03/12/2025
Maanta waxaannu si mug iyo miisaan leh u xusnay Maalinta Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah, taas oo sanadkan loo asteeyey hal-ku-dhigga caalamiga ah: “Fostering Disability-Inclusive Societies for Advancing Social Progress.”
Munaasabadda oo ka qabsoontay Hoteelka Peace ee magaalada Muqdisho waxa fududeeyay Hay’ada Humanity & Inclusion (HI), iyadoo maalgelin deeqsinimo leh ka helaysay deeq bixiyaha German Humanitarian Assistance, waxaana si wadajir ah u abaabulay ururrada ugu waaweyn ee u-dooda dadka naafada ah ee Soomaaliya: SODEN, DAF, SWDE, Mustaqbal Center For Special Need, iyo Hay’adda Qaranka ee Naafada (NDA).
Hal-ku-dhigga sanadkan wuxuu si mug leh u adkeeyey muhiimadda dhisidda bulsho ka-mid-noqoshadu tahay siyaasad loo diyaariyey si loo dhanyahay, ka-qaybgalka dadka naafada ahna uu noqdo mid dhab ah oo saameyn muuqata leh, horumarkuna uu ahaado mid ay bulshada oo dhami wada gaarto.
Intii lagu guda jiray xuska, codadka dadka naafada ah ayaa ahaa kuwa hoggaaminayey wadahadalka, iyagoo si xooggan noo xasuusiyey in horumar la isku halleyn karo aan la gaari karin inta qayb ka mid ah bulshada laga tagaayo. Codka naafada maanta waxay dib u iftiimisay in dhisidda bulsho Soomaaliyeed oo si buuxda oo wadajir ah ay tahay mid la gaari karo, isla markaana ay lama huraan tahay kobaca qaranka iyo caddaalad bulsheed oo waarta.
Waxaan u mahad celineynaa dhammaan bah-wadaagta, daneeyayaash, iyo Hay’adaha dadka naafada matala kuwaas oo dedaalkooda joogtada ah uu saldhig u yahay horumarinta iyo adkaynta dhaqdhaqaaqa ka-mid-noqosho ee dadka naafada ah.
Soomaaliya horay bay u soconaysaa marka la xaqiijiyo in qof walba uu helo fursad uu si kalsooni leh ugu tallaabsado horumar.
Si wadajir aya uwada dhisi karna mustaqbal cidkasta ay qeyb ka tahay.
Isticmaalka adeegyada loo dhanyahay waa karaamada aadanaha.
Aqoonsiga kala duwanaanshaha aadanaha waa muhiim ah.
Ka mid noqoshada qofkasta waa xaquuq aan laga tanaasuli karin.