14/04/2026
Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho, madaxqaybeedyada waaxaha kala duwan ee Cisbitaaalka,iyo Dhakhaatiirta ka howlgasha qaybaha kala duwan ee Cisbitaalka ayaa u qabtay kulan sagootin ah Dr Ahmed Weli Mukhtar oo kamid ahaa Dhakhaatiirta ka hawlgasha qaybta gargaarka degdegga ah ee Cisbitaalka, oo u baxaya Takhasus iyo aqoon kororsi dalka dibadiisa ah. Maamulka Cisbitaalka ayaa Dr Ahmed uga Mahadceliyey mudadii uu ka shaqaynayay Cisbitaalka sida kartida hufananta leh ee ugu adeegay Bulshada.
Bahda Cisbitaalka Guud ee Qardho waxay Guul u rajaynayaa Dr Ahmed Weli iyo inuu Alle u fududeeyo Safarkiisa Waxbarasho.
Alla Mahadle