Iimaan Hospital Qardho

Iimaan Hospital Qardho mudnaanteena koowaad waa bad'qabka bukaanka iyo buuxinta baahiya caafimadka ee gobolka.

waxa naga helaysaa adeeg cafimaad oo dhamaystiran ilaahay idankiis

emergency service for 24/7

06/11/2025


05/11/2025

DAAWO: Isbitaalka Iimaan ee magaalada Qardho ayaa soo kordhiyay adeegyo caafimaad oo casri ah, kuwaas oo u sahlaya bulshada in ay helaan daaweyn tayo leh iyo adeegyo caafimaad oo dhameystiran.

Haddii aad dareento calaamadahan, ha sugin! U soo dhowow Iimaan Hospital Qardho, halkaas oo dhakhaatiir khibrad leh ay k...
03/11/2025

Haddii aad dareento calaamadahan, ha sugin! U soo dhowow Iimaan Hospital Qardho, halkaas oo dhakhaatiir khibrad leh ay ku baarayaan si sax ah, laguna siiyo daawayn dhammeystiran oo ku habboon xaaladdaada.

Caafimaadkaagu waa mudnaanteena — ka warqab si aad u noolaato nolol caafimaad qabta!

📍Goobta: Wadada Layndheere, Qardho – Soomaaliya
📞 090-4040000 / 05833600

Caafimaadkaaga noo xil saar! ❤️ Ha fududeysan calaamadaha halista ah ee dhiig furanka maskaxda. Waxaan diyaar u nahay in...
01/11/2025

Caafimaadkaaga noo xil saar! ❤️ Ha fududeysan calaamadaha halista ah ee dhiig furanka maskaxda. Waxaan diyaar u nahay inaan kugu caawinno adeeg caafimaad oo dhameystiran, 24/7.

Isbitaalka Iimaan Qardho - Gacmo Naxariis leh, Tayo sare!
Nagu soo booqo wadada Layndheere, Qardho
ama wac 📞 090-4040000 | 05833600

Indhahaaga Qalalan (Dry Eyes) ha u ogolaan inay carqaladeeyaan nolol maalmeedkaaga. Iimaan Hospital Qardho wuxuu kuu hay...
30/10/2025

Indhahaaga Qalalan (Dry Eyes) ha u ogolaan inay carqaladeeyaan nolol maalmeedkaaga. Iimaan Hospital Qardho wuxuu kuu hayaa xalkii iyo talooyin caafimaad oo ku salaysan daryeelka indhaha.

Indhaha oo aad si joogto ah u daryeesho—oo ay ku jirto hurdo kugu filan, biyo cabis joogto ah, iyo ka fogaanshaha hawo toos ah—waxay fure u tahay aragti caafimaad qabta.

Soo booqo Iimaan Hospital oo la kulan dhakhtarka indhaha si aad u hesho baadhitaan dhamaystiran iyo daryeelka indhaha kugu habboon.

Adeeg Caafimaad oo Dhamaystiran ugu Kaalay Isbitaal Iimaan Qardho.

Wixii ballan qabsi ah ama faahfaahin dheeraad ah:
📞 090-4040000 | 05833600

Caruurtaada ma ku aragtaa Astaamahan? Daryeel Degdeg ah ayaa jira!Waalidnimadu waa mas'uuliyad, Iimaan Hospital Qardho-n...
28/10/2025

Caruurtaada ma ku aragtaa Astaamahan? Daryeel Degdeg ah ayaa jira!

Waalidnimadu waa mas'uuliyad, Iimaan Hospital Qardho-na wuxuu garabkaaga yahay mar walba. Astaamaha cudurada caruurta sida Qufaca, Neefsashada oo adag, Daalka ama Qandhada waxay u baahan yihiin in degdeg wax laga qabto.

Dhakhtarka Caruurta ee Isbitaalka Iimaan wuxuu kuu joogaa 24 Hours Service.

Wac: 090-4040000
Booqo: WADADA LAYNDHEERE QARDHO

Bukaan-socodkayagu waa mudnaantayada koowaad! 🥇Waxaan si hagar la'aan ah uga shaqeynaa sidii aan u hubin lahayn in dadka...
26/10/2025

Bukaan-socodkayagu waa mudnaantayada koowaad! 🥇

Waxaan si hagar la'aan ah uga shaqeynaa sidii aan u hubin lahayn in dadka deegaanka Qardho iyo nawaaxigeeda ay helaan daryeel caafimaad oo tayo leh mar walba oo ay u baahdaan.

⏰ 24 Saac Adeeg Caafimaad oo Dhamaystiran! Adeegyadeena oo dhan waxaad heli kartaa habeen iyo maalinba, si aan u daboolno baahiyaha caafimaad ee degdegga ah.

🚑 Adeegga Ambulace-ta! Haddii aad u baahato gaadiidka degdegga ah, waxaad heli kartaa adeegga Ambulace-ta ee Iimaan Hospital xilli walba oo aad u baahato. Waxaan diyaar u nahay inaan kugu gaarno goob kasta.

Nala Soo Xiriir:
📞 Taleefan: 090-4040000 ama 05833600
📍 Goobta: Wadada Layndheere, Qardho - Soomaaliya

Adeeg Caafimaad oo Dhamaystiran ugu Kaalay Isbitaal Iimaan Qardho.

Mudnaanteena koowaad waa bad-qabka bukaanka iyo buuxinta baahiyaha Gobolka
25/10/2025

Mudnaanteena koowaad waa bad-qabka bukaanka iyo buuxinta baahiyaha Gobolka

Biyuhu waa Nolosha! Ma ogtahay faa'iidooyinka biyaha ay u leeyihiin jidhkaaga? 💧Halkan ka ogow 6 faa'iido oo muhiim ah o...
23/10/2025

Biyuhu waa Nolosha! Ma ogtahay faa'iidooyinka biyaha ay u leeyihiin jidhkaaga? 💧

Halkan ka ogow 6 faa'iido oo muhiim ah oo biyo cabbista joogtada ahi u leedahay caafimaadkaaga:

🔹Waxay hagaajiyaan kilyaha: Ka hortagga cudurrada kilyaha iyo nadiifinta sunta.
🔹Waxay qoyaan maqaarka: Ka dhigida maqaarka mid dhalaalaya oo qoyan.
🔹Waxay xoojiyaan murqaha: Caawinta shaqada murqaha iyo ka hortagga daalka.
🔹Waxay hagaajiyaan dheef-shiidka: fududeynta habka dheef-shiidka iyo ka hortagga calool-istaagga.
🔹Waxay caawiyaan shaqada maskaxda: Kobcinta feejignaanta iyo xusuusta.
🔹Waxay caawiyaan kalagoysyada: Ilaalinta iyo subkeynta kalagoysyada.

Haddii aad u baahato adeeg caafimaad oo dhammaystiran, naga hel Iimaan Hospital Qardho.
✅ Adeeg Caafimaad oo Dhammaystiran: Waan kuu diyaarsannahay 24 saac.

📞 Nagu Soo Booqo ama Nagala Soo Xiriir:
Tel: 090-4040000 | 05833600
Goobta: Wadada Layndheere Qardho - Soomaaliya

Ilmahaaga Cunto Xumo Ma Haysaa? 😢Ha u ogolaan in dhibaatada cunto diidmadu ay saamayn ku yeelato korriinka ilmahaaga!Isb...
20/10/2025

Ilmahaaga Cunto Xumo Ma Haysaa? 😢
Ha u ogolaan in dhibaatada cunto diidmadu ay saamayn ku yeelato korriinka ilmahaaga!

Isbitaalka Iimaan Qardho waxa uu kuu hayaa xal dhammaystiran oo lagu daweeyo cunto xumada carruurta.

📞 Ballanso La-talin Hadda:
Wac: 090-4040000 ama 05833600
Goobta: Wadada Layndheere, Qardho.

Maqal Dhib Ma Ku Qabtaa? Ballan Qabso Baaritaan!👂🏼Maqalkaagu waa Furaha Nolosha! Ka Hortag Khatarta Maqal La'aanta.Miyay...
18/10/2025

Maqal Dhib Ma Ku Qabtaa? Ballan Qabso Baaritaan!
👂🏼Maqalkaagu waa Furaha Nolosha! Ka Hortag Khatarta Maqal La'aanta.
Miyay dhacdaa in dhawaaqu kugu adkaado? Ka hor tagga ayaa daawaynta ka roon!

Waa kuwan talooyin dahab ah:
✅ Iska ilaali Buuqa badan.
✅ Xiro qalabka ilaaliya dhagaha.
✅ Ka hubi dhakhtarka daawooyinka saameeya maqalka.
✅ Maqalkaaga HALA BAARO!

Iimaan Hospital Qardho waxaan diyaar u nahay inaan ku baarno, kaana daweyno dhibaatooyinka dhagaha iyo maqalka.

☎️ Soo Wac: 090-4040000 ama 05833600
📍 WADADA LAYNDHEERE QARDHO

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raaji’uun.Maamulka guud iyo dhammaan howl-wadeenada Isbitaalka Iimaan Qardho ayaa ka tacs...
16/10/2025

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raaji’uun.

Maamulka guud iyo dhammaan howl-wadeenada Isbitaalka Iimaan Qardho ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Allah ha u naxariistee Dr. Cabdirisaaq Xasan AwCabdi (Dr. Tubaako), oo maanta lagu aasay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Shaqaalaha caafimaadka iyo maamulka guud ee Isbitaalka Iimaan waxay tacsi gaar ah udirayaan Dr. Cabdiweli Xasan AwCabdi, oo kamid ah dhakhaatiirta ka howlgala xarunta caafimaadka Isbitaalka Iimaan ee degmada Qardho, iyo dhammaan ehelkii, qaraabadii, qoyskii, asxaabtii, dhakhaatiirta, iyo bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland, khaasatan bukaanadii ku xirnaa Dr. Tubaako. Ilaahay samir iyo iimaan buuxa ha idinka siiyo, iyo badal khayr qaba.

Marxuum Dr. Cabdirisaaq Xasan Awcabdi (Dr. Tubaako), Ilaahay su’aalaha ha u fududeeyo, qabrigana ha uga dhigo beer kamid ah beeraha Jannada, qabrigana Ilaahay ha u waasiyo.

Address

LINEDHEERE
Qardho
BR

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Iimaan Hospital Qardho posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category