15/12/2025
Maadaama ay wajahaan caruurtu xaalad Nafaqadarro xiliyada abaaruhu jiraan waxaa Waaxda Quudinta Caruurta ee Cisbitaalka Guud ee Qardho kugu diyaar ah adeeg caafimaad oo dhamaystiran bilaashna(free) ah oo lagu daryeelayo caruurtaas.
Adeegyada bilaashka( Free) ah waxa kamid ah:
1. Waraysi dhakhtar xili kasta oo la keeno ilmaha.
2. shaybaaridda ilamaha dhiigisa, saxaradiisa iyo kadidisa.
3. Cabirka dhererka iyo miisaanka ilmaha.
4. Dawaynta ilmaha iyo siinta dawooyinka loogu talagalay.
5. Quudinta ilamaha iyadoo la siinayo cunto iyo caano loogu talagalay.
6. Quudinta Hooyada la socota ilmaha.
7. Daryeelka ilmaha guud ahaan mudada uu ku jiro cisbitaalka.
Hadaba, nafaqada darada caruurta waa wax laga hortagi karo, lagana dabatagi karo oo la dawayn karo waliba badata xiliyada abaaraha ee an wajahayno xiligan.
Fadlan, horay u gaar Cisbitaalka Guud ee Qardho.
Alla Mahadle.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland
Save the Children in Somalia