16/02/2026
Waxaa si guul leh u qabsoomay kulankii iyo daahfurkii rasmiga ahaa ee Xiriirka Ciyaaraha Dadka Aragga La’a (SBSF), kulan taariikhi ah oo muhiim u ah horumarinta ciyaaraha dadka naafada aragga ah.
DINA (Disability Inclusion Network Alliance) waxay kaalin mug leh ka qaadatay abaabulka, isku xirka daneeyayaasha, iyo dhiirigelinta ka mid noqoshada bulshada si loo xaqiijiyo in dadka aragga la’a ay helaan fursado siman oo dhinaca ciyaaraha ah.
DINA waxay markale muujisay hoggaan iyo ka go’naansho ku aaddan hirgelinta mabaadi’da ka mid noqoshada (Inclusion), sinnaanta, iyo horumarinta xuquuqda dadka naafada ah.
Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan hay’adihii iyo mas’uuliyiintii ka qeyb qaatay guusha kulankaan.
DINA – Codka Ka Mid Noqoshada.