Disability Inclusion Network Alliance -DINA Somalia.

Disability Inclusion Network Alliance -DINA Somalia. Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Disability Inclusion Network Alliance -DINA Somalia., Disability service, Mogadishu.

Daladda Dina waxay ka qaybgashay kulan ay soo qabanqaabisay Ururka Dhalinyarada Aragga Naafada ka ah, kaas oo loogu dabb...
05/01/2026

Daladda Dina waxay ka qaybgashay kulan ay soo qabanqaabisay Ururka Dhalinyarada Aragga Naafada ka ah, kaas oo loogu dabbaaldegayey Maalinta Caalamiga ah ee Braille (World Braille Day).

Kulankan waxa lagu muujiyey muhiimadda Braille u leeyahay helitaanka waxbarasho, xog iyo ka-qaybgal buuxa oo ay bulshada ku leeyihiin dadka aragga la’. Daladda Dina waxay mar walba garab taagan tahay dadaallada kor u qaadaya ka-mid-noqoshada iyo xuquuqda dadka naafada ah.




📘 Maalinta Caalamiga ah ee Braille – January 4Braille waa furaha aqoon, isgaarsiin, iyo ka-qaybgal buuxa oo bulsho ee da...
04/01/2026

📘 Maalinta Caalamiga ah ee Braille – January 4

Braille waa furaha aqoon, isgaarsiin, iyo ka-qaybgal buuxa oo bulsho ee dadka aragga la’.
DINA waxay u taagan tahay Access for All: Voice, Rights, Dignity.

👉 Braille ma aha raaxo — waa xaq aadanaha.

22/12/2025

Gudoomiyaha DINA, Mahad Abdullahi Mohamed, ayaa todobaadkan ka qayb qaatay Barnaamijka Codka Naafada ee TV-ga Gobolka Banaadir, halkaas oo laga hadlay fursadaha shaqo ee loo siman yahay iyo ka-qaybgalka dadka naafada ah.

Kartidaada ha xadidin, codkaaga sare u qaad, oo ka mid noqo kuwa mustaqbalka isbedelka ka qeyb qaata.

Human Rights Day.Qof walba wuxuu mudan yahay sharaf, xorriyad & ilaalin xuquuq.Aan ka wada shaqeyno in dunidu noqoto mee...
10/12/2025

Human Rights Day.

Qof walba wuxuu mudan yahay sharaf, xorriyad & ilaalin xuquuq.

Aan ka wada shaqeyno in dunidu noqoto meel qof walba xaqiisa lagu tixgeliyo.

Daladda DINA oo ka qayb ka ahyd Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka – 10 December 2025Muqdisho — Daladda DI...
10/12/2025

Daladda DINA oo ka qayb ka ahyd Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka – 10 December 2025

Muqdisho — Daladda DINA ayaa maanta si rasmi ah uga qaybgalay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, oo lagu qabtay Muqdisho, munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS.

Ka qaybgalka Daladda DINA wuxuu muujinayaa ka go’naanshaheeda ilaalinta xuquuqda aadanaha, gaar ahaan bulshada naafada iyo dadka la hayb-sooco.

Xuskan ayaa dabaal-degaya sanad-guuradii 77-aad ee Maalinta Xuquuqul Insaanka, isagoo xoojinaya horumarinta xuquuqda aadanaha, caddaaladda, iyo nabadda.

Dalladda DINA oo Ka Qayb-qaadatay Tababarka 10-ka Maalmood ee Hogaaminta iyo Maamul WanaaggaDalladda DINA, oo matasha dh...
10/12/2025

Dalladda DINA oo Ka Qayb-qaadatay Tababarka 10-ka Maalmood ee Hogaaminta iyo Maamul Wanaagga

Dalladda DINA, oo matasha dhalinyarada naafada ah, ayaa ka mid noqotay ka qaybgalayaasha tababarka 10-ka maalmood socday ee diiradda lagu saaray Hogaaminta, Maamul Wanaagga iyo Xalinta Khilaafaadka. Tababarkan waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Netherland’s Institute for Multiparty Democracy (NIMD).

Amal Abdullahi, oo ka mid ah golaha dhalinyarada qaranka soomaliyeed ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Dalladda DINA, ayaa si firfircoon uga qayb-gashay tababarka, iyadoo si mug leh u matashay aragtida iyo baahiyaha dhalinyarada naafada ah. Amal waxay xustay in tababarku u ahaa fursad qaali ah oo lagu kordhiyay aqoon iyo xirfado muhiim u ah hoggaaminta casriga ah iyo maareynta khilaafaadka si hufan.

Dalladda DINA waxay ammaan u jeedisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo NIMD dadaalka ay ugu jiraan in dhalinyarada oo dhan — oo ay ku jiraan kuwa naafada ahi — loo abuuro fursado siman, taas oo gacan ka geysanaysa horumarinta hoggaaminta waxtarka leh iyo maamulka wanaagsan ee dalka.

Maanta Dalladda DINA waxay qeyb ka aheyd xuska Maalinta Naafada Adduunka ee lagu qabtay hoteelka RA International magaal...
03/12/2025

Maanta Dalladda DINA waxay qeyb ka aheyd xuska Maalinta Naafada Adduunka ee lagu qabtay hoteelka RA International magaalada Muqdisho.
Munaasabadda waxaa soo qabanqaabiyay Hay’adda Naafada Qaranka oo kaashanaysa Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Xafladda waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan DFS, Safaaradda Ingiriiska, wakiillo UN ah iyo ururada naafada ee gobolka Banaadir.
DINA waxay u mahadcelinaysaa Hay’adda Naafada Qaranka iyo UNDP kaalintooda iyo dadaalkooda.

DINA waxay mar walba u taagan tahay:
“Access for All: Voice, Rights, Dignity.”

Maanta waa Maalinta Caalamiga ah ee Naafanimada, maalin aan dib ugu xasuusanno muhiimadda ay leedahay samaynta bulsho ay...
03/12/2025

Maanta waa Maalinta Caalamiga ah ee Naafanimada, maalin aan dib ugu xasuusanno muhiimadda ay leedahay samaynta bulsho ay ka jirto sinnaan, ka mid ahaansho, iyo mucaarad la’aan xuquuqaha dadka naafada ah.

DINA waxa ay mar walba u taagan tahay:

Access for All – in adeeg walba iyo fursad walba qof walba u furnaato

Voice – in codka dadka naafada ah la maqlo lana qadariyo

Rights & Dignity – in xuquuqdooda iyo karaamadooda la dhowro

Maanta waxaan xooga saareynaa baahida loo qabo in:

La helo adeegyo u dhigma baahidooda,

La furo fursadaha waxbarasho iyo shaqo,

La dhiso bulsho ka turjumaysa sinnaanta iyo ka mid ahaanshaha.

DINA waxay sii wadi doontaa iskaashiga, wacyigelinta iyo difaaca xuquuqda dadka naafada ah—si qof walba ugu noolaado nolol cod leh, xuquuq leh, karaamo leh.

Waa maalin aan u dabaaldegno awoodda, geesinnimada iyo waxqabadka dadka naafada ah.

DINA – Ka Qeybgalka Xiritaanka Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda SoomaaliyaDINA ayaa maanta ka qeyb gashay xiritaan...
23/11/2025

DINA – Ka Qeybgalka Xiritaanka Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliya

DINA ayaa maanta ka qeyb gashay xiritaanka Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliya, kaas oo muddo laba maalmood ka socday magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta garsoorka, daadejinta adeegga caddaaladda, iyo xoojinta sareynta sharciga ee dalkena.

DINA waxay mar walba u taagan tahay:

Ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah

La shaqeynta hay’adaha caddaaladda

Kobcinta ka qaybgalka bulshada iyo helitaanka adeegyo loo siman yahay

Waxaan bogaadinaynaa doorka hay’adaha dowladda iyo bahda caddaaladda oo wadajir uga shaqeynaya nidaam garsoor oo loo siman yahay, isla markaana ka jawaaba baahiyaha dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

DINA — Access for All: Voice, Rights, Dignity

Disability Inclusion Network Alliance (DINA)Taariikh: 23 November 2025DINA waxay maanta qayb ka ahayd daraasad muhiim ah...
23/11/2025

Disability Inclusion Network Alliance (DINA)
Taariikh: 23 November 2025

DINA waxay maanta qayb ka ahayd daraasad muhiim ah oo laga fuliyay magaalada Muqdisho, taas oo qayb ka ah “Situational Analysis on Disability Inclusion and Intersectionality in the Context of Climate Change in Somalia.”

Waxaana si gaar ah uga qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada naafada ah.

Daraasaddan oo ay iska kaashadeen Hayada naafada qaranka NDA iyo UNDP Somalia, waxaa diiradda lagu saaray:
• Sida isbeddelka cimiladu u saameeyo dadka naafada ah
• Baahiyaha iyo caqabadaha ay kala kulmaan xaaladaha cimilada
• Talooyinkooda ku saabsan sidii loo heli lahaa adeegyo, qorshe iyo siyaasad loo wada dhan yahay

Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan ka soo qaybgalayaasha kulanka Muqdisho iyo hay’adaha fududeeyay barnaamijkan.

Disability Inclusion Network Alliance (DINA)Taariikh: 22 November 2025DINA waxay si rasmi ah u xaqiijinaysaa in ay goob-...
22/11/2025

Disability Inclusion Network Alliance (DINA)
Taariikh: 22 November 2025

DINA waxay si rasmi ah u xaqiijinaysaa in ay goob-joog ka ahayd maalinta koowaad ee Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed 2025. Shirkan oo lagu falanqeeyay horumarinta garsoorka, isla xisaabtanka iyo xoojinta kalsoonida shacabka, waxa uu ahaa madal muhiim u ah wada-shaqaynta hay’adaha caddaaladda.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxaana ka soo qeyb galay madaxda heer federaal, dowlad-goboleed, iyo bahda caddaaladda.

— Dhammaad —

Dallada DINA waxa ay qeyb ka tahay Shirweynaha 1aad ee Bahda Cadaaladda Soomaaliya 2025, kaas oo Muqdisho ka bilaawday m...
22/11/2025

Dallada DINA waxa ay qeyb ka tahay Shirweynaha 1aad ee Bahda Cadaaladda Soomaaliya 2025, kaas oo Muqdisho ka bilaawday maanta, isla markaana sii socon doona berri.

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayo caddaalad loo dhan yahay, horumarinta nidaamka cadaaladda dalka, iyo sidii bulshada oo dhan ay u heli lahaayeen xuquuq siman.

Theme-ka shirka: Justice for All – Caddaalad loo dhan yahay
Goobta: Jazeera Hotel

DINA – Access for All: Voice, Rights, Dignity

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Friday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Disability Inclusion Network Alliance -DINA Somalia. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram