Iimaan Hospital Qardho

Iimaan Hospital Qardho mudnaanteena koowaad waa bad'qabka bukaanka iyo buuxinta baahiya caafimadka ee gobolka.

waxa naga helaysaa adeeg cafimaad oo dhamaystiran ilaahay idankiis

emergency service for 24/7

30/04/2026

Cusbitaalka Iimaan Qardho

Waxaa lagu soo kordhiyay adeegyo caafimaad oo muhiim ah si loo xoojiyo tayada daryeelka iyo fududeynta helitaanka adeegyada bulshada.

TACSI TIIRAANYO LEH Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi RaajicuunMaamulka, Dhaqaatiirta, Kalkaaliyeyaasha iyo dhammaan Shaqaa...
29/04/2026

TACSI TIIRAANYO LEH

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Maamulka, Dhaqaatiirta, Kalkaaliyeyaasha iyo dhammaan Shaqaalaha Iimaan Hospital Qardho waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Dr. Cabdweli X. Aw-Cabdi oo hooyadiis, Marxuumad Hodan Muuse Yuusuf, ay ku geeriyootay magaalada Qardho.

Sidoo kale, waxaan tacsi taas la mid ah u diraynaa dhammaan ehelka, qoyska iyo reer Aw-Cabdi ee ay ka baxday marxuumadu.

Alle ha u naxariisto Marxuumada, qabrigeedana ha u waasiciyo, Jannatul Fardowsana ha ka waraabiyo. Samir iyo iimaan ha ka siiyo dhammaan qoyskeeda iyo ehelada.
Aamiin

26/04/2026

: Bukaan ka jabay Lugta oo uu awr ku durduriyey oo ka warbixinaaya qaabkii loogu kabay looguna daaweeyey iimaan hospital Qardho qaybta lafaha iyo qaliimadooda uuna kabay Dr damalesh oo ah dhakhtar ku takhasusay lafaha iyo qaliimadooda.

Bukaankani waa 18 jir,  xilli habeen bar  ah ayaa la keenay Iimaan hospitaal Waxa uu dhaawac kasoo gaaray tooray taaso k...
24/04/2026

Bukaankani waa 18 jir, xilli habeen bar ah ayaa la keenay Iimaan hospitaal Waxa uu dhaawac kasoo gaaray tooray taaso ka haleeshay dhanka bidix ee feeraha gaar ahaan halka ka hoosaysa lafta kal'xanta(clavicle bone)

sidoo kale waxay jabisay feerta koowaad ee lafaha ku dahaaran saablayda iyada oo usii gudubtay sanbabka bidix oo ay duleelisay,waxa ay jartay murqaha qaarkood iyo xididda muhiim ah taaso keentay dhiig bax aan sahlanayn.
dherar ahaan dhaawucu waxa uu gaarsiisnaa 7-sintimitir oo hoos ah iyo 4-sintimitir oo ballac ah.

bahda iimaan hospital oo marwalba u taagan badbaadinta bulshada ayaa daryeel caafimad oo degdeg ah uga jawaabtay Dhacdadaan.

bukaankana waxa loo sameeyay qalliin deg deg ah oo uu fuliyay dhaqtarka qallimada guud .
hadda bukaanku aad buu u wanaagsanyahay waxaan u rajaynaynaa soo kabasha dhaw iyo caafimaad taam ah.

Jimco WanaagsanIimaan Hospital Qardho wuxuu idiin rajaynayaa Jimco barakaysan.Alle ha aqbalo ducadiinna, caafimaadna ha ...
24/04/2026

Jimco Wanaagsan

Iimaan Hospital Qardho wuxuu idiin rajaynayaa Jimco barakaysan.
Alle ha aqbalo ducadiinna, caafimaadna ha idin siiyo.

๐Ÿ“ž 090-4040000 | 05833600
๐Ÿ“ Qardho, Soomaaliya

OGEYSIIS DEG-DEG AH Waxaa Iimaan Hospital Qardho si deg-deg ah looga baahan yahay dhiig noociisu yahay B+.Fadlan, haddii...
23/04/2026

OGEYSIIS DEG-DEG AH

Waxaa Iimaan Hospital Qardho si deg-deg ah looga baahan yahay dhiig noociisu yahay B+.

Fadlan, haddii nooca dhiiggaagu yahay B+, ka qayb qaado badbaadinta nolosha bukaanka adigoo la xiriiraya waaxda shaybaarka cisbitaalka.

๐Ÿ“ž Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
0907617039
0906432726
0907518229

โ€œูˆูŽู…ูŽู†ู’ ุฃูŽุญู’ูŠูŽุงู‡ูŽุง ููŽูƒูŽุฃูŽู†ู‘ูŽู…ูŽุง ุฃูŽุญู’ูŠูŽุง ุงู„ู†ู‘ูŽุงุณูŽ ุฌูŽู…ููŠุนู‹ุงโ€

(Qofkii naf badbaadiya, wuxuu la mid yahay inuu badbaadiyay dadka oo dhan)
Alla Mahadle.

Training week. Waxaa tabobar loo qabtay Shaqaalaha ka hawlgala Iimaan Hospital Qardho. Tabobarka waxaa qabanaayey Dr Suh...
23/04/2026

Training week.
Waxaa tabobar loo qabtay Shaqaalaha ka hawlgala Iimaan Hospital Qardho.
Tabobarka waxaa qabanaayey Dr Suhayb Cismaan Maxamud oo kamid ah dhakhaatiirta ka hawlgasha cusbitaalka.

Maamulka Iimaan Hospital Qardho ayaa Si joogto ah tabobaro ugu qabta Shaqalaha xarumaha kala duwan ee Cusbitaalka iyada oo looga gol leeyahay kor u qaadida tayada aqoonta Shaqaalaha sido kale hagaajinta Adeegga Caafimaadka ee ay bixiyaan xarumaha Cusbitaalka.

Alla Mahadleh.

WAR-GELIN MUHIIM AHIsbitaalka Iimaan Hospital Qardho wuxuu bulshada la wadaagayaa in berri, Khamiista 23-ka April 2026 u...
22/04/2026

WAR-GELIN MUHIIM AH

Isbitaalka Iimaan Hospital Qardho wuxuu bulshada la wadaagayaa in berri, Khamiista 23-ka April 2026 uu si rasmi ah uga howl bilaabanayo:

Dhakhtarka Wadnaha
Dr. Cabdiweli X. Aw-Cabdi

Dhakhtarku waa khabiir leh aqoon iyo waayo-aragnimo sare, kuna takhasusay daaweynta cudurrada wadnaha.

Ka faaโ€™iidayso adeegyo caafimaad oo casri ah oo lagu bixiyo gudaha isbitaalka.

๐Ÿ“ž Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
090-4040000 / 05833600
๐Ÿ“ Goobta: Waddada Layndheere, Qardho โ€“ Soomaaliya

Sawirro: Waxaa Sharaf weyn noo ah in aan maamusno oo Qado sharaf  usameeyno dhalinyaradii socodka lugta ah ku maraysay d...
21/04/2026

Sawirro: Waxaa Sharaf weyn noo ah in aan maamusno oo Qado sharaf usameeyno dhalinyaradii socodka lugta ah ku maraysay deegaanada Puntland.

21/04/2026

Waxaa Sharaf weyn noo ah in aan maamusno oo Qado sharaf usameeyno dhalinyaradii socodka lugta ah ku maraysay deegaanada Puntland.

Sawiro: Waxaanu maanta Cusbitaalka iimaan ku soo dhoweyney dhalinyaradii socodka lugta ah ku maraysay deegaanada puntlan...
21/04/2026

Sawiro: Waxaanu maanta Cusbitaalka iimaan ku soo dhoweyney dhalinyaradii socodka lugta ah ku maraysay deegaanada puntland oo joogta magaalada Qardho.

21/04/2026

Waxaanu maanta Cusbitaalka iimaan ku soo dhoweyney dhalinyaradii socodka lugta ah ku maraysay deegaanada puntland oo joogta magaalada Qardho.

Address

LINEDHEERE
Qardho
BR

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Iimaan Hospital Qardho posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category