka ah wuxuu ka dhici doonaa Isbitaalka Sumait (Dr.Sumait Hospital), waxaana loogu talagalay in ardayda lagu baro aqoon iyo xirfado la xiriira gargaarka degdegga ah,
kuwaas oo door weyn ka qaata badbaadinta nolosha iyo ka hortagga xaaladaha degdegga ah.

Inta uu socdo seminarka, ardaydu waxay heli doonaan tababar dhammaystiran, waxaana dhammaadka lagu guddoonsiin doonaa shahaado (Certificate) bilaash ah oo caddeyn u ah ka qaybgalka iyo aqoonta ay heleen.

Sidaa darteed, waxaa si xushmad leh loogu dhiirrigelinayaa dhammaan ardayda inay ka faa’iidaystaan fursaddan qiimaha leh, kana soo qaybgalaan seminarkan muhiimka u ah horumarinta aqoonta iyo badbaadinta bulshada.

📍 Goobta: Dr.Sumait Hospital
📆 Muddada: Laba (2) Maalmood
⏰ Saacadda: 3:00 PM
🎓 Shahaado: Bilaash







Mahadsanidiin.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SIMAD University Health Student's Association-SUHSA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram