Dr. Abshir Biixi

Dr. Abshir Biixi Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr. Abshir Biixi, Cardiologist, Kampala.
(1)

MBChB | MMed-IMed | MSc Cardiology
Physician-Cardiologist and Clinical Researcher committed to improving cardiovascular health through evidence-based treatment, education, and research.

02/02/2026

Maxaa la gudboon dadka la nool xanuunno raaga, gaar ahaan xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada, ee doonaya inay soomaan bisha barakaysan ee Ramadan?

15/11/2025

XANUUNKA HALISTA AH EE KA DILAACAY DALKA ITOOBIYA (EITHOPIA)

Dowladda Itoobiya waxay caddeysay in dalkooda uu ka dilaacay xanuunka dilaaga ah ee keena qandhada iyo dhiig-baxa daran, oo loo yaqaan Marburg Virus Disease (Africa CDC, 14/11/2025).

Xanuunkan wuxuu ka tirsan yahay koox xanuunno ah oo loogu yeero Filoviridae (sida Ebola iyo Marburg), kuwaas oo h**e uga dilaacay dalal ay ka mid yihiin Congo iyo Uganda.

CALAAMADAHA
Xanuunku wuxuu ku bilaabmaa qandho, jidh-xanuun, madax-xanuun, calool-xanuun, matag iyo shuban. Waxa uu u gudbaa dhiig-bax daran oo heerar kala duwan mara.

SIDA UU KU FAAFO DADKA DHEXDOODA
Xanuunkan waxaa laga qaadaa marka uu qof caafimaad qaba taabto dareerayaasha qof qaba xanuunka, sida dhiigga, candhuufta, kaadida, saxarada ama dheecaannada kale ee jirka.

DAAWAYNTA
Ilaa hadda ma jirto daawo gaar ah oo lagu daweeyo Xanuunkan. Daawaynta la sameeyo waa mid lagu yareeyo calaamadaha iyo daryeelka guud ee bukaanka.

KHATARTA
Xanuunkan wuxuu leeyahay halis dhimasho oo u dhexaysa 23% ilaa 90%, iyadoo ku xiran xaalado dhawr ah.

TALO BIXIN
1. Baaji safarrada aan muhiimka ahayn ee Itoobiya.
2. Haddii aad Itoobiya joogto, yaree tagista meelaha dadka ku badan yihiin, kuna dadaal nadaafadda joogtada ah.
3. Dowladaha deriska la ahna waxaa la gudboon inay si buuxda uga feejignaadaan xanuunkan halista ah, ayna xoojiyaan tallaabooyinka kahortagga.

The Association of Physicians of Uganda Annual Scientific Conference. I had the honor of presenting a poster on a rare c...
24/10/2025

The Association of Physicians of Uganda Annual Scientific Conference. I had the honor of presenting a poster on a rare case of ischemic stroke. Grateful to the entire team whose contributions made this work possible.

, Gambia — Attending the Africa–Asia Luminary 2025 on Cardiovascular Diseases and Emerging Trends in Non-Communicable Di...
14/10/2025

, Gambia — Attending the Africa–Asia Luminary 2025 on Cardiovascular Diseases and Emerging Trends in Non-Communicable Diseases.

28/07/2025

Maalinta Cagaarshowga (World Hepatitis Day) - 28/07/2025 Saacad kasta, in ka badan 150 qof ayaa u dhinta xanuunka cagaarshowga guud ahaan dunida.





Being a mentor to doctors in training is truly rewarding. Mentoring is not just a responsibility, it is one of my greate...
28/06/2025

Being a mentor to doctors in training is truly rewarding. Mentoring is not just a responsibility, it is one of my greatest passions.

SOONKA MAALINTA CARAFO Soonka maalinta Carafo, oo ah maalinta 9-aad ee bisha Dul-Xijjah, waa camal aad u weyn oo ay diin...
04/06/2025

SOONKA MAALINTA CARAFO

Soonka maalinta Carafo, oo ah maalinta 9-aad ee bisha Dul-Xijjah, waa camal aad u weyn oo ay diinta Islaamku dhiirrigelisay. Waa maalin qofkii sooma loo dambi dhaafo sanadkii tagay iyo kan soo socda.

SOONKA IYO FAA’IIDOYINKA CAAFIMAAD EE WADNAHA IYO XIDIDADA

Xanuunada wadnaha iyo xididdada ku dhaca, sida wadne istaagga (heart attack), faaligga (stroke), dhiig karka (high blood pressure), iyo wadne xanuunka, waa kuwo adduunka kusoo badanaya oo sababa naafoobid iyo dhimasho badan.

Soonku, ka sokow ajarka iyo xasanaadka laga helayo, waxa uu ka mid yahay waxyaabaha ka qayb qaata yaraynta dufanka dhiigga (cholesterol), cadaadiska dhiigga (high blood pressure), sonkorta, iyo caabuqa (inflammation). Xanuunadan oo dhamaantood kordhiya cudurrada wadnaha iyo xididdada ku dhaca.

Fiiro Gaar ah: Dadka la nool xanuunada sida macaanka ama cudurrada wadnaha, gaar ahaan kuwa daawooyin qaata, waxaa muhiim ah in ay la tashadaan dhakhtar ka hor inta aysan soomin.

Address

Kampala

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Abshir Biixi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Share on Facebook Share on Twitter Share on LinkedIn
Share on Pinterest Share on Reddit Share via Email
Share on WhatsApp Share on Instagram Share on Telegram

Category